Qarnigii 
	21aad haddiise qabiil ama gobol dawlad loo aqoonsan karo, waxaa Africa ka 
	soo bixi lahaa in ka badan 2000 Dawladood. Beesha Ciise waxay shirwayne ku 
	qabsadeen Zaylac April, 1961. Shirwaynahaas waxaa ka soo qayb galay aqoon 
	yahankii iyo odayaashii beesha Isse, kana kala yimid French Somaliland, 
	Ethiopia Somaliland iyo Republic of Somalila. Waxay ku dadaaleen in ay 
	dhisaan “Republic of Isseland”, waxayna 
	go’aan ku gaareen in ay adag tahay sameeynta Dawlad qabiil keliya ahi.
	 
	 
	
	SNM: Waxaa lagu dhisay shirwaynahii lagu 
	qabtay April 6, 1981 London, UK, Shirkaas Qabaailka Waqooyi la dega laguma 
	soo marti qaadin. Xubnihii yimid ee uu ka mid ahaa Garaad Ali Garaad Jaamac 
	waa loo diidey. Sanadkii 1985 waxaa shirkii SNM yimid Cali Wardhiigley oo ka 
	tirsanaa xubnaha mucaaradkii dawladda ee deegaanka Muqdisho, SNM waxay u 
	sheegtay  Cali Wardhiigley in uusan ka qayb gelayn shirkooda.
	 
	May 18, 1991 
	waxay SNM Burco kaga dhawaaqday in ay dhiseen “Republic 
	of Somaliland”, waxayna fursand heleen 14 sano, oo ay meel walba 
	soo taabteen, ilaa haddana ma hayaan wax aqoonsi, waa maxay sababtu? Sababtu 
	waxat tahay:
	 
	
	1.      
	
					Bilawgii waxay 
	aduunka u sheegeen in ay yihiin hal Reer (Isaaq), oo dega Togdheer iyo 
	Waqooye Galbeed, waxayna la baxeen SNM. Cidina ma aqoonsan.
	 
	
	2.      
	
					Mar labaadkii waxay 
	la baxeen Somaliland, waxayna sheegteen in yihii shan Qabiil (Isse, Samaron, 
	Isaaq, Warsangeli iyo Dhulbahante). Waxaase muuqata in Warsangeli iyo 
	Dhulbahante ayn ka mid ahayn Somaliland, ee ay ka mid yihiin Puntland, 
	aduunkiina taas waa ogaaday.
	 
	
	3.      
	
					Ma jirin sababo 
	muujinaya sababaha ay Somalia uga go’ayaan (There is no strong case), 
	maxakamadina dacwad  la’aan (case) ma dhegaysato. Waxay la mid tahay adiga 
	oo dal qaxooti waydiistay, oo aan sababo sheegin lagugu ogolaado.
	
	4.   Aduunku ma aqoonsanayo in xuduudii Africa wax laga 
	bedelo.
	
	5.   Waxay soo saareen sharci ah in la soo xiro xuduudii 
	Gumaysigu ka tegay, oo ah dhul qabaail kale degaan. Arrintoodu waxay noqotay, 
	"Habar Waalatay Aleelow ku waalatay".
	 
	Hadaba 
	aduunka kama dhicin qabiil falaago noqday oo dawlad loo aqoonsaday, bal aan 
	qaar ka soo qaadano qabaailkii ama Goboladii Falaagoobay (Secessionist) ee 
	la mid ahaa Somaliland, oo aan mid keli ahi ka guulaysan maxay ay ku 
	danbeeyeen, iyo abaal gudka ay heleen aan isla eegno. 
	 
	
	Southern States, USA: November 1860 waxaa 
	madaxwayne loo doortay Abraham Lincoln. Wuxuu ka soo horjeeday ganacsiga 
	adoonsiga, waxaana hal ku dheg u ahayd, “if slavery is not crime, nothing is 
	crime.” Gobolada Konfur USA waxay doonayeen in uu sii jiro ganacsiga 
	adoonsiga. 
	 
	Intaan la 
	gaarin xafladiisii (inauguration) March 4, 1861, todoba Gobal ee konfur ayaa 
	ku dhawaaqay in ay ka go’een USA oo falaagoobay. Waxay ahayd xilli uusan soo 
	dhawayn shir Golaha Barlamanka (Congress), Madaxwayne Abraham Lincoln wuxuu 
	amar ku bixiyey ciidamadu in ay talaabo adag ka qaadaan. Markiiba maraakiib 
	baa lagu xeeray dekedahooda, 4 markab oo ganacsi ah oo diiday amarkiina waa 
	lala wareegay, waxaana loo bixiyey “American Civil War”, waxaana (Congress 
	ku) u ansixiyey April 1981 talaabadii Madaxwaynuhu keligiis qaaday, ka dibna 
	Maxakamada Sare ee USA oo dacwad loo gudbiyey waxay go'aan ku gaareen in uu 
	President Lincolin sax ahaa, waayo Qaranimada ayuu difaacay.
	 
	
	Katanga, Congo: Moise Tshombe wuxuu  
	goostay Katanga July 11, 1960, iyada oo dawladii Belguin ku adeeganayso si 
	loogu jebiyo Prime Ministry Patrice Lumumba oo ay ka soo horjeeday ilaa 1956 
	markii uu xabsiga Katanga ku  qoray buugii, “Congo, My Country”. Belgium 
	waxay soo xireen Lumumba waxayna u dhiibeen Katanga January 17, 1961, isla 
	maalintiiba waxaa dilay Moise Tshombe. 
	
	 
	
	Dag Hammarskjöld markii diyaaradu la 
	dhacday, ee loo doortay U Thant UN General 
	Secretary, Ciidamada UN waxay dagaal ku qaadeen falaagadii lana soo xiray 
	Moise Tshombe Janaayo 9, 1963 waxaana markaas laga saxeexay is-dhiib (Formal 
	Katanka Surrender Agreement) January 17, 1963. Moise Tshombe na waa tuu u 
	fakaday dalka Spain.
	 
	
	Republic of Biafra, Nigeria: 
	Sanadii 1966 Maj. Gen. Aguiyi-Ironsi kana 
	soo jeeday qabiilka Igbo ayaa Nigeria inqilaabay. Sanadii 1967 waxaa 
	isagiina  sii inqilaab Lieut. Col.  Yakubu Gowon. May, 1967 Lt. Colonel 
	Ojukwu oo ka soo jeedda qabiilka Igbo ayaa arinkaas ka xanaaqay, wuxuuna ku 
	dhaqaaqay in uu South Nigeria goostay, lana baxay Republic of Biafra. 
	Dagaalkii Biafra wuxuu socday 1967-1970, waxaana ku dhintay 1,000,000 qof. 
	Lieut. Colonel Yakubu Gowon wuxuu Biafra soo fariisiyey cagahiis, markii la 
	jebiyey Biafra na  Lt. Col Ojuku wuxuu u fakaday Ivory Coast. 
	
	
	 
	
	November, 1995 markii dawladda Nigeria dilka ku xukuntay 
	sideedii qof ee uu ka midka ahaa Ken Saro-Wiwa, Nigeria aduunka oo dhan waa 
	laga canbaareeyey, waxaana laga saaray Ururka Barwaaqosooranka 
	(Commonwealth), laakiin markii 1,000,000 qof lagu dilay dagaalkii Biafra 
	dawlad canbaaraysay ma jirin.
	 
	
	Kasai, Congo:
	Albert Kalonji wuxuu July 11, 1960 gobalka Kasai ee ka mid 
	ahaa Congo goostay isaga oo dalka Belguim hoos ka caawinayaa, si loo ridi 
	Lumumba, markii la dilayna Lumumba, waxaa lagu wargeliyey in aan Congo la 
	kala qaybinayn, laakiin Albert Kalonj waatuu diiday, ka dibna waa tii 
	Ciidamada UN ay soo qabteen lana xiray September 1962, ka dibna uu u fakaday 
	dalka France oo horay wax ula waday.
	 
	
	People’s Democratic Republic of Yemen (Cadan) 
	iyo Yeman Arab Republic (Sanca) waxay midoobeen May 22, 1990 iyaka oo ay 
	kala hogaaminayeen labadoodii Madaxwayne Ali Abdalla Salah iyo Ali Salim 
	Albidh, waxayna la baxeen Republic of Yeman. Sanadii 1993, xiriirkoodii waa 
	xumaaday, waatii Madaxwayne-ku xigeenkii Albidh uu falaago noqday oo goostay 
	Southern Yeman. 
	 
	Markii 
	Ururka Jaamicadda Carabtu ku hun goobeen dhex dhexaadintooda, July 7, 1994 
	waatii ciidamada Northern Yeman ku soo qaadeen dagaal ayna qabsadeen 
	Southern Yeman (Cadan) Madaxwayne ku Xigeenkii Ali Salim Abidh iyo Madaxdii 
	wehelisay, waatii ay dalka dibedda uga yaaceen (exile) oo aan deero deero u 
	herdin.  
	
	 
					
	
	SPLA Southern Sudan, John Garang  wuxuu 
	aduunka ku beer laxawsaday in ay Kiristaan yihiin, jinsiyadooduna ayn Carab 
	ahayn. Maxaay dagaal ku jireen 21 sano, waxaa ka dhimatay 3,000,000, waxaa 
	qaxootui ka noqday 6,000,000 sida ay qortay Amnesty International. Ma jirto 
	hal dal oo aqoonsaday, waxaana lagu khasbay in ay ka mid ahaadaan Sudan ayna 
	awooda la qayb sadaan. 
	 
	
	Irish Republican Army: Northern Ireland waa 
	6 degmo (County) waxay ka tirsan tahay Boqortooyada UK, halgankooduna wuxuu 
	ka soo jeedaa dagaalkii loo yiqiin Easter Monday ee 1916.  Markii 1921 
	Southern Ireland oo ka kooban 26 degmo (County) ay Boqortooyada UK ka go’een 
	lana baxeen Republic of Ireland. Qaybta Northern Ireland dagaalkii waa sii 
	wadeen, wuxuuse ugu darnaa 35 tii sano ee u danbaysay, waxaa dagaalkooda ku 
	dhintay qiyaas 25,000 qof. Wax rajo ah oo ay leeyihiina ma jirto, cid 
	aqoonsatayna iskaba daa.
	 
	
	Tamil Tigers, Sri Lanka: Sanadii 1956 
	Solomom  Bandaranaike Prime Ministry kii u horeeyey wuxuu afka Sinhalese ka 
	dhigay rasmi, Tamil ka oo 18% waxay ka xanaaqeen arrintaas. September 1959, 
	Prime Ministry Bandaranaike ayaa la dilay, hawentii sii Sirimayo 
	Bandaranaike ayaa xilkii la wareegtay. Buuqii Tamil waa soo kordhay. 
	
	Sanadii 1983 
	Jabhadii Tamil waxay ka codsadeen xubnihii Tamil United Liberation Front (TULF) 
	ugu jiray barlamaanka in ay ka soo baxaan, si Tamil Gobolada Bari iyo 
	Waqooye u goostaan. Xubnihii Barlamanka ee Tamilka ahaa (TULF) waa diideen 
	in ay ka soo baxaan Barlamanka. 
	 
	Ka dib Tamil 
	Tigers waxay soo qaadeen dagaal laxaad leh. Waxay dagaalamyeen 19 sano, 
	waxaa ka dhintay 61,000 qof, waxaana qaxooti noqday in ka badan 500,000 qof. 
	May 1, 1995 waxay dileen madaxwayhii dalka Ranasinghe Premadasa. Waxaa soo 
	gaaray khasaare laxaad leh, waxaa ugu danbayn lagu khasbay in wadahal ku 
	dhameeyaan, iyo awood qaybsi, waxayna Dawladda iyo Tamil kala saxeexdeen 
	hashiis February 22, 2002.
	 
	
	Party Quebec, Canada, wuxuu u dagaalamayey 
	in Qubec ka go’do Canada in ku dhaw 30 sano. Waxay qiil ka dhigteen in 
	Qaanuunkii (Quebec Act ee 1774) ee Barlamaanka Ingiriisku soo saaray uu 
	French Territory in North America u ogolaaday Afkooda (French) iyo diintooda 
	in loo ilaalinayo. 
	 
	Waxay ku 
	khasaareen laba afti (referendum) oo ay ka qabteen dadwaynaha Quebec, 
	labadiiba waa ku guul daraysteen. May 20, 1980 waxaa ku codeeyey 59.5% in ay 
	diideen falaaganimo. Mar labaadkii October 30, 1995 waxaa ku codeeyey 50.6% 
	in ayn diideen falaagada Party Quebec. Waxaana ku guulaystay Xisbiga Liberal 
	ka ah oo Federalist ah. 
	 
	Waxaana taas 
	uga darnaa August 20, 1998 markii maxakamada Sare ee Canada ku xukuntay in 
	aan Quebec ayn Canada ka go’karin marka loo eego Dastuurka Canada iyo 
	International Law labadaba, qaanuukii Quebec Act ee qarnigii 18aad na uusan 
	hadda shaqaynayn.
	 
	
	Southern Rhodesia, Ian Smith.  
	Rhodesia waxaa gumaysan jiray Ingiriiska, magaca Rhodesia wuxuu ka soo 
	jeedaa Ceil John Rhodes oo ahaa Arday Oxford University dhiganayey, bilaabay 
	Shirkaddii Macdanta ka qoday dalkaas, hantidiisiina ugu deeqay Oxford, isaga 
	oo ku magacaabay “Rhodesia Scholarship” 
	dadka wax ku soo bartay waxaa ka mid ah: President Clinton iyo Bob Rae ( ex 
	Premier of Ontario).
	
	 
					
	Ingiriisku 
	waxay isku dayday in ay mideeyaan (Federation) 1953 Southern Rhodesia, 
	Northern Rhodesia iyo Nyasaland. Northern Rhodesia iyo Nyasaland , laakiin 
	markay arkeen in la khiyaanaynayo waxay ka baxeen Federation kii January 1, 
	1964, wxayna UK waydiisteen xoriyad, waxaana xornimo la siiyo isla1964, 
	waxayna la baxeen Zambia iyo Malawi.
	 
	Ka dib 
	November11, 1965 Ian Smith oo madax u ahaa Southern Rhodesia wuxuu ku 
	dhawaaqay in uu ga go’ay gacanta UK oo dalku xor yahay, umana ogolaan dadka 
	Africanka ah in ay ka qayb galaan xukunka. Cunaqabatayn lagu soo rogay 
	darted, 15 sano ka dib, buu isku dayey in uu dalka ku wareejiyo baaderi ay 
	ku shaqaybsan jireen Bishop Abel Muzorewa, waxayna bishop
	Muzarewa ku magacaabay Prime Minister June 1, 1979. Adunku ma 
	aqoonsan, ilaa loo ogolaaday in ka qayb galan Jabhadihii Xornimo doonka ahaa. 
	Robert Mugabe (ZANU), iyo Joshua Nkomo (ZAPU). 
	 
	April 18, 
	1980 waxaa la qabtay doorasho guud waxaa lagu soo doortay Robert Mugabe oo 
	ilaa hadda madaxwayne ka ah. Waxaana magacii dalka loo bixiyey Zimbabwe, 
	Salisbury na Harare. Robert Mugabe waa tuu sanadkii 2000 soo saaray sharci 
	qaybinta dhulkii laga dhacay African oo 4,000 cadaan ahi lahaayeen. 
	
	 
	
	Tanganyika  waxay xorriyad qaadatay May 1, 
	1961. Dr. Nayrere  wuxuu  martiqaaday sadexdii Jabhad Goboleed ee u 
	dagaalamayey Muzambique, kala ahaa UDENAMO, MANU, iyo UNAM. Waxayna Dara 
	salam ku soo dhiseen jabhad guud FRELIMO, June 25, 1962 iyada oo madax loo 
	doortay  Dr. Eduado Mondlne, iyo Samore Machel. Wuxuu kale oo soo dhaweeyey 
	Kabila taageerayaashii  Lumumba. Dr. Nyerere wuxuu soo jeediyey in ay 
	midoobaan marka Zanzibar xoreriyad qaadato December 9, 1963. Waxaana u 
	bilaabmay wadahadalo in ay isku biiraan Tangayinka, Zanzibar iyo Pemba. 
	Markaas baa Gumaysigii yiri, “Dr. Nyerere maba 
	dhalane dhawr-taysan ogaa”.
	 
	January 1964 
	falaago Ingiriisku taageerayo baa isku dayey inqilaab lagu sameeyo Dr. 
	Nyerere. Dhiig badan markuu ku daatay falaagadii waa la jebiyey waxaana la 
	eryayey ilaa Backing Palace and Downing Street. 
	 April 24, 1964 waxay ku guulaysteen in ay dhisaan Republic of Tanzania, 
	dhinaca Zanzibar Abeid Krume iyo xisbigiisii Afro-Shirazi Party iyo Dr. 
	Nyerere oo ka socday Tankanyika. Kadib Dar es Salaam waxay noqotay xarun ay 
	ku soo hirtaan Jabhadaha Gobanimadoonka Afrikca, sida ZAPU, SANU,  FERALIMO, 
	SWAPO, ANC, iyo Congo.
	 
	
	Kurdish, Ciraaq. WWI, Ingiriisku wuxuu 
	Ottoman ka qabsaday sadex gobol oo ka mid ahaa Mesopotamia (Baghdad, Basra, 
	iyo Mosul), wuxuuna u bixiyey Ciraaq. December 1918, Kurdish Ingiriiska waa 
	soo dhaweeyeen, wakhti yar ka dibna waxay ka codsadeen in uu Kurdish gobol 
	gaar ah ka dhigo. Ingiriiskii waa ku diiday fegradii, wuxuuna ku qaaday 
	dagaal xun isaga oo kala qaybiyey. 
	 
	Intii ka 
	danbaysayna Kurdish Dawladahii Ciraaq ka dhalataba1918-2003 dagaal bay la 
	galeen. Shirwaynihii 1aad waxay ku qabteen Baqdaad August, 1946, waxayna soo 
	dhiseen Kurdis Dimocratic Party (KDP), oo gudoomiye u doorteen Mulla Mustafa 
	Barzani. April 1947 waxay dagaal ka soo abaabuleen USSR. Barzani wuxuu u 
	fakaday USSR kuna sugnaa 1947-1958.
	 
	June 1975, 
	KDP wuxuu ukala jabay laba garab. KDP uu mada-x u noqday Mulla Mustafa 
	Barzani,  iyo Popular Union of Kurdis (PUK) madaxna u noqday Jalal Talabini. 
	 PUK waxaa taageeri jiray Iran, KDP na waxaa taageeri jiray Turkey. Turkeyna 
	waxay kale oo la dagaalamayey PKK (Radical Kurdish 
	Separatist) oo dalkooda falaago ka ahaa.
	 
	Tehran, 
	Ankara iyo Baqdad waxaay hubka isugu dhiibeen Kurdish. Sanadii 1975 
	Falaagadii PUK oo Iran taageerayso baa dagaal ku soo qaaday KDP. KDP na 
	waxay kaalmo waydiisteen Ciraaq dii ay la dagaalamayeen. Xukumadii Saddam na 
	waxay u direen 30,000 ciidanka  ah, isaga ka faaiidaysanaya. Mullah Mustafa 
	Barzani wuxuu dhintay 1979, waxaana bedelay wiilkiisii Masoud Barzani.
	
	 
	KDP iyo KUP 
	waxaa lagu heshiisiiyey Ankara 1996. Markalena 1998 Washington. Waxaana ugu 
	horaysay oo madaxda KDP iyo KUP Masoud Barzani iyo Jalal Talabani kulmeen 
	January, 2001. Ugu danbayn Janaayo, 2005, Jalaal Talabani waxaa loo doortay 
	Madaxwaynihii Ciraaq, Masoud Barzani na Madaxwaynaha Maamul Goboleedka 
	Kurdish.
	 
	United 
	Nations waxay go’aan ku gaareen 1995 in aan xuduuda Somalia waxba laga 
	bedelayn, Dawladda Ingiriiskuna taas bay wax ka go’aamisay. Sidaas daraadeed, 
	Ingiriiska ay Somaliland na aqoonso ku wareeriyeen, wuxuu keliya ee aqoonsan 
	karaa marka uu sii dayso lixda degmo ee IRA u dagaalamaysay 35 sano.  
	 
	Abdisalam 
	Haji Ismail
	
	
	suxufi2004@yahoo.com