Habeenka Soomaalida iyo Sharciga
Somali-American Legal Institute iyo Somali
Education Center waxa ay ogeysiinayaan dhamaan Soomaalida ku nool gobolka
Minnesota in uu jiri doono kulan ballaaran oo la magac baxay ‘‘Habeenka
Soomaalida iyo Sharciga” oo dad sharci yaqaano ah ay ku soo bandhigi doonaan
barnaamijyo ka hadlaya:
- Sharciyada dalkan iyo qaabka ay u
shaqeeyaan.
- Sidii loo hagaajin lahaa xiriirka ka
dhaxeeya soomaalida iyo hay’adaha sharciga ee gobolkan.
- Go’aankii dacwada Keyse Jama iyo
saameynta uu ku leeyahay sharciyada immigration ka
- Dhalinyarada iyo sharciga.
Waxaa ka hadli doona sharciyaqaano ay ka
mid yihiin:
- Professor Mohamud Ali Turyare (Hormoodkii
kuliyada sharciyada ee Soomaaliya)
- Mr. Kevin Magunson (Attorney at law)
oo ah sharci yaqaan ka difaacy wiil soomaali ah maxkmada dalkan ugu
sareysa (The US Supreme Court).
- Professor Abdul Wahid Sheikhosman
(University of Minnesota Law School)
Hadaba:
- Ka soo qeybgal
- Ka faa’iideyso
- Fikradaada soo gudbi
Goorma: Sabti June 04/2005
Saacada: 6:00pm-8: 30 pm
Halkee: 2200 Nicollet Ave S
Minneapolis, MN 55404
(Waa halka ay ku taal Xarunta Somali Education Center)
FG: Wixii
su’aal ah fadlan soo wac; (612) 501-7384 ama (612) 558-6316 ama e-mail u soo
dir cinwaankan ah:
somaalegal@yahoo.com
Cabitaan iyo cuno fudud baa kuu diyaar ah!
Faafin: SomaliTalk.com | May 21, 2005
AKHRI:::
MAQAALADA KALE EE MAANTA:::::
Nin Jarmal ah
oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii
waalid.
|