Ogeysiis
Muhiim ah oo ku jeeda Soomaalida
Minnesota
Anergy Assistance/home heating
assistance
Ciid Mubaarak
Sida aan la soconno sicirka oil
iyo gaska dabiiciga ahba
sanadkan circa ayay isku
shareereen. Xilligii qaboobihii
hore iyo xilligan qaboobaha ee
hadda bilwday farqiga waa kaaf
iyo kala dheeri. Sicir bararka
ayaa la filayaa dadka ku nool
gobolka qabowga badan ee
Minnesota gaar ahaan kulaylinta
guryaha inuu dhaqaalahooda
dhabar jab ku noqdo. Sanator
Coleman oo kaashanaya
senatoorrada kale ee laga soo
doorto gobolada qabowgu ku badan
yahay ayaa horsed u noqday
sanadkan ka soo dhicinta sii
badinta dawladda federaalka
miisaaniyadda lagu taageerayo
dan yarta Minnesota.
Haddaba dan yarta Minnesota
waxaa la gudboon inay ogaadaan
raacaanna qorshaha caawinaadda
ee loogu talo galay.
1 Sicirka awoodda
kulaylinta guryaha sanadkan
waxaa uu kor u kacayaa in ka
badan 50% ilaa 80% taasoo ah
lacag aad u badan gaar ahaan
ardada, waayeelka iyo dhamaan
dadka dan yarta ah. Waxaa kale
oo uu saameynayaa dugsiyada
aanan dhaqaalaha badan haysan
2 Dadka u baahan in laga
taageeri xagga dhaqalaha ku
baxaya kulaylina guryaha oo aan
weli codsan waa inay si dhaqso
ah u codsadaan (apply) kaalmo.
Waxaa kale oo fiican inay la
xiriiraan shirkadaha adeegaas
bixiya.
3 Waxaa haboon in ay ku
dhaqmaan xeeladaha loo
beeqaamiyo (energy saving)
isticmalka kulaylinta guryaha.
4 Qofka danyarta ah
asagaa laga rabaa inuu raadiyo
meelaha uu ka heli karo
hay’adaha ka caawinaya qarashka
kulaylinta guryaha iyo
xogtoodaba.
5 Hay’adaha qaabilsan
taakulaynta dan yarta ee xagga
kulaylinta guryaha waxaa kale oo
ay bixiyaan duruus ku saabsan
sida qofku u beeqaamin karo
energyga si lacag ugu baaqato.
Hay’adahan kuma koobna lacag bixin
iyo tababar keliya ee waxay
qabtaan hawlo intaas ka badan
sida deeq qalab ku fiican
beeqaaminta energyga iyo
samaynta wixii farsamo yaqaan u
baahan
Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5,
2005
Nin Soomaaliyeed oo Laga
Tarxiilayo New Zealand
-
Tarjumadii: SomaliTalk.com |
Nov 4, 2005

Cabdikarin Cali Xaaji| Sawirka: TVnZ |
Cabdikarin Cali Xaaji, oo 26 jir ah, oo dalka New Zealand ku
noolaa ilaa sannadkii 1988 waxa uu yiri haddii Soomaaliya la
igu celiyo waa la i dili doonaa.
Laakiin wasaarada shaqadu waxa ay tiri waa in
la tarxiilo waayo waxa uu qariyey fal-dembiyeed uu ku galay
New Zealand, waa sida warku u dhigay Telefishanka
NewZealand.Waxaa hadda ka hor Cabdikarin Cali Xaaji lagu xukumay
dembiyada kala ah: haysasho Mindi, tuuganimo iyo
dembiyo la xiriira waddooyinka (traffic).
Hay'adda Qaramada midoobey taladeeda waxaa kamid ah in aan
dad loo tarxiilin Soomaaliya waayo ma aha meel amaan ah,
ayaa Telefishanku yiri.
Wasaarada shaqadu laba-jeer oo hore ayey isku dayday in
ay Tarxiisho Cabdikarin. Waxay ahayd November 2003 markii uu
iska tuuray gaari soconaya oo loogu sii wadey garoonka
diyaaradaha ee Auckland International Airport si loo
tarxiilo. Sannadkana waxa uu ka fakaday qof ka ka socdey
ilaaliyayaasha maxaabiista kaddib markii uu ka boodey derbi
musqul ku taal garoonka diyaaradaha ee "Wellington airport",
markaas afar maalmood ka dib ayuu isu dhiibey dawlada.
Cabdikarin Cali Xaaji ayaa yiri "Haddii ay dib ii
ciliyaan, waan dhiman doonaa.". Wasiirka Socdaalka
(Immigration-ka) NewZealand waxa uu yiri "Cabdikarin waxa ay
ahayd in uu ka fekero xaalada Soomaaliya markii uu jebinayey
sharciga NewZealand".
TV-ga NewZealand oo waraysanaya Cabdikarin
HALKAN KA DAAWO.
ISHA: NZTV & NZHERALD
Tarjumadii: SomaliTalk.com
| Nov 4, 2005
MINNESOTA::: Ciyaarihii
Ramadaanka....
Zakariya (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com
cayaarahii ka sacday magaalada
Minneapolis, Minnesota ayaa waxay soo
gaaranay heerkii ugu danbeeyay waxaa cayaarahaas soo
qabanqaabiyay dhalinyarada ku nool magaalooyinka
mataanaha ee st. pual iyo Minneapolis. cyaarahan oo lagu
soo dhaweenayay koobka rabadaanka.waxay bilaameem
bishii Octobar afarteedii 10/4/05 waxaa kasoo qaybgalay kooxo
aad ufarabadan oo gaarayay 12 kooxood oo dhamaantood
ka kalasocday gobolka minnesota.

Hadaba waxaa lasoogaaray
qaytii semifinalka waxaana lasugayay oo maalmahaan oo
dhan salaadii taraawiixda ka bacdi lagu sheekasanaayay
cayaar dhaxmaraysay labada koox ee ugu fiican
magaalooyinka mataanaha ee minnesota (commonality iyo
somali tigers)waxaa cayaartaa ka soo qaybgalay
dadwayne aad u fara badan iyo gudiga sportika
ee minnesota oo uu hugaaminaayay yaasiin barafuun oo
aahan jiray gudoomiyihii naadigii madbacada qaranka
(MBC). hadaba waxaa bilabatay cayaartii markay sacotay
10 minit ayaa waxaa goolkii ugu horeeyay dhaliyay
somalitigers sawaxan iyo qaylo ayaa cirka isku
shareeray kadibna hab u sacodka cayaarata waxaa
la wareegay somalitigers. kooxada commonality weer iyo
weer celis ayay ku qaaday waxaana u suurtoowday
in cayaarayahanka ismail uhubiyo kooxdiisa goolkii
bareejada kadibna taageeraayaashii commonality ayaa
qaylo joojinwaayay. hadaba qeebtii hore waxaa lugu
kalanastay hal iyo hal (1-1).

Markii koox walba lasoo tashatay
tababarayaashooda ayaa durba waxaa cayaartii lawareegay
habusacodkeeda kooxda commonality waxaana u suurtowday
in ay helaan goolkii ugu horeeyay ciyaarta qaybteeda dambe, waxaana u saxiixay
cayaaryahan lambarka sideedaad 8 Mustafa jarmal. kooxda tigers moralkii hoos ayuu u
dhacay balse waxay dhaliyeen goolkoodii labaad waxaa u
saxiixay maxamed siyaad, waxay sacatoba cayaartu
goolkii afraad ayay haleen commonality waxaa u
dhaliyay mustafa.
Hadaba gagabadii waxay cayaartaas ku
dhamaatay 4-2 ay kuguulasatay commonality. inkastoo laga
badiyay kooxda somalitigers waxay halkaa ku soo
bandhigeen cayaar aad iyo aad u wanaagsan waxay gacanta
galiyeen dhalinyaradii ka badisay. macalinka kooxada
somalitigers abdicasiis biixi waxa uu ii sheegay kooxda
somalitigers ay yihiin dhaliyaro yaryar oo
da'dooda udhaxayso 16-20jir, waxayna yihiin
cayaartooy aad iyo aad u asluub fiican. kooxda
commonality waxaa habeenkaas ugu firfircoonaa
cayaarahay labarka 4 gardheere oo ka cayaara difaaca
iyo mustafa jarmal ismaciil iyo kuwakale oo badan
Zakariya (Xaayow)
zakihaji@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 3, 2005
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |