XAFLADDA SANAD GUURADA KOOWAAD EE JAAMACADDA
NUGAAL, LAASACAANOOD. Waxaa soo
tebiyey: ciise ibraahin muuse |
ci_sse@yahoo.co.uk
Bishu markey ahayd 16/11/05 ayaa xaflad si aad
iyo aad u qiimo badan loosoo agaasimay waxaa lagu qabtay hoolka shirarka ee
huteelka cusub ee bilan xafladaas oo loo qabtay sanadguurada koowaad ee ka soo
wareegtay jaamacadda nugaal ee laasacaanood,xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen
garaado ,culimo,aqoon yahano, suugaan yahano,wasiiro ka socday maamulka
puntland,xildhibaano ka kala socday dawlada federaalka soomaaliyeed iyo
baarlamanka pl,wax garad, dhalinyaro,ururada haweenka iyo dad wayne kale oo
farabadan,waxaa si wayn loogu qaadaa dhigay muhiimadda ay waxbarashadu u
leedahay umadda guud ahaan gaar ahaan jiilasha da’yarta ah,waxaana waxaana
goobtaas laga jeediyey khudbado taabanaya sida xiligan lagu jiro loogu
baahanyahay in la sameeyo horumar balaaran oo xagga waxbarashada qaybaheeda kala
duwan ah.

Waxaa iyana lagu wareejiyey oo la
gudoonsiiyey hormoodka jaamacadda c.raxmaan xaaji saalax buugaag loogu tala
galay in ardadu wax ka barato oo gaaraya 9000 oo buu (sagaal kun oo bug)
Buugtaas waxaa wadanka maraykanka jaamacado ku yaal ka keenay PRAFASOR YUUSUF
MAXAMED XAYD oo ku bixiyey dadaal aad u badan sidii uu buugtaas usoo gaarsiin
lahaa jaamacada,wasiirka wasaarada waxbarashada pl,oo isna ka hadlay xafladda
ayaa sheegay in maamulkiisu aanay wax awooda kala hari doonin taakulada iyo wax
la qabadka hawlwadeenada jaamacadda,isla wasiirku wuxuu shahaado sharafyo
gudoonsiiyey garaad abshir saalax,prafasor yuusuf maxamed xayd iyo dad kale oo
badan oo qayb laxaadle ka qaatay socodsiinta iyo suuragalinta jaamacadda
nugaal.
Marka laysku soo duubo waxaa muuqanaysay niyad
aad u saraysa oo ay muujiyeen dadkii ka soo qaybgalay xafladda waxaana la balan
qaaday in uu dadka ku dhaqan gobolkani ay isku tashan doonaan kana wada shaqayn
doonaan danahooda waxaana lagu soo gunaanaday BARBARKAY KA BAXDAA WAA BAKAYLE
QALEEN.
Hadan waxaad daawataa sawiradii laga soo
qaaday xafladda.

ciise ibraahin muuse
ci_sse@yahoo.co.uk
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 20, 2005

|