NAADIGA SAXAAFADDA SOOMAALIYEED OO XUSAY
SANAD-GUURADIISII 6-AAD
Muqdisho, Soomaaliya
Xaflad si heer sare ah loo agaasimay laguna xusayay sanadguuradii
6-aad ee ka soo wareegtay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaana ka qaybgalay
saxafiyiin horey magac ugu lahaa dalka Soomaaliya, Saxafiyiintii Dhexe iyo kuwa
maanta iyo waliba Marti-Sharaf kale, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka
soo jeediyay Guddoomiyaha Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed Eng, Mukhtaar Xasan
Maxamuud wuxuuna sheegay in sababaha loo aasaasay Naadiga ay tahay sidii uu
uruurin lahaa isla markaana uu u diiwaangelin lahaa Saxafiyiinta Soomaaliyeed,
ha noqdeen kuwii dhintay iyo kuwa maanta jooga, waxaa kalloo uu ka warbixiyay in
sidoo kale Naadiga loo aasaasay sidii uu u difaaci lahaa dhamaan tacadiyadda loo
gaysto Saxaafadda Soomaaliyeed qaybaheeda kala duwan, Eng, Mukhtaar waxaa kalloo
uu sheegay in uu xiriiro wada shaqeyn ah uu Naadigu la leeyahay maamulada
Soomaaliland iyo Puntland iyo waliba Gobada Dalka.
Eng,
Mukhtaar waxa uu mahadceliyay Idaacadda British Broadcasting Corporation
qaybteeda tababarada oo uu sheegay in ay Naadiga gacan ka siisay tasiilaad fara
badan oo uu Naadigu u baahnaa waxaa kalloo uu sheegay Guddoomiyaha Naadiga
Saxaafadda Soomaaliyeed in mudadii 6-da sano ahayd ee uu Naadigu jiray uu
tababaro siisay 270 arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho, iyadoo dufcaddii ugu
dambeysay oo ka koobneyd 50 iyana la siisay Shahaadooyin.

Xafladdaasi oo aad u qiimo badneyd ayaa waxaa kalloo ka hadlay Cabdi Xaaji
Goob-Doon, waa Suxufi muddo badan ku soo jiray Saxaafadda waxa uuna u
mahadceliyay Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu uruuryay
dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna Cabdi Xaaji
Goob-Doon in uu aad ugu faraxsan yahay horumarka la taaban karo oo ay ku
talaabsaday Saxaafadda Soomaaliyeed ha noqoto dhinaca Taleefishinada, Idaacadaha
iyo Wargeysyada, wuxuuna u soo jeediyay in Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay
qalinkooda ugu adeegaan Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa
kalloo halkaasi ka hadlay Shiikh Aadan Cali Xasan oo ka mid ahaa Culuma’udiinkii
hore ee Radio Mogadishu, kana mid ah xubnaha ugu firfricoon ee Naadiga ayaa waxa
uu ku dhiirageliyay Suxufiyiinta Soomaaliyeed in wax kasta oo ay qorayaan ay ka
run sheegaan, isla markaana shacabkooda ugu hiiliyaan dhinaca wanaaga. Abwaan
Abshir Nuur Faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hadalo guubaabo ah siisay
dhamaan ka qaybgalayaashii xafladdaasi, wuxuuna ka codsaday Suxufiyiinta
Soomaaliyeed in ay gacan siiyaan howlgalada ay Maxaakiimta Islaamiga ah kula
dagaalayaan Munkarka iyo waxyaabaha dhaqanxumida ah. 
Max’ed
Cumar Baakaay oo ku hadlaayay magaca ka qaybgalayaasha ayaa waxa uu tilmaamay in
uu aad ugu faraxsan yahay in uu maanta arko Macallimiintii wax u dhigi jirtay oo
ay meel kuwada kulmeen, taas oo uu sheegay in ay tahay mid ku reebeysa dareen
farxadeed, wuxuuna u mahadceliyay Naadiga oo uu sheegay in uu qabtay howl muhiim
u ah bahda Saxaafadda .
Cabdiraxmaan Shariif Max'ed {Taysiir} oo ka mid
ah raggii la guddoonsiiyey shahaadooyinka ayaan wax ka weydiiney sida uu u arko
shahaadada la siiyey wuxuuna yiri isaga oo arrintaasi ka hadlaya, "Aad baan ugu
faraxsanahay in aan maanta shahaado ka qaato Naadiga oo ay i guddoonsiiyaan rag
rug caddaa ku ah saxaafadda"
sidoo kale Farxiya Max'ed Max'ud {Sabaax} ayaa
ka mid aheyd ardaydii shahaadooyinka la guddoonsiiyey waxeyna tiri iyada oo
dareenkeeda cabireysa, "Waxaan u mahad celinayaa Eng. Mukhtaar Xasan Max'ud oo
isagu igu dhiira geliyey in aan ka mid noqdo bahda saxaafadda"
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 20, 2005

|