Aftida
dastuurka kenya oo ay hogaaminayaan xisbiyadda
ku haboobay Liinta.
Canab Mumtaz| Somalitalk.com| Nairobi | Nov 21,
2005
Warar
hordhac ah oo ka soo baxaya doorashooyinka
aftida dastuurka cusub ee kenya ayaa muujinaya
in ay ku horeeyaan xisbiyadda doortay liinta oo
ah Muslimiinta iyo mucaaradka oo si weyn uga soo
horjeeda in dastuurka cusub uu ka dhaqan galo
dalka.
Meelaha sida weyn
ay ugu horeeyaan mucaaradka dastuur diidka ah
ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Mombaasa, Gaarisa,
Mandhera, wajeer eldoret waamo,iyo dagmooyin
kale oo ay ka soo jeedeen siyaasiyiinta ku jira
dowladda sida weyna u diidan dastuurka cusub.
Dad badan ayaa aad
uga walwalsan in dowladu ay ku shubato oo
banaanka laga keeno waraaqo horay loo diyaariyay
mid ka mid ah dadka ka codaynayay magaalada eldoret ayaa
sheegay in uu arkay taageerayaasha dastuurka oo
dadka u soo bandhigayay in ay iibsadaan codkooda.
Isku soo bax ay
sameeyeen sabtidii labada xisbi ee kala wata
liinta iyo muuska waxaa ka soo kala qayb galay
30,000 oo ah dadweynaha diidan dastuurka cusub
iyo 12.000 oo ahaa inta ogol dastuurka cusub in
uu hirgalo iyadoo lagu qabtay garoomada kubada
cagta.
Natiijadda ayaa
lagu dhawaaqi doonaa bari iyadoo caawa la
tirinta la dhamayn doono laakiin waxaa la
filayaa si hoose loo ogaado natiijada saxda ah
ee ka soo baxday guud ahaan dalka oo dhan isla
caawa goor dambe,madaxweyne Kibaki waxa uu
sheegay in dastuurka qabyadi ah uu dhaqan galin
doono.
Siyaasiyiin badan
oo horey hal xisbi ahaa ayaa ku kala tagay
dastuurka markii uu soo baxay,ilaa xiligaasna
waxa ay wadeen diidmo iyo olole weyn oo ay kaga
soo horjeedeen in dastuurkan uu ka dhaqan galo
dalka,xisbiyadda diidan oo qaatay liinta ayaa
astaan uga dhigay ay ku gartaan
taageerayaashooda diidan dastuurka maadaama ay
liintu ka culustahay muuska taasna ay ula
jeedeen in figradoodu ay ugu waxtar badan tahay
tan ay dowladu wadato.
Dalka kenya oo ay
ku nool yihiin Muslimiin jinsiyado kala duwan
leh ayaa dhamaantood ka soo horjeeday,sanadkii
hore bilowgiisi markii la keenay dastuurka Bomas
waxa ay muslimiinta bilaabeen in ay ka hortagaan
maadaama uusan wax sharci ah oo xagga
maxkamadaha uusan siinaynin dastuurkii hore waxa
uu muslimiinta u ogolaa in ay lahaadaan Qaadi
iyo xukun u gooni laakiin kani waxa uu sharciga
Islaamka ka dhigay Dhaqan.
- Dastuurka
Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo.
- Muslimiinta
Kenya oo Liinta ka door biday Mooska
Dastuurka Cusub ee
Kenya oo Maanta loo Codaynayo.
Dadweynaha reer Kenya
ayaa saakay waabarigii usoo baxay doorashada
dastuurka cusub ee dalka kenya laga hirgalinayo oo
ay soo gudbisay dowladda uu hogaamiyo Madaxwne Mwai
Kibaki si ay ugu codeeyeen diidmo ama ogolaansho si
kadib loo ansaxiyo hirgalidiisa.
Magaalooyinka waaweyn
ee dalka ayaa si nabad ah looga codaynayaa iyagoo
amaankana ay xoojiyeen ciidamada amaanka oo meel
walba la dhigay si ay uga hortagaan isku dhacyo
hadii ay yimaadaan,warar hordhac ayaa sheegaya in
diidama ay hogaaminayso aftida dastuurka loo qaadayo
laakiin si sax ah looma oga waxa ay ku dhamaato
iyadoo la filayo in caawa ay dhamaato ama galabta
kadibna bari lagu dhawaaqi doono natiijada saxda ah
ee dadweynaha reer kenya ay ka dhiibteen Dastuurka.
Gobolada W/galbeed ee
Kenya ayaa 90%si weyn looga soo baxay Saakay,dadku
waxa ay ugu codaynayaan dastuurka HAA ama MAYA oo ah
in uu meel maro ama in in uusan dhaqan
galin,Goboladaas oo ay dagan yihiin Soomaali waxaa
maalmihii la soo dhaafay ka socotay loolan ay
siyaasiyiinta iyo mudanayaasha ku jira baarlamaanka
Kenya ee u dhashay W/Galbeed uga jireen dastuurkan
afkaaraha ay ka kala qabaan laakiin waxaa lagu soo
waramayaa in dadku badankiis ay diidan yihiin
dastuurka cusub laakiin lama oga natiijadu waxa ay
ku dhamaan doonto.
Magaalada Mombasa oo
ay ku badan yihiim muslimiinta ayay aftidan si weyn
uga socotaa,ilaa hadda ma jirto wax isku dhacyo ah
oo ka dhacay magaalada dhexdeeda inta ay socoto
codaynta dastuurka,sidoo kale magaalada Eldoret oo
ah magaalo weyn taageero xoogana ay leeyihiin dadka
diidan dastuurka ayaa si la mid ah waxaa ka socda
doorashada aftida dastuurka cusub iyagoo gobolo kale
oo waaweyna oo dalka ka mid ahna laga wada codaynayo.
U codaynta Dastuurka
waxaa kor kala socda Qubaro caalami ah oo si weyn
ula socda qaabka ay u socoto aftida waxaana dadku
ay ku codaynayaan waraaqo lagu kala qoray NO iyo YES
oo ah oo HAA ama MAYA,waxana la dhigay goob walba
sanaadiiq waaweyn oo dhalooyin,waxa ayna
kormeerayaashan aduunka ka socda ku kala sugan
yihiin gobol walba iyo dagmo walba oo ka mid ah
dalka Kenya.
Dastuurka waxaa si
weyn uga soo horjeeda musliinta dalka Kenya ku nool iyo
ururada mucaaradka, musliimtu waxa ay kaga soo
horjeedaan in diinta Islaamka uu dastuurkani siinin
wax sharci ah ama awood ah,halka ururada mucaaradka
ahna ay sheegayaan in dastuurku uu awood buuxda u
siinayo Madaxweyne Kibaki in Maamulka Dalka.
Canab Mumtaz| Somalitalk.com| Nairobi.
Doorasha-da
dastuurka cusub &dalka Kenya.
W/D.Farxaan-Ceynte.

Safafka doorashada
Saakay oo ay taariikhdu tahy 21th Novmber
waxaa loowada dareeray goobaha codbixinta,si
qofkasta uu cod xur ah ku rido sanduuqa
codbixiyaasha.horaantii sanadkaan waxaa xisbiga
dalkaan ka taliya ee NARC uu soo saaray dastuur
cusub,kaas oo ay ku dalbanayaan in wax laga badalo
dastuurkii hore ee dalkaan oo soo taxnaa ilaa
xiligii xuriyada sandkii 1963.markaas oo ay
awoodooda qarameed kala wareegeen dalkii gumeysataha
ahaa ee Briten.waxaana la sheegaa in xisbiga dalka
ka taliya uu yahy mid isbadal doon ah,taas oo lagu
macneeyay in hogaanka sare ee dalkaan ay wax iska
sootarayaan makrkeey timaado in dasruurka wax laga
badlo.hadba si kasta oo ay ahaato,waxaa
codbixiyaasha dhiibanaya aaraahdooda coded lagu
qiyaasay inkabadan 30.million oo qof.kuwaas oo isugu
jira rag & dumar.waxaana codbixintu ay ka soo
bilaawaneysaa goboloda koonfureed waxaana ay ku
teetsanaandoontaa 8gobol oo midkiiba uu hoos yimaado
7maamul dagmeed.qiyaas ahaan waxaa la sheegaa in
dadka ku nool dalkaan ay kor u dhaafayaan in kabadan
3.5million ruux waxeyna ka tarjumeesaa in Kenya ay
cabir weyn ku yeelato qaarada Africa.hadaba
dastuurkaan cusub oo ay damcsantahy in dowlada
dalkaan Kenya ay dalka ku soo dabaasho waxa uu
dhaliyay is qab-qabsi xoog leh,kaas oo keenay in
dastuurka laba jeer la soo mariyo maxkamada ugu
sareesa dalkaan Kenya (High court),ayagoo ugu
dambeentii ansixayay mabda’ahaan,lakiin aanan looga
fadhin in ay raacaan ama ay diidaan.waxaana
sidookale uu mugdi soo kala dhaxgalay golaha
wasiirada dalkaan iyo qaar ka tirsan gol’aha
baaralamanka.taasian waxa ay ku timid in wasiiro
katirsan dowlada ay si cad uga soo horjeedaan
dastuurkaan la rabo in dalka laga hirgaliyo,waxaana
labadii bilood ee la soo dhaafay dalkaan ka socday
is-gaashaan buureysi ku aadan dastuurkaan
cusub.waxaana ay sameynaayeen isusoobaxyo farabadan
kuwaas oo lagu kasbanayay taageero,waxaana maalinba
maalinka ka danbeesa soo ifbaxayay tirade taabacasan
&kuwa ka soo horjeeda.
Xisbiga KANU oo ah midka aalaabaa labaratama kan
markaas haaya maamulka dalka ayaa sixun uga soo
horjeeda dastruurkaan cusub,waxaana gola’ha xisbaga
oo dhan uu si mudaxan uga soo horjeestay dastuurkaan
cusub.Hogaamiyaha xisbiga NARC oo ah ninka talada
dalkaan haya ee (mai kabki)ayaa maal-maahan oo dhan
u olo’oleeynaayay bal sidii uu u meel marin lahaa
dastuurkaan,waxuuna safaro kala duwan ku soo bixiyay
gobloda dalkaan uu ka koobanyahy,waxdaana moodaa in
uu inta badan ka soo hoynaayay taageero
buuxda.sidookale hor-boodaha xisbiga KANU Mr(Uhuru
Kenyatta)oo ah wiil uu dhalay aabihii xuriyada
dalkaan ayaa sidookale wax uu waday dhowrkaan bilood
xod-xodasho aan caadi aheen,asigoo safar kala duwan
ku bixinaayay dalka daafihiisa,asigoo ay safarkiisa
ku wehlinaayeen wasiirka hormarinta wadooyinka
Mr(elia Odeinga)oo ah shakhsi si aad ah looga xuso
dalkaan Kenya,isala markaasna sumcad weyn ku leh
xukuumada dalkaan,waxaana la sheegaa in uu howshiisi
ugu badneed ku soo dhumiyay talada dalkaan,asigoo
hory ula soo shaqeeyey xiligii Moi.sidookale waji
aan sidaa ugu cusbeen dadyowga ku dhaqan dalkaan
Kenya ayaa sidoo kale waxa uu ku lifaaqanyahy
xisbiga KANU isla markasana waxa uu ka tirsanyahy
go’laha wasiirada.wasiirka hidaha &dhaqanka
Mr(Najiib Balala)oo shakhsi asal ahaan heesata
diinta islaamka ayaa sidookale wax uu xulafo la
yahay xisibga KANU uu ka soo horjeeda aslan-ba
dastuurka,ayagoo aan ukala harin diimadooda
qayaxan.guulaha la taaban karo uu ilaa &hada soo
hoyay xisbiga NARC ayaa la sheegayaa in ay yihiin
kuwa muuqda,waxaana sidookale la xaqiijiya in rubuc
meel-lood,meel,wasiirada dalkaan ay la soo safteen
madwaxne Kebaki,oo si weyn ugu olo’oleynaaya
dastuurkan cusub.waxana ugu cad-cad wasiirada
garbkiisa taagan haweyneyda waiirka caafimaadka ah
ee Mrs(Nguli)o xaqiiqdii ah qof fac weyn ku dhaxleh
bulshada reer Kenya,islamarkaasna taageero weyn ka
heesata asal-ahaan gobolka ay ka soo jeedo,waxaana
la shagaa in boqolkiiba 10%laga rajeynaayo in laga
heli doono gobolkeeda taageero coded.Rug cadaaga
sida weyn looga tixgaliyo dalkaan islamarkaasan ah
qof sumcad weyn ku dhaxleh xitaa qabiilada
dalkaan,islamarkaasna la sheego in uuba ugaarsi
ba’an ugu jiro talada madxweyne ee dalkaan,ahana
ku-xigeena madxweyne Mr (mody Awori)ayaa noqondoono
garabyada uu aadka ugu kalsoonyahy madwaxyne Kibaki
in uu taageero fiican ka helidoono gobalda ay ka
soojeedaan kuwa ay isku mab’da ay yihiin sida Awori
oo kale oo lashageeyo in laga filan karo guul-dhaxal
galo ah,wexyna taas xoojin doontaa kalsoonida
madaxweynha oo sifiican ula dhacsan dasturkaan
cusub,waxuuna qudbadiisii ugu dambeesay shalay ku
yiri “Dadka reer Kenya ayaga ayaa xaq u leh in ay
wax diidaan,ayagaana xaq u leh in ay wax
ogolaadan”waxuuna sii raaciyay “Majiridoonto cid aan
ku khasbidoono in ay u codeeyaan dastuurka
cusub”.waxaana hadalkiisa ka dheehan kartay sida uu
ugu niyadsanyahy in uu guulo wax ku ool ah kazoo
hoyidoonoa doorashada.hadba baratanka labada xisbi
waxa uu soo maray dhowr marxakadood oo kala
duwan,kuwaas oo isugu jiray kuwa geeriwatay &kuwa
rabshado watay intaba.waxaana ilaa &hada la
xaqiijiyay in geerida ay mareeso 7qofood oo kii ugu
danbeeyay uu shaly ku geeriyooday iskusoobixii ugu
weynaa ee ay sameeyaan labada xisbi,isalmarkaasna
ahaa luktii ugu danbeysay ee shukaansiga
shacabka.labada dhinaca astaan nuucee ah ayey ku
ciyaarayaan,maxaasa lagugu ogaan karaa in aad tahay
muxaafad ama mucaarad.
Mooska
(Muxaafad), liinta
(Mucaarad).
Labadaas astaan ayaa noqday kuwa aad kukala
garankarto markaad dhaxmareyso goobaha codbixnta &wadooyinka
waaweeyn ee magalaada Nairobi.waxaana maal-maahan
taageerasyaashu ay ku hardamaayeen sidii ay qoloba
qolada kale uga qudradbadnaan laheed markeey timaado
tey taageersanyihiin tusaale ahaan.Majallada ugu
afka dheer Daily Nation cadadkeedii shalay waxuu
qoray.in Mooska &Liinta ay noqdeen kuwa loogu
iibsiga badanyahy,waxuuna sii raaciyay in maalinka
cod-bixnta uu noqondoono maalinkii xaalufinta (Mooska
&Liinta).waxaana lahubaa in qiimaha kala iibsiga
qudradaas uu kor u kicidoono 12%biiba.ilaa &hada
majiraan hordhac ka siisameen karta doorshada ayadoo
labada dhinca ay aad isugu dhawyihiin markaad
fiiriso qiyaasha ay sameeyaan war-baahinta dalkaan
ayagoo ku saleeya hordhac qiyaaseed hanaanka (Public
opinion poll-ka)ama qiyaasta fikarda shacbka
daleed.sikastab’a ha ahaatee (Gari laba nin kama
wada qosliso)cidbaa uun guusha libridoonta.
Muslinka iyo doorashada dastruurka
cusub.
Guud-ahaan muslinka ku nool dalkaan Kenya waxaa ay
caga-cageynayaan in kabadan 3,million oo muslin
ah,waxaana 3dalool meel ay noqondoonaan muslinka
kuwa codbixiyashaasha.ayagoo laftigoo ay qeyb ka
ahaayeen shacab weynaha lagu qal-qaalin jiray in ay
raacaan ama ay diidaan.hadaba maxuu muslinka dalkaan
ka gaaray arintaan?
Jaaliyada muslinka ee dalkaan oo leh nidaam caalami
ah &waliba mid mideysnaanb’a waxa ay go’aan ku
gaareen in ay qaataan astaanta
(Liinta)oo
micnaha ahaan ka tarjumeesa in ay ka soo horjeedaan
dastuurka cusub.waxaana arintaan looga dhawaajiyay
iskusoobaxyadii ugu danbeesay ee ay gudiga
muslimiinta dalkaan yeeshaan,gaar-ahaan maal-mihii
ciidul fitriga iyo saladaaha jimcooyinka oo
kale.iskusoobixii maalinka ciidil-fitriga ee
fagaaraha (Sir Club)oo ah meel ay isugu imaadeen in
kabadan 100,00kun oo ruux ayaa shiyuukdii kala
duwaneed ee halkaa ka khudbeynaayay waxa ay carabka
ku dhufteen in muslinka dalkaan uu ka mideysanyahy
arinta doorashada dastuurka cusub,waxaana ay
sheegaan in muslinka ku dhaqan dalkaan Kenya uu ka
soo saaray (Fatwa’)taas uu tibaaxeysa in muslinka
dalkaan uu meel cad iska tagaay arinta dastuurka
taas oo sheegaysa in muslinka uu qaatay tilaabadii u
horseedilaheed hauunka alle &ayagoo bey leeyihiin
uusan dastuurku uusan aheen mid waxtar u leh
muslinka.waxaana jira dhowr qodob oo aanan u
cuntamin muslinka waxaana ka mid ah.
.In qofkii looga shakiyaa argagixiso lootaxaabikaro
xabsiga,walina askariga uu xaq u leeyahy in uu
toogan karo haduu arko calaamado muujinaaya tuhun.
.In uusan u danyneenin muslimiinta ku nool gobalada
waqooyi in ay helaan xaq ay helaan kuwa kale,gaar
ahaan kuwa ay somalidu dagto (North-estern-ka).iyo
dhowr qodob oo xasaasi ah.halka qaarna ay ku
darayaan in qeybinta guryahay ay tahay mid u
daneyneesa dowlada.waxaana sii raaca in
khamriga,jaadka,sigaarka,dhamaantooda ay xoryihiin
in la isticmaalikaro.waxaana sii dheer,in haweeneyda
ay iska soo tuurikarto cunugeeda,hadii ay u arkto in
uusan aheen mid maslxo guur ku aan ku dhalan.halkaan
laguma soo koobikaro qeubtiisa fiican iyo qeybtiisa
xunb’a.ilaa &hada ma muuqato meel aan dan uugu jirin
soomaliweynta ku nool dalkaan,waloow somalida ay
intooda badan ay ka deyrinayaan dastuurkaan cusub
kaas oo lagu dhaqidoona dalkaan haduu hirgalo
100,00sano oo kale.lakiin majiro haduu guuleysto ama
haduusan guuleysanba in somalida uu ku noqondoona
mid car-qaladeeya habsami u socodkooda nololeed iyo
kan gancasiyeedba.waxaana natiijda saxda ah lagu
dhawaaqidoonaa maalinka talaada ay taariikhdu ku
beegantahy 23th oo ah maalinka xiga ee
talaada.waxaana manta oo isniin ah loo aqoonsaday
maalin (Fasax)goobaha shaqada iyo dhamaan
xafiisayada dowlada irdaha ayaa loo laabay ilaa &maalinka
arbcada markaas oo la rajeynaayo in la shaacindoono
natiijada.wixii ka soobaxa natiijada waxaad kala
socondoontaan bogga somalitalk.com, maal-maha
soosocda.
W/D.Farxaan-Ceynte.
Nairobi-Kenya
cayntakayare@yahoo.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 21, 2005
WARARKII HORE EE
BILOWGII DASTUURKA HOOS KA AKHRI...
Muslimiinta Kenya oo Ku Dhaartay in
ay Difaaci doonaa Maxkamada Shareecada ee Ku Xusan Dastuurka Cusub ee Loo
Codeyn Doono November...
Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005

"Muslimiintu goroda u
laad laadin mayaan cadaadiska diimaah kale, waxayna ku dagaalamayaan
difaaca maxkamadaha ilaa aakhirka" Sheikh Dor (Dhexda) |
Muslimiinta Kenya ayaa wacad ku galay sidii ay u difaci lahaayeen Maxkamada Shareecada ee loo yaqaan "Maxkamada
Qaadiga" aan loog asaari lahayn dastuurka cusub ee Kenya, inkasta oo ay
si weyn
arrintaas uga soo hor jeesatey Kaniisaduhu.
"Muslimiintu goroda hoos uguma rogan doonan
cadaadis kaga yimid diimo kale, waxayna difaacayaan maxkamadaha, ilaa dhammadka" sidaas waxaa yiri Sheikh Mohamed Dor oo ah xoghaha guud ee
Ururka Imaamada iyo daaciyada kenya oo la hadlayey IslamOnline.
Muslimiinta oo boqolkiiba toban (10%) ka
ah dadka Kenya oo tiradoodu dhan tahay 30 million, waxay aaminsan yihiin haddii
Dastuurka cusub ee lasoo jeediyey lagu daro Maxkamadaha Qaadiga in ay siin
doonto xorriyad ballaaran oo ay u yeelan doonaan cibaadadooda.
Taas waxaa dheer in aan maxkamad kale
xuquuq u lahayn in ay dusha kala socdaan xaaladaha Caqiidada Islaamka. Xeer
aan diin Islaam ku salaysnayna ma xakumi karo arrimaha caqiidada, meelna kuma leh hab-nololeed kayaga" sidaas waxaa yiri Sheikh Juma Ngao, oo ah
madaxa Supreme Council of Muslims (Kenya).

"Ma taageeri karo dukumiinti abuurayo
nacayb, kala shaki iyo is aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka",
Madaxweynihii hore ee Kenya Moi |

"Waxaan rabnaa qof kasta oo Kenyan ah in uu akhriyo dastuurka si uu
u qaaro go'aan asaoo xog haya, isla mar ahaantaasna aysan weecin
dadka la wareegaya majara habaabinta" Kibaki |
Dastuurka Cusub oo ka kooban 197 waxaa la
baahiyey Taladadii Aug 23, 2005, si ay dadweynuhu u akhriyaan ka hor inta aan la garin cod bixinta bisha November loo qadayo dastuurkaas in ay
dadweynuhu ansixiyaan iyo in kale.
Dastuurkan cusubi waa markii koowaad oo dib loo qoro gebi
ahaanba Dastuurka Kenya laga soo bilaabo ilaa markii ay Kenya Xorriya ka
qaadatay Ingiriiska sannadkii 1963.
Waxaa la weriyey in Muslmiinta Kenya ay
taageero la xiriirta maxkamadaha Qaadiga eee
dastuurka ay ka haystaan Madaxweynaha hadda ee kenya Mwai Kibaki iyo madxweyne kuxigeenka
Moody Awori.
Muslimiinta Kenya waxay ku dagaalamayaan in
aan dastuurka laga saarin qodobka xusaya Maxkamada Qaadiyada Muslimiinta.
Arintaas Qaadiyada waxaa aad uga soo hor
jeestey kaniisadaha kenya oo dalka ka wada olole ballaaran oo looga hor
imanayo in dastuurkaas loogu codeeyo 'MAYA" si uusan u dhaqan gelin. Waxaa
wararku tibaaxeen sabata ugu weyn ee Kirishtaanku uga hor imanayaan
dastuurka in ay tahay ogolaanshaha loo ogolaaday in Muslimiinta danahooda ku
xallistaan Qaadi Islaam ah.
Waxaa xusid mudan in dastuurku qoray:
Maxkamada Guud, Maxkamadaha Kiristaanka, Maxkamadaha Kadhis (Qaadiga),
maxkamada Hindu, iyo maxkamada diimah akale. Meelaha ay ku xusan yihiin
Qaadiyaasha Islaamka waa (qodobada: 179(3)(a) , 197(1),(3)(a),(4) ee
dastuurka cusub. Eeg linkiga hoose)
Waxaa kale oo dastuurka cusub ka soo hor
jeeda labada xisbi ee KANU (oo ah xisbigii hayn jirey talada kenya xilligii
Moi) iyo xisbiga kale ee LDP.
Waxaa Axad (Aug 28) cod kiisa
diidmada ku daray Madaxweynihii hore ee Kenya oo sheegay in dastuurka cusub
uu Kenya ka abuuri doono is aaminaad la'aan, waxana uu yiri waa in diidmo
loogu codeeyo "MAYA". Daniel arap Moi
oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yiri "Ma taageeri karo dukumiinti abuurayo
nacayb, kala shaki iyo is aaminaad darro soo kala dhex gasha dadka"
Madaxweynaha hadda ee Kenya, Kibaki, waxa
uu u ololeynayaa in dastuurkaas loogu codeeyo "HAA". Mwai Kibaki
oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yiri
"Waxaan rabnaa qof kasta oo Kenyan ah in uu akhriyo dastuurka si uu
u qaaro go'aan asaoo xog haya, isla mar ahaantaasna aysan weecin
dadka la wareegaya majara habaabinta".
Dhanka kale degmada Migori waxaa Axadii
mudaharaad ku dhigay 2,000 oo Muslimiin ah oo ka soo hor jeeda maxkamada
Hidu-ga iyo Kirishtaanka ee ku xusan Dastuurka cusub ee loo codayn doono.
Waxaa wararka Isniin Aug 29 ka soo baxaya
Kenya ay tilmaameen in ururka Muslimiinta ee
Supreme Council of Kenya (Supkem) uu
sheegay in culimo iyo qareeno ay dersayaan dastuurka cusub, isla mar
ahaantaasna ay maalinta Talaadada soo saaridoonaan wixii ay Muslimiinta kula
talin lahaayeen iyo wixii ay ka yeeli lahaayeen dastuurka Cusub.
Dastuurka Cusub ee loo
Codayn doono ka akhri linkiga hoose:
www.nationmedia.com/dailynation/downloads/ProposedConstitution.pdf
ISha: IslamOnline, Standartd, DailyNation |
Tarjumadii SomaliTalk.com | Aug 29, 2005

|