Daabaco
Boggan | Print |
TACSI:::
Cabbey Daahir Rooble oo Geeriyoodey
waxaa Bishaan 13keedii ku
geeriyoodey magaaladaa London, lana aasey 18kii bishan, aaskaasi oo ay
ka qaybgaleen ciyaar yahandii qaran ee london ku sugan, Ciyaar yahan
ka tirsanaa Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigaii
Dawladda hoose ee Minashiibio.
Waa allaha u naxariistee Cabbey Daahir
Rooble, wuxuu ku dhashay Buulaburde 1954kii, 1972kii wuxuu u saftey
Ciyaarihii Goboladda isagoo u caayirayey Gobolka Hiiraan, sannadkii
1973 waxaa ku biiray Naadigii Dawladda Hoose oo uu i cayaarayey ilaa
78kii, dabadeedna wuxuu noqday coach labaad ee naadiga. Wuxuu kaloo
u saftey xulkii qaranka laga bilaabo 1975, wuxuu qadan jirey NO.3,
wuxuna ka ciyaari jirey baasha bidix. wixii faahfaahin ah waxaad la
xiriiri kartaa Goolhayihii Qaranka C/qaadir Ciise cabdi (biyooley)
oo tel. kiisu yahay 07958635317
|
-
Ugaas Max’ed Wali “Dadka wax ka
sugaya C/llaahi, Geedi iyo Shariifka waxay la mid
yihiin Ari la raaciyey.....
-
Dhowr qof oo siyaabo kala duwan loogu diley
Muqdisho..
-
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda
Sacuudiga.
-
Guddoomiyaha
Baarlamaanka oo la filayo in uu u kicitimo Qaahira..
-
C/llaahi Yuusuf Wareegto uu soo saaray oo uu ku
mamnuucay Hubka ..
-
Shalay oo laga
xusay dalka Maalinta Macalinka ee 21-ka November..
WARARKII MAANTA::: Nov
22, 2005
Dhowr qof oo siyaabo kala duwan loogu diley Muqdisho..
Shalay
subaxnimadii ayay ahayd markii dadweynaha degan
agagaarka Warshadda Kabka ee jidka Warshadaha arkeen
labo qof oo dhallinyaro ah oo mayd ah oo yaala wadada
qarkeeda, waxaana nimankaasi ka muuqatay in dilkooda loo
adeegsadayToorey lagala beegsaday dhinaca qoorta.
Ilaa
iyo hadda lama garan sababaha loo dilay nimankaasi,
waxaana markii dambe halkaasi ka qaaday dadka deegaanka,
iyadoo intii uu yaalay maydka ay halkaasi tageen
dadweyne aad u fara badan oo doonayay in ay aqoonsadaan
maydka labadaasi nin, nimanka lagu dilay warshadda Kabka
ayaa markii dambe la aqoonsaday waxaana la geeyay
degaanka Siinaay, waxaana mar kale ku soo xoomay
dadweyne aad u fara badan oo daawanayay sidaa fool
xumada ah ee loo dilay dhallinyaradaasi.
Waxaa
maalmahan Magaalada Muqdisho ku soo badanayay dilka
lagula kacayo dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada
Muqdisho, waxaana habeen hore agagaarka Al-Bakara lagu
dilay nin ka tirsanaa Saraakiishii hore ee xoogga dalka
Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Max’ed C/raxmaan.
Warar
ayaa waxay sheegayaan in arrintaani ay ugu wacan tahay
gaabis xoogan oo ku yimid Maxkamadihii Islaamiga ah ka
gadaal bishii Ramadaan.
Ugaas
Max’ed Wali “Dadka wax ka sugaya C/llaahi, Geedi iyo
Shariifka waxay la mid yihiin Ari la raaciyey.....
Ugaas
Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur oo ah Ugaaska Beesha
mareexaan ahna afhayeenka Saladiinta beesha Daarood ayaa
waxa uu sheegay in C/llaahi Yuusuf, Cali Max’ed Geedi
iyo Shariif Xasan ay yihiin dad khasaaray. “Dadka wax ka
sugaya raggaas waxay la mid yihin ari la raacshay
Dhurwaa, Haramcas iyo Libaax, waana nasiib daro in weli
lagu sii indha adeego in wax raggaas oo aan shacabka wax
dan ah u haynin, isla markaana ku sii siqaya jid ka sii
daraya dhibaata haatan wadanka ka taagan” sidaas waxaa
yiri Ugaas Max’ed Wali oo intaa ku daray “shirka ay
sheegayaan waa mid aan waxba ka soo bixi doonin, waxaana
ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay dantooda
fiirsadaan oo aysan raggaasi wax xal ah u soo wadin,
maaxaa yeelay waan og nahay in maalin kasta ay waxaan
jirin u akhriyaan ummadda”. Ugaas Max’ed Wali waxa uu
sheegay in Culuma’u-diinka Soomaaliyeed looga baahan
yahay in naftooda iyo maalmooda ku huraan sidii shacabka
dhibaateysan loogu soo celin lahaa nabad iyo kala
dambeyn, isla markaana loo difaaci lahaa Diinta, waxaana
la gudboon culuma’u-diinka Soomaaliyeed iyo dadka
cuqaasha ah ee kale in ay dhex u xirtaan sidii
Soomaaliya u noqon lahayd dal ka badbaada dhibaatada ay
la damacsan yihiin C/llaahi Yuusuf iyo kooxdiisa, sida
uu hadalka u dhigay Ugaasku. Ugaas Max’ed mar uu
hadlayay Hogaamiyaasha kale ee Siyaasadda ee Muqdisho
waxa uu yiri “Hoggaamiye kooxeedyada xamar waxay ka sii
liitaan C/llaahi Yuusuf, waayo C/llaahi hadafkiisu waa
cad yahay, waana la ogsoon yahay in uusan ka leexan
jidkiisii hore, balse dhamaantood aanay wax xal ah
ummadda Soomaaliyeed u haynin. Ugaasku waxa uu
cararbaabay in shacabka Soomaaliyeed dhibaato qax, dil
iyo dhibaatoo dhan ay soo mareen intaa wixii ka
dambeeyana aan loo adkeysan doonin, isagoo kula taliyay
shacabka Soomaaliyeed oo ay horkacayaan Culuma’u-diinka
in ay fahmaan dantooda.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo
ku sii jeeda Sacuudiga.
Wararka naga soo
gaaraya Magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka
C/llaahi Yuusuf Axmed uu ku sii Jeedo wadanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya,
kaddib markii uu martiqaad ka helay Dowladda wadankaasi.
Inkastoo
faahfaahin dheeraad ah laga bixin ujeedooyinka Madaweynuhu uu ku tagayo wadanka
Sucuudiga oo ah booqashadii ugu horeysay oo uu ku tago wadanka Sucuudiga tan iyo
markii loo doortay jagada Madaxweynenimada sanad ka hor.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in
wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynuhu Fiisayaashii ay ku tagi lahaayeen dalka
Sucuudiga waxaa la sheegay in wafdigaasi ay ka mid noqon doonaan wasiirka
Iskaashiga Gobalka Ismaaciil Horre Buubaa, Wasiirka Arrimaha dibadda C/llaahi
Shiiikh Ismaaciil iyo xubno kale, warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay
sheegayaan in Madaxweynuhu uu halkaa u tagayo sidii uu u soo dhaqaale uu ku
socodsiiyo uga heli lahaa dowladdaasi.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la filayo in uu u
kicitimo Qaahira..
Guddoomiyaha Baarla-aanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi
balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maalmaha soo socda waxaa la filaya in uu u
ambabaxo Magaalada Qaahira ee dalka Masar, kaddib markii uu martiqaad ka helay
Dowladda wadankaasi. Guddoomiyaha Baarla-maanka aya inta uu joogo Magaalada
Qaahira waxa uu kulamo la yeelan doonaan madax ka socota wadanka Masar, ururka
Jaamacadda Carabta iyo Golaha Baarlamaanka ee wadankaasi, isaga oo ka dhaadhicin
doona sidii ay Jaamacadda Carabta uga qaybqaadan lahayd dib u dhiska dalka
Soomaaliya.
Guddoomiyaha
Baarla-aanka waxa uu la kulmi doonaan xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta
Caamir Muusa oo ay isla soo qaadi doonaan sidii Jaamacadda Carabta ay dhex
dhexaad uga noqon lahayd is haysiga u dhexeeya xubnaha Dowladda, maadaama
Jaama-cadda Carabta ay dhawaan shaaca ka qaaday in ay xafiis ka furaneyso
Magaalada Jowhar. Waxaa kalloo Guddoomi-yuhu uu gaarsiin doonaan Jaamacadda
Carabta in ay diyaar u yihiin in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha
Dowladda ee ku kal suga Muqdisho iyo Jowahr.
C/llaahi Yuusuf Wareegto uu soo
saaray oo uu ku mamnuucay Hubka ..
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed ayaa shalay soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo in ciidamada ku
xareysan xerada Kongo aysan wax hub ah la dhex mari karin ama la imaan karin
Magaalada Jowhar.
Sababaha uu
Madaxweynu wareegta u soo saaray ayaa lagu sheegay in ay tahay kaddib markii ay
soo badatay askar dhowr ah oo la fakatay qoyihii ay siteen. Wareegtadaan
Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in askari lagu helaa isagoo qori la dhex marayaa
Magaalada Jowhar xabsiga loo taxaabi doono, waxaana arrintaani kormeerkeeda loo
xilsaaray maamula Gobalka Sh/dhexe oo uu madaxda ka yahay Max’ed Cumar Xabeeb
(Max’ed Dheere).
Dhawaan hub laga
keenay Magaalada Jowhar oo u badan qoryo la sheegay in uu soo gaaray Magaalada
Muqdisho kaasoo la kala siisanayay qiimo aad u jaban, hase yeeshee wararkaani
waxaa beeniyay wasiir ku xigeenka warfaafinta Salaad Cali Jeelle waxa uuna ku
tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Shalay oo laga xusay dalka Maalinta Macalinka ee
21-ka November..
Xaflado kala duwan oo si heer sare leh loo soo
agaasimay ayaa ka kala dhacay guud ahaan dalka, taasoo lagu xusayay maalinta
Macallinka 21-ka November.
Wasiir ku xigeenka waxbarashada Mukhtaar Max’ed
Yuusuf oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray
dhamaan Macallimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo sheegay in
ay Macallimiintu yihiin kuwa ugu mudan bulshada dhexdeeda.
Mudane Mukhtaar waxa uu sheegay in manhajyada ku
qoran Ingiriiska ay yihiin kuwo xadgudub ku ah dastuurka dalka.
Sidoo kale xaflad balaaran oo lagu maamuusayay
maalinta Macallinka Soomaali-yeed ayaa iyana ka dhacay dugsiyada Al-Mazal
ee Magaalada Muqdisho, ardayda dhigata dugsiyada Al-Mazal iyo macallimiitoodaba
ayaa maalintaas qiimaheeda ku sheegay mid aad u balaaran oo loo baahan yahay in
Soomaalida ay ku haysato maskaxda.
Xafladdaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin
sar sare oo ka socotay hay’adaha UNECSO, UNICEF iyo qaar ka mid ah maamulada
dugsiyada ku yaala Muqdisho ayaa dhamaantood waxay sheegeen in macallinka
Soomaaliyeed uu yahay mid aan wanaagiisa la soo koobi karin.
Qudbad halkaas uu ka jeediyay xoghayaha dalladda
waxbarashada ee SAFE C/qaadir Cumar Rooble ayaa waxa uu sheegay in macallinka
Soomaali-yeed uu yahay barbaariyaha bulshada, koriyaha bulshada qiimahiisana aan
la soo koobi kari, isagoo xusay Macallimiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen
Shiikh Yuusuf Al-Kowneyn, wuxuuna ugu dambeyntii hambalyo balaaran u diray
dhamaan Macallimiinta Soomaaliyeed iyo ubadkoodaba isagoo kula dardaarmay in ay
dulqaadkooda iyo xaaladda ay ku shaqeynayaan ay ku sii sabraan inta laga helayo
dowlad.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov
22, 2005
Kismaayo oo lagu
Qabtay Aqoon isweydaarsi ay hirgalisay Jaamacada Kismaayo
iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxda Jubba oo kulan ka
yeeshay marti galinta shirka Kismaayo..
Guji... Nov 21
UK: Kulan lagu Taageerayay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee
dalka Ingiriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay...
Guji..
Nov 21
Dastuurka Cusub ee
Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan
Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa..
Guji... Nov 21
Dastuurka
Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor
jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa..
Guji...
Nov 21
Reer Minnesota oo
Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar
Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay waxaa
lagu qabtay magaalada Minneapolis, waxaana...
Guji... Nov 21
Ergey Ka Socda Barre
Hiiraale oo La Kulmay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
»Xildhibaan Dhalxa“waa soo dhoweyneynaa xubnaha Muqdisho
»Qoraal ka soo baxay Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed
»DFKMG oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo
»Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey..
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan...
Guji... Nov 21

|