Daabaco
Boggan | Print |
TACSI:::
Cabbey Daahir Rooble oo Geeriyoodey
waxaa Bishaan 13keedii ku
geeriyoodey magaaladaa London, lana aasey 18kii bishan, aaskaasi oo ay
ka qaybgaleen ciyaar yahandii qaran ee london ku sugan, Ciyaar yahan
ka tirsanaa Xulkii qaranka Somaliya, una cayaari jirey naadigaii
Dawladda hoose ee Minashiibio.
Waa allaha u naxariistee Cabbey Daahir
Rooble, wuxuu ku dhashay Buulaburde 1954kii, 1972kii wuxuu u saftey
Ciyaarihii Goboladda isagoo u caayirayey Gobolka Hiiraan, sannadkii
1973 waxaa ku biiray Naadigii Dawladda Hoose oo uu i cayaarayey ilaa
78kii, dabadeedna wuxuu noqday coach labaad ee naadiga. Wuxuu kaloo
u saftey xulkii qaranka laga bilaabo 1975, wuxuu qadan jirey NO.3,
wuxuna ka ciyaari jirey baasha bidix. wixii faahfaahin ah waxaad la
xiriiri kartaa Goolhayihii Qaranka C/qaadir Ciise cabdi (biyooley)
oo tel. kiisu yahay 07958635317
|
-
Cumar Xaashi Aadan “Anagu ma nihin askar
laakiin waxaan u taaganahay sidii loo dhisi laahaa ...
-
Xidhibaan Seeraar oo beeniyey weerar lala
damacsan yahay Kismaanyo..
-
Max’ed Dheere oo qabtay Gaari ay
saarnaayee waxyaabaha Qarxa.
-
Sh. Nuur Cali Aadan “Xubnaha labada Gole
ee Digil iyo Mirifle waxay dhawaan..
-
Iska hor imaad ay ku lug yesheen ilaalada
Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi..
WARARKA MAANTA:: Nov 23,
2005
Cumar Xaashi Aadan “Anagu ma nihin askar laakiin waxaan u taaganahay sidii loo
dhisi laahaa dawlad...
Afhayeenka Xubnaha labada Gole ee Muqdisho Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo
Waraysi dhinacayo badan taabanaya kula yeelanay Hoteel Saxafi ayaa sheegay in ay
ka tanaasuleen fikirka ah in dibada lagu wada hadlo, “waxaana qaadanay fikirkii
Walaallaheena jooga Jowhar si aan toos uga wada hadalno, inagoo fiirinayna
dhibaatada shacbiga Soomaaliyeed haysata iyo halka ay maanta Soomaaliya Marayso
ama faa’iido ha keento ama khasaaro, waxaan go’aansanay aragtidaas, tanaasulka
aan sameynay ma ahan mid hadda shaki ku jiro, taasina markii aan ku dhawaaqnay
xubnaha Jowhar waxay sameeyeen bogaadin, waxayna u saareen gudi arimahaas ka soo
tala bixiya, xubnaha Jooga Muqdishana taasi way u hambalyeeyeen tilaabooyinkii
ay qaadeen, waxaana ka sugaynaa inay soo sheegeen meelaha ay ku haboon tahay in
laysugu tegi karo, inaguna markaas ayaan talo ka dhiibanaynaa, hadii ay asiibaan
meesha ay sheegeen iyo tilmaanta ay bixiyeen waan ku waafaqi doonaa, hadii ay u
baahatana in talo laga bixiyo waan ka bixindoonaa umana arko wax lug ah oo u
laaban arinkaas, dalkuna Dowlad baa loo dhisay nin kasta Gobolkiisa ha aado,
taasina mudo 15 Sano ayaan kala joognay Goboladeena waxna way ku hagaagiwaayeen,
waxaana loo baahan yahay Dowlad iyada ayaan baadi goobaynaa”, ayuu yiri
Xildhibaan Cumara Xaashi Aadan oo intaa ku daray “Gobolka Hiiraan wuxuu ka mid
yahay Gobolada dalka, mana haboona in maanta maamul ay cidu u magacawdo , maxaa
yeelay cida wax magacaabaysa waa inay tahay cid xukunta meesha ay wax u
magacaabayso oo sharci iyo kala danbeyni jirto oo amarkiisa la qaadanayo,
deegaan walibana waa in dadweynaha jooga lala tashado, hadii dadka loo
magacaabay ay raali ka noqonayaan anigu ma diidayo, hadii ay u cuntami weydo
dadku Ummadda kale ayey wax la qabaan waxayna ila tahay inay iyagu tashadaan
dowladuna ay gacan ku siiso”.
Mar
uu ka hadlaayey horumarka ay gaareen Gobolada Woqooyi ee la baxay Somaliland
waxa uu sheegay in taasi ay tahay mid uu nasiibkoodu u saamaxay shacabka
Gobolada Koofureedna looga baahan yahay inay ku daydaan, wuxuu kaloo ka hadlay
halka ay marayso xubnihii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in
ilaa iyo hada la soo gudbiyey 40 xubnood kuwa kalena la rajeynayo dhowaan in la
soo gudbiyo, wuxuu kaloo ka hadlay xiriirada ay la samayteen qaar ka mid ah
Gobolada Soomaaliya Dowlada Ethobia, taasina ay ka mid tahay waxyaabihii 15 Sano
ka jiray dalka, waxaana looga gudbi karaa ayuu yiri Cumar Xaashi Aadan markii
Qaran Soomaaliyeed oo loo dhan yahay la helo.
Xidhibaan
Seeraar oo beeniyey weerar lala damacsan yahay Kismaanyo..
Xidhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar)
ayaa beeniyey in uu jiro wax weerar la doonayo in lagu qaado Magaalada Kismaayo,
Xildhibaan Seeraar oo u waramayey Idaacad ku taala Magaalada Boosaaso ayaa
sheegay inaysan jirin warar horey loo faafiyey oo sheegay in la doonayo in la
weeraro Magaalada Kismaayo.
Seeraar waxa kale oo uu
beeniyey in Magaalada Muqdisho uu ka dhacay shir looga hadlayey arimaha
Magaalada Kismaayo “Suuragal ma aha in Kismaayo la weeraro sababtoo ah Kismaayo
waxaa ka taliya Isbahaysiga Dooxadda Jubba asagana madaxdiisa ayaan ka mid nahay”
ayuu yiri Xildhibaan Seeraar .
Waxaa Magaalada Muqdisho ku
sugan Mas’uuliyiin ka tarsan Isbahaysiga Dooxadda Jubba oo uu ka mid yahay
Xildhibaan Yuusuf Mire Maxamuud (Seeraar) iyo Xidhibaan Gen,Axmed Warsame waxaa
sidoo kale Magaalada Muqdisho ku sugan Gen. Morgan oo ay horay ugu dagaalameen
Isbahaysiga Dooxadda Jubba gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.
Shakigaan ayaa yimid xili
kulan qarsoodi ah uu dhex maray Yuusuf Indha-Cadde iyo Gen. Morgan iyo Ciidamo
hubaysan oo u dhaqaaqay dhinaca Magaalada Kismaayo oo ka tagay Magaalada
Muqdisho waxaana la sheegay in Barre Hiiraale uu galay diyaar garow ku saabsan
arintaas, sida la sheegay. [Laakiin Seeraar waa beeniyey in weerar kaasi jiro]
Max’ed Dheere oo
qabtay Gaari ay saarnaayee waxyaabaha Qarxa.
Shalay ayaa Gaari Xaajiyad ah oo ay ku
rarnaayeen Bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa lagu qabtay Kontoroolka
Magaalada Jowhar dhinaca Magaalada Muqdisho.
Gaarigaas iyo dadkii watay
waxaa lagu xiray Xabsiga Magaalada Jowhar, Taliyaha Ciidanka Magaalada Jowhar
Xuseen Dhicisow oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Gaarigaas ay wateen
kooxo Wadaado ah balse ilaa iyo hadda si dhab ah looma caddeyn karo sababta
dhabta ah ee Gaarigaasi uu socday iyo hubka uu siday, ma ahan markii ugu
horeysay oo uu maamulka Max’ed Dheere gacanta ku dhigo hub noocaan oo kale ah.
Sh.
Nuur Cali Aadan “Xubnaha labada Gole ee Digil iyo Mirifle waxay dhawaan..
Xildhibaan Shiikh
Nuur Cali Aadan oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Beelaha Digil iyo
Mirifle oo aan waresi kula yeelanay Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada
Muqdisho ay nabadeyn u aadi doonaan Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana si
wangaasan isugu afgaranay xubnaha labada Gole ee kusugan Muqdisho arintaas, mana
aha mid dhowaan la bilaabay oo wuxuuna sheegay inay horey uga shireen intii uu
maqnaa Gudoomiyaha Baarla-maanka, taasoo lala sugaayey imaanshiyaha Gudoomiyaha
Baarlamaanka, waxaana doonaynaa inaan maamul u samayno Gobolada Bay iyo Bakool
ayuu yiri Xildhibaan Sh/Nuur oo hadalka sii wata ayaa intaa ku daray in ay
jiraan qoraal ay soo gaarsiiyeen wax-garad iyo Odayaal dhaqameedyada ku sugan
Gobolada Bay iyo Bakool oo ay ku dal banayaan xubnaha labada Gole ee ku kala
sugan Muqdisho iyo Jowhar inay isu yimaadaan, maadaama sidii Dowladda loo soo
dhisay oo ay dib ugu soo noqotay dalka aysan tegin halkaas.
Xildhibaanku mar
uu ka hadlaayey arrinta maamul u samaynta Gobolka Banaadir xubnaha ka soo gaaray
Beelaha Digil iyo Mirifle in ay ka soo horjeedaan Mas’uuliyiinta Golaha Guurtida
Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu yiri ”Arinta
Golaha Guurtida uma taalo ee Golaha Baarlamaanka ayaa la soo ogaysiiyey inay
keenaan xubnahaas, iyagaana go’aamiyey ee Golaha Guurtida markii la gudbiyo
Golaha deegaanka Gobolka Banaadir oo la galo maamulada Gobolada kale ayaa wax
laga weydiin karaa, midaas ayeyna talo ku leeyihiin. Xildhibaanku wuxuu sheegay
tanaasulka xubnaha labada Gole ee ku sugan Muqdisho in uusan ahayn mid daacad ka
ah oo ay Lugi u laaban tahay ayaa wuxuu yiri” anagu tanasulkeenu waa mid dalka,
dadka iyo diinta dan u ah”.
Iska hor imaad ay ku lug yesheen ilaalada Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi..
Laba Ruux ayaa ku dhimatay ugu yaraan
4 kalena way ku dhaawacantay inta u dhexaysa Km5 ilaa Hoteelka Saxafi, kadib
markii ay si kama ah ay uga fakatay mid ka mid ah ilaalada Gen/Xildhibaan Axmed
Warsame ee ku sugnaa meel ku dhow Hoteelka Saxafi iyo ilaalada Wasiirka
Ganacsiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo ku soo jeeday dhinaca Hoteelka oo markaa
shir uga socday xubnaha labada Gole ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
labada ruux ee
dhimatay oo mid Haweenay ahayd ayaa saarnayd gaari Caasi ah intii aysan dhiman
ka hor ka dhacday gaariga, balse rasaastii laga soo riday dhinaca Km5 ay ku
haleeshay gaariga dushiisa, halka mid kale ee dhintay isaguna ahaa nin horey
dhibaato uga soo gaartay dhaawac Xabadeed Cunaha, wuxuuna ahaa nin miskiin ah
oo iska jiifay ka soo horjeedka Wasaaradii hore ee Beeraha, ninkaan oo ahaa mid
ka dhigtay halkaasi hoy ayaa waxaa isagoo dhaawac ah loola cararay Isbitaalka
Madiina kadibna halkaasi ku geeriyooday waxaana hoos uga furmay dhiig fara badan.
WD. Amiin Yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | Nov
23, 2005
Dad Siyaabo
kala Duwan Loogu Diley Muqdisho
»Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf oo ku sii jeeda Sacuudiga
»C/llaahi
Yuusuf Wareegto ka soo saaray Hubka...
»Ugaas
Max’ed Wali “Dadka wax ka sugaya C/llaahi, Geedi..
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... Nov 22
Faahfaahin la
xidhiidha xasuuqii Qabridaharre
iyo
Dagaallo gumaysiga Itoobiya lagu jabiyay..
Guji...
Kismaayo oo lagu
Qabtay Aqoon isweydaarsi ay hirgalisay Jaamacada Kismaayo
iyo Maamulka Isbahaysiga Dooxda Jubba oo kulan ka
yeeshay marti galinta shirka Kismaayo..
Guji... Nov 21
UK: Kulan lagu Taageerayay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliya
Kulanka oo lagu qabtay magaalada Birmingham ee
dalka Ingiriiska ayaa waxaa kasoo qayb galay...
Guji..
Nov 21
Dastuurka Cusub ee
Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor jeedaan
Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa..
Guji... Nov 21
Dastuurka
Cusub ee Kenya oo Maanta loo Codaynayo
Dastuurkaas oo ay ka soo hor
jeedaan Muslimiinta kenya iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa..
Guji...
Nov 21
Reer Minnesota oo
Jaamacadda Hiiraan ugu Deeqay $80,000 oo Doolar
Kulan aad u xiiso badnaa ayaa xalay waxaa
lagu qabtay magaalada Minneapolis, waxaana...
Guji... Nov 21
Ergey Ka Socda Barre
Hiiraale oo La Kulmay C/Laahi Yuusuf iyo Shariif Xasan
»Xildhibaan Dhalxa“waa soo dhoweyneynaa xubnaha Muqdisho
»Qoraal ka soo baxay Jabhadda Xoreynta Soomaali.Galbeed
»DFKMG oo beenisey in hub ay leedahay lagu kala iibsanayo
»Golaha guurtida ee Digil iyo Mirifle oo ka soo horjeestey..
Wararka oo dhamaystiran ka akhri halkan...
Guji... Nov 21

|