SIDEE
NABAD KU GAARNAA?
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Nabaddu sideedaba waa xasillooni iyo qalalaaso
la’aan uu nooluhu ka dareemo naftiisa, deegaankiisa iyo dareenkiisa fikradeed.
Qoraalkan mid ka horeeyey oo magaciisu ahaa “Nabadi waa nolol” ayaan waxaan uga
hadlay qiimaha nabadda iyo baahida aadanuhu ama nooluhu u qabo, gaar ahaan
dadyowga Soomaaliyeed ee maanta ku nool dunida guudkeeda.
Waxaa in badan oo innaga mid ahi isweydiinayaan:
Maxaa nabad inoo diiday? Maxaa ina kala dhantaalay oo Soomali qoys ah toban
qaybood ka dhigay? Yaase qoys toban qof ka koobnaa shanta qaaradood ee dunida u
kala diray? Jawaabta su’aalahaan oo aan sahlanayn waxay salka la galaysaa arrimo
badan oo dhawr ah:
Qofka nooli in uu nabad dareemo, dhadhansado oo
ku naalloodo waxaa ugu horraysa in uu helo nabadda fekerka iyo xorriyadda
go’aanka qof ahaaneed. Waayo qofku marka uu xoryahay ayuu falkiisa iyo
falceliskiisa masuul ka noqon karaa.
Qofka bini’aadanka ahi wuxuu dhashaa isaga oo xor
ah, wax danbi ah aan lahayan caddaaladduna u tahay miisaan, halhays iyo yool.
Waxaase inta badan marin- habaabiya oo jidka toosan ka duwa waa falcelis qaldan
oo uu kala hortago fal ama fikrad la soo gudboonaatay. Dhaawaca gaara nabadda
fekerka iyo lahaanshaha go’aan ku dhisan maskax caafimaad qabta, oo ka caafimaad
qabta cabudhin, cadaadis iyo cagajugleyn wuxuu keenaa dhaawac naf ahaaneed, jidh
ahaaneed iyo mid deegaan ahaaneed. Waayo waxaannu nidhi qof aan xor ahayni
falkiisa iyo falceliskiisa midna mas’uul kama noqon karo. Xorriyadda fekerka oo
qofka laga qaado waxay keentaa dibu dhac, dagaal iyo kala jab ku yimaada bulsho
is-haysatay, isku deegaan ahayd danta guudna ka dhaxaysay.
Xorriyadda fekerku waxay u baahan tahay in ay ku
salaysnaato qanaaco iyo go’aan qof ahaaneed iyo mid ummad ahaaneed oo la isku
daray, taas oo salka ku haysa il ama asal lagu kalsoon yahay oo qofkaas ama
ummaddaasi qadarin iyo lexojeclo u hayaan. Tusaalooyinka ugu mudan ee la soo
qaadan karo waxaa ka mid ah Nidaamka Hantiwadaagga, Hantigoosadka iyo nidaamka
ku dhisan Shareecada Islaamka oo dhammaantood asal iyo gundhig u ah fekrado iyo
habdhaqanno kala duwan oo dunida ku baahsan. Dadyowga hab-nololeedyadaas ku
dhaqma oo qaarkoodna lagu qasbay in ay qaataan nidaam aysan si xor ah u dooran
qaarkoodna lagu qasbay inay ka tagaan nidaamkii ay ku qanacsanaayeen ayaa waxaa
ka dhasha falcelis aan la mahadin.
Burburka ummaddeenna ku yimid maamul ahaan, maskax
ahaan iyo mustaqbal ahaanba wuxuu salka ku hayaa marinhabow lagu sameeyey
xorriyadda fekerka iyo nidaamka salka u ah ee laga soo minguuriyo (mar
hantigoosad, mar hantiwadaag, mar qabyaalad marna xageysi iyo nin-tooxsi). Ummad
aan xor ahayni falkeeda iyo falceliskeeda midna masuul kama noqon karto!
Jawaabta koowaad ee sidee Nabad ku gaarnaa waxay noqoneysaa: Mar haddii aan
nahay ummad Islaam ah waxa aan aaminsanahayna uu yahay Ilaahay iyo Rasuulkiisa
waxaa inala gudboon in aan nabad la dhiganno oo heshiis la galno Ilaahay, waayo
falka iyo fekerku waa in ay is waafaqaan, kana soo burqadaan qanaaco ku salaysan
kalsooni iyo jaceyl loo qabo fekradda iyo falka waxa kugu dhaliyey!
Waxaa ku xigta in la helo hab maamul oo ku dhisan
caddaalad, xaqdhowr, isqadarin iyo aqoon. Dunidu waxay u kala horreysaa sida ay
u kala maamul wanaagsan tahay, u kala cilmi badan tahay, caddaaladdana ugu kala
dhowdahay. Marka hore waa in maamulku uusan noqon nidaam ku salaysan sandulle
iyo habdhaqan dool ah. Waa in cidda maamulka hagaysaa aysan noqon ama laga
dhadhansan cadaawad, cilmi darro iyo caddaalad xumo ku wajahan ummadda ay
madaxda u tahay! Musuqmaasuqu wuxuu keenaa in qofkii aqoonta lahaa kalsoonidu
ka dhunto, qof aan aqoon lahayna islaweyni u kororto, kii masuulka ahaa ama
maamulka hayeyna caddaaladdu ku yaraato. Ummadi si ay nabad ku hesho, deetana
horumar ku gaarto waa in ay leedahay, kuna dhaqantaa dastuur, maamul iyo maareyn
ku dhisan caddaalad iyo xaqdhowr. Waa in nabadi ka dhaxeysaa nidaamka(dastuurka),
maamulka iyo mujtamaca hoos jooga! Waatii Afmaal Soomaaliyeed lahaa:
-
Qarankaan
hoggaan adag lahayn, qolana eexeysan
-
Qawaaniin hagtana loo astayn, waa qadhoodhabo’e
-
Maxaan
kuu qabtaa saw adigu, xumo ma qoondeysan?
Hoggaan wanaagsan ayaa sabab u noqon kara nabad
iyo sinnaan ay higsato ummadi. Marka madaxdu aysan ka qaloon dadka ay maamulka u
hayso, ummadduna aysan ka argagixin muuqaalka madaxdeeda waxaa dhow oo hubaal ah
xasillooni lagu naalloodo iyo nabadda oo magoosha. Maanta dunida waa ku yaryahay
hoggaamiye dadka uu madaxda u yahay dhibyari ku dhex-mushaaxa iyada oon ilaalo
laga hayn, waardiye adagna hareeraha ka socon. Taasi waxay daliil u tahay in aan
hoggaamiyahaas iyo dadkiisa nabadi ka dhaxeynin. Iyagu kuma kalsoona isaguna
kuma kalsoona, waa marooqsi khasab lagu sharciyeeyey. Waa in nabad iyo is
dhexgal kalsooni ku dhisan laga helaa mujtamaca iyo hoggaanka talada u haya!
Xaqsoor iyo sinnaan bulshada dhexdeeda ah waa
astaanta nabad lagu higsado ee bulsho caafimaad qabta. Masuulka iyo madaxda
bulshadu waa shaqaale u shaqeeya dalka iyo dadka ee ma ahan boqor cadow ah inta
ka hooseysana cabiidsada. Hadalka iyo ra’yiga kan meesha ka taliyaa mar walba ma
aha sax iyo lagama daba-hadlaan, ee waxaa jira ama ay tahay in la helo maskax
cilmi iyo waaya-aragnimo huwan oo madaxdu kala tashato hawlaha ummadda loogu
dhiibay. Bulsho kasta heer dal ilaa heer degmo waa in dad ay yaqaannaan oo ka
mid ah, ku soo dhex barbaaray, wanaaggiisa, waxtarkiisa iyo aqoontiisa lagu
qaddariyo laguna soo doortay, madax looga dhigaa. Wixii ummadda ka dhexeeya ee
ay tahay in loo sinnaado, sida shaqada, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo
maamulka dalka waa in aan bulshada qaarkeed aysan xaq isusiin inta kalana laga
xaaraantinnimeyn. Waxaa kolkaas kobcaysa aragtida oranaysa “Haddii aan waxba iga
maqnayn maxaan kugula colloobaa?”sidaa darteed xaqsoorka iyo sinnaanta mujtamacu
waa furaha Nabadda!
Gunaanadku wuxuu yahay oo qoraalkaan gaaban
saldhiggiisu yahay in fiiro gaar ah loo yeesho si nabad loo helo, looguna waaro
afarta qodob ee kala ah:
-
Nabad dhexmarta dadka iyo waxa ay
aaminsanyihiin (socio-ideological coherence). Haddii bulshadu ku shaqeyso
ama iska doondoonto wax aysan aaminsanayn ama lagu qasboba waxaa ka dhasha
fal iyo felcelis qaldan.
-
Nabad dhexmarta bulshada iyo maamulka ama
nidaamka kala hagaya ee dastuurka iyo halbeegga sharci dejinta u ah (socio
and constitutional coherence).
-
Nabad dhexmarta bulshada iyo hoggaanka
majaraha u haya ilaa laga gaaro kalsooni talantaalli ah oo dadweynaha iyo
madaxdoodu isku qabaan (mutual trust), taas oo keenaysa in la helo hoggaan
wanaagsan (good leadership) oo ka dhashay kuna tiirsan dadweyne wanaagsan.
-
Nabad dhexmarta guud ahaan dadweynaha taas oo
ku salaysan xaqsoor, sinnaan, caddaalad iyo xaqdhowr (social justice) ilaa
laga gaaro bulsho waaya- aragga, indheergaradka iyo aqoonyahanka ka dhigata
hormuud iyo ilays ay ku higsato. Ummad maal-qabeenkeeda, miskiinkeeda,
madaxdeeda iyo minjaheedu ay u siman yihiin sharciga dalka u dhigan, dhib
iyo dheefna ay wadaagaan markii dalka iyo dadku uga baahdo.
Kolka qof kasta, gobol kasta, degma kasta iyo
deegaan kasta oo Soomaalidu degto dal iyo dibad aad ku dhereriso afartaan qodob
waxaa kuu soo baxaysa inta ay inoo jirto nabad aan helno iyo naruuro aan ku
naalloonno!! Waxaase jirta hees hawleed oranaysa: Wixii rag u kaco, Rabina
aqbalo, waa rumoobaan! Ee yaan la quusan ayaan leeyahay.
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov
23, 2005
JAWAABAHA LAGA BIXIYEY
HADALKII GEEDI
00
|
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |

|