-
Madaxweyne Mwai Kibaki oo
xilka ka xayuubiyay
golahiisa wasiirada maalin
kadib aftidi dastuurka
-
Kuala lupur:
Ardayda Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub
-
Wiilal Soomaaliyeed oo Lagu
Soo Eedeeyey in Ay Gabar ku
Kufsadeen Sweden
-
Dowladad
Sucuudiga oo laga dalbaday
in ay joojiso sannadkan
Gudashada Xajka
-
Cali Max’ed Geedi
“Muqdisho waxaa lagu
burburiyay Dowladii Cabdi
Qaasim
-
Dowladda
Suudaan oo noqotay Dowladdii
ugu horeysey ee ka jawaabta
kaaalamadii Soomaaliya
-
Miless Zanawi
oo sheegay in ay wada
shaqeyn xoog u dhaxayso
Dowladiisa iyo Dowlada
Federaalka
WARARKA KALE EE MAANTA:: NOV 24, 2005
Madaxweyne
Mwai Kibaki oo xilka ka
xayuubiyay golahiisa wasiirada
maalin kadib aftidi dastuurka.
W/D.Farxaan-Ceynte.
24/Nov.2005.

Mwai Kibaki
Diidmadi dastuurkii cusbaa ee
dalka la rabay in laga taaba
galiyo ayaa hormuud ka noqotay
in xilka laga xayuubiyo 25
wasiir oo isugu jira qeybaha
kala duwan ee wasaaradaha.
qoraal rasmi ah oo laga soo
saaray aqalka (State hous-ka)oo
ah saldhiga looga arimiyo
dalkaan Kenya uuna ku saxiixnaa
madwaxweyne Mwai Kibaki ayaa
lagu sheegay in xilkii lagala
laabtay dhamaan wasiirada
dalkaan Kenya. tani waxa ay
suurtagalin kartaa
qul-qulatooyin ku yimaada
hogaanka sare ee dalkaan. waana
arin aad ugu cusub dhagaha
shacab weynaha reer Kenya.
waxaana shaki ku jirin in ay
salka ku heyso arintaan
diidmadii lixaadka laheed ee
xisbiyada mucaaradka dalkaan ay
maalinkii arbacada ku
guuleesteen diidmadoodii (Dastuurka
cusub.) lakiin majiro ilaa iyo
hada masuul xaga dowlada ka
socda oo arinkaan ka hadlay,
waxaana dadka lafa gura siyaasda
dalkaan ay ku tilmaameen
arinkaan mid looga fadhiyay
madaxweynha in uu qaado talaabo
wax ku ool ah, taas uu uga
jawaabaayo dharbaaxadii ka soo
gaartay axzaabta mucaaradka
dalkaan. tani waxaa ay caqabad
ku noqondoontaa madaxweynaha
laftigiis,sababtoo ah baa la-leeyahy,waxuu
u baahanyahy in uu markale isku
soo shaandheeyaaa golahii
wasiirada,hadana uu ka soo
ansaxiyo golaha baraalamanka.
koleey waa looga fadhiyaa waxa
uu ku soo daro wasiirada iyo
inta uu ka soo qaato kuwii uu
hada xilka ka xayuubiyay.
Dhanka kale, arinkaan waxa ay ku
soo beegantay, mar xisbiyadii
guusha raacday kuna mideysnaa
astaantii (Liinta) ay diyaar ula
yihiin walaalohoodii ay ka
badiyeen in ay lashaqeendoonaan,
walibana ay diyaar ula yihiin in
ay iminka isla soo dhisaan
dastuur kale oo labada dhincba
kalsooni kubeera. si kastaba
arinku ha ahaadee,madaxweyne
Mawi Kibaki waxa uu ku jiraa mid
kamid ah xiliyadiisii ugu
xanuunka badnaa intii uu ku guda
jiray jagadiisa
madaxweynanimo.waxuuna
madaxweyne Kibaki ku soo aadiyay
xil kaxayuubintaan xili
siyaasada dalkaani ay mareyso
meel xasaasi ah.
W/D.Farxaan-Ceynte
Nairobi-kenya.
caynkayare@yahoo.com
Ardayda Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub
Kuala Lumpur : 736 Arday soomaaliyeed ayaa wax ka barta Jaamacaddaha iyo
kuleejooyinka ( collages ) ku yaala Wadanka Malaysia, Ardaydaan ayaa badankood
wax ka barta Jaamacaddaha iyo kuleejooyinka ( collages ) ku yaal caasimidaa
Malaysia ee Kuala Lumpur .
haddaba Markii eey Tariikhdu ahayd November 21, 2005 ayaa doorasho ka dhacday
xarunta Jaamacadda islaamka ee Malaysia ee loo yaqaano (International Islamic
University Malaysia “IIUM” ).
Hadafka doorashadaan ayaa ah sidii dib loogu soo noleeyn lahaa Maamulka Ardayda
Jaamacadda Malaysia kadib markii muddo sanad ka badan uu hawadda ka
maqnaa arrimo la xeriira khilaaf , is faham la’aan iyo wax qabad la’aan
daarteed.
Doorashadaas waxaa isu soo sharaxay 3 musharax, waxaana codkooda dhiibtey boqol
afartan iyo lix “146” qof oo 118 ka mid ah ay codkooda siiyeen Cismaan Cabdi
Xasan,
halka labaatan “20” ay u codeeyeen labadii musharax ee kale, sideedna “8” ayaa
ka
aamustay codeyn taasi, Ayagoo ku dooday in doorashaddaas eeysan waafaqsanayn
dastuurka.
Sidoo kale doorashadaan waxaa soo dhaweeyay dhamaan Ardayda Jaamacadda sare
ee looyaqaan ( Somali postgraduate Student ) iyo Ardayda wax ka barata goboladda
Malaysia sida ardayda wax kabarata Multi Media University ee magaalada
Malaka.
hadda markii aan wareysi la yeelanay Qaarka ka mid ah Ardayda soomaaliyeed oo
aan
wax ka weydiinay sida eey u arkaan Maamulka cusub , ardaydaan ayaa badankood
soo
dhaweeyay maamulka ee ardayda jaamacadaha hoose ( Undergraduate student ),
waxeey kaloo raja weyn ka muujiyeen in dib u habeyn lagu sameeyn doon urur
weynaha
ardayda soomaaliyeed ee Malaysia, lana sameyn doono dalad weyn eey hoos
Tagaan
dhamaan ururda kale.
Maamulka Ardayda Soomaaliyeed ee Maleysiya
admin@sssmalaysia.org
Wiilal Soomaaliyeed oo Lagu Soo
Eedeeyey in Ay Gabar ku
Kufsadeen Sweden
Maxey gabdhahan galabsadeen
oo laga gudayey?
W/D: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
SWEDEN:
Kufsigu waa mid aan laheyn
midab, luqad iyo diin marka
laga hadlayo dhibaatooyinka
sida gaar ahaaneed usoo
wajaha dumarka.Diinteena iyo
dhamaan dhaqamada kala duwan
ee dunida ka jira midna
ogolaaanayo in lugu xadgudbo
xaquuqda dumarka iyo
korkoodaba. Balse ragga
falkaasi foosha xun geysta
waa kuwo adeegsada awood
dheeri ah oo aan mararka
qaar sharci iyo ciqaab qabta
uusan jirin. Dalkeena oo
waqtigan xaadirka ah aan
laheyn dowlad iyo nidaam
kala dambeyn ayaa maalin
walba waxaa dumarka da'da
yar iyo haweenkaba lugu
dhaqmaa falal fool xun oo
kufsigu ugu horeeyo. Hadaba
dalkan Sweden ayaa arrin
argagax lehi ka dhacday
sanadkan bilowgiisi kadib
markii labo gabdhood oo
dhalin yarro ahi ay kufsi
iyo jir dil u geysteen afar
wiil oo afrikaan ah labo
kamid ah ay ahaayeen
soomaali ah. Labadan
gabdhood habeenkii sanadka
cusub dhalanayey waxey ku
socdeen xaflad ay doonayeen
iney farxada sanadka cusub
la qeybsadaan asxaabtooda
markey maxadada tareenka
xaafada Hisingen oo ah meel
ay si aad u degen yihiin,
soomaalida, carabta,turkiga
iyo xoogaa xeyn swedhish
ahay kula kulmeen afar wiil
oo afrikaan ah kuwaaso u
sheegay ineyba laftooda u
socdaan xafalada
islamarkaasina ay u sheegeen
iney tusayaan halka ay ku
taal goobta xaflada ka
dhaceyso.
Nasiib darrase farxaddii ay
saacadaasi dareemayeen
labadaasi gabdhood ee
saaxiibada ah ayaa isku
badashay argagax, dil iyo
kufsi ay u geysteen
wiilashii Afrikaanta ah.
"Hadaanu qabi laheyn xukun
dil ah, ciqaabooda dil bey
ahaan laheyd" ayey tiri
Linda oo ah gabadha sida
weyn dhaawaca u soo gaaray
islamarkaasina codsatay in
sawirkeed oo dhaawacu ka
muuqdo lugu soo qoro
wargeysyada si ay u arkaan
bulshaddu dhibaatada dumarka
si gaar ahaaneed uga soo
wajahda ragga intaasina
hadalkeeda ku dartay iney
weli cabsi iyo hanjabaad
dareemeyso iyadoo qiyaastii
dhacdadaasi sanad ku dhawaad
kasoo wareegtay.
Wiilasha kufsiga iyo
jirdilkan geystay ayaa labo
kamid ah soomaali yihiin,
halka saddexda kale la
sheegay iney ka yimaadeen
dalka Gambiya. Mid kamid ah
wiilashaas ayaa boolisku
sheegeen inuu heysto
dhalasho Filandees oo
aakhirkii booliska dalkaasi
soo gubiyeen Sweden.
Xaafadda aan deganahay ee
Hisingen oo soomaalidu ku
yareyn ayaa dadka degen
waxaa kasoo haray yaab
markey maqleen in falkaasi
dadka geystay ay ku jireen
dhalinyarro soomaali ah gaar
ahaan mid kamid ah ehelada
wiilasha Soomaalida ayaa ii
sheegay in walaashiis oo
daganeyn xaafada ay ka
guurtay kadib markii
hanjabaado xoog leh uga
timid mid kamid ah
walaalaha labadii gabdhood
kuwaasoo wacad ku maray iney
markoodana cadaabta tusin
doonaan ehelada wiilkaas
soomaaliga lugu
sheegay.Bishan
dabayaaqadeeda ayaa lugu
wadaa in wiilashaasi lasoo
saaro maxkamad ka dhan ah
falka bani'aadnimada ka
baxsan ee ay kula kaceen
Linda iyo Jenny. Linda oo
haatan dareemeysa nerfoos
xoog leh iyo cabsi markey
weji ka weji u aragto
nimankaasi maalinta
maxkamada la saarayo ayaa
sheegay iney ka baqeyso iney
suuxdo markey aragto araga
wiilasha aan naxariista
laheyn ee ay ku tilmaantay
kuwo aan bani'aadam aheyn.
"Haddey intey u kufsadaan oo
ay iga tagaan ciil ma qabeen
ee waxaa iigu darran jir
dilka iyo dhaawaca aan kasoo
kasbashada laheyn ee uu
geysteen" bey tiri Linda oo
ka faalooneysay mahadhadii
dareenkeedii badalay
habeenkii sanadka cusub soo
galeysay iyo sidey kula
dhaqmeen wiilashii
afrikaanta ahaa.
Isku soo wada duubo
wiilashan Soomaalida ah ee
maganta u noqday dhaqan iyo
bulsho soo dhaweysay koley
iyagoo diif ku taallo kasoo
carareen dalkooda maxaa
keenay gabdho aan waqtigaas
dembi geysay iney kufsadaan
oo dhaawacyo u geysteen
xubintoodii tartan.?
Waalidiinta soomaaliyeed ee
qurbaha jooga maxaa la
gudboon, sideyse
carruurtooda dhacdooyin
noocan ah uga badbaadin
karaan,wiilasha soomaaliyeed
ee dhalinyarada ah sidey ku
badbaadin karaan laftooda
gabdhaha soomaaliyeed ee
walaalahood, Illaahey
hortiisa. iyo bulshadase
maxey ka filan karaan markey
falalkaasi naxariis darrada
ah geystaan.
Bille
Maxamed Xaashi: Qoraa
soomaaliyeed oo la
gudoonsiiyey bilada
dhaqanka
Bille Maxamed inkastoo
uu ka mid yahay
qorayaasha da'da yar
hadana waa nin
qoraaladiisa ay si weyn
u jecleysteen dadka
dhaqamada lafa gura. Bille
waxaa uu soo saaray buuggag
badan oo ku qoran afka
Soomaaliga waxaa kamid
ah buugagtiisa, Janno,
Amran, Maxbuus LR 17,
Deynabo iyo Intuu
dahabku lacagta
dheeryahay dumarka
dheertahaye. Toddobaadkan
horaantiisa ayaa
maamulka Gobolka
Gothenburg ee dalkan
Sweden gudoonsiiyeen
abaalmarin iskugu jirta
lacag iyo bilad sharaf
ay ku qiimeeyeen
qoraaladiisa ka hadlaya
dhaqanka Soomaalida.
Bille Maxamed Xaashi oo
bishan horaanteedii
muxaadaro ku saabsan
dhaqanka soomaalida iyo
buugagtiisa ka jeediyey
mid kamid ah maktabaha
ugu waaweyn ee ku yaal
gobolkan Gothenburg ayuu
sheegay inuu aad ugu
faraxsan yahay magaca
Soomaali uu wato. "Muxaadarro
aan kal hore ka akhriyey
maktabad ku taala
deegaanka Udvalla ayaa
dadkii halkaasi iskugu
yimid markey ogaadeen
inaan ahay nin soomaali
ah ayeywaxaanu sugeynay
inuu naga soo horbaxo
nin calool weyn oo
hadana leh labo xaas iyo
ugu yaraan 10 carruur ah
qaba, laakinse
arrinkaasi waxey
beenowday markey akreen
wiil dhalin yar aqoon
sare leh xaas iyo labuur
leh" ayuu yiri Bille oo
ka hadlayey sida maanta
dadka soomaalida
qaarkood looga aaminsan
yahay qalad.
Bille haatan waa qoraa
mujtamaca Soomaalida iyo
dadka uu la noolyahay ku
leh sumcad, wuxuu haatan
ku howlan yahay inuu
tarjumo dhamaan
buugagatiisa
sheekooyinka ah ee ku
soo baxay afka
soomaaliga kuwaasoo ay
aad u jecleysteen dadka
Swedhishka ah markii loo
tarjumay. Sidoo kale
Bille wuxuu leeyahay
bogg rasmi ah oo laga
dheehan karro dhamaan
dhaq dhaqaaqyadiisa
buugeed iyo howlaha uu
ku howlan
yahay.www.bile.se
Gothenburg- Sweden
Sawirka: wargeyska
Expressen ee Sweden
Dowladad
Sucuudiga oo laga dalbaday in ay
joojiso sannadkan Gudashada
Xajka
Shabakada Islamic
Online ayaa qortay in wadamad
Yurub iyo Mareykanka ay Dowladda
Sucuudiga ka dalbadeen in
sanadkaan la joojiyo Xajka oo la
filayo in ay isugu tagaan in ka
badan 3-malyan oo qof oo ka kala
imaaneysa daafaha caalamka.
Dalabkaan ayaa
waxa uu ku yimid mar ay shir
isugu yimaadeen Magaalada Riyaad
ee dalka Sucuudiga Dowladahauu
dhibaatada ku hayo cudurka
Hargabka Shimbiraha, waxaana
shirkasi lagu sheegay in
wadamada Aasiya ay yihiin kuwa
ugu badan ee lagu arkay Hargabka
Shimbiraha, kuwaasoo laa filayo
in ay tagaan sanadkaan xajka,
waxayna Dowladaha Yurub iyo
Mareykanka ay sheegeen in
cudurkaasi uu keeni karo in dad
fara badan ay u dhintaan marka
ay isugu yimaadaan Xajka.
Wasiirka Xajka
iyo Arimaha Ow-Qaafta ee
Sacuudiga Amiir Xaamid ayaa waxa
uu sheegay in Dowladda Sucuudiga
iyadu ay leedahay go’aanka
daryeelka dadka xajka u imaanaya
dalka Sucuudiga, balse aysan
go’aankaasi lahaan karin dad
shisheeye ah, waxa kalloo uu
sheegay in Dowladda Sucuudiga ay
mar hore diyaargarow u gashay ka
hortaga cudurkaasi, waxayna ka
dalbatay wadamada uu ka jiro
hargabka Shimibiraha in ay soo
talaalaan Xujeydooda.
Mas’uul ka tirsan
Jaamacadda Al-Azar ayaa waxa uu
sheegay in arinta ka soo yeertay
wadamada Yurub iyo Mareykanka ay
tahay mid loogu gafayo diinta
Islaamka isla markaana lagu
tijaabinayo wadamada Islaamka,
isagoo sheegay in arrintu ay ka
weyn tahay cudurka ku dhaca
shimbiraha,oo ujeedo ku qarsoon
tahay waxaa kalloo uu sheegay
in cuduro ka qatarsan cudurkaas
ay horey u soo mareen Xajka,
balse ay Dowladda Sucuudigu si
wanaagsan uga hortagtay.
“Rukniga Xajka
waa mid waajib ah, waxa uuna
waajib ku yahay cid kasta oo
awooda, Dowladda Sucuudigana
awood uma lahan in ay dib u
dhigto ruknigaasi” ayuu yiri
Mas’uulkaas
Cali Max’ed Geedi “Muqdisho
waxaa lagu burburiyay Dowladii
Cabdi Qaasim
Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi ayaa mar uu
wareysi siinayay Jariirad lagu
magacaabo Al-ra’yul Caam kana
soo baxda wadanka Kuweyt ayaa
waxa uu sheegay in Dowladdiisu
ay ku talaabsaday mudadii ay
jirtay horumar la taaban karo,
isagoo sheegay in ay dib u
uruuriyeen ciidamadii xoogga
dalka Soomaaliyeed, isla
markaana ay tababar u fureen
kooxihii maleeshiyooyinka ahaa
ee ka jiray qaybo ka mid ah
dalka. Mar wax laga weydiiyay in
Dowladdiisu ay ku laabaneyso
Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu
yiri “Muqdisho waxaa lagu
burburiyay ama lagu fashilay
Dowladihii soo maray dalka, oo
ay ugu dambeysay dowladdii C/qaasim,
suurtagalna ma ahan in Magaalo
sidaasi ah ku laabano” wuxuu
intaas sii raaciyay “Muqdisho
waa Qabri, waxaana ku laaban
karnaa markii nabad lagu soo
dabaalo” waxaa kalloo sheegay in
shaqsiyaas Soomaaliyeed iyo
Dowlado jecel horumarka
Soomaaliya ay ka codsadeen
Dowladda Federaalka in aysan ku
deg degin tagista Magaalada
Muqdisho. Ra’isul Wasaaraha labo
jeer ayuu yimid Magaalada
Muqdisho, labadiibana khatar
ayuu ku galay kaddib markii lagu
qarxiyay bambooyin, hase yeeshee
Ra’isul Wasaaruhu waxa uu
sheegay in ay ka go’an tahay in
Dowladda Federaalka ay nabad ku
soo celiso Magaalada Muqdisho.
Waxaa maalmahan si aad ah isugu
soo dhawaanayay xubnaha labada
Gole kaddib markii labada garab
ee ku kala sugan Muqdisho iyo
Jowhar ay aqbaleen in la wada
hadlyo isla markaana la dhameeyo
wixii khilaaf ah ee u dhexeeya
Xukumadda Federaalka, waxaana
arrintaasi si aad ah ugu
riyaaqay shacabka Soomaaliyeed
iyo beesha caalamka gaar ahaan
wadamadii deeqda ku bixiyay
shirkii dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed ee socday mudo labo
sano iyo ku dhawaad ah.
Ma dhabaa in
Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka
Jinniga qaba?
Intaa
nooshahay maalin walba wax
aad arkeysaa wax kaa
yaabiya, iyadoo taasi jirto
ayaa dhawaan Xaafadda aan
deganahay ee AL-Baraka Guri
u dhow waxaan arkay dad
buuqaya oo la leeyahay
Caawa Xaafadda waxaa
jooga Dhurwaa, inta
yaabay ayaan waxaan
dadkii ku iri “oo
Dhurwaagu muxuu
qabanayaa?”...
GUJI... |
Miless Zanawi oo
sheegay in ay wada shaqeyn xoog
u dhaxayso Dowladiisa iyo
Dowlada Federaalka
Ra’siul Wasaaraha wadanka
Itoobiya Miless Zanawi oo u
waramayay wakaaladda wararka ee
Itoobiya ee Ena aya waxa uu
sheegay in wada shaqeyn xoog leh
ay u dhexeyso Dowladda Itoobiya
iyo Dowladda Federaalka.
Waxa
uu sheegay Miless Zanawi waxa uu
sheegay in ay si aad ah u
daneynayaan in Soomaaliya ay
hesho Dowlad si ay shacabku uga
baxaan dhibaatada, waxaa kalloo
uu sheegay in Dowladda
Soomaaliya ay ahmiyad weyn ugu
fadhido wadamada geeska Afrika.
Mar
wax laga weydiiyay waxa ay isla
soo qaadeen isaga iyo Ra’isul
Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed
Geedi waxa uu sheegay in ay ka
wada hadleen sidii loo sii
xoojin lahaa ama loo sii adkeyn
lahaa xiriirka u dhexeeya
Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa
uuna beeniyay in Dowladda
Itoobiya ay hub siisay Dowladda
Federaalka. “Wadamada IGAD
hadafkoodu waa sidiii Soomaaliya
hub ka dhigis loogu sameyn lahaa,
anagu taa ayaan taageerasan
nahay” ayuu yiri Miless Zanawi.
Dhawaan Magaalada Jowhar waxaa
heshiis ku kala sixiixday
mas’uuliyiin ka socday Itoobiya
iyo Dowladda Federaalka, wuxuuna
heshiis-kaasi dhigayay in la
iska kaashado arrimaha
dhaqaalaha siyaasadda iyo
nabadgelyada.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
###
Rasaas ka
dhacday xarunta UNHCR ee Sanca,
goobtaas oo ay ku dhaawacmatay
gabar Somaliyeed
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 24,
2005
Injineer
Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed
Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada
Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la
diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah...
ka akhri..
HALKAN... GUJI... Nov 7