Bannaanbax lagu ayidayo fikirka dib u heshisiineed ee
Barre hiraale oo ka dhacay degmada jilib.....
iyo degmada dhoobleey oo aan fikrkaas
barre laga soo dhaweyn
Bannaanbaxaan oo lagu soo dhoweynayay gogosha uu xildhibaan Barre
Hiiraale u fidiyay labada garab ee dowladda federaalka oo uu khilaafku ka
dhaxeeyo oo la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo magaalada Kismaayo ayaa waxa
uu ka dhacay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Bannaanbaxan oo ay soo agaasimeen ururrada bulshada rayidka ah oo
kaashanaya maamulka degmada ayaa waxa socod dheer lagu soo maray
waddooyinka dhaadheer ee magaalada Jilib.
Waxaa Bannaanbaxa hadal ka jeediyay guddoomiyaha degmada Jilib iyo
guddoomiyaha ururka haweenka ee gobolka Jubbada dhexe oo labaduba ku
tilmaamay gogoshaani mid wax ku ool ah.
Bannaanbaxaasi waxa uu ku dhammaaday jawi xasilloon waxana uu soo
gebageboobay abbaarihii duhurkii (Nov 24, 2005.)
Dhanka kale marka laga soo tago soo dhaweynta laga soo dhaweyay deegaanka
jilib fikirka barre hiraale ayaa waxaa jirta in degmada dhobleey
masuuliyiinta ku dhaqan ay ka soo horjedaan fikirka barre hiraale ee uu ku
donayo in gogol wada hadal uu ugu fidiyo labada garab ee dowlada.
Hadaba gudoomiyaha degmada dhoobley BarKhadle cabdi adan ayaa saxafada u
xaqiijiyay in aysan ogsoonayan ayagu dowlad is khilaafsan oo lagu
hishiisiinayo magaalada kismayo aysana filayn in ay gogshaas miro dhal
noqoto.
C/Qadar (Filipin)
cabdiqadar@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25,
2005
Injineer
Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed
Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada
Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la
diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah...
ka akhri..
HALKAN... GUJI... Nov 7
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |