Xaflad sagootin
ah oo loo sameeyay xulka Qaranka
Soomaaliya..
Cabdi Qaybdiid “Waa dhamaatey
xiligii la oran jirey Haddi
kubaddu ku dhaafto yuusan ninku
ku dhaafin “
Waxaa saakay (Nov
24)
Hotelka Peace ee Magaalada
Muqdisho ka dhacay xaflad si
heer sare leh loo soo agaasimay
oo lagu sagootinayay
ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta
ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya
Koobka Bariga iyo Bartamaha
Afrika ee 26-ka bishan ka
furmaya Magaalada Kigali ee
wadanka Rwanda.

Xulka oo lebisan
Xafladdaas waxa ka soo
gaybagalay mas’uuliyiinta ugu
sareysa Guddiga Olimbikada
Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin
ku simaha GOS C/qaadir Ibraahim
Gacal Abkow, Guddoomiye ku
xigeenka arrimaha howl fulinta
Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo
Guddoomiye ku xigeenka GOS ee
dhinaca xiriirada Xaaji Cabdi
Cilmi Warsame, waxaana hadal uu
xafladdaa ka soo jeediyay ku
simaha GOS Abkow uu ku sheegay
in ay aad ugu faraxsan yihiin
ciyaarahayaas, isagoo ku
guubaabiyay ciyaaryahanada xulka
Qaranka in hadafkooda koowaad uu
noqdo sidii ay u soo hoy
lahaayeen guul wax ku ool ah.

Gool-haye Bakiyaa
“Waxaan idiin sheegayaa in aad
iska ilaalisaan wax kasta oo
qalad ah, anaguna ma dooneyno in
aan maqalno hebel ayaa calaamada
Cas qaatay, hebelna waa
caytamay, taasina waxay fool
xumo ku tahay ciyaaryahankii
sameeyay iyo dhamaan
ciyaaryahanada kale, maxaa
yeelay ma jirto wax ka wanaagsan
adaabta qofka binim’aadamka ah,
isku daya in mar kasta guusho ay
xagiina ahaato, og soonaadana in
la iga badi karo aadna badin
kartaan” sidaa waxaa yiri Abkow
oo la dardaarmaya cayaaryahanada
Qaranka.

Xulka Qaranka
Xoghayaha Guud ee xiriirka
Soomaaliyeed C/qani Siciid Carab
ayaa hadal uu halkaasi ku
jeediyay waxa uu ku sheegay ka
qaybqaadashada xulka Qaranka
ciiyaaraha CECAFA ay gacan weyn
ka gaysteen shaqsiyaad iyo
shirkado Soomaali ah, wuxuuna
sheetgay inay ka mid yihiin
Shirkadda Diyaaradaha ee Afrca
Air Express oo 40% qiima dhimis
ku sameysay wafdiga iyo
ciyaarayahanada Xamar ka baxay,
Shirkadda Red Stone ee ka
ganacsata Taayirada iyo
Batariyada Baabuurta iyo
Guddoomiyaheeda C/Qaadir Axmed
Jaamac oo Xulka Qaranka ugu
deeqay dhar labis ah iyo
koofiyado iyo waliba taageero
kale, Muuse Sujaac oo ah nin
Soomaaliyeed oo degan wadanka
Finland oo isna gacan weyn ka
gaystay Maaliyadaha Xulka
Qaranka, Faarax Weheliye Caddow
Sindiko oo ah Guddoomiyaha GOS
iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay
Siciid Mukambe.

Bidix: C/Qani iyo C/Qadir Axmed
Jaamac
Wuxuu
kalloo C/qani sheegay in rajada
Xulka Qaranka Ciyaaraha CECAFA
ay aad u wanaagsan tahay, isla
markaana ciyaaryahanadu ay ku
dadaali doonaan sidii ay uga
guuleysan lahaayeen kooxaha kale
ee ka soo hor jeeda, wuxuuna C/qani
Siciid Carab hambalyo iy
bogaadin u diray ciyaaryahanada
ka yimid Qaaradda Yurub ee
ciyaarahaas ka qaybqaadanaya.

Badar Cunoowga
Siciid Maxamuud Nuur (Mukambe)
oo isna ka mid ah mas’uuliyiinta
xiriiraka Soomaaliyeed ee K/cagta
isla markaana Magaalada Nairobi
ula doolay Ciyaaryahanada ayaa
hadal uu jeediyay waxa uu ku
sheegay in dhawaan laga gudbi
doono is qabqabsiga xiriirka
Soomalaiyeed, wuxuuna sheegay in
haatan ay safar u yihin wadanka
Switzerland lana soo xalin doono,
lana soo xalin doono khilaafka
yar yar ee taagan.
“Anagu in muddo ah waxba iskuma
ogoleyn laakiinse hadda waxaan
muujineynaa samir iyo isku
tanaasul, waxaana aad ugu
faraxsan nahay in aan ka wada
qaybqaadanayo safarka xulka
Qaranka ee Soomaaliya, hadda
kaddibna waxaan rajeynayaa in
aan is qabsi dambe uuna dhici
doonin” ayuu yiri Mukambe oo ay
ka muuqato kalsooni uu ku qabo
xulitinaanka iyo ka
qaybqaadashada ciyaaryahanada
koobka Bariga iyo Bartamaha
Afrika.
Xafladdii quraacda ahayd ee lagu
sagootinayay Ciyaarayahanada
Qaranka waxaa kaa soo qaybgalay
Saraakiisha Ciidanka Booliiska
Soomaaliyeed, Madaxda Naadiyada
K/cagta ee Soomaaliyo iyo
Waalidiinta qaar ka tirsan
ciyaaryahanada ka yimid dalka
Dibaddiisa, waxaana Cabdi
Qaybdiid oo lagu soo dhaweeyay
Makarafoonka uu yiri “Waxaan
dhib iyo fool xumo u aragnaa in
Ciyaaryahan u baxay difaacidda
Calanka iyo Magaca Soomaaliyeed
uu si fudud Roose ku qaato,
waxaana idiin sheegayaa in
Adduunyadu ay gaartay heerkii
ugu sareysay ee Ciyaaraha K/cagta,
loona baahan yahay in aad la
saan qaadaan casriga cusb ee
wata farsamada, maskaxda iyo
ciyaar wanaagaba, waagii hore
waxaa dhici jiray haddii Kubaddu
ku dhaafto yuusan ku dhaafina
ciyaaryahanku, taasna waa laga
gudbay”.
C/qaadir
Axmed Jaamaca oo ah Guddoomiyaha
Shirkadda Red Stone isla
markaana ah guddoomiye ku
xigeenka Elman isla markaana ah
tababare caalami ah ayaa wax ka
weydiiyay sida uu u arko
ciyaaryaha xulka Qaranka, waxa
uuna yiri “inkastoo
diyaargarowga Muqdisho oo aad u
hooseeyay haddana waxaa ii
muuqata in marka ay iskaashadaan
reer Xamar iyo Reer Yurub ay
natuujo fiican la imaan karaan,
waxaana looga baahan yahay in la
isla kaashado Kubbad wanaaga”.
Xafladdaas oo sidoo kale ay ka
soo qaybgaleen mas’uuliyiinta
xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta
oo ay ka mid ahaayeen Salaad
Gaab iyo Xasan Diritoor oo ah
Guddoomiye xigeenada xiriirka
iyo sidoo kale Guddoomiyayaasha
kooxaha heerarka kala gadisan
ayaa wax ka weydiiyay, sida ay u
arkaan ciyaaraha qaranka lada
Guddoomiye ee kala ah Cali Goobe
oo ah guddoomiyaha Kooxda Savana
ee heerka koowaad iyo Bashiir
Dheere oo ah Guddoomiyaha
kooxda Camel, wuxuu Bashiir
Dheere leeyahay “aada yaan u
dhalliil sanahay ganacsatada
Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxay
gabeen kaalintii ay ugu jireen
ciyaaraha , haddii loo sameyn
lahaa ciyaaryahanadaas
balanqaadyo oo la yiraahdo
haddii aan soo badidaan waxaad
leedihii lacag intaa la eg.
waxaana aaminsanahay in
dadaalkooda ay dadaal ku sii
dari lahaayeen maxaa yeelay
taageerada dhaqaalaha iyo tan
farsamada aad ayay lagama
maarmaan u yihiin, waxaan
aaminsanahay in sanadkaan ay
gaari karaan weeraga saddexaad
ee ciyaarahaas”.
Ugu
dambeyntii waxaa xafladda saakay
ka soo qaybgalay Aabbaha dhalay
mid ka mid ah ciyaaryahanada ka
yimid Magaalada London oo ah
ciyaaryahanka la yiraahdo Max’ed
Xasan Deeq, “Aad ayaan ugu
faraxsanahay in Wiilkeygu ay
balwaddiisu noqoto ciyaaraha,
maxaa yeelay ma ahan Nin is
ticmaala balwadaha kale sida
Muqaadaraadka, aad ayaana ugu
farxay markii aan maqlay waxa uu
difaacayaa ama uu xirtay
maaliyadda ku asteysan Calanka
Shanta Gees Leh ee Soomaaliyeed,
waxaana runtii isaga iyo
saaxiibadiisa kale ee ka yimid
Yurub waad mhadsan tihiin
waqtigiina iyo awoodiina ayaad u
hurteen difaacidda Xulka Qaranka
Soomaaliyeed”.
Xulka wuxuu la
ciyaari doonaa maalinta Axada
Xulka Wadanka Jabuuti waxayna
isku qayb yihiin Xulalaka
Itoobiya iyo Ugaandha.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25,
2005
Injineer
Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed
Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada
Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la
diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah...
ka akhri..
HALKAN... GUJI... Nov 7