Coll.
Abaas: Barre Hiiraale Waa in uu
Xasuuqa Ka Daayaa Beelaha Dega
Kismaayo.
Coll. Abas Mohamud Addow.
Phone: (612) 333-2-444
E mail:
ssarctc@yahoo.com
Ku: R/Wasaaraha DFK Prof. Ghedi
Ku: Xafiiska United Nation ee
Nairobi
Ku: International Human Rights
Ku. Hogaamiyaha Jubba Valley
Alliances (JVA)
Dhamaan
waxaan halkan ka salaamaya sha
bakadaha warbaahinta internetka
iyo kuwa kale oo ka jira dalka
gudahiisa iyo dibadiisa
fursadaha aad sii saan
Soomaalida.
Gobolka
Jubbada Hoose gaar ahaan degmada
Kismayo waxa baryaaan
isbahaysiga JVA ee uu hogaamiyo
Coll. Barre Hiiraale ay ka
fulinayaan xasuuq dil, afduub
iyo boob isku jira. Dilalkaas
foosha xun ee ka dhacaya waxaa
ugu danbeeyay labadii mas’uul ay
ka midka ahaayen sarkaalkii
Qaramada Midoobe Mr. Guraage iyo
Dr. Abdi Kheyr oo gurigiisa si
waxashnimo leh loogu dilay
bishii Oktobar aaqirkeedi ee aan
soo dhaafnay.
Dilkaas dhaqtarka oo runtii
aysan marnaba ka hadlin maamulka
Coll. Barre Hiiraale, taasina
waxay cadaynaysaa inuu
isbahaysiga raali ka yahay, isla
markaana tuhun xoog leh uu ka
jiro inuu Coll. Barre
isbahaysigiisa ka danbeeyo dilka
dhaqtarka.
Hadaba Coll. Barre waxuu xubin
baarlamaan iyo mid wasiirba ka
yahay DFK. Hadaba waa nasiib
daro asagoo baarlamaankii iyo
dowladii wakiil ka ah uu
dhaqankaas ay ciidamadiisa
fuliyaan, asagana uu raali ka
naqdo.
Halkan ka daawo waraysigii
uu Coll. Abas siiyay Rochester
Somali TV.(
DAAWO).
Guud ahaan ummada Soomaaliyeed
waxaan ugu baaqaynaa nabad, gaar
ahaan Gobolka J/Hoose. Dhinaca
kale waxaan QM ka codsanayaa in
aysan Gobolka J/Hoose gaar ahaan
magaalada Kismaayo inaysan u
dirin xubno QM ka socdo sababtoo
ah nabadgalyada awgeed. Arinkaas
horana waxaan qoraal ugu
gudbiyay Xafiiska Siyaasadda
Arimaha Soomaaliya ee Nairobi ku
yaala. Sidaas awgeed waxaan mar
labaad ka codsanayaa in laga
fiirsado in gobolka Jubbada
Hoose laga furo xafiiska QM inta
arimaha nabad gelyo xumida ka
jirto laysla meel dhigayo.
Waxaan dhamaan madaxda aan kor
ku soo xusay ka codsanayaa inay
wax ka qabtaan tacdiyada ka
dhacaya Kismaayo. Sidoo kale
waxaana dhamaan hay’adaha u
dooda xaquuqul
aadanaha(International Human
Rights) ugu baaqayaa inay wax ka
qabtaan tacadiyadaas soona
bandhigaan kuwa kale ee dahsoon.
Hadaan soo koobo warqadan
qoraalka ah anigoo ku hadlaya
magaca dadkayga iyo deegaankeyga
waxaana DFK u soo jeedinayaa
inay ka fiirsato shirka Coll.
Barre ugu baaqayo gobolka J/Hoose
sababo nabad galyo xumo awgeed
iyo asagoo ahayn mas’uul u
dhashay deegaanka.
Mahadsanidiin.
Halkan ka daawo
Coll.
Abas Mohamud Addow.
Phone: (612) 333-2-444
E
mail:
ssarctc@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26,
2005
Xildhibaan
Axmed Diiriye oo ka hadlay maamul u samaynta G/Banaadir
»C/lhi
Yusuf oo dalbadan in DFKM ku biirto isbahaysiga SANCA
»Muranka
xerada Sh. Aadan Dheere ee Degamada Wardhiigley
»Nin
gowracey laba wiil oo walaalo ah oo la qabtey...
Wararka oo
dhan halkan ka akhri.... GUJI... Nov 26
Xaflad
sagootin ah oo loo sameeyay xulka Qaranka Soomaaliya
ciyaaryahanada xulka Qaranka K/cagta ee Soomaaliya ee ka qaybgalaya
Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee 26-ka bishan ka furmaya Magaalada
Kigali, Rwanda...
Guji...
Bannaanbax
lagu ayidayo fikirka dib u heshisiineed ee Barre hiraale oo ka dhacay
Jilib
iyo degmada dhoobleey oo aan fikrkaas
barre laga soo dhaweyn...
Guji...
Dawladda Sucuudiga oo
laga dalbaday in ay Joojiyso Xajka sannadkan
»Mwai
Kibaki oo xilka ka xayuubiyay golahiisa wasiirada
»Sweden:
Soomaali Lagu soo Eedeeyey kufsi
»Ardayda
Jaamacadda Malaysia oo doortay maamul cusub
»Geedi “Muqdisho waxaa lagu
burburiyay Dowladii C/Qaasim
»Zanawi:
wada shaqayn ayaa noo dhexaysa anaga iyo DFKMG
»Suudaan oo ka jawaabtay kaalamadii Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Nov 24
Injineer
Soomaaliyeed oo Lagu Diley Diinsoor
Eng. Max'ed
Ibraahim Dheel oo 15 sano ku maqnaa dalka Mareykanka ayaa waxa uu Degmada
Diinsoor ugu soo laabtay sidii uu gacan u siin lahaa dadkiisa, waana la
diley, warkaas iyo Muqdisho oo uu wiil naftiisa ku waayay Xabad Sigaar ah...
ka akhri..
HALKAN... GUJI... Nov 7