SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Ururka Somali Community in Cardiff oo qabtay Xaflad lagu soo bandhigay Buugaagta
 

Munaasabad aad u weyn oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Ururka Soomaalida magaalada Cardiff & Cardiff Central Library iyo Ururka Scansom Publishers.

 
Munaasabadan oo bilaabatay saacaddu markii ay aheyd 1dii Duhurnimo ilaa 5tii Galabnimo ee maalinimadii shalay aheyd.
 
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen marti sharaf fara badan waxaa ugu horreyn ka hadlay ku xigeenka Lord Mayor oo halkaasi ka shaagay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu ka soo qeybgalo bandhigga maanta loo sameynayo Buugaagta ay qoreen Qorayaasha Soomaalida.
 
Sida kale waxaa iska halkaasi ka hadlay Dr. Martin Orwin oo ka mid madaxa Somali Studies ee jaamacadda magaalada London ee SOAS, kuna soo bandhigay muhiimadda qoraallada Soomaalida ay u leeyahay bulshada Soomaalida.


Muuqaalka Buugaagta

 
Intaas ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Dr. Maxamed Sh. Xassan oo ka mid ah Qorayaasha Soomaalida ahna nin daabacay in ka badan 20 Buug oo ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.
 
Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay Qorayaasha kala ah:-
 
1. Maxamed Baashe Xaaji Xassan
2. C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
3. C/llaahi Cawed Cige
oo ah qorayaasha Buugaagta kala ah:-
 
1.Hal ka Haleel "Sooyaalka Hadraawi iyo Suugantiisa
2. Waxay kuu digeen ma kugu dhaqeen "Dastuuradii - Axdiyadii & Xeerarkii loo dhigay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
3. Ladh
 
Intaas ka dib waxaa halkaasi lagu qabtay dood ku saabsan A Vital Role in Promotion of Multicultural Books ay ka qeyb galeen:-
1. Kath Ewins
2. Maxamed Sh. Xassan
3. Liz Mullen
4. Soad Hamdi
 
Iyadoo uu halkaasi hadallo qiimo badan ka soo jeediyay Dr. Graham Davies oo ah Executive Producer oo British Broadcasting Corporation Wales & Professor Teery Threadgold oo ah madaxa Media, Journalism & Cultural Studies Cardiff University.
 
waxaa ugu dambeytii halkaasi lagu guddonsiiyay Qorayaasha Soomaalida Buug magaciisa la yiraahdo "CARDIFF Rebirth of a Capital oo ah 100 guuradii ka soo wareegatay markii la sameeyay Cardiff Centeray Year 1905 ilaa 2005.
 
Iyadoo gabagebadii munaasabaddaasi halkaasi mhadcelin ballaaran looga soo jeediyay Preeti Pathak iyo Ibraahim Xarbi oo iyagu ahaa kuwii qabanqaabiyay isla markaana suurtagaliyay bandhigan ku saabsan Buugaagta Soomaalida.


Abdulaziz Xildhiban & Dr.MartinOrwin



 
Saleebaan Xassan Calasow
Gobolka Wale magaalada madaxdiisa Cardiff, UK
alasow73@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2005



Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD