SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OSLO, NORWAY

NORWAY::: Bannaanbaxii Looga Soo Horjeedey Zenawi::::    


Yara Prize to Prime Minister Meles Zenawi

Ururka Ethiopian-Americans for Democracy ayaa Aug 19, 2005 waxay warqad cabashado ah u direen madaxweynaha jaamacada Columbia University ee ku taal magaalada New York, USA, warqadaas oo ay ku muujiyeen sida ay uga xun yihiin in bilada la sheegay in shirkadda YARA (NORWAY) ay siineyso Zenawi in ay lug ku leeyihiin Profosooro ka tirsan Jaamacadaas. Waxana ay qoraalkooda ku xuseen in Profosoor katirsan jaamacaadaas uu magaalda Oslo, Norway billada ku guddoon siin doono Zenwi, sidoo kale waxay qoraalka ku xuseen in profosoor kale oo jaamacdaas ka tirsan uu xubin ka yahay guddiga gudiga shirkada YARA ee bilada bixinaya. Waxayna Jaamacada ugu baaqeen in ay magaceeda lug kuyeelan xaaladaas magac xumada ah. Waxaa biladaas la sheegay in Zenawi lagu gudoon siin doono magaalada OSLO September 3, 2005.

Ururka Ethiopian-American for Democracy waxa ay xuseen sida uusan Zenawi ugu qalmin in billad noocaas ah la siiyo, ayagoo xusay in doorashadii May 15, 2005 ee ka dhacday Itoobiya markii ay dadweynuhu u codeeyeen diidmo qayaxan oo ay ku diideen xusunka Zenawi, in uu dalka kusoo rogey amar degdeg ah. Waxa kale oo ay xuseen in June 8  uu Zenawi amar ku bixiyey xasuuqii 36 qof oo si nabad ah ugu mudaharaadayey Addis Ababa. Guji Halkan....:

SHIRKADA YARA:::: waa  shirkad reer Norway oo samaysa waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha ee loo yaqaan (Fertilizers) loogu talo galay in dhirtu ku kobcaan.

Also Read:
Update from Anti-Yara Award Commette.

Barnaamijkii Radio Xoriyo

06 September 2005

  • Barnaamij dheer oon ka samaynay bannaanbax lagu sameeyay Zenawi oo Norway yimid
  • Maxay warbaahinta Norway ka tidhi bannaanbixii Zenawi lagu sameeyay
  • Iyo Qaybtii labaad barnaamijkii Dabaqoodhiga.

======================

Warbaahinta dalka Norway ayaa xafladdana iyo bannaanbaxa lagu sameeyay aad uga hadashaya. Waxaa lagu soo qaatay wararka ka baxa kanaalka NRK1 ee dalka Norway. Waxaa sidoo kale aad wax uga qoray wargaysyada dalkaas.

Waxaan soo qaadanaynaa qaybo ka mid ah maqaalladii ay wargaysyadu ka qoreen, aan ku horrayno wargayska Bergens Tidende oo intii ayna xafladdu dhicin ka qoray maqaal dheer oo uu ku dhalliilayo fannaanad caan ah oo lagu martiqaaday inay xafladdaas ka heesto. Xafladdaas ayaa lagu martiqaaday labo gabdhood o heesaa ah, hase yeeshee mid ka mid ah ayaa diidday inay inay xafladdaas ka heesto.

Wargaysku wuxuu hadal dhyalliil u eg u soo jeediyay gabadhii oggolaatay inay xafladda ka heesto, wuxuuna dhalliishaas ka dib wax yar daaha ka rogay sababta keentay in xafladdan laga biya diido, wuxuuna yidhi;

"Abaalgudka waxaa lagu bixinayaa Guriga Xafladaha ee Oslo sabtida, iyadoo lagu martiqaaday dad muhiim ah oo badan. Dhibaatadu waxay tahay iyadoo dad badan oo la martiqaaday ay diideen inay yimaadaan. Waxaa diiday inay yimaadaan madaxda dawlada. Waxaa sidoo kale diiday ra’iisal wasaare Kjell Magne Bondevik. Masuuliyiinta dawladu ma ayna sheegin sababta ay u diideen, laakiin waxaa muuqata inay sababtu ay tahay Meles Zenawi oon lahayn sumcad fiican. Balse waxayba dad badani ku tilmaameen inuu yahay qofka Itoobiya loogu nacayb badan yahay.

Keligii taliyahan waxaa lagu eedeeyaa inuu dalka gacan bir ah ku hooggaamiyo, taasoo keentay in dad ku dhaw 30.000 oo qof oo siyaasad u xidhan ay xabsiyada ku jiraan. In jidhilku aanuu ahayn wax la dhibsado, iyo inuu dil siyaasadeed inta badan Itoobiya ka dhaco, iyo iaydoo nidaamka maxkamaduhu aanuu shaqaynin. Doorashadii ugu denbaysay ka dib waxaa tusaala ahaan xabsiga la dhigay 4000 oo taageersan xisbiyada mucaaradka ah, madaxda mucaardkana waxaa lagu xidhay guryohooda".

Wakaaladda wararka ee Norway ee NTB ayaa iyaduna qormo dheer ka diyaarisay xafladdana. Wuxuuna qormadiisa ka mid ahaa; Bannaanbaxayaashan, oo qaar badan oo ka mid ah ayna Itoobiya uun ka imaanin, balse ay ka yimaadeen Soomaaliya iyo Ogaadeenya, waxay wateen boodhadh iyo qoraallo waawayn oo si wayn u muujinaya inayna raalli ka ahayn abaalgudka Meles Zenawi ay siisay sharikada caalamiga ah ee samaysa waxyaabaha beeraha lagu bacrimiyo.

Bannaanbaxayaashu waxay u yimaaden, si ay u muujiyaan diidmadooda ka dhanka ah Yara iyo Zenawi oo bishii May si wayn u musuqmaasuqay doorashadii oo askar ku diray bannaanbaxayaashii diiddana sida doorashadu u dhacday.

Bannaanbaxayaashu waxay ku soo dhawaadeen Guriga Xafladaha, waxayna si fiican u arki karayeen dadkii xafladda lagu martiqaaday. Codka dadku wuxuu kor u kacayay mar kastoo qof Itoobiyaan ah ama Afrikaan ahi uu ku soo dhawaado irrida oo aad loo ilaalinayay.

Booqashada ra’iisal wasaaraha Itoobiya ee Oslo waxay ahayd booqasho gaar ah, laakiin inta uu halkan joogo wuxuu wadahadallo la yeelan doonaa siyaasiyiin reer Norway ah, oo uu ka mid yahay wasiirka horumarinta.

Wargayska Aftenposten ayaa maqaal dheer ka qoray bannaanbaxan, waxaana ka mid ahaa qormadiisa;

1200 oo bannaanbaxayaal ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku qiima ridayaan sharikada Yara iyo ninka abaalgudka ku guulaystay, laakiin gudaha Guriga Xafladaha ee Oslo waxaa iska daba-dhacayay eryo wanwanaagsan markii ay Yara dhalashadeeda ugu dabbaal-degaysay inay bixiso abaalugudkan muranka dhaliyay.

Gudaha Norway waxaa dood wayni ka dhalatay inay sax ahayd in abaalgud la siiyo Zenawi oo lagu tilmaamay inuu keligii taliye yahay. Siyaasiyiin badan oo lagu martiqaaday munaasabadda abaalgudka lagu bixiniyo ayaa doortay inayna munaasabadda imaanin.

 Qaybaha kale ee wararka Xorriyo ka dhegeyso halkan... GUJI....

Radio Xoriyo

06 September 2005

C/nuur Sh Maxamed

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

info@radioxoriyo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Kulankii Soomaalida Woqooyiga Ameerika oo Lasoo Gabagabeeyey

Kulan diineedkii 5aad ee W/Ameerika oo saddexdii beri ee uu ka socdey Minneapolis ay kasoo qayb galeen kumayaal Soomaali ah ayaa xalay kusoo gabagaboobey guul, warbixin guud ee ku saabsan sidii uu u dhacay kulankaasi 
Ka Akhri halka Sept 5

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD