Shirkadda
Dahabshiil oo gargaar lacageed
guddoonsiiyay halgamaa Abwaan Axmed
Nuur ow Maxamuud
October 9, 2005

Abwaan
Axmed Nuur Ow Maxamuud (Jirrab) |
Shirkadda Dahabshiil oo aad
uga barateen in eheladaada si fudud ku gaarsiiyaan lacagaha
loo soo diro ahna shirkad si aad ah ugu baahday dalka
gudihiisa iyo dibadisa ayaa dhawaan gargaar lacageed
guddoonsiiyay halgamaa Abwaan Axmed Nuur ow Maxamuud Jirrab
oo isagu ku dandarraysanaa Magaalada Muqdisho.
Xafladda Guddoonsiinta oo ka
dhacday xarunta dhexe ee Dahabshiil ee Magaalada Muqdisho
ayaa waxaa gargaarka lacageed guddoonsiiyay agaasime ku
xigeenka shirkadda Dahabshiil C/llaahi Nuurre ow Diini
iyadoo abwaanka la guddoonsiiyay lacag gaaraysa $300, sidoo
kale waxay shirkadda Dahabshiil abwaanka u qortay lacag
mushaar ah bishii, waxaa kaloo shirkaddu ballan qaaday in ay
bixinayso kharashka ku baxaya qalliinka indhaha Abwaanka ee
lagu samaynayo Ramadaan kaddib.
Abwaanka oo ka
hadlay Munaasabadda Guddoonsiinta lacagtaasi wuxuu u
Mahadceliyay mas'uuliyiinta iyo shaqaalaha shirkadda
Dahabshiil wuxuuna shirkadda guddoonsiiyay cajalado ay ku
duuban yihiin gabayadii uu tiriyay waqtigii Halganka
Xorriyadda , dawladdii Rayidka, waaqtigii kacaanka iyo
waqtigii Dagaalada Sokeeye,.
Abwaanka oo ku
dhashay halka lagu magacaabo Dila oo ka tirsan Degmada
Boorame ayaa waxa uu xisbiga SYL ku soo biiray 1948-kii,
wuxuuna ka soo galay Degmada Berbera kaddibna waxa uu yimid
lixdankii Magaalada Muqdisho wuxuuna halkaa ka sii waday
halgankii xurriyadda isagoo halkaa ka sii waday gabayadii uu
ku amaanayay halgameyaashii SYL, hase yeeshee dowladdii
Rayidka iyo middii kacaankaba halgamaa Axmed Nuur ow
Maxamuud waa ay hilmaameen iyadoo dagaalkii Sokeeye intay
socdeyna uu bulshada u tiriyay gabayo uu ku goobaabinayo
dhibaatada qabyaaladda iyo dagaalada sokeeye
Abwaanka markii la
guddoonsiiyay lacagta ayuu mar kale ku celiyay gabaygii
ammaanta ahaa ee uu u tiriyay shirkadda Dahabshiil, wuxuuna
Abwaanku ku bilaabay
DAHABSHIIL ALLOW DAA IYAGA WAA
LA DOORBIDAYE
Dahab-shiil ALLOW daa iyagaa
la doorbidaye,
Dunidoo dhan baa laga yaqaan daacadnimadooda,
Ammaanada kuwii daayacaa laga durkaayaaye,
Shacbigey daryeeleen ayaan cidina diidayne,
Dadku waxay u doorteenna waa daacad la hubaaye,
Naxariis dulqaad lagu daray dano ku gaareene,
Hebel baa wax loosoo diree doona magaciisa,
Dadku waxay jeclaadeen rutay ugu dadaaleene,
Doorkii la joogaba waxbay kala diraayaane,
Deg-deg bay u gaarsiinayaan mee la doonaba e’,
Istarliinku waa dahab Ginigaa daawashada fiican,
Dollar iyo Yuurow iyo Riyaal daabac lacageedka,
Dadka waxay u qaybshaan wixii loogu soo diraye,
Dumar iyo Ragguba waa hubaal inay duceyaane,
Dal kastoo ay joogaan shacbigu wuu ku diirsadaye,
Dahabshiil ayun buu qalqigu doonayaa weliye,
Dadweynahaa shaqada loo hayaa kamana daalaane,
Dowga toosan iyo kheyrka waan ugu duceynaaye,
Dal-jirkaan ahaan jiray haddaan idin dareensiiyo,
Halgankii kuwii naga dafiraa loogu dowgalaye,
Dooxii Hargeysiyo intii darafyadiisiiya,
Waa taan xornimo doonistii daafaceed galaye,
Imminkana dadkeennaan wixii dana u sheegaaye,
Danyar iyo masaakiin ayaa deeq u fidisaane,
Aniguna waxbaan doonayaa doorka maanta ahe,
W/D Amiin
Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Oct 9, 2005
Qoraaladii Hore ee Abwaanka laga qoray hoos ka akhri
Abwaan
Axmed Nuur Ow Maxamuud (Jirrab)
Halgamaa la hilmaamay oo u baahan
gargaar..
Dahabshiil
Albaabada ayay iga xirteen..

Amiin oo waraysanaya Abwaanka |
Isaga oo
luudaya isla markaana ay ka muuqato diif iyo darxumo ayuu
nagu soo booqday xafiiska, wuxuuna markaasi doonayay in
qaylo dhaan loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool
dalka gudihiisa iyo dibaddiisa waxaan Abwaan Axmed Nuur Ow
Maxamuud (Jirrab) waxaa weydiinay waxa qayla dhaanta keenay
markaasuu yiri “Muddooyinkan waan xanuunsanaa waxaan ka
cabsadey in aan meel cidla ah gaajo iyo cudur igu dilaan
abwaanka oo ah nin si aad
ah looga yaqaan bulshada dhexdeda islamaana qayb ka soo
qaatey halgankii Xorriyaadda ayaa waxaan weydiinay
waqtigii uu bilaabay halganka, waxa uuna sheegay in 1948-kii
uu ku soo biiray Leegada (SYL) wuxuuna waqtigaasi ka soo
galay Barbara isagoo markaas ahaa Gabyaa bulshada
Soomaaliyeed ku guubaabin jiray sidii ay xoriyaddooda u
qaadan lahaayeen, waxa uuna sheegay in hiddo u laaheen
arrimaha gabayada isagoo sheegay in uu ka dhaxlay Awowgii,
waxa uu sheegay in 1964-tii uu yimid Magaalada Muqdisho
waqtigaa oo sugayey in laga abaalmariyo halgankiisii waxaa uu
sheegay in Dowladdii lixdameeyadii in ay hilmaantay isla
markaana sidoo kale in kacaankii October uu isna hilmaamay
kana waayay waxyaabihii uu uga baahnaa, hase yeeshee marki
qaylodhaanteydii badatay isla markaana aan tiriyay gabayo
fara badan oo kacaanka tilmaamayay, waxay keentay in laga
shaqaaleysiiyo wasaaraddiii Warfaafinta gaar ahaan golaha
Murtida iyo Madadaalda, wuxuuna sheegay in kacaanku guri (Qol
) iga siiyay xaafadda Xamar Bila balse waana markii uu sii
dhacayeya Kacaanka waxaa weydiiyey aawey Qolkii waa Adiga
jiif xumo kaa muuqatee markaa buu iigu jawaabey “ waxaa
xoog iiga saaray USC.”
Abwaan Axmed Nuur
Ow Maxamuud oo aad ugu dheereeya dhinaca Gabayada,
Qasaa’idka iyo Jiiftada ayaa waxa uu la mid yahay sida la
ii sheegay Gabyayaashii Soomaaliyeed ee kala ahaa Timo Cadde,
Careys Ciise Kaarshe.
Axmed Nuur oo
intii uu ila fadhiyay ka soo burqanayeen Gabayo isugu jiray
kuwii Xoriyadda, kuwii dhexe iyo kuwii dagaalada sokeeye,
wuxuuna mar kasta ku celcelinayay (AXYAA WADANI), (RAAC YAA
WADANI), xiligii kacaanka Abwaan Axmed Nuur waxa uu aad u
tiriyay Gabayo si aad ah uga hadlaya dhinaca beeraha iyo
wadaniyadda, sidoo kale waxa uu gabayo ka tiriyay dagaaladii
sokeeye oo uu bulshada uga digayaao arrimaha qabyaalada
waxaana ka mid ahaa gabayadaas (SOOMAALIYEEY IS OGAADA), (HADDII
GEESIYADA KAA MADHAAN MOOYE BAA NOQON’E), Abwaanku waxa uu
tiriyay gabay intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed ee Nairobi kaddib markii uu Abwaanku dareemay
in xildhibaano iyo Wasiiro ay noqonayaan rag aan u soo
halgamin Qaranka Soomaaliyeed waxa uu halkudhig uga dhigay
gabaygaasi (NIMAAN MAALIN QURA DAAFICIN BAA DUUBKA LOO
XIRAYE) waxaa kale uu tiriyey gaby ku aadan khilaaafka
siyaasiyiinta wuxuu halkudhig uga dhigay Abwaan Jirrab:
“NINKEY MAANTA DOORTAAN BEERI DIIDNAY BAY ORANE” waa kan
ee Akhri
- Deelka gabay ma
daayo’e haddaan diiradda u eego,
- Deggenaan ayaan kula
damcaye ha idin daaweeyo,
-
Darandoorrigiisaan aqaan goor la doonaba’e,
- Dadkeenniyo walaalaha
kolkaan sharaf la doonaynay,
- Waxaan dux iyo iidaan
lahayn la igu dagi waaye,
- Shinnidii aan daawaday
haddaan warar ka soo duubay,
- Duco yeelka waxay
geysataa meel dugsoon badane,
- Si
aan loo dardarin bay haddana dadab u geysaaye,
- Markaasay ka duushaa
intay ubaxa doontaaye,
- Duurkay gashaayoo
dhirtay doonaysay gurane,
- Rugteedii dahsoonayd
ayay dalam ku siisaaye,
- Waxay soo dadaashaba
hadday malab ku daawooto,
- doqoni kuma
heshiiseenne waa dowlad gooniyahe,
- Qardhaasyada markay
daabushay gaadhay danaheede,
- Kuwii calan doonee
jeclaa maba durreeyaane,
- Kuwa diidayaa waa
dillaal doorkan soo baxaye,
- Dalka hooyo waxaan
doonayaa inaan daryeellaaye,
- Difaaciisa waa taan
wax badan daacad u ahayne,
- Dadkeenana walaalnimo
haddaan ugu dadaalaynay,
- Waa maxay damaacigaan
batee dagalka ceebeeyay,
- Kullu madaxnimay
doonayaan ooy u dudayaane,
- Kumannaan daneyste ah
miyaa dowlad noqonaaya,
- Waddaniga duray iyo
duray samaha doonaayay,
- Dib loogu dhigay
khayrka iyo darajo waaweyne,
- Nin dalkiisa jecel
goor waliba wuu digtoonyahaye,
-
Dadaalkii la galay ee shacbiga la isku wada duubay,
-
Xornimadaynu wada doorannayee lagu damaashaaday,
-
Daa’in baa ina siiyay nimcada yaan la darayeynin,
-
Xaasid nabadda kuu diidan oo daalim ah baa jira’e,
-
doqonnimo weeyaan haddii la isku keen diro e,
- Dooni mayno huunnooy
wax badan way na dagayeenne,
- Dadka kale hadduu
caarid yahay danahay sheegaane,
- Dalkooday ku
daadihinayaan xoog la daawado e,
- Mas’uuliyiinta waa loo
digaa goor la doonaba’e,
- Dawgay ka bayreen yaa
lagu duwayaaye,
- Kuwanina damiirkooda
waa dil iyo laayaane,
- Dadkooday dhibaayaan
yay dalab ku haystaane,
- Badowgii daboolani
waxbuu dili yaqaannaaye,
- Waa maxay dugaagtani
shacbiga daaya laga waayay,
-
Xisaabaha dambe yaa la rabay inay dareemaane,
-
Dambi kama xishoodaan waa lagu dabbaashaaye,
-
wixii diinta naga reebtay baa daaya leennahaye,
- Ninkastoo u daacada
iyagu way dacaayadeyne,
- Ninkay maanta doontaan
berriba diidnay bay orane,
- Durba caaya iyagu kama
dambeeyaane,
- Dookhoodu waa
caaradnimo kamana daayaane,
- Dalka qaayahiisiyo ma
oga dowga kharka lehe,
- Dulmi kaan aqoon iyo
mabda’ way la diriraane,
- Danahooda kii wada
ayay ugu darraadaane,
- Warankaan darbaday
maalintaan samaha doonaynay,
- daba dhilifku waatuu
gabbaduu daalay oo haraye,
- dadaalkii SYL haddii
dayro laga yeelay,
- Darkaan xiray kolkii
laga cabbay doqon I moodeene,
- Darifaaddu waa ceeb
innagaa diidnay quursiga’e,
- Maba daynayaan booli
Qaran daalimnimadooda,
- Danahooda mooyee
shacbiga dayiba maayaane,
- Halgankay dafirayaan
ayaa loogu dowgalaye,
- Gobonimooy daraaddaa
haddii waayo lagu daalay,
- Dig-digliyo
af-miinshaar intaad deeq u fidinayso,
- Dowladnimooy dadkaagii
maxaa diif u wada yeelay,
- laga duudsii inay
daaro iyo darajo yeeshaane,
- Dulli diidayaashii u
kacay doonistii Calanka,
- Dadaalkii SNL waxay
duunyo bixinaysa,
- Digniintii SYL kuwii
doonay magaceenna,
- Horseedkii dalka u
dhaartay ee daacadnimo muujay,
- Waddanigii dadaalayay
doqon ku sheegeene,
- Waa kuwaa abaalkii
dafiray damacii waallaaye,
- Dad jeclaysigoodii
ayaa loogu dow-galaye,
- Nimaan maalin qura
daaficin baa duubka loo xiraye,
- Xornimo doonisteedii
ayay nagu dagaaleene,
- Dardaarkii Shisheeyaha
ayay nagula doodeene,
-
Hadday waaliddiinta u dabcaan duri ma gaadheene,
-
Dowladdaba kuwii dhaliyaybay ugu darraadeene,
-
Daankooda uun baa ku yiri daaqa weligiine,
-
Iyagana habaarkii dardaraa loo diyaarsade,
- Waa
waxa dagaalkiyo fidnada loogu soo diraye,
-
Kala dide duugaaggii sida dayro iyo cowle,
-
Nabsibaa idin kala daadiyoo mana dareentaane,
- Dad Caddaaladii diiday
sow daayac noqon mayo,
- Dowgii markii hore
ayaan kaaga digayaaye,
- waa inala doonaa
dadkii daacaddaahaaye,
- Degi mayso jeeroo
xaqii daaha laga qaado,
- Sheydaan dabooloo
xagani dayiba maayaane,
- Dusha share kuwii
calanka suray dayro laga yeelye,
- Waa
laga duceystaa adoon diidin magacooda,
-
Xornimo doonisteedii miyaan waayo lagu daalin,
-
Geesiyaal dantoodii ka tagay waa dafirasaane,
- Waa lagu dadaalay
hurdaad damacsanaydeene,
- Dunidu waxay ku
dhaartaan kuwii daafaca u galaye,
- Ayidaad ninkii door-biday
doqon ku sheegaaane,
- Daba dhilif waxaa loo
yaqaan kii maslaxo doona,
- Haddaad doorateen
madaxda waa laga dambeeyaaye,
- Dad yar baa siyaasada
wadoo lagula daayaaye,
- Waa inay dantooda iyo
shacbigu dalag u foofaane,
- Debnahooda waa inay
wixii daran ka dhowraane,
- Dacaayaadka iyo beenta
waa la iska daayaaye,
- Dalka iyo haddaad
dayacdaan Dowladnimadeenna,
- Xoggii kala daadiyaa
daafac geli waaye,
-
Doqonnimo weeyaan haddii la isku keeni diro’e,
-
Sharafkeenna kii diidan iyo daalim ka ilaasha,
-
Degenaashahaa lagu helaa darajo waaweyne.
Waxaa
ururiyey: Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
waxaa
weydiinay Abwaanka Gabaygii ugu dambeeyay ee uu tiriyay waxa
uuna sheegay in bishaan gudaheeda uu tiriyay gabay uu ku
amaanayay shirkadda Xawaaladda Dahabshiil waxa uuna
halkudhig uga dhigay (DAHABSHIIL ALLOW DAA IYAGA WAA LA
DOORBIDAYE).
Waxaan weydiinayay sababta uu Gabaygaan ugu
tiriyay shirkaddaasi waxa uuna yiri “waxaa la ii sheegay in
shirkadda ay bixiso mararka qaar tabarucaad ay siiso dadka
Masaakiinta ah maadaama aan mudooyinkaan xanuunsanayay isla
markaana aan waayay cid gacan I siisa ALLE mooyee markaas
baan is iri Dahabshiil armay mar uun ku soo eegtaa,
gabaygaas waxaan ku qoray wargeyska Ayaamaha hase yeeshee
waxaan tagay markuu soo baxay gabaygaasi Xarunta Dhexe ee
Shirkadda Dahabshiil waxayna dhowr jeer I yiraahdeen soo
laabo, markii aan dhowr jeer ku laabtay ayaan waxaa ii soo
baxday in aysan I daneyneyn oo markii dambe Albaabada bay
iga xirteen, aad baan u ciishooday anigoo luudaya ayaan
halkii aan saxeexan jiray oo darbiga ahayd aan iskaga soo
laabtay waa kan bal nala akhri Gabeyga Dahabshiil
- Dahab-shiil ALLOW daa
iyagaa la doorbidaye,
- Dunidoo dhan baa laga
yaqaan daacadnimadooda,
- Ammaanada kuwii
daayacaa laga durkaayaaye,
- Shacbigey daryeeleen
ayaan cidina diidayne,
- Dadku waxay u
doorteenna waa daacad la hubaaye,
- Naxariis dulqaad lagu
daray dano ku gaareene,
- Hebel baa wax loo soo
diree doona magaciisa,
- Dadku waxay jeclaadeen
runtay ugu dadaaleene,
- Doorkii la joogaba
waxbay kala diraayaane,
- Deg-deg bay u
gaarsiinayaan meel la doonaba e’,
- Istarliinku waa dahab
Ginigaa daawashada fiican,
- Dollar iyo Yuurow iyo
Riyaal daabac lacageedka,
- Dadka waxay u
qaybshaan wixii loogu soo diraye,
- Dumar iyo Ragguba waa
hubaal inay duceyaane,
- Dal kastoo ay joogaan
shacbigu wuu ku diirsadaye,
- Dahabshiil ayun buu
khalqigu doonayaa weliye,
- Dadweynahaa shaqada
loo hayaa kamana daalaane,
- Dowga toosan iyo
kheyrka waan ugu duceynaaye,
- Dal-jirkaan ahaan
jiray haddaan idin dareensiiyo,
- Halgankii kuwii naga
dafiraa loogu dowgalaye,
- Dooxii Hargeysiyo
intii darafyadiisiiya,
- Waa taan xornimo
doonistii daafaceed galaye,
- Imminkana dadkeennaan
wixii dana u sheegaaye,
- Danyar iyo masaakiin
ayaa deeq u fidisaane,
- Aniguna waxbaan
doonayaa doorka maanta ahe,
 |
Waxaa
ururiyey: Amiin Yuusuf Khasaaro | E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Abwaanka oo haatan ku
xannuunsanaya Magaalada Muqdisho ayaan weydiinay halka ay
degan yihin reerahiisa waxa uuna sheegay in ay degan yihiin
Boorame Barigeeda halka lagu magacaabo Dilla waxaana
halkaasi dega beesha GADABIIRSE oo uu Abwaanku ka soo jeedo,
da’diisu hatan waxay cagacageynaysaa 70 jir ah, Abwaanka oo
aragiisa sii laciifayaan ayaa waxa uu ka codsanayaa mar kale
shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay gacan
siiyaan, ciddii dooneysa in ay u gargaarto.
Sidoo kale
xubno is xilqaamay oo isugu jira odayaal iyo waxgarad iyo
dhalinyaro deganna xaafadda uu degan yahay Abwaanku ee Al-Barako
waxa ay ka codsanayaan bulshada Soomaaliyeed in ay il
naxariis leh ku eegaan Abwaankaasi.
Ciddii Dooneysa in ay u
gargaarto Abwaan Max’ed Nuur waxay soo wici karaan ama la
soo xiriiri karaan
Amiin Yuusuf Khasaaro
Tel: 2521-655533, 2521-218180
ama la
soo xiriir
Email:
amiinkhasaaro@hotmail.com /
amiinkhasaaro@yahoo.com
Faafin: Sept 9, 2005
|