بســــم الله الرحمن
الرحيـــم
Baaris kooban oo ku saabsan
ciwaanka ah :
Mushkiladaha
hor taagan soo celinta
nidamkii dowliga ahaa.
Faafin: Sept 30, 2005
Ka hor inta aanan ka hadlin
qodobaynta mushkiladahaas
waa in aan is weydiino maxey
tahay dowladda aan
raadinayno in aan soo celino?.
Culamada islaamku dawlad
waxey ku qeexeen in Rasuulka
(s.c.w.)looga wakiil noqdo
ilaalinta Diinta Islaamka
iyo ku maareyntiisa Arimaha
Aduunyada.
قال تعالى :(إن الله يأمركم
أن تؤدوا الأمانات إلى أهلها
وإذا حكمتم بين الناس أن
تحكموا بالعدل)
Hase ahaatee waxyaabaha
gaaladda laga soo min
guuriyay islaamka iyo
ahalkiisu marna dowlad uma
aqoonsana .
أفحكم
الجاهلية يبغون ومن أحسن من
الله حكما لقوم يوقنون)
)
Waxaa kale oo eyna lagama
maarmaan ah in aan dib u
jalleecno silsiladdii
taariikheed ee ay soo martay
ummadda soomaaliyeed.
Waxaana loo kala qaybi karaa
shan marxaladood oo waaweyn
kuwaasoo kala ah :-
Marxaladdii gumaysiga
muddadii ka horaysay
halgankii gobanimo doonka
ahaa marlaxaladdii gobanimo
doonka . Marxaladdii
dowladii rayadka ee indhaha
le,ayd ee u hagayay
gumaysigii reer galbeedku.
Marxaladdii kacaankii Ilaah
diidka shuuciga ahaa .
Marxaladdii jabhadaha
kacaankii aqoondiidka ahaa.
Xilligii gumeysiga ka hor
gobanimo doonkii :
Sanadkii 1884-ti shirkii
baarliin ummadda soomaliyeed
waxaa loo kala qaybiyay shan
qaybood oo ay saami wadaag
ku ahayeen dowladaha kala ah
engiliska ,talyaaniga ,
farnsiiska & ethoipia,
qayb-qaybinta ummadda
soomaaliyeed ujeedadeedu
waxay ahayd in ay fududaato
qabsashada iyo saydareynta
dalka soomaaliya kaasoo
dhaca mowqic estarateejiyad
caalami ah oo mar kastaba
cadawga umaddu u soo hanqal
taagi jiray .
Gumaytuhu ka
dib markii uu soomaaliya
faraha ku dhigay wuxuu
bilaabay in uu bulshada hoos
u sii dhex galo oo uu sii
kala qayb-qaybiyo
deegaan,qabiil iyo beel-beel
isla markaana ukala takooro
medeb ,muuqaal,magic iyo
caado taasoo saldhig u ah
mabda,iisaa caamka ah ee
qaybi ee xukun (فرق
تسد)
dhibaatada gumaysigu
قال تعالى :(إنّ
فرعون علا في الأرض وجعل
أهلها شيعاً يستضعف طائفة
منهم ويستحيي نساءهم...)
intaas kuma koobneen ee
waxay ka shaqaynayeen sidii
ay u babi ,in lahaayeen
fahamka toosan ee caqiidada
islaamka waxayna bulshada
ugu yee rayeen. Dacaaradda
iyo ibaaxiyadda waxayna da,
yarta ku ababinayeen in
ilbaxnimadu tahay anshax
xummadda iyo xishood
la,aanta.
Waxay kaloo
si dadban iyo si toosanba
uga soo horjeedeen xadaarada
iyo luqada carabiga taasoo
isirkeedu yahay diinta
islamka. Gumaystayaashu
waxey isku dayayeen dhan
kastaba in ay xakameeyaan
wacyiga bulshada si ay u
abuurtaan kaadir ayaga
daacad u ah oo aan dan ka
lahayn diintiisa,dalkiisa
iyo dadkiisa. (eg p7-14
kitaabka soomaaliya iyo
asalka mushkiladaha manta
taagan.(لايألونكم
خبالا ودّوا ما عنتّم قد بدت
البغضاء من افواههم وما تخفي
صدورهم أكبر)
Run ahantii gumaytayaashu
waxay ku guulaysteen qaar
badan oo ka mid ah
ujeedooyinkoodii hase
ahaatee uma wada suura gelin
waxyaabihii ay ku
hamminayeen.
Xilligii
Gobanimo doonka:Sanadku
markuu ahaa 1943-dii waxaa
la aas aasay xisbigii S.Y.L
runtiina lama xaqiri karo
guulihii ay shabaabku ka soo
hooyeen halgankoodii, hase
yeeshee dhibaatadu waxay ka
dhalatay halgankaas oo ku
salaysnaa qoomiyad taasoo
ayada lafdeedu ka mid ah ma
baadi,da ay gumaysigu ugu
tala galeen in lagu kala
faquuqo muminiinta ku
abtirsata towxiidka
.إنما
المومنون اخوة)
)قال
تعالى:
Xisbigii
S.Y.L ugu yaraantii waxay ku
guulaysteen in ay yareeyeen
cadaawaddii iyo xamaasaddii
qabyaladeed ee bulshada dhex
tiillay waxayna ku
shaqeeyeen shicaarkoodi
caamka ahaa ee (soomaaliyeey
toosoo isku tiirsada oo
hadba kiina taak taran
taageera wiligiin , ( dugsi
maleh qabyaaladi waxay
dumise mooyaan –C.S.tima
cadde ).
hase yeeshee dadaalkoodu
kuma salaysneen diinta
islaamka ,
xilligaas heerka umaddu ay
ka joogtay fahamka iyo ku
dhaqanka diinta islamka
waxaa laga dheehankaraa
qaar ka mid ah halku
dhigyadoodii sida( gabar
tima tidcan waa waxa
dhulkeena u kaar ahoo
laynagu gartaa ) . Shaki
kuma jiro in aan gabar tima
tidcan oo aan jirkeeda
qarineen diinta ku ammaaneyn
waxayna ka mid tahay kuwii
uu nabigu (s.c.w) lacnaday
uuna shegay in aysan jannada
geli doonin udugeedana heli
doonin . Kadib markii ay
soo dhawaatay xurriyadii
mabaadi,dii qowmiga ahaa ee
ay ku dagaalamayeen
shabaabkii S.Y.L waa la
qaloociyay oo waxaa dib
loogu laabtay hardamkii iyo
habarwacadkii qabyaaladeed
waxaa abuurmay axsaab
siyaasadeed oo aan lahayn
hadaf qarameed waxaa la
bilaabay in laysu
gabyo,heeso,shirbo,baraanbururo
iyadoo aan lakala xishooneyn
qabiil walbana u
dagaalamayo in asaga guushu
raacdo . (eeg p:175-178
kitaabka
:جذور النزاع الصومال
Gumaystuhu markii uu arkay
in aan la hor istaagi Karin
dabayshii gobanimo doonka
mowqifkiisi waa uu bedelay
oo wuxuu ogaladay in uu
dalka xuraynayo hase yeeshee
wuxuu soo uruursatay
adeegayaashiisii anshaxa
xumaa ee asaga daacadda u
ahaa aqoondooduna ku
koobneen kaliya wixii ay
asaga ka soo min guuriyeen .
Gumaytuhu markii uu dalka ka
tegayay wuxuu hoggaankii
ummadda u salimay
saaxibadiis ay isku arigtida
ahayeen asagoo misana u
dhiibay fayl xiran oo ay ku
dhan yihiin dhamaan wixii uu
doonayay in dalka laga
fuliyo , wuxuu ka baxay
albaab wuxuuse mar kale ka
soo galay daaqadda ,
arintaas waxaa laga dhaxlay
fashal ,qilaafad iyo dhaqan
xumo hor leh.
Kacaankii
Ilaah diidka ahaa:
Markii xigay
waxaa isa soo mutuxay
saraakishii ciidamada oo
iyagu sheegtay in ay yihiin
kuwii ummadda samata bixin
lahaa hase yeeshee
qaladaadkii hore u jiray
waxay ku sii darsadeen
qalafsanan iyo madax adeeg ,
dabajoogii gumaydayaashii
reer yuirub waxay ku
bedesheen mid ka sii daran
oo ah shuuciyadii uu
hogaaminayay midawgii
sofiyeeti oo mabda,iisu ahaa
ilaah ma jiro noloshuna waa
inta muuqata (eg p13 iyo
p247-250 ee kitaabka:
:الصومال
وجذور المأساة الراهنة
Dhibaatooyinkii ummadda
haystay waa ay sii kordheen
, dhammaan xeerearkii
islamiga ahaa iyo kuwii
kalaba waa la laalay
cadaaladdii iyo garsoorkiina
waxay noqdeen hadba wixii
ay caawa ku riyoodaan iyo
rabitaankooda shuuciyaddu
hogaaminayso, waxay
nasakheen ayadihi Rabbi
waxayna caburiyeen caqligii
toosnaa , wax garadkii
ummaddu wuxuu noqday wax la
dilay wax cararay iyo wax u
qushuucay diktatooriyadii
kacaankii ilaah diidka ahaa.
Muddadii aamusnantii iyo
amangaagii waxaa laga
faa,iidaytay wax- xogoo
horomar maadi ah kaasoo ka
dhashay kala danbayntii
qasabka iyo xooga ku
dhisnayd ee ka qaawanayd
istixgilinta iyo wada
tashiga hase yeeshee muddo
gaaban dabadeed arrintu
waxay isu bedeshay
fashal,fowdo,boob eex iyo
caddaalad darro, calankii
dabaqa dushiisa laga
taagayna waxaa mar kale la
arkay asagoo ciidda rafanaya
oo aan cidina u aaba
yeelaynin. ( eg p81-153
kitaabkja soomaaliya iyo
mushkilada manta ) (
fakh-fakh calanku kuma naaxo
iyo faallo iyo heese fikrat
lagu hogaanshiyo hadduu fara
samaan waayo waa furun maraa
oo la suray qoray yar
fooddiiye waxaa tiriyay
abwaan c/lle raage ).
Kacaankii Aqoondiidka:
Dhibaatooyinka aan soo
sheegnay oo soo tixnaa tan
iyo bilaawgii casrigii
gumaysiga waxay dhaliyeen
kacdoon shacbi ah oo aan
hadaf iyo ujeedo quman
lahayn oo ay ololaynayeen
shaqsiyaad isigu jiray kuwo
cadawga ummadda u adeegaaya,
kuwo dana gaar ah
raacdaynaya iyo qolo kale oo
aan dhan loo socdo iyo dhan
laga socdonba ogayn oo ayagu
dameeri dhaan raran raacday
ah
Arrintii faraha ayay ka
baxday hubkii wuxuu gacanta
u galay dad waxmagarato ah
oo ka soo qamamay baadiyaha
iyo tuulooyinka oo kuwa
danlayda ah ay ku soo howl
geliyeen reer hebel iska
dhaba . ( qosol waxuu ka
joogaa qubanaha dambeetee
buuraha qotada dheer ka
arkaaya qiicee qarka soo
jafaya) waxaa tiriyay abwaan
hadraawi .
Waxaa sii kordhay
khilaafaadkii caddaalad
darradii,boobkii iyo
qabyaaladii arrintii
natiijadeeduna waxay noqotay
dil,dhac,kufsi,dumis iyo
darxumo loo gaystay
adeegyadii caamka ahaay ee
ummadda.
Sidoo kale waxay dhalisay in
wax garadkii ay sida wax u
dhacayaan ka maagaan
hoggaankii ummadduna uu
gacanta u galo dad aan ku
habooneen oo aan alle iyo
aadmi midna ka baqayn
ujeedadoouna ku koobantahay
kaliya in ay awooda faraha
la helaan iyo in ay
dhibaatada dhexdeeda magac
iyo maalba ka kasbadaan,
halkaas waxaa ka hana qaaday
kacaankii aqoondiidka oo la
cirbiyay kacaankii ilaah
diidka, cid kastana waxaa
lagu abaalmariyay hadba
intay dishay,intii ay
darxumaysay,intii ay dumisay
iyo intii ay diiratay.
Shacabka
soomaliyeed oo intii uu
jirayba hadba mushkiladiba
mid kale u dhiibaysay wili
ma uusan kala garan cidda u
adeegaysa iyo cidda ka
adeeganaysa oo waxay iska
raacaan hadba cidii u
dhawaaqda hoggaamiyaashooda
dagalkuna dibindaabyadooda
kama daalan aqoon
yahankoodina waa uu ku guul
darraystay in uu hagaajiyo
oo hilinka toosan ku duwo .
Isku soo wada duuboo
dhibaatooyinka hor taagan in
dib loo soo celiyo qaabkii
dawladnimo waxaa lagu soo
koobi karaaa :-
1.
sababo khaaraji ah kuwaasoo
kala ah –
a-
raadadkii xumaa ee uu ka
tagay gumaysigii muddada
badan umadadda dul saarnaa.
b-
loolanka siyaasadeed ee u
dhaxeeya dowladaha caalamka
iyo kuwa gobolka kaasoo la
xiriira mowqica
istaratiijiyadeed ee
soomaaliya ay dhacdo iyo
khayraadka eebe ku kaydiyay.
c-
doowladaha deriska ah oo
qaarkood aysan jecleen in
soomaaliya ay ka dhalato
dowlad awood leh oo
go,aankeeda ummaddaxbanan,
bal waxaaba la orankaraa
qaar baa waxay
aaminsanyihiin in
jirataankoodu ku xeranyahay
baaba,a soomaaliya .
d-
masiixiyadda oo halgan adag
ugu jirta in ay hanato
dhaman diimaha afrikadda
bari.
2- sababa daakhili ah
kuwaasoo kala ah:-
a-
xasaasiyadii iyo cadaawadii
laga dhaxlay maamul xumadii
labadii rajiim ee dalka soo
martay .
b-
halgankii jabhadaha oo aan
markii horaba ku bilaaban
barnaamij iyo hadaf toosan
oo iska ahaa kacdoon
dadwayne oo ku dhisan fowdo
iyo laab la kac.
c-
Hoggaamiyayaashii halkankaas
oo aan dalkooda iyo dadkooda
daacad u ahayn oo mid waliba
hoosta ku watay dano asaga u
gaar ah
oo uu ku hulaabnaa
(cadkaanow ama ku cunay ama
ku ciideeyay waa caynkaas
midkay eebsataye sow
candhala maaha) ( waxaa
tiriyay abwaan Mustafa
sh.cilmi )
d-
Culamaaa , u diinka iyo wax
garadkii kale oo
gudanwaayay waajibaadkii
ummaddooda ka saarnaa
e-
Taladii iyo awoodii oo
faraha u gashay dad aan
khibrad , aqoon iyo awood u
lahayn isla markaana aan
daacad ahayn .
f-
Ummadda soomaaliyeed oo
markii horaba dhaqankeeda uu
ka mid ahaa xafiiltan
qabyaaladeed oo markii loo
buunbuuniyay hor carartay oo
noqotay sidii ninki waalna
oo owrki buubay daba orday
oo yiri waa dhankan u jeeday.
Si kastaba ha noqotee
dhammaan mushkiladahaas mar
hore iyo mar dambeba Umaddu
la kulantay waxaa la oran
karaa waa ciqaab Rabbi oo
markii horeba waxaa laga
bayray dariiqii amniga iyo
badbaada .
وضرب الله مثلا كانت آمنة
مطمئنة يأتيها رزقها رغداً من
كل مكان فكفرت بأنعم
)الله
فأذاقها الله لباس الجوع
والخوف بما كانوا يصنعون)
( ولينصرنّ الله من ينصره إن
الله لقويّ عزيز الذين إن
مكنّاهم في الأرض أقاموا
الصلاة وآتوا الزكاة وأمروا
بالمعروف ونهوا عن المنكر
ولله عاقبة الأمور)
وعن ابن عباس رضي الله عنه عن
النبي صلى الله عليه وسلم
قال:(خمس لخمس ما نقض قوم
العهد إلاّ سلط الله عليهم
عدوهم- ولا حكموا بغير ما
أنزل الله إلا فشى فيهم الفقر
– وما ظهرت فيهم الفاحشة إلا
ظهر فيهم الطاعون وما طففوا
الكيل إلا منعوا النبات وأخذ
بالسنين – ولا منعوا الزكاة
إلا حبس الله عنهم المطر ).
Waxaa diyaariyay:
Sh. Osman M. mahamud ( Abuu
Maryama )
Guddoomiyaga guddiga
markazka Abnu –Mascuud.

Col. Sh. Cismaan
Waxaa soo tebiyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com