C l o n i n g
Koobiyaynta Dadka (humancloning)
Wq.
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
15/01/02
Dunidan aynu ku noolnahay waxay soo martay marxalado
nololeed oo kala duwan, kuwaasi oo is-baddalayay mar
kasta oo isbaddal ku yimaado garaadka ama aqoonta
bulshada caalamkan ku dhaqan.
Cilmiguna wuxuu mar kastaba ahaa kan kaliya ee
masuulka ka ah horumarka nololeed ee beesha caalamku
ay samaynaysay. Mar walba oo aqoontu korodhana waxaa
iyaduna kor u kacaysay tayada nololeed ee
bani’aadamka.
Tiknolojiyada casriga ah iyo horumarka cilmiga
laga gaadhay waxay saldhig u noqdeen in mar kastaba
laga baaraandego sidii xal loogu heli lahaa dhibaato
kasta oo noolaha la soo gudboonaata, laakiin
horumarka adduunku ku tallaabsaday ma aha mid
dhibaato ka madhan, balse waa mid waxyeelladiisa
wata oo laga yaabo in mararka qaarkood uu khatar
wayn ku keeno guud ahaanba noolaha dunidan ku dhaqan.
Qaar badan oo ka mid ah aqoonyahaniinta caalamka,
ayaa ku xadgudba sharafta cilmiga, una adeegsada hab
aan munaasab ahayn, iyagoo iska illooba ama iska
indha-tiraba anshaxa qofka aqoonyahanka looga baahan
yahay inuu ku dhaqmo.
Qaar ka mid ah khubarada caalamka ayaa ku
dadaalaya sidii dadka ugu isticmaali lahaayeen
tijaabo hadda ka hor xoolaha loo isticmaalay.
Tijaabadaasi waxaa afka qalaad lagu dhahaa “humancloning”,
waxayna ka dhigan tahay in qof caadi ah oo nool
unugyadiisa hidda-raaca koobi laga sameeyo, si qof
isagoo kale ah ama unugyo kuwiisoo kale ah loo
curiyo.
Tijaabadan waxaa sanadkii 1997 fuliyay ama ku
guulaystay khubaro u dhalatay waddankaas Skotland,
waxayna ku sameeyeen lax ay ugu magac dareen Dolly,
oo noqotay laxdii ugu horraysay ee habkan ku dhalata
ama ku abuuranta.
Waxay kaloo khubaradaasi sannadkii 1998 isla
dariiqaddaas u isticmaaleen dibi ay ugu magac dareen
Mr. Jefferson.
Mr. Jefferson wuxuu bishii febraayo 16-keedii
1998 ku dhashay magaalada Virginia ee carriga
Maraykanka.
Nin aqoonyahan ah oo u dhashay waddaka Maraykanka
laguna magacaabo Richard Seed, ayaa bishii jannaayo
sannadkii 1998 shaaca ka qaaday inuu tijaabadan
dadka u isticmaali doono, diyaarna u yahay inuu
dadka aan awooda u lahayn inay ilmo dhalaan uu
unugyadooda naqshado uga sameeyo.
Richard Seed wuxuu khibrad dheer u lahaa bacriminta
ugxanta dumarka oo bannaanka lagu bacrimiyo, ka
dibna dib loogu celiyo minka hooyada.
Isaga iyo walaalkii oo dhakhtar ah waxay markii
ugu horraysay sanadkii 1983 ku guulaysteen inay ilmo
yar oo uurka hooyadii ku jira ka soo saaraan,
isagoon sidkiisii dhamaanin, dhibaato caafimaad
awgeed, kuna wareejiyaan qof dumar ah oo kale,
taasoo ilmahaas uurka ku sidday intii dhalashada uga
hadhsanayd.
Haddaba waxaa hubaal ah in qofku is-waydiin karo
sidee baa ruux bani’aadam ah loo koobiyayn karaa?
Arrintani waa mid marka ugu horraysa ee
dhagahaagu maqlaan laga yaabo in caqligu diido,
balse waxaan shaki ku jirin markii aad si dhab ah u
fahanto inaad ogaanayso in cilmiga iyo tiknolojiyada
maanta la adeegsado ay waxyaalo badan oo noolaha
horay uga daahnaa u ifiyeen, haddaba intaynaan u
dhaadhicin meesha uu maanta marayo tartanka ay
culimadu ugu jiraan midha ka dhalinta
dariiqad-cilmiyeedkan cusub, iyo heerka ay muddadaas
gudeheeda ka gaadheen, waxaan marka hore ku
horraynaynaa qeexidda koobiyaynta bani’aadamka.
Arrintani waxay martaa dhawr marxaladood oo kal
duwan:
1- Tan ugu horraysa waa iyadoo qofka la
doonayo in la koobiyeeyo ama laga tallaalo ilmo
carruur ah, laga qaado qaar ka mid ah
unugyadiisa, laguna rido dhalo gaar ah oo loogu
talagalay.
2- Unugyada markii dhaladaa lagu rido waxaa
laga ilaaliyaa inay wax nafaqo ah helaan, si ay
u noqdaan kuwo aan firinfircoonayn ama (passive)
ah.
Unug kasta oo ka mid ah unugyada bani’aadamka
oo bad qaba, wuxuu leeyahay ama gudihiisa ku
jira astaamo hidda raac oo u gaar ah qofka
unuggaas ama unugyadaas iska leh, laakiin
astaamahaas badankoodu waxay unugga ugu
badhxanyihii hab kiimikaal ah ama (biochemical),
arrintaasoo suuragelisa in unug waliba uu fuliyo
shaqada u gaarka ah.
3- Markii ay unugyadaasi qiyaastii saddex
maalmood dhalo ku jiraan, iyagoo aan helin wax
nafaqo ah, waxay ku dhawaanayaan inay dhintaan.
Markaas ka dib ayaa laga saaraa walxihii
kiimikaalka ahaa ee unugga ku dhex badhxanaa, si
ay markaas suuragal u noqoto in lala soo baxo
warbixinaha unugga dhexdiisa ku kaydsan,
kuwaasoo la’aantood aan hawshan koobiga ah la
samayn karin.
4- Intaa ka dib ayaa mid ka mid ah unugyadii
oon wadanin astaamaha xanbaarsan hidda raaca DNA
ee ku jira bu’da unugga ee ( chromosome ) loo
yaqaanno, lagu daraa ugxan aan bacrimisnayn oo
laga soo qaaday hooyada doonaysa inay habkan
ilmo ku dhasho. Ugxanta iyo unuggu markii ay
habkan isugu tagaan waxaa sahlanaanaysa in
ugxantu ay unugga ula falgasho sidii iyadoo
bacrimisan, halkaasna waxaa ka billawda abuurkii
ilmaha.
5- Markii ay ugxantu falgalkaas samayso ka
dib waxaa lagu weeleeyaa ilma-galeenka hooyada,
sagaal bilood oo uur ah ka dibna waxaa sidaa ku
dhasha ilmo caadi ah, sida ay culimadu qabaan.
Haddaba, in kastoo culimadu ay aad ugu riyaaqeen
harumarka cilmi ee ay arrintan koobiyaynta noolaha
ka gaadheen, haddana waxaa markii ugu horraysay ee
la tijaabiyay la isku raacay inaan xilliyadan dhaw
si dhab ah loo isticmaali karin, iyadoo laga duulayo
dhibkii laga soo maray koobiyaynta laxda Dolly loo
yaqaanno, oo lagu guulaystay, ka dib markii 226 mar
lagu guul darraystay tijaabooyinkii la sameeyay,
sidaas darteed waxay culimadu isku raaceen in haddii
la doonayo in qof bani’aadam ah la koobiyeeyana ay
xaaladdu sidaas ka sii adkaanayso.
Sidoo kale waxaa arrintan sii adkaynaya iyadoo
loo baahan yahay ugu yaraan 50 dumar ah oo ku deeqa
ugxamaha la bacriminayo, isla markaana diyaar u
noqda inay caloosha ku qaadaan ilmaha la tallaalayo,
taasina ma aha arrin sahlan.
Intaas waxaa dheer iyadoo arrintani ay u baahan
tahay kharash aad u badan, oo laga yaabo inay ku
adkaato hay’adaha cilimibaadhista.
Hase yeeshee culimadu ma ayna joojinin isku
daygoodi ay ku raadinayee inay dariiqad-cilmiyeedkan
sii horumariyaan, tan iyo maalinkii la ogaadayna
waxay culimo badani u tartamayeen sidii ay dariiqad
cilmiyeedkan cusub bani’aadamka ugaga faa’iidayn
lahaayeen, iyaguna uga faa’iidaysan lahaayeen,
iyagoo dhagaha ka dabooshay dareenka diiddan dhaqan
gelinta tijaabadan ee dunida ka soo fulaya, kaasoo
ka cabsi qaba ama u arkaba in dariiqaddani ay tahay
mid ka horimanaysa anshaxa cilmiga, dhawrsanaanta
bani’aadamkana meel kaga dhacaysa.
Balse, in kastoo culimada arrimahan ku xeeldheer
ayna wali ka quusanin inay maalin maalmaha ka mid ah
koobiyeeyaan qof bani’aadam ah, haddana waxa muuqata
inay dadaalkooda u badiyeen dhinac kale oo isla
dariiqaddan ah, kaasoo ay sheegeen inay bani’aadamka
laftiisa ugu danaynayaan.
Sharikad laga leeyahay dalka Skotland oo lagu
magacaabo
PPL Therapeutics, qayb ay ku leedahay dalka
Maraykanka, ayaa horraanti bishan daboolka ka
qaadday inay samaysay horumar cilmi ah oo laga yaabo
in mustaqbalka unugyada doofaarka (sida kelyaha) loo
isticmaalo dadka aan unugyadoodu fayoobayn ee in
laga beddalo u baahan.
Sharikaddani waa sharikaddii ka denbaysay
koobiyaynta laxda Dolly loo yaqaanno, waxayna
sheegtay inay ku guulaysatay koobiyaynta shan
doofaar oo ay dhismaha dabiiciga ah ee unugyadooda
wax ka beddaleen.
Cilimibaadhayaasha sharikaddani waxay
doofaarradan ka saareen unugga (gene) hidda raaca ee
masuulka ka ah samaynta walaxda (enzyme) oo dhalisa
soonkor ku sugan oogada sare ee unugyada doofaarka.
Soonkartaasi waxay difaaca dabiiciga ah ee
bani’aadamka tustaa casaan, taasoo keenta inuu si
degdeg ah u weeraro unugyada macaanka wata, culimada
tijaabadan ka denbeeyayna waxay, si ay meesha uga
saaraan unugga soonkrta dhaliya, waxay unugyadii
doofaarka ka saareen yoolkii uu difaaca dabiiciga ah
ee bani’aadamku weerari lahaa, arrintaasoo keenta in
difaaca dabiciga ah ee bani’aadamku uuna ka didin
ama weerarinba unugyada qalaad ee doofaarka.
Tijaabadanna waxaa door wayn ka ciyaartay
farsamada cilmiga ah ee koobiyaynta unugyada,
waxayna culimadu shantan doofaar ka saareen
unugyadii baraarujin lahaa difaaca dabiiciga ah ee
bani’aadamka ee tusi lahaa in unugyada doofaarku ay
yihiin unugyo qalaad.
Hase yeeshee in kastoo culimadani ay tallaabo
wayn qaadeen haddan middaas macneheedu ma aha in
haddaba unugyada doofaarka si caadi ah loo gelin
karo dadka bani’aadamka ah ee unugyada u baahan,
sida kalyaha, beerka iyo wadnaha.
Diidmada uu jidhka bani’aadamku diido unugyada
qalaad waxay u dhacdaa seddex siyaabood, culimada
tijaabadan sameeyayna waxay ku guulaysteen inay xal
u helaan hal mid oo kaliya.
Qaybaha diidmada unugyada qalaad waxay kala
yihiin:
1- Nooca ugu horraysa oo ah nooca loo yaqaano
(peracute exfoliation), wuxuu billowdaa
daqiiqado ama saacado yar ka dib markii qofka
bani’aadamka ah lagu tallaalo unugga qalaad.
Wuxuuna keenaa dhiigga oo xinjirooba, walxaha ay
unugyadu ka samaysan yihiin oo hawlgab noqda iyo
unuggii qofka lagu tallaalay oo dhinta, ka dib
markii uu dhiiggu u soo gudbi waayo. Waana nooca
ay culimadu ku guulaysteen inay meesha ka
saaraan.
2- Nooca labaad waxaa lagu magacaabaa (delay
exfoliation), wuxuuna billowdaa dhawr maalmood
ama toddobaad ka dib, wuxuuna keenaa dhiigga oo
wax yar xinjirooba iyo unugga oo dhinta.
3- Nooca seddexaad waxaa isna lagu magacaabaa
(chronically exfoliation), wuxuuna billowdaa
dhawr sano ka dib, wuxuuna keenaa xididdada
dhiigga oo qallafa, waxaana loo baahdaa in mar
kale la beddalo unuggii qofka lagu tallaalay.
Hase yeeshee in kastoo ayna hadda muuqanin in
farsamadan horay laga isticmaali karo, isla markaana
doofaarrada loo arko kayd dayactir u ah dadka
bani’aadamka ah, haddana waxaa maalinba maalinta ka
denbaysa sii kordhaya horumarka uu cilmigu samaynayo,
iyadoo tiknolojiyadda manta jirta ay sahalyso
waxyaalo badan oo horay dunida uga daahnaa ama ay
adkaydba in aadanuhu uu ku fekaro.
Wq.
Axmed Yaasiin Cabdi
ismalure@hotmail.com
-Dhammaad-