SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BOSASO
TANTANKA RAMADAANKA EE KUBADDA CAGTA

Koobka ciyaaraha ee ramadaanka
 

Boosaaso, Soomaaliya | Nov 7, 2002

Waxaa taariikhdu markey ahayd 5/11/2002 (Talaado) Gobolada puntland ka bilowday cayaarihii tartanka ramadaanka ee kubada cagta.

Cayaarahaas ayaa waxaa soo abaabulay wasaarada dhalinyarada sportiga, gaar ahaan magaalada bosaso, oo cayaaraha ay ka furmeen,  waxaana ka qayb galay sagaal (9) kooxood oo kala ah: 


Garsoorayaasha


Gudiga kubada


Kooxda d/hoose


Kooxda G/Bari


Kooxda Caafimaadka


Kooxda Iftin

bkmaliya.jpg (276016 bytes)
Kooxda Maalaiyadda

naadiyada:-bada, maaliyada, booliska, caafimaadka, hawlaha guud, warfaafinta, dawlada hoose, waxbarashada, daraawiishta.

Dhalinyarada iyagoo ku labisan funaanadihii sportiga ayey waxay ka soo dhaqaaqeen xarunta dawlada hoose ee magaalada bosaso waxayna ku dhawaaqayeen heestii u gaarka ahaa calanka soomaaliyeed iyo heestii aheyd soomaaliyey toosoo, toosoo isku tiirsadee hadba kiina taag daran taageera waligeeni.

Dhalinyarada qaar ayaa ilmeenayey iyagoo doonaya soomaaliya oo mideesan sportigana ee wada cayaaraan dhalinyarada soomaaliyeed.

Waxa cayaarahaas furay wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada sportiga mudan Ing:- (Cali Ciise Cali) oo ugu baaqay dhalinyarada inay adkeeyaan abaabulada sportiga ee madadaalada dhalinyarada, wasiirka oo sii wata hadalkiisa wuxuu yiri wasaarada sportiga waxay diyaar u tahay in ay idin ka caawiso wixii aad kaga baahataan oo ku saabsan shaqooyinkeeda ay qabato iyo sidii ay idinkaga haqabtirilaheyd baahidiina dhalinyaronimo ee sportiga.

Halkaas waxaa isagana abaabulayaasha ka mid ahaa (Cabdulaahi Shiikh Nuur) oo kamid ahaa gudigii olympikada soomaaliyeed ee gobolada puntland, khibrad dheerna u leh sportiga, in badana ka qayb qaadan jiray abaabulada sportiga noocyadiisa kala duwan. Cabdulaahi wuxuu qarash iyo qabanqaababa ku gali jiray dhiiri galinta cayaaraha ee gobolada puntland asagoo kooxo kale uu abaabulay kula soo cayaar siin jiray cayaartood gobolada udhow maamul goboleedka puntland kuwaas oo kala ah sida, Baladwaye, Burco, Hargaysa, iyo gobolo kaloo badan.

Waxaa iyagana ka soo qaybgalay furitaanka cayaaraha kubada cagta ee maanta ka furmay magaalada bosaaso mas'uuliyiinta maamulka puntland kuwaasoo aad u xiiseenayey dhiiri galinta sportiga iyo ku baaqay in lasameeyo cayaaraha kale ee fudud sida Basketka, Teneska, Kubada miiska,IWM.

Cayaarta furitaankeedi ugu horeesay labadii kooxood ee iskaga horyimi waxay kala ahaayeen kooxda wasaarada hawlaha guud iyo kooxda booliska iyadoo kooxda booliska ee kubadisay 5 gool iyo 1 (hal) halkaasna ay guusha ku raacday kooxda booliska.

Guntii iyo gabagabadii ayaa dadwaynaha cayaartaas furitaanka ka soo qayb galay ay ka muuqatay farxad iyo rayn rayn iyagoo ku baaqayey waanu taageeraynaa cidii sportiga dhiiri galisa sportigu waa caafimaadka bini aadamka.

Camera Man : C/fataax Jaamac Mire

fuaad86@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2002

Warbixintii Jaamacada EAU ee Boosaaso

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
b_wxigeen_sport.jpg (234041 bytes)
Wasiir xigeenka isbaartiga PL


C/laahi Sheekh, qabanqaabiyaasha


Kooxda Degedaha

bdhose.jpg (243922 bytes)
Kooxada D/Hoose


Kooxda fanaaniinta


Gudaha Garonka Bosaso

Kooxaha oo dhexmaraya magaalada
kooxaha oo dhan

Kooxda Booliska

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD