Waa Maxay Dhul.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Asalaamu calaykum
Mahad oo dhan Ilaah baa leh ah Caalimiinta Rabigood.
Nabad gelyo iyo Naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato iyo Asxaabtiisii,
ehlu baytkiisii, haweenkiisii iyo dadkii ku raacay xaqa.
Markaan dhul leeyahay kama wado aduunyo. Magaca dunyaa
Carabi ahaan labo micno ayaa lagu sheegaa: midii dhowayd ee tagaysay ama mid
liidata oo xaqiir ah. Marka dunyaa laga hadlayo nasuustu waxay xustaa inay
tahay wax xaqiir ah. Sida uu Allaah uleeyahay Suurat Al-Xadiid aayadeeda
20-naad (Ogaada nolasha aduunyadu waa cayaar iyo wax lagu habsaamo). Waatii
Xadiiskii Jaabir Binu Cabdullaahi ee Saxiixul Muslimka ku jiray uu lahaa
Nabiga (SCW) oo ay Asxaabtii hareero socdaan ayay Soo mareen Suuq, waxuu
dhegaha qabtay neef bakhti ah oo dhego yaryar leh. Nabigu (SCW) wuxuu yiri
midkee ku rabilahaa inuu ku gato hal dirham? Asxaabtii waxay dhaheen ma
jeclin inaan shay nooga baxo waxna kuma falayno. Nabigu wuxuu waydiiyey inay
jecelyihiin inay bilaash ku qaataan. Waxay dhaheen iska daa isagoo bakhtiyee
xataa haduu noolyahay ceeb buu nala yahay maxaa yeelay wuu dhego yaryaryahay.
Nabigu (SCW) wuxuu yiri Ilaah baan ku daartee, Ilaahay aduunyadu waa ugu
qiima yartahay sida bakhtigaan adinka idiin la qaymo yaryahay. Xadiiskaan oo
kale waxaa wariyey Tirmidhi iyo Imaam Al-Axmed. Xadiis baa jira uu Nabigu (SCW)
leeyahay, Allaah haday aduunyadu qiimo la leedahay oo ay udhiganto garab
kaneeco qof gaal ah koob biyo ah kama siiyeen. Waxaa wariyey Tirmidi iyo
Ibnu Maajah laakiin raawi ku jira Ruwaada Tirmidi waa dhaciif.
Qofkii lagu yiraahdo wiil aduunyo ama gabar aduunyo waa
qof dadnimadiisa la liiday ama diintiisa la duray. Laakiin dhulku waa ka
duwanyahay oo waa la isu tiirshaa sida dhulkayga, meeshaan ku dhashay IWM.
Macalinkii Bayolajiga ii dhigayey dugsiga sare
80-meeyadii wuxuu geyiga ku sheegay:
“Geyi waa degaan xasiloon ay ku macaamiloonayaan wax
nool iyo waxaan noolayn iyadoo waxyaabaha nolasha muhiimka u ah sida biyaha,
baadka, iyo hawada ay jiraan. Macalinku wuxuu sidoo kale sabo ku macneeyey
halka uu nooluhu uga noolyahay geyiga oo uu ka helayo cunto, hoy, nabad iyo
saarasho”.
Runtii qeexida dhulka waxaan kusoo qabiri karaa qeexidii
macalinkaas uu siiyey geyiga oo aan ku daro diintaas Samaawiga ah ee
Islaamka. Biolajigii wuxuu isu keenay oo xusay in noolaha iyo manoolaha ay
isku xiranyihiin iska daa noolayaasha dhexdooda ama dadka. Diinta waxaa soo
dajiyey Xakiim Isagaana noo sheegaya xuquuqda ka dhaxaysa noolaha iyo
manoolaha iyo noolaha dhexdooda. Ha hilmaamina xuquuqda uu Ilaah dhexdhigay
muslimiinta dhexdooda khaas ahaan. Deriska gaalada ee degen dhul muslim
iyagu laftoodu xaquuq bay helaan. Wadankaan aan joogo Dariska hadaysan ku
dhibin nasiib baad leedahay xitaa salaanta waa gabeen.
Dhulku waa halka uu madaxeena kusoo dhacay ama xudunteenu
ku xabaalantahay. Geyiga aan ka dhigno wadankeena oo dhan ama dheh dhulka
muslimiinta. Sabadana magaalada aan ku dhalanay ama aan degenahay.
Yaa horeeyey dadka iyo dhulka.
Hadii aan akhrino aayada 55-naad ee Suurat Dhaahaa wuxuu
Allaah Quraanka ku leeyahay hadaan Afsoomaali ahaan micnaha u dhahno. Dhulka
xagiisa ayaan idin ka abuurnay, dhexdeeda ayaanan idiin celinaynaa, xageeda
ayaana la idin ka soo saaraynaa mar kale. Waxaa
halkaas ku cad inaan dhulka ka nimid.
Yaa noo sharciyeeyey degitaanka
dhulka?
Soomaalideenu dhulkeena aad uma jeclin. Arintaas
Soomaalidu iyagaa markhaati ka ah. Gaalo cad, mid madoow iyo muslim wax xaga
wadaninimada nooga liita lama hayo. Marka ma sharci daro ayaan dhulka kusoo
degnay?
Aayada 36 ee Suurat Al-Baqarah, Ilaahay oo la hadlaya
Nabi Aadam iyo Xawaa iyo waliba Ibliis wuxuu leeyahay (ka hoobta yacnii
janada oo u hoobta dhulka idinkoo qaarkiin qaarka kale uyahay cadow,
dhulkana waxaa idiin ku sugan degaan iyo raaxo ilaa waqti).
Waxaa kale oo uu Ilaah aayada 29-naad ee isla Al-Baqarah
ku leeyahay (Allaah waa kan idiin abuuray waxa dhulka ku sugan dhamaan).
(Wuxuu yiri (Eebe) dhexdeedaad ku noolaanaysaan dhexdeeda
ayaad ku dhimanaysaan xageedaana la idin ka soo saarayaa). Aayada 25-naad ee
Acraaf.
Waxaan halkaas ka ogaanay in dhulkaas Ilaah noo gartay
marka waa inaan xafidno ee sidii wax aynaan lahayn aynaan u dhaqmin.
Waxaa ku xigi doona cutubyadii kale oo uu usoo horeeyo
qiimaha dhulka oo ah cutub tiro badan. Waxaan isku dayidoontaa inaan isagoo
dhan hal mar soo gasho hadii Ilaah idmo.
Waxaan ku arki doonaa hadii Ilaah idmo cutubka soo socda
Nabi Muxamed (SCW) oo inta Makkah jaleeca markii laga saarayey leh waxaad
tahay arlada mida xagayga loogu jecelyahay hadii aan Qoomkaagu iga soo
saareen kaama baxeen.
Waxaa kaloo iga yaabiyey qisadii wiilkii Nabi Nuux ee
markuu Allaah beeniyey kalsoonidii gashaday dhulka. Waatii markii la yiri
doonta fuul uu yiri waxaan biyaha ka fuulayaa buurta. Hada hadii Soomaali
loo keeno doon ama diyaarad oo la yiraahdo soo fuula wadama galbeedka ah
ayaa la idin geynayaaye yaa tolow ka hari lahaa!!
La socda Qayta Labaad.
Asalaamu calaykum
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2002
|