Dhulka Soomaalida.
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Feb 27, 2003
Asalaamu calaykum.
Dhulka Soomaalidu wuxuu
dhaccaa juqraafi ahaan meel aad u habboon. Waxaa Ilaahay dhigay meel aan ka
dheerayn meelaha ilbaxnimooyinka iyo Diimaha Samaawiga ahi ay ka soo baxeen.
Waxaad moodaysaa in Jasiirada Carabta oo Yamani noo soo xigto ay rabto inay
ku soo dhegto Soomaaliya oo aad arkayso in aad ugu soo dhowaatay Jibuuti.
Yaman waa dhulkii Nabigu (SCW) ku sheegay in Iimaanku uu xagga Yaman ka
yimaado.
Waxaa wax walba iiga qiimo
badan sida ay isagu dhowyihiin waqtiga Soomaaliya iyo kan Xijaaz. Waxaad
arkaysaa in dhigta 45-naad ee Bariga ay Soomaaliya iyo Sacuudigaba bartanka
kamarto. Waqtiga Makka iyo kan Madiina oo wax badan aan ka duwanay kan
Soomaaliya waana arrin aad u muhiim ah in waqtiyadda salaada iyo gelitaanka
maalmaha iyo saacadaha kheyrka badan sida tan jumcaha ama marka Ilaahay usoo
dago samaa’u dunyaa aan la qaybsano. Yaa garankara faa’iido ka wayn taas.
Dhigtaas 45°waxay ka midtahay xarriiqaha khiyaaliga ah ee Afka qalaad lagu
yiraahdo “imaginary lines” oo ah loollalka iyo dhigaha waa “latitude
& longitude” siday ukala horeeyaan. Waxaa xarriiqahaas ka mid ah tan
looyaqaan dhulbaraha (equator) oo isna Soomaaliya mara.
Dhulka Soomaalidu wuxuu la
qaybsaday wax kasta Jasiiraddaas. Inta aynaan la qaybsigaas uggalin waxaad
arkaysaa in Geeska Afrika ay ka jirtay Diintii Nabi Ciise (CS) oo saxiix ah
intaan Muxamed (SCW) lasoo dirin. Waxaa kaloo sharaf ah isla Geeska Afrika
in ay Saxaabadii usoo hijroodaan oo uu Islaamku soo gaaray Geeska Afrika
issagoon dhulka hadda Sacuudiga loo yaqaan badankiisa gaarin bal xitaa
Madiina aan gaarin (gaarid baan ka hadlay ma oran qaadasho). Waxaana qof
walba yaqaanaa boqorkii Najaasha. Waxaan kaloo ognahay in qaadashada diinta
Islaamka ee Soomaalida ay u muuqato arrin dadku si sahlan ku qaatteen oo ma
jiro wax khasab ama dagaallo ah oo halkaa laga xussay. Inkastoo taariikhda
Soomaalida mugdi ku jiro haddana ma maqal asnaam Soomaaliya laga caabudi
jiray Islaamka ka hor bal sida kor ku cad in geyigaas ay diintii Nabi Ciise
ay ka jirtay iyadoo waliba la sheego in halkaas ka jirtay diintii ay ku
dhaqmi jireen reer Banuu Israa’iil oo waxaa la yiraahdaa waxa ka jiray
halkaas (Geeska Afrika) xiriir lala lahaa Nabi Sulaymaan (CS). Waxaan la
qaybsanaa xoolaha nool sida geela iyo ariga iyadoo Soomaaliya ay tahay
waddanka adduunka ugu geel badan. Soomaaliya markaan leeyahay kama wado
dhulkaan hadda la rabo in la goo-gooyo ee waxaan ka wadaa Soomaaliweyn
xittaa Jibuuti waa ii Soomaali anigoon Soomaalinimada ka wadin jinsiyad ama
qabiilooyin gooni ah. Website-ka Soomaaliweyn ayaa arrintaas fahmi kara.
Shidaalka isna waan la qaybsanaa laakiin keenii waa kaydsanyahay.
Intaas waxaa u dheer isagoo
Ilaahay bad aad ubballaaran uu kaga xijaabay dhinaca Bariga oo ay ka
badbaadeen caadooyin iyo dhaqamo qaab daran oo ay lahaayeen waddamo badan oo
dhinaca badwaynta Hindiya naga xiga sida Hindiya iyo Shiinaha. Waxay
lahaayeen caadooyin ay caabudaan sida xoolaha, qorraxda, dabka, dadka iyo
sanamyo kale. Waxaanse la lahayn xiriir ganacsi oo waxaan la qaybsan jirnay
ilbaxnimooyinka ah horumarka iyo farsamooyinkii waagaas jiray.
Waxaa intaas dheer in uu
dhulka Soomaaliya yahay dhul qani ku ah beeraha, xoolaha, kalluumaysiga,
beeyada iyo maydiga oo ah waxyaalihii Soomaaliya looga dambayn jiray magac
iyo taariikhna usoo jiiday. Waxaa dhici karta in qabka Soomaalidii hore ku
jiray ilayn hadda qab ma jiree uu halkaas ka soo jeeday.
Xagga cimilada inkastoo
Soomaaliya ayna ahayn dal qaboow laakiin cimilada waddanka intiisa badan waa
cimilo diirran oo fiican oo aan la dhibsan meelo qabowna waa jiraan. Waxaa
kaloo jira magaalooyin xagaagii aad u kulul khaasatan kuwa dhaca Badda Cas
sida Berbera iyo Boosaaso laakiin ha iloowin cimilada ka jirta Ceerigaabo,
Sheekh iyo Hargeysa oo ah cimilo la jeclaysto. Meelo kale oo kulul baa jira
waqtiyada qaarkood oo sida Luuq iyo magaalooyin kale oo Koonfurta ah. Waa
waddan aadan ka baqayn qabow daran oo wax kuu dhima. Waddanku ma leh meel
guud ahaan la dhihi karo waa lama degaan. Waa adagtahay qof wayn oo
caafimaad qaba in la yiraahdo meel cidla ah bay naftu uga dhacday biyo la’aan
ama degaan la’aan darteed. Qofku hadduu lumo waxay udhowdahay inuu cid
galo issagoo wali naftu ku jirto halka waddamada Jaziirada Carabtu ay jiraan
lama-degaan haddii aad ku luntid haddaadan wadan saad ay naftu harraad iyo
gaajo kaaga dhacayso. Waana wax caadi ah dhibkaasi waxaana ka jira
tusaalooyin. Haddaad rabto Xaddiiskii toobadda ka hadlayey ee ku yiilay
kitaab Soomaalidu aad akhrisato ee Riyaat- As-Saalixiin ee ahaa ninkii inta
ka luntay daabbaddii/tuluddii ay biyaha iyo cuntadu u saarnaayeen issagoo
maraya dhul bahgooyo ah (lama-degaan) waatii ninkii geed iska hoos seexday
maxaa yeelay dhulkaas waad ka quusanaysaa inaad ka cid gasho waatii markii
dambe inta geed iska hoos seexday si halkaas uu ugu dhinto uu Ilaahay usoo
ceshay daabbaddiisii/tuluddiisii waana ninkii dhigay hadalkii laga yaabay
farxad darteed. Dhulka Soomaaliya waa laga yaabaa carruraha inay oomaan inta
dhaanku maqanyahay laakiin macquul ma ahan qof wayn inuu ka baqo inuu waayo
meel uu u cid galo.
Waddankaa awoowayaasheen
waa xafideen waxayna ka ilaaliyeen in ay dad kale ay diintooda ama
dhaqankooda beddelaan. Waxaan ognahay in waddamo badan oo Afrika ama meel
kale ku yaal in gumaystayaashu ay dhaqankoodii iyo diintoodiiba ka beddeleen
halka dadkii Soomaaliyeed ay xafiteen diintooda waloow la gumaystay. Waddamo
badan oo daris nala ah caqligoodii buskud (biscuit) baa looga bedeshay. Bal
waligiin xaggeed ku aragteen qof ku guumaysanaya oo aad diintiisa gasho.
Soow ma ahayn in aadan qaadan mabda’ gumaysi. Diintaas Ilaahay ka dib
Soomalidu waxay haysatay cood oo uma baahnayn sarreen iyo buskud midna.
Waqti aan saa u fogayn nin Soomaaliyeed ayaa lahaa:
-
Bur la dubay bariis
subag leh iyo bari la goo-gooyey
-
Barwaaqada adduunyada
haddii badiba la isiiyo
-
Bishimaha markaan
geshaan bolol ka qaadaaye.
Gabaygii intii kale ma
xasuusto laakiin wuxuu leeyahay biraha caanaha ah markaan dhamo ayaan ku
bogsadaa laakiin cuntada magaalada ma rabo oo kama helo. waana arrintaas tan
keentay in reer Yurubkii ay cuntada xaggeeda ay Soomaaliya uga soo
mariwaayeen. Laakiin waqtigu kii ma ahan hadda wax kasta waa suurtogal.
Imisa qof baa buuffis ku dhacay jacayl ay dibadda u qabaan? Imisa qof ayaa
gaalloobay si dibad loogu qaado?
Waan ka dheregsanahay in
Soomaalidu ayna waxba u ogayn dadka cadcad oo ay ka faani jireen inay
weelashadooda wax ku cabbaan iska daa inay dhaqankooda qaattaane. Waxaa nin
Sheekha oo daaci ah oo jooga markii iigu dambaysay London uu maalin isagoo
muxaadaraynayey noo sheegay in uu waqtigii Ingiriisku uu Waqooyiga
Soomaaliya gumaysanayey uu jiray nin Soomaaliyeed oo xannaanayn jiray
fardaha madaxda Ingiriiska oo ka shaqayn jiray. Marka uu rabo inuu soo
dhaqqo faraska ninka madaxda ah wuu hoggaamin jiray ninkoo soconaya laakiin
markuu soo mayro ayaa ninku soo kooraysan jiray. Dadkii baa waydiiyey oo
yiri maxaad marka horana faraska u hoggaamisaa marka dambana aad ugu joogtaa.
Wuxuu yiri marka hore waxaanan rabin dhididka ninkaas laakiin markaan waan
soo dhaqqay oo waa nadiif. Allaahu Akbar waa kuma qofka manta jooga ee
qaddiyaddaas leh meeshu rabo ha joogee ama cilmiguu rabo ha sheegtee. Rag
badan baa ubbuka salaanta iyo ku dhegga Zenawi. Waa arrinta igu khasabta
markaan Somaliland ka hadlayo inaan kala saaro siyaasiyiinta iyo inta yar ee
taageersan iyo shacab waynaha kale ee ninkaas iyo ragga kale ee aan
maqaaladayda ku soo qaatto ka yimaadeen. Waxaa kartida Soomaalidii hore u
markhaati ah sida gumaystayaashii ay Soomaaliya u kala qaybqaybiyeen iyagoo
gartay inaan diintooda iyo dhaqankooda la beddeli karin in ay hoos geeyaan
waddamo kale oo aan shaxdaa fahmin si ay waqtigooda ugu lumiyaan dagaal
joogto ah. Itoobiya ayaa tusaale noogu filan. Horumarin kale dhulka kama
samayn. Wax wayn oo ay noo qabteen ma jirto. Waddooyin fiican ma samayn,
gegi diyaaradeed oo caalami ah ma samayn. Dekkedo waawayn may samayn.
Waxbarashada xaggeedana ha sheegin. Ingiriisku waxay yaqqaaneen dhibta ay
leedahay dhulka la iska xoogo iyo cirib xumadeeda laakiin Ingiriis
gaalnimadaas iyo ciqaabkii loo sheegay qofkii dhul muslim dhaca inuu Ilaahay
agtiisa ka helayo.
Inkastoo la yiraahdo
waqtigan xaadirka ah waxay leedahay xeebta Afrika ugu dheer ka dib markii
Namiimiya ay ka xorowday Koonfur Afrika laakiin cidna kama faa’iidaysato.
Waxaad la yaabaysaa in maraakiib ajnabi, qaarna xoog kaga kalluumaystaan
qaarna shilimaan yar loogu fasaxay inay badda xaaqaan ama qashin ku duugaan.
Waxaa iigu darnayd markii maamul ku sheega Puntland ay dhaheen waxaan
qabanay afar doomood oo si “sharci darro ah” kaga kalluumaysanayey
xeebaha Mudug/Puntland waliba iyagoo dadkaas kalluumaysanayey ay ka
yimaadeen isla Mudug. Garacad iyo Hobyo ayaa kala noqday labo waddan!
Ka hadlidda Soomaaliweyn
ama isku haynta labadan gobol waxay u muuqqataa arrin khiyaali ah marka la
eego waaqica lagu jiro, qofkii isku daya inuu ka hadlana wuxuu la mid yahay
qof waalan. Cuttubyada dambe ayaan ku arki doonaa haddii Allaha awoodda lihi
oggolaado dhulkii laftiisa oo dacwo ah oo leh maxaan dambi ah oo aan anigu
galay oo la iikala goynayaa.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|