Qiimaha iyo sharafta dhulku
leeyahay
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Qiimaha dhulka dartiis ayaa
markii wax wanaagsan oo qiime leh la xusayo waxaa lasoo qaataa dhulka maxaa
yeelay dhulku wuxuu ku dheeryahay fahanka qofka. Xataa markii laga hadlayo
dhibta waxaa sidoo kale la soo qaataa dhulka, way noo imaan doontaa
Insha-Allaah.
Aayada 30-naad ee Al-Baqarah
wuxuu Ilaahay ku yiri Malaa’igta (waxaan arlada uyeelayaa mid u hara (Khaliif).
Malaa’igtii waxay tiri: ma waxaad u yeelaysaa kuwo fasahaadiya oo dhiig ku
daadsha.) Malaagtu waxay yaqaaneen qiimaha dhulka waxay fahmeen in qoomam
anagoo kale ah ay imaan doonaan.
Habaynkii qiimaha lahaa ee
Nabiga la dheelmay waxaa Allaah uu xusay Masjidul Xaraam iyo Masjid Al-Aqsaa
iyo dhulka ku xeeran. Waxaan ognahay in Xaramaynku leeyihiin dhul cayiman oo
aan lagu xadgudbi karin. Ugaartiisa lama cayrsho iska daa dil, geedihiisa
lama jaro. Insaan dhibkiis iskaba daa. Ma jirto wax lala simo sharfida
Xaramka iyo Masaajidka Nabiga (SCW) iyo masjid Al-Aqsaa. Kacbada waan
ognahay in sanad walba ay malaayiin u aadaan Xaj iyo Cumro. Ma jiraa Shiikh
dad intaas le’egi ay aadaan. Sidoo kale Xadiiskii ahaa safar cibaado ah
looma qasdo ilaa seddex meelood. Masaajidka Xaramka, Masaajidka Nabiga (SCW)
iyo Masjid Al-Aqsaa.
Marka abuurida dhulka iyo
cirarka Ilaah ka hadlayo wuxuu ku bilaabay dhulka. Fiiri Suurat Fusiltat
aayadaha 9-12. Ilaah dhulka wuxuu uqoondeeyey afar maalmood. Labo beri oo
lagu abuuray iyo labo beri oo la fidiyey, biyaheeda iyo baadkeda iyo
waxyaalahaas la sugay halka Allaah uu samaawaadka uu ku abuuray labo
maalmood. Taasina waa sharaf dhulku leeyahay. Wuxuu sidoo kale Allaah ku
leeyahay aayada 29-naad ee Suurat Al-Baqarah (Allaah waa kan idiin abuuray
waxa dhulka ku sugan dhamaan, markaas samada ahaysiiyey kana dhigay todobo
samo, Allaahna wax walba waa ogyahay.) Waxaan arkaynaa inay tahay aasaaskii.
Guriga markii la dhisayo waxaa laga bilaabaa aasaaska.
Ibliis markii Allaah yiri
usujuud Aadam wuxuu xusay carrada (ciida) isagoo quursanaya oo leh ma Axad
aad carro ka abuurtay baan usujuudaa anoo dab la iga abuuray fiiri aayada
12-naad ee Suurat Al-Acraaf.
Nabi Muxamed wuxuu yiri
Arlada waxaa la iga dhigay daahir iyo inaan ku tukankaro. Markii uu tiriyey
waxyaalo aan Nabiyadii hore la siin. Xadiiskaas waxaa wariyey Imaam Muslim.
Allaah wuxuu suuraltul
Israa’ ku leeyahay (Waxaan barakaynayn binuu Aadamkii waxaana ku qaadnay
dhulka iyo badda). Allaah markuu xusay Karaamadii Binuu Aadamka wuxuu
markiiba raaciyey dhulka.
Binuu Aadam ha isu ahaadeen
waalid ama walaalo, qaraabo kale ama aabe iyo hooyo waxay is agjoogaan inta
ay noolyihiin laakiin markuu qofku dhinto markiiba waa la isdhaafshaa
laakiin dhulku isagu geeri iyo nololba wuu na aqbalaa sidii Allaah uu
Quraanka ku yiri (Miyeydaan arlada idin kayeelin mid kafaaleqaade ah. Nolol
iyo geeriba). Sidoo kale Allaah wuxuu yiri ( Markaan dilno qabri baan ku
asturnaa ).
Xoolaha xitaa markay
lawaayo waxaa loo raadshaa dhulkii ay yaqaaneen.
Cufasjiidadka uu Ilaahay ku
abuuray ayaa yaableh oo wax walba xagiisa ayeey usoo noqdaan. Soomaalidu
waxay tiraahdaa “shimbir buubtay irzaaqadeed waa dhulka” “Ma huraayo
ciidee”
Fircoon markuu Nabi Muuse
ku yiri waa kuma Rabu- Alcaalamiin. Muuse kuma bilaabin Rabigaa iyo Rabigaa
aabayaasaa ee wuxuu ka hormariyey (Wuxuu yiri waa Rabiga Samaawaadka iyo
Arlada )
Sidaan horay usoo sheegnay
dhulku waa waalidkeen oo kale mar hadii aan xagiisa ka nimid. Waxaad
ogtihiin shimbiraha yaryar oo xitaa digaagu ku jiro, dhasha xayaawaanka kale
iyo waliba caruurta markay arkaan wax cabsi galiya waxay u cararaan
hooyadood ama aabahood.
Qisadii wiilkii Nabi Nuux
markii Aabihiis Nuux Calayhi Salaam uu yiri (wiilkayoow soo fuul doonta,
wiilkii wuxuu yiri waxaan magagangalayaa jabalka) doontii wuu isku aamini
waayey maxaa yeelay mar hadii uu Ilaahay iyo Rasuulkiisii caasiyey wuxuu u
arkayey doontaan ku cusub inuusan ku kalsoonaan ee uu magangalo calaamadaha
dhulka ka taagan ee buurta ah. Ka warama hadii hada inta doon naloo keeno
ama diyaarad la yiraahdo dadkiina Soomaliya joogoow soo fuula waxaad
tagaysaan Marayikan iyo Yurubta Galbeede. Yaa ka hari lahaa safarkaas iyo
uboqoolid dhul aynaan aqoon.
Nabi Muxamed (SCW) markii
uu Maka ka baxayey waatii intuu milicsaday uu yiri Walaahi waxaad tahay
arlada Ilaahay mida xagayga loogu jecelyahay hadii uusan qoomkaagu iga kaa
saareen kaama baxeen.
Abuu Bakar iyo Bilaal
markii ay Madina ku xanuunsadeen waxay tirsheen baydad gabay ah. Kii Bilaal
waxaa ka mid ahaa. (Maan mar Makka baryo/ahaado oo aan dhinacyada ka arko
geedo la yiraahdo idkhar iyo jaliil. Kutubada Siirada Nabiga waad ku
arkaysaan waxaana wariyey sidoo kale Bukhaari iyo geyrkiisba.
“Haybad waxaad kuleedahay
ciidaada hooyo waana lama huraane hagar la’i wax ugu qabo.
“Hadaan dibada aadoo
ajashu ii timaadana kii lay ambinayee iilkaygu yaalee arligaygoow”.
“No place like home.”
Masqadhu ra’sii. Waa
halkii madaxaygu kusoo dhacay. Meeshaad ku dhalatay. Ama dheh meeshii
xuduntaydu ku xabaalnayd.
Aayada 61-baad ee Suurat
Huud Nabi Saalax wuxuu milicsiiyey qoomkiisii thamuud (qoomkayoow Allaah
caabuda, Ilaah aan isaga ahayna ma lihidin, Isagaa idin ka amaamuday dhulka
xagiisa idinkuna camiray. )
Sida ku cad Suurat Al-Baqarah
waa tii ay Reer Banii Israa’iil ay Nabi Muuse dhaheen Ilaahay noo bari
inuu noo soo saaro waxyaabaha dhulka ka baxa baqalkeeda, qajaarkeeda,
thoomteeda, cadaskeeda iyo basasheeda. Inkastoo ay haysteen cunto diyaarsan
oo qiima sare leh hadana waxa dhulka ayey dalbadeen oo jamteen. Soomaalidu
waxay jeclaayeen baasto lagu sameeyey Talyaaniga iyagoo galaydeena ama
bariiskeena ka faani jiray. Waxaan xasuustaa boorar (placards) lagu soo qori
jiray “dad barwaaqo ku taagan inay baahi baxaana badaa uun ka sugaaya waa
balaayo aduun”
“Mukulaal minankeeda
joogta miciyo libaax bay leedahay”
Cumar Binu Khidhaab makruu
ogaaday in Nabi Muxamad (SCW) uu ku dhintay Madiina oo lagu duugay buu yiri
nolashaba hadaan ku jeclaa intaan muslimay ma rabo inaan geerida ku kala
tagno. Wuxuu Ilaahay ka beryahay inuu Shahiid ku dhinto Madiinana uu ku
dhinto.
Naagtii Raage Ugaas markii
ay reeraheedii aaday oo ay soo dhibaadiyeen waatii la soo siiyey awr badan
oo wada alaabo sida oodkac, subag IWM. Markii ay habeen ku soo dhowaadeen
gurigii ayaa la yiri habeenimadan ma gali karno degaanka. Si naloo arko
waxaan wadno waa inaan subaxii galnaa meesha. Laakiin haweenaydaasi waxay
tiri mar hadii gurigaygii ii muuqno ninkaygiina uu halkaas joogo caawa
cidladan seexan maayo. Habaynimadii bay istiri gurigii aad laakiin libaax
baa cidlo ka helay. Raage ugaasna wuxuu ka tiriyey gabaygii caanka ahaa ee
la oran jiray:
Sida koorta yucub oo
la suray koromo buubaal ah
Ama geel kareeb ah oo
nirgaha laga kaxaynaayo
Wuxuu raaciyey
Xalay kolola’aygii
ma ladin kaamil reeruhuye
Kumbiskii miyaa la
iga qubay koloyo ii buuxay
Maantana kataantii
miyaa la iga kala qaaday
Kob abaar ah oo dhexe
miyaa keero ila meeray.
Markii ay munaafaqiintu
rabeen in ay jihaadka ayna galin oo ay baqaha doorteen waxay iskula hadleen
oo ay isku soo jiiteen inay magaca dhulka ee ka dhaxeeya ay isticmaalaan
intii ay qabiiladooda iyo lafahooda xusi lahaayeen. Taasina waxay ku
tusinaysaa in caadifada dhulku ay qiimo badan leedahay. Ilaahay markuu
Quraanka nooga waramayey hadii aan Afsoomaali ahaan uxusno wuxuu yiri:
markay qayb ka mid ah lahayd (yacnii Munaafaqiinta) reer Madiinoow (Yaa ahla
Yathriba) meel aad ku nagaataan dagaalka ma jirto, ee noqda (Madiino) koox
iyaga ka mid ahna waxay idan waydiisan Nabiga (SCW) iyagoo dhihin guryahii
baa naga dayacan, mana dayacna ee waxaan carar ahayn ma rabaan Suurat Al-Axzaab
13.
Sidoo kale xadiis saxiixa
oo Imaamu Al-Bukhaari wariyey waxaa Nabiga loo sheegay meeshu u qaxayo
isagoo xusay inay ku taal labo xarro dhexdood ayna tahay meel timir leh.
Marka qiimaha magaaladaas waataas. Waxaana lasheegaa xataa in towraad lagu
xusay. Waxaa taa daliil u ah in seddex qalo oo Yuhuud ka mid ah ay Madina
soo dageen Nabigoon soo bixin . Maxaa yeelay waxay Towraad ku haysteen
Sifooyinka Nabiga siduu Quraanku sheegay iyo inay u yaqaanaan sida ay
wiilashooda uyaqaanaan. Madiina waxay udegeena waa inay yaqaaneen.
Dadku qofkii ay layaabaan
waalidiisa iyo siduu wax uwado waxay dhahaan qofkaas cirkuu kasoo dhacay
iyagoo udiidan inay dhulka utiiriyaan. Maxaa yaalay dhulka sharaf buu
leeyahay. Haday ku dhahaan cagaha dhulka dhig waa is tartiibi oo caqli
isticmaal. Alloow yaan nala oran cirkuu ku socdaa ama ku guuraa.
Puntland magaca ah ma ahan
mid qabiil kasoo jeeda ee waxay ku sheegaan in uu yahay sifo dhulku leeyahay
sida uduga. Somaliland lafteedu waxay ka soo jeedaa dhulkii Ingiriisku uu
qoqobay.
Wuxuu Imaam Al-Bukhaari uu
wariyey in uusan Madiina galayn Masiixu Dajaal iyo Daacuun midna. Waana
sharaf uu Ilaahay uu magaladaas sharfay.
Waxaan aragnay markii la
ciyaarayo muusikada astaanta u ah calamada in loo istaago halka aan badanaa
loo istaagin madaxwaynayaasha. Taasi waxay ku tusinaysaa qiimaha ay u qabaan
dhulkooda. Waxaad arkaysaa ciyaartooyda sida kuwa kubada cagta ciyaara in
qaarkood ay muusika ku ooyaan iyagoo tusaya jacaylka ay dhulkooda u qabaan.
Waxaan xasuustaa riwaayad
ka hadlaysa gabar uu shukaansado nin Janaale ah oo ay ka wadaan mid
khaliijka kasoo shaqaystay oo xoogaa lacaga wata. Waxaa markii dambe soo
galay nin askari ah. Gabadhii waxay soo dhowaysatay jabhadkii maadaama
waayadaa dagaalo lagula jiray Itoobiya kii kalana waxay ku tiri “Jabhad
baa yimide Janaaloow ka bul dheh”
Lama tirin karo heesaha ka
hadlaya qiimaha dhulka iyo qiimaha uu yeesho qofka dhulka waardiyeeya:
Dhulkayaga dhulkayaga
woow dhimanaynaa dhulkayaga
Dhiig inaan ku shubo
oo aan dhagar ku galo woow dhaarsanoo
Woow dhimanaynaa
dhulkayaga.”
Sidoo kale waa tii uu qaadi
jiray Allaha u naxariistee Maxamed C/hi Gujis:
“Gowracaa walaalkay
gaarhayoow gibil kay xanuunee gaarhayoow
aanu kuu garownee
gaarhayow geyiga ilaali gaarhayoow
Good iyo abeesadu
gaarhayoow yeyna ina gaadine gaaryahoow
Aanu kuu garownee
gaarhayoow geyiga ilaali gaarhayow.
Markasta waxaa kusoo
hooriyaa Geyiga ilaali.
Galbeed waa la xoreeyey
Warsaw baa gaagixisay. Dhulkii baa dadkii loogu magac daray.
Allaha unaxariistee Carays
Ciise saarkiisii ahaa “waraaboow maalin wacan”: wadaynimo kaama rabo
wadankaa anaa iska leh aan kala waydaaranee warooboow maalin wacan.
Ninkii dhoof ku yimid
bay geeridu dhibaysaa.
Wadankeenu waa
wadnihii jirkeenoo waraabinaayey dhiigoo waan ku werweraynaa.
Waxaa kasii daran markuu
lahaa Allaha ha unaxariistee C/hi Suldaan timacade markii xornimada la
qaatay gabaygii ahaa
“Sareeyoow ma
nusqaamoow aan siduu yahay eegne kana siib kaana saar”. Waxaa ka mid
ahaa:
In sidayda tihiin iyo
inkalaana saxayne
Soomaaloo calan
taagta saaka iigu horaysee
Seddex week iyo
maalmo hadaan soor cuniwaayo
Sufrad laygama yaaboo
soori mayso naftayduna
Sareeyoow ma
nusqaamoow aan siduu yahay eegnee
Kaana siib kana saar.
Gabaygu wuxuu tilmaamayaa
sidii ay dadku ugu farxeen xornimada maxaa yeelay dhulkaagii oo kaa maqnaa
baa laguu soo ceshay.
Waxaan ognahay dhaqan ahaan
Soomaalidu ma sameeyaan waxaan loo yaqaan “birthday party” oo ah xaflada
dhalashada. Laakiin xornimada taariikhdii la qaatay qof kasta waa ku
wayntahay. Waxaad moodaa in dhulka aan ka horaysiino nafteena markii aan
qumanayn. Laakiin hada qalbigii baa nafoorara dhulka gaalada ayaan ka
hormarinaa dhulkeena waxaa taa u daliil ah jacaylka aan u qabno Maraykan iyo
Yurub aadid.
Mayd waxaa udambeeyey kaa
la sii wado. Qadarin la’aanta Soomaalida ee ku aadanayd dhulkooda waxay
maraysaa meel sare. Soow Eldoret ma ahan waxa hada la fadhiyo si arimaha
Soomaliya xal loogu helo. Dhul aan ku shirno oo aan leenahay ma waynay?!
Qiimaha dhulka iyo Qadarin la’aanta Soomaalida.
Waxaa ku xigi doona Cutubyo
ay u horayso maxuu qofku dhulkiisa uga hijroodaa hadii Ilaah idmo.
Asalaamu calaykum
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 25, 2002
|