Qiimaha dhulka iyo qaddarin
la’aanta Soomaalida.
Qaybtii toddobaad
Dhibta teeda wayn oo dhulka
lagu suureeyo
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Seddexdii (Wuu ka
toobad aqbalay) la dib mariyey intuu kaga ciriiryamo dhulku isagoo
waasac ah, kuna ciriiriyantay naftoodii una maleeyeen inayna jirin
meel laga magan galo oon Allaah ahayn, markaas baa Allaah ka toobad
aqbalay inay toobaad keenaan, Allaahna waa Toobad Aqbale Naxariista.
Aayadda 118-aad ee Suurat At-Towbah.
Imaamu Al-Muslim
wuxuu Abuu Hurayra (RC) ka wariyey xaddiiskii ahaa Nabigu wuxuu yiri (SCW)
(Islaamku wuxuu ku bilowday qariib, wuxuuna ku noqonayaa sidii uu
qariibka ugu biloowmay, dhuubaa waxay usugnaatay dadka qurabaa ah (
kuwa diinta ku dhegen)
Waxaa Allaah uu
arrinteeda wayneeyey marka annagoo dhulkeenii ka tagnay oo safar ah uu
mowdku na helo waxaana Allaah ku suureeyey musiibo (oo idin asiibo
musiibada mowdka). Aayadda 106-aad ee Suurat Al-Maa’idah.
Imnu Maajah wuxuu ka
warinayaa Ibnu Cumar. Ibnu Cumar (RC) (Nabigaa wuxuu qabtay qaar kamid
ah jirkayga markaasuu yiri Cabdullaahiyow ahow adduunyada sidii qof
Qariib ah ama sidii qof jid gooynaya, naftaadana ku tiri ehlu qabuurka
.
Ciqaabta dhulka:
duulkii ama qofkii qooqa oo dhulka lagu ciqaabo.
Waxaan ognahay qofkii
dhulka fasaadiya oo la yimaada wax aan horay loo aqoon waxaa Ilaahay
ku ciqaabaa dhulka. Tusaale ahaan usoo qaado Qoomu Luudh markay ay
dhulkii la yimaadeen waxaan cidna uga horayn, Ilaahay dhulkii buu la
gaddiyey/rogay iyadoo ciqaab dheeraadana loo raaciyey. Allaah wuxuu
leeyahay (markii uu yimid amarkayagii waxaan ka yeelnay (dhulkii)
korkiisa mid hoos maray waxaan roob uga dhignay dhagxaan la shiday oo
israacraacsan). Aayadda 82-aad ee Suuratun Huud. Aayado badan oo
qoomkaas ka hadlayana waa jiraan.
Qofkii qof ka xada
dhul wuxuu mutaa ciqaab daran. Waxaan ka arkaynaa in amarka dhulku uu
aad u waynyahay. Xaddiiskii ay warsheen labada Sheekh iyo Qayrkoodba
wuxuu ahaa lafdhigii Bukhaari: Qofkii dhulmiya dhul waxaa qoorta loo
galiyaa toddobada dhul. Waa ciqaab aan horay loo arag.
Sidoo kale Qisadii
Qaaruun ee xoolaha badan Ilaahay siiyey. Kadib markii dadkii
adduunyada jeclaa ay tamaniyeen in Ilaahay uusiiyo xoolaha Qaaruun oo
kale waa tii kuwii cilmiga lahaa ay ku dhaheen waxaan waa adduunyo ee
ha ku dagmina sidoo kalana waa tii ay u caqli cesheen Qaaruun laftiisa
oo ay dhaheen war Ilaahay waxaan uu ku siiyey aakhiro ugu shaqayso
isna waatuu yiri waxaan cilmigayga baa igaarsiiyey. Waa tii markii
dambe Ilaahay dhulka la gooyey. Qisadaa ka fiiri dhamaadka Suurat Al-Qasas.
Xaddiiskii kaloo ahaa
qofkii dooriya calaamdka dhulka ciqaabta loo sheegay.
Sidii xaddiiskii uu
sheegay waa tii mar dad badan oo duulaan ku ah Kacbada in Ilaahay
dhulka la gooynayo. Waxaad arkaysaa in saxaabo badan iyo muuminiin
badan xaqdaro lagu dilo laakiin Ilaahay Kacbada Gaaladii soo weerartay
ee uu Abraha watay waa la ogaa wixii ku dhacay.
Xaddiis uu isna
warshay Imaam Al-Muslim Kitaab Al-Fitan Wa Ishtiraadhu Saacah.
Wuxuu wariyey in ay Umul Muuminiin Ummu Salamah ay Nabiga (SCW) ka
warisay in uu qof magan galidoono kacbada markaasaa ciidan lagu
saarayaa markay marayaan Baydaa meesha la yiraadho ayaa Ilaahay dhulka
la goynayaa. Waxay waydiisay hadduu ku jiro mid dhibsanaya (oo raali
ka ahayn sidii mid lasoo khasbay) Nabigu (SCW) wuxuu yiri la jirkooda/macooda
ayaa dhulka lala gooynayaa laakiin qof walba niyadiisa baa lagu soo
saarayaa.
Sidoo kale labadii
nin ee Allaah nooga waramay suurat Al-Kahfi. Ninkii inta isagoo
saaxiibkiisii muslimka la murmaya inta beerta galay dhahay anaa kaa
xoolo badan xagga cisada, dadka dhexdiisana anaa kaaga leh oo inta
beertiisa galay isagoo naftiisa dulminaya yiri ma filayo in nicmadan
ay iga guurayso mana aaminsani in qiyaamo dhacayso hadii xagga Rabbi
la ii ceshana kheyr baan agtiisa ka rajaynayaa. Kadib waa kii
saaxiibkiis lahaa isagoo hadalka ku celinaya ma waxaad ku gaaloowday
Allahii kaa abuuray ciid ka dibna candhuuf kadibna nin eg kaa dhigay
laakiin maad tiraahdid Rabbigay waa Allaah, axadna uma shariik yeelayo.
Maad beertaada gashid oo tiraahdid wixii Ilaahay doono, Isaga kaliya
ayaana leh quwadda dhabta ah. Waxaad u aragtaa inaan xagga maalka iyo
wiilashaba kaa yarahay laakiin Rabbigay wuxuu mudan yahay inuu isiiyo
kheyr ka badan kan beertaada oo uu usoo diro beertaada kuna diro
korkeeda aafo samo, oy markaas ahaato bannaan lagu simbiriraxoodo. Ama
biyaheedu kuwa gura oodan awoodin dhalabkooda (soo celintooda). Waa la
koobay mirahiisii (la halaagay) oo ahaaday kii gaddin gacmahiisa wuxuu
ku bixiyey iyadoo ku dhacday darbiyadeeda, isagoo leh shalaytidaydee
maanan la wadaajin Rabbigay cidna. Uma ahaanin koox ugargaarta oo
kasoo hartay Allaah, mana ahaan mid gargaarsada.
Marka Allaah ka
hadlayo waxyaalaha xasanaad qofka eber ka dhiga sida shirkiga, Ilaahay
wuxuu noo mithaalaa beer/dhul. Suurat- Al-Baqrah wuxuu Ilaah noo
sheegay micno ahaan: ma jecelyahay midkiin inay u ahaato beer timir
iyo canabyo ah oo ay dareeri dhexdeeda wabiyaal oos ku leeyahay
dhexdeeda wax kastoo midho ah ayna hayso da’ wayn uuna leeyahay
caruur tabaryar oo markaas beertii asiibto dabayl daran oo dab wadata
oo gubtay beertii, saasuu Allaah idiinku caddeeyaa aayaadkiisa si aad
u fekertaan.
Mannasheegashada
Dhulka
Allaah wuxuu dadka
usheegay (Dadoow caabuda Rabbigeen Isagii idin abuuray adinka iyo
kuwii idin ka horeeyey waxaad mudantihiin inaad dhowrsataan. Rabbigii
dhulka idiin ka dhigay gogol, Samadana saqaf, samadana idin kasoo
dajiyey roob oo idin ku soo saaray miro risqi idiin ah, ee Allaah ha
uyeelina mid udhigma idinkoo og). Aayadaha 21 iyo 22-naad ee Suurat
Al-Baqarah.
Sidoo kale Wuxuu
Allaah leeyahay (sideed ugu gaaloobaysaysaan Allaah xaal aad ahaydeen
kuwo aan noolayn (jirin) uuna idin nooleeyey kadibna uu idin dilay
kadibna uu idin nooleeyey kadibna aad Ilaahay u noqonaysaan. Allaah
waa Allahii idiin abuuray adinka wixii dhulka korkiisa ah oo dhan
kaddibna u qasday samada oo ekeeyey toddobo cir Isagaana shay kastana
og). Aayadaha 28 iyo 29-naad ee Suurat Al-Baqarah.
Allaah wuxuu Nabiga (SCW)
iyo Saxaabadiisii (RC) uga mannasheeganayaa sidii uu Yuhuudii uga
saaray qalcadii ay degenaayeen ka dib markii ku riday rucbi iyo baqdin.
Qofkii raba ha fiiriyo Suurat Al-Xashar laga bilaabo aayada labaad iyo
aayadaha ku xiga.
Fircoonkii Ilaaha
sheegtay wuxuu ogaa qiimaha dhulku uu leeyahay maxaa yeelay waa wax
qofkii indhihiisa fura uu arki karo isna waa tii uu Allaah nooga
warramay (Fircoon wuxuu u dhawaaqay qoomkiisii wuxuu yiri: qoomkayoow
miyeyna ii sugnaan xukunka Masar, iyo wabiyadan socda hoostayda,
miyeydaan wax arkayn). Suurat Az-Zukhruf aayadda 51-baad.
Dhulku qofka fiican
ma u ooyaa?
Aan ku biloowno
aayaddii Quraanka ahayd ee Allaah nooga warramayey markii Fircoon iyo
dadkiisii la halaagay (uma booyin samaawaadku iyo arladu (Fircoon iyo
dadkiisii) ma ay ahayn kuwo loo kaadiyey.
Mufasiriintu waxyaalo
badan bay qisadan ka xusaan oo qaarkood ay yihiin sheekada Shiicada.
Waxay sheegaan in ay jiraan samada laba albaab oo mid uu irzaaqada
qofku ka timaaddo midna camalka qofku uu ka koro/fuulo. Sidii kale qof
walba meeshuu ku tukado ama ku cibaadaysto inay tabaan markuu dhinto.
Wax Axaadiis ah oo saxiix ah oo oohintaas ku saabsan ma arag maaddaama
aqoontayda diineed ay aad u yartahay laakiin waxaa jira xaddiis saxiix
ah oo uu wariyey Imaam Al-Bukhaari uu ka wariyey Abuu Saciid Alkhudri
isagoo la hadlaya Abuu Sacsaca Al-Alnaasiriyi wuxuu yiri: waxaan kuu
arkaa nin jecel ariga iyo baadiyaha ee hadii aad dhexjoogto arigaaga
ama baadiyaha oo aad salaada u addinto kor uqaad sowdkaaga eedaanka,
ma maqlo soowdka mu’adinka dhererkiisa Jinni iyo Insi iyo shay kale
midna ilaa way u markhaati furaan maalinta Qiyaamaha. Kollay dhulkuna
ashyaadaas buu ka midyahay. Waxaan kaloo ognahay marka laga reebo
jinka iyo insiga makhluuqaadka kale waxay addeecaan Ilaahay oo
utasbiixsadaan. Marka wax la yaab leh maleh hadii ay dhulku iyo
samaawaadku tabaan qofka.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 31, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|