Qiimaha dhulka iyo qaddarin
la’aanta Soomaalida.
Qaybtii Sagaalaad
Dhulka oo tusaale loo soo
qaato marka cilmiga iyo martabadda dadka laga hadlayo.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Waxaan ku bilaabayaa Magaca
Eebe ee Naxariista teeda guud iyo gaar ahaaneedba bixiya.
Waxaa nagu filan xaddiiskii saxiixa ahaa ee
mash-huurka ahaa ee ay labada Sheekh iyo qayrkoodba warsheen ee uu warinayey
Saxaabigii ahaa Abuu Muusaa Al-Ashcari (RC) markii Nabigu (SCW) uu yiri:
tusaalaha waxa Ilaahay ila soo diray oo hanuun iyo cilmi ah waa sidii roob
mahiigaan ah oo ku da’ay dhul, waxaa dhulkaas ka mid ah qayb wanaagsan (carro
san) oo biyahii isticmaashay oo ku soo saartay naq iyo cagaar, waxaa kaloo
ka mid ah qayb adag oo biyaha qabata oo dadka Ilaahay ku anfacay ooy ka
cabbaan, xoolahooda ka shubtaan oo ay beerahoodana ka waraabiyaan, waxaa
kaloo ka mid ah dhul qaac ah (baccaad) oo aan biyana qaban doogna soo saarin………
ilaa dhamaadka Xaddiiska.
Nabigu (SCW) wuxuu dadkii
ukala saaray seddexdaas qaybood. Qof diintii bartay, caalim oo ku camal
falay, caamil oo dadkii baray, muccalim. Waa qofka ugu qiimaha badan laakiin
“wa qaliilun maa hum” waaba iska yaryihiin. Waa qaybta Nabigu (SCW) uu
ku miithalay dhulka wanaagsan ee biyaha isticmaala oo kusoo saara naq iyo
cagaar. Kuwo labaad waa kuwo cilmigii uruuriyey oo adduunyadda iyo
waqtigooda iskala qabsaday oo aan nawaafishii (sunooyinkii) aan camal falin
ama aan si fiican u fahmin waxay urursheen laakiin ugudbiyey dadka wuxuu
lagu miithaalay dhulkii adkaa ee biyaha qabtay ee dadkii, duunyadii iyo
dalagii u faa’iideeyey. Labadaas qaybood waa kuwo dadkii kale wax taray.
Qaybta seddexaad waa kuwo cilmigii maqlay laakiin aan xafidin oo aan fahmin
oo aan qayrkoodna u gudbin waa kuwa lagu miithaalay baccaadkaas oo biyahana
qaban baadna aan soo saarin.
Soomaalida oo waagii hore
geela aad u taqaanay ilaa ninkii Carabka ahaa uu ka yiri “kullu fitnatin/fitnah
cinda geel” Wali ma garan waxa ku khasbay in ninkaas Carabka ah laga
sheego inuusan oran “cinda ibilin/ibil oo ah Carabi ee uu u yiri cinda
geel. Ma dadkii noo soo gudbiyey baa ibil ugoysay ilayn kalmadaha kale
Soomaali ahaan waan u isticmaalnaa mise ninka Carabka ahi wuxuu ogaa sida
geelu Soomaalida ugu waynyahay marka si uu arrinta u wayneeyo magaca geela
geel buu u daayey. Si kastaba ha ahaatee Soomaalidu dhulka iyo geela isma
gafsiin sida ay u dhahaan hal baccaad lagu lisay! Yacni arrintaas faa’iido
maleh oo waa wax kama jiraan. Hadda waxaad moodaa kulli fitnah cinda kursi,
maqqaal ahaan ayaan mar hore usoo diray ee ka fiiriya website-yada qaarkood.
Horay baan usoo marnay in Soomaalidu ay dhulka aad u taqqaan iyo
muhiimaddiisa laakiin meel baa habaar nooga dhacay. Waxaan filayaa inaan ku
soo marnay markaan ka hadlaynay irsaaqada in ay dhahaan shimbir buubtay/dhuusay
irsaaqadeedu waa dhulka yacnii dhulka ma huraysid.
Qaybtee dadkaas uga jirnaa?
Qofkii seddexdaas ka hoos marase ka warama? Maqqaal aan heshiishyada kaga
hadlayey oo asbuuc ka hor aan diray oo walaalaha website-yadu qaarkood
qoreen waxaa ku sheegay in maxsuulka heshiisku (output/outcome ≥0) uu
san ka yaraan eber (0). Oraahdaas oo kale waxaan kala soo bixi karnaa diinta
Islaamka sida xaddiiskaan oo kale iyo fidrada.
Xadiiskaas wuxuu ka
hadlayaa qiimaha cilmiga iyo martabadda dadka. Xaddiiska waxaa laga fahmayaa
qofkii diin Islaam barta haddii uusan Islaamka, muslimiinta iyo naftiisa wax
u qaban inuusan diintooda iyo iyagaba uusan dhibin ugu yaraan. Waan ognahay
in ay jiraan dad diinta barta oo diinta Islaamka iyo dadkeeda lugooyo la
dabataagan laakiin taas kuligeen waan ognahay marka Ilaah baa arrimaha og ee
waxaad moodaa maaddaama cilmi laga hadlayo in xaddiiskaas lagu sharfay in
kuwii si khalad ah u isticmaala aan xaddiiska lagu sharfin si ayna dadka
qaarki ugu qaadan in cilmigu dhib keeno haddii tusaalaha lagu daro.
Waxaan ka hadlaynay qiimaha
dhulka marka qofka Binu Aadamka ah haddii uu dhulkiisa uusan wax uttarin
waxaa la rabaa inuusan dhibin oo uusan gumaysi usoo wadin oo uusan dadkiisa
dullaysan oo uusan badihiisa inta dad shisheeye ah la galo heshiis yiraahda
kalluunkiisa iyo kheyraadkiisa xaaqa qaar kalana kula heshiiyaan inay
qashinka nuclear-ka iyo maaddooyinka kale ee dhibka keena halkaa lagu duugo.
Waxaad arkaysaa in arrinta
dhulka aan ninna ka jaahil noqon karin ilaa hadda waxaan wadnay in arrimaha
muhiimka ah oo dhan dhulka lala xiriiriyo. Inay fidradu keenayso in markasta
maskaxdaada uu dhulku kusoo dhaco. Waxaa la rabay in qof kasta oo dhulka
yaqqaan uu dadkana barto. Qofkii dhulka gawaanka ah ama bacaadka ah yaqqaan
waa inuu yaqqaan qofka ay dhahaan habaa’an ama eber oo aysan waxba u
dhiiban. Maqqaaladayda marar badan baan kusoo qaattay haddii aad u fiirsato
sida dadkii hore u yaqqaaneen dhulka iyo dadka waad yaabaysaa. Qurayshi
Islaamka ka hor dadka ay u doorran jireen safiir ahaan waxaa ka mid ahaa
Cumar Binu Khidhaab, Camr Binu Caas, Suhayl Binu Camri. Islaamka ka dibna
sidoodii bay ahaayeen. Maxaa maanta noo keenay inaan qabqablayaashaas
doorrano oo haddii aan hebel iyo hebel dhahno qofkasta qoslayo?! Heshiiskii
Xudaybiyah Qurayshi Abuu Lahab iyo Abuu Jahal ma dirin maxaa yeelay arrintu
meel xun bay maraysay oo makraas heshiis baa loo baahnaa waxay direen
ninkeedii. Nabigu (SCW) markuu arkay Suhayl Binu Camri wuxuu yiri “sahulal
amru” yacnii amarkii waa sahlanaaday maxaa yeelay Nabigu (SCW) waa yiqiin.
Abuu Jahal waxay ogaayeen inuu arrinka adkaynayo. Markii la yiri Awrtiinii
waa la qabsaday oo la idin cayrtee waxaa ciidanka wax ka watay Abuu Jahal
maxaa yeelay heshiis ma ay rabin. Maxaan waxaysan Qurayshi falin u falaynaa
hadda sidee ku dhici kartaa niman jirri ah ama mooryaan ama dayday oo 100%
la isku raacay inay yihiin xittaa qofkii taageera wuu sheegayaa inuu
ninkaasi yahay mooryaan, inaan dhahno heshiis noo keena. Iyagoo kale heshiis
ma leh. Iyaga waxaan diri karnaa haddaan rabno inaan ummad kale soo dhacno
oo soo dilno waana shaqadoodii ay khibrada u lahaayeen. Meeday xikmadii?
Maddaama aan ku jirno
dhulka oo cilmiga lagu mithaalayo waxaan la yaabay jahligaan dhul nacaybka
ah xagee nooga yimid? Qolyaha kubbada xiiseeyaa waa ogyihiin marka kooxahu
ay ku ciyaarayaan waddamada kale inay necebyihiin oo ay aad uga helaan
markay gurigooda ku ciyaarayaan. Koox kasta oo tabar darrani marka ay
gurigeeda joogto waxay isku daydaa inay koox ka itaal badan, markii meel
dhexdhexaad ah lagu ciyaarayo ay dhagaha ku dhuffato. Waa sida Soomaalidu
udhado “mukulaal minankeedii joogtaa miciyo libaax bay leedahay”. Hadda
qabqablayaashii waxay ka helaan inay ku shiraan dhulalka dibadaha ah oo
waliba ah dhulal aan saas uga horumarsanayn keenna sida Itoobiya. Waan
ogahay in dadka isboortiga xiiseeyaa ayna fahmi karin sheekadan laakiin waa
arrin aan qabqablayaasha looga horayn.
Gabar la yiraahdo Maryan
Ifiso ayaa qortay maqqaal ah “Eldoret waa meel damiirka qofka Soomaaliga
lagu tijaabiyo. Waa runteed wayna ogtahay in qabqablayaashu ayna damiir
lahayn laakiin cidday la hadlaysaa waa Soomali weyn. Maqaalkii ahaa
dadqalato aan diir naxayn iyo shacab aan damqasho aqoon ayaa iiga filan
inaan dib uga hadlo damiirka Soomaalida. Nakuru, Sodare, Hawasha, Eldoret
iyo haddoo Nairobi ah ee maxaa ku xigin?
WABILLAAHI TOWFIIQ.
cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 21, 2003
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
|