SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
FAAQIDAAD - CIRAAQ
 Maxaa Ciraaq loo Qabsanayaa? 

Faaqidaad: Qaybtii I  | Qaybta II

W.Q Axmed Dowlo dawlo@hotmail.com  

March 18, 2003

KAAH

Dadka ku takhasusay calaaqaadka caalamiga ahi waxay rumaysan yihiin in M/weyne Bush uu go’aansaday inuu Ciraaq qabsado taariikhdu markay ahayd 6 November 2000. Maalintani waxay ahayd markii ay Ciraaq ku dhawaaqday in ay saliideeda (oil for food) ku gadan doonto lacagta Euro…....

Iyadoo maamulka Madaxweyne Bush iyo R/Wasaare Blair ay Ciraaq u qabteen inay hubka dhigto inta ka horeysa 17 March 2003 ayaa waxa sii kordhaysa dagaalka xagga diblomaasiyada ah ee u dhexeeya reer Galbeedka gudahooda. Reer galbeedka is khilaafsani way isku waafaqsan yihiin in Ciraaq laga dhigo WARANLE, laga hor tago inay dib u maah-maahato samaysasho hub iyo waliba in wadanka laga kaxeeyo nimanka qubarada ku noqday sancada hubka. Dhammaan qodobadani waa kuwa ku jira qaraarkii QM ee 1441 ayna sixiixeen 15 wadan ee Golaha Amaanku. Waxayse isku khilaafsan yihiin umuuro ay mid yihiin danahoodii Ciraaq ay ka lahaayeen oo is khillaafay. Hadaba maxaa kallifay inuu khillaafkanu heerkan soo gaadho, maxayse US iyo UK u qaban-qaabinayaan ayaga kaliyahi in la qabsado Ciraaq?

Aan ku horaynee, waxay dadka siyaasada odorosaa sheegayaan in sababaha loo qabsanayo Ciraaq ay yihiin dhawr:

(a) In lala wareego kaydka saliida Ciraaq oo ah ka ugu weyn aduunka marka laga reebo S/Carabiya (1)

(b) In af-ganbi lagu sameeyaa S Xuseen uu horseedo is badalo lagu sameeyo gobolka Bariga Dhexe xukuumadahooda iyo in waliba la badalo maabka ama khariirada gobolka (2)

(c) In Israel ay ku dhex qarsato inta duulaankani socdo qorshe ay in dhawaalaba ka shaqaynaysay oo ah in bulshada Falastiiniyiinta ah ee degan daanta galbeed ee wabiga Urdun loo tarxiilo dhinaca boqortooyada Urdun (3)

(d) Iyo inay umuurtani u gogolo xaadho awood fulineed oo u suurta gasha USA kani sii baaxad badan mida uu haatan ku haysto Dhulka Carabta (4)

(e) Iyo Bush oo aaminsan in haddii maamulka Saddam Xuseen uu sii jiro in uu bur-buri doono dhaqaalaha Maraykanku sababta oo ah Ciraaq waxay saliideeda ku gadanaysay ilaa November 2000 lacagta Euro (5)

VIDEO: BUSH OO SADDAM U QABTAY 48 SAACADOOD
Kudhbaddii uu Bush xalay u jeediyey dadka Maraykanka ayuu ku sheegay in Saddam iyo wiilashiisu ay Ciraaq kaga baxaan 48 saacadood hadii kale la weerarayo... Daawo Khudbadii Bush March 18, 2003

MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ ?? TAARIIKHDA CIRAAQ
Waa faallo ku saabsan Ciraaq oo uu qoray C/Raxmaan Darbane

CIRAAQ & DAGAALKA MAREYKANKU LA DAMACSAN YAHAY
Faallo iyo warbixin dheer oo uu qoray Shariif Macallin Maxamed

Waxay dad badan oo ku takhasusay calaaqaadka caalamiga ahi rumaysan yihiin in M/weyne Bush uu go’aansaday inuu Ciraaq qabsado taariikhdu markii ay ahayd 6 November 2000. Maalintani waxay ahayd markii ay Ciraaq ku dhawaaqday in ay saliideeda (oil for food) ku gadan doonto lacagta Euro. Intii ka danbaysay maalintaas waxay lacagta Euro qiimaheedu kor u kacay 17%. Talaabadan uu qaaday S Xuseen oo ahayd mid siyaasadeed ayaa bilowday waji cusub oo diblomaasiyadeed oo sababay inay isku dhacaan danaha reer Galbeedku (Conflict of Intererst). Olloga cusub ee ay Yurub samaysatay waa mid uu Maraykanku u arko inay danahiisa khatar ku tahay. Taas micnaheedu waxaa weeyaan lacagta Euro waxay haatan lacag u tahay wadamada Yurub ee ku bahoobay Midowga Yurub (EU) oo 15 dawladood ah marka laga reebo Ingiriiska, Denmark iyo Sweden. Wadamadan 12 ka ah ee isticmaala lacagta Euro waxaa ku nool dad gaadhaya ilaa 450 milyan oo qof, dakhligooduna wuxuu kor u dhaafaa ilaa US$ 9.6 trillion sanadkiiba.

Halka dawlada Maraykanka dadkeedu yahay 280 milyan , dakhligeeduna yahay US$ 10.5 trillion sanadkiiba. Waxaa kale oo sii xoogaynaya lacagta Euro balanqaadka ay sameeyeen 10 wadan oo reer Yurub ahi inay buuxin doonaan shuruudaha looga baahan yahay ka mid noqoshada olloga EU ayna ku soo biirayaan ollogan cusub bisha May sanadka 2004. Hadaba waxaa u baxay maamulka M/weyne Bush in haddii Yurub oo calaaqaad ka wanaagsan ka Maraykanka aduunka kale la leh, ayna midaynayso lacagteeda, dhaqaalaheeda, socdaaladeeda iwm ayna wadamada saliida soo saara ee khaatuga ka taagan siyaasada arimaha dibada ee Maraykanku ay sida Ciraaq sheegaan in ay saliidooda ku gadayaan Euro in Maraykanku uu waayayo awooda dhaqaale/,militari iyo siyaasadeed ee uu ku muquuniyo aduunka intiisa kale. Wadamada u dheg raariciyay baaqa Ciraaq ee sheegay inay saliidooda ku gadan doonaan lacagta Euro waxaa ka mid ah Venezuela oo sida ay qortay jariirada The Observer (UK) Axad April 21, 2002 uu afganbi dhicisoobay isku dayay maamulka Bush inuu awooda kaga tuuro M/weyne Hugo Chavez dhawaaqaas ka dib..

Fiiro Gaara ah: waxaan xogaha qaarkood ka soo xiganay saxaafadahan (eeg lanbarada kore):

OGEYSIIS: "Xidigihii cilmiga adduunka"
 waa musalsal cusub oo ka bilaabmi doono SomaliTalk dhowaan, waxana uu la xiriiraa xadaaraddii Islaamku soo maray, ee ha u dayma la'aan, insha Allah...
  • The Star (South Africa) 08 Oct 2002
  • Arabnews Saudi Arabia 05 Jan 2003
  • Aljazeera TV 06 Dec 2002
  • New York Times USA 30 Oct 2002
  • Le Monde France 18 Sept 2002
  • Observer (UK) Axad April 21, 2002

 Qaybta 2aad ... GUJI HALKAN

Waxaa soo diyaariyay iskuna soo dubariday

Axmed Dowlo

dawlo@hotmail.com 

I  I  D  H  E  H

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD