BULSHADA CAALAMKA OO DADAAL UGU JIRTA SIDII
SHIRKA ELDORET CAQABADDA LOOGA SAARI LAHAA
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
Nov 17, 2002
In kastoo aan weli si rasmi ah loo soo
afjarin is mari waagii ka dhex taagnaa madaxda kooxaha ee ku saabsanaa sida loo
qaybsanayo ergooyinka wejiga labaad ee shirka ka qayb gelaya ayaa waxaa soo
baxaya dadaal badan oo ay wakiilada shirka ka jooga bulshada caalamku ugu jiraan
sidii ay kooxaha soomaalidu wax isugu celin lahaayeen. Wakiilada dawladda ku
meel gaadhka shirka ka jooga ayaana intii uu khilaafkani jirey gudiga farsamada
Igad ugu goodiyey inay samaynayaan shir gaar ah oo ay kooxaha soomaalida qaar ka
mid ah kula heshiinayaan haddii uu is mari waagani sii socdo, Jimcihiina waxaa
wakiilada dawladda ku meel gaadhka ah la kulmay ergeyga maraykanka u qaabilsan
soomaaliya Mr. Glen Warren, wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobey Mr, Top
Man iyo wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Waliid, waxayna madaxda
dawladda ku meel gaadhka ah ee shirka ka codsadeen inay ergooyinkooda wax u
celiyaan kooxaha cabanaya taas oo TNG’na si adag ugu gacan saydhay.
Safiirka dawladda ku meel gaadhka ah ee qaramada
midoobey Mr. Axmed Cabdi Xaashi (Xasharo) oo aan wax ka weeydiiyey sida looga
gudbi karo caqabadan uu shirku wajahay ayaa ii sheegay in loo baahan yahay inay
hogaamiyayaasha Soomaalidu wada saxiixaan in aanay ergooyinka hadda la isku
haystaa awood qaybsiga wax lug ah ku yeelan doonin si loo rumaysto buu yidhi go’aanka
gudiga farsamada ee qeexaya inuu awood qaybsigu hab beeleed wejiga sadexaad ee
shirka ku iman doono. Sidoo kale Gudoomiyaha ururka RRA ee iminka magaalada
Baydhaba gacanta ku haya Sheekh Aadan Madoobe oo aan isna caqabaddan iyo sida
looga gudbi karo kala sheekaystay ayaa ii sheegay in xal la gaadhi karo marka ay
gudiga farsamada Igad dhexdhexaadinta soomaalida daacad ka ahaato, wuxuuna Mr.
Madoobe ii caddeeyey inuu isagu taageersan yahay in qabiil wax lagu qaybiyo.
Arinta ah in Qabiil
ergooyinka lagu qaybsado oo ay
maalintii khamiistii Puntland soo jeedisey waxaa iyana ka hadlay hogaamiyayaasha
dhaqanka soomaalida ee Eldoret ku sugan oo warqad ay gudiga farsamada Igad iyo
wakiilada bulshada caalamka u kala direen ku sheegay in soomaalida hab qabiil
wax loogu qaybiyo si uu shirku caqabadan u weeydaarto, waxay kaloo Isimadu
warqadooda ku dalbadeen in la siiyo kaalintii ay dib u heshiisiinta iyo dhex
dhexaadinta Soomaalida ku lahaayeen.
Ugaas Ciise Ugaas Cabdille oo ah gudoomiyaha lix iyo
kontonka Isim ee Eldoret qoraalka ka soo saaray oo aan wax ka weeydiiyey waxa ku
kalifey inay xiligan ummadda qayb qabiil ugu baaqaan ayaa ii sheegay inay taasi
tahay sida keliya ee arinta cakiran lagu furdaamin karo maadaama habkii ururada
la isku mari waayey, wuxuu kaloo sheegay inay soomaalidu dhaqan ahaan qabiilka
weligeed wax ku qaybsan jirtey oo aan wakhtigan la dhaafi Karin. Shir gudoonka
shirarka madaxda soomaalida ee ayaamahan oo ah gabadha lagu magacaabo Sahro
Ugaas oo aan iyadana xarunta shirarka kula kulmay ayaa ii sheegtay in khilaafka
hadda jira lagaga bixi karo oo keliya iyagoo madaxda kooxuhu tanaasul isu
sameeya oo kuwa ergooyimka badan haystaana ay kuwa cabanaya wax u celiyaan.
Habaynimadii Khamiistana Mr. Mwangle wuxuu la kulmay TNG, Xasan qalaad, Xuseen
Caydid iyo Muuse Suudi wuxuuna ka dalbaday inay min laba ergey u soo celiyaan
kooxaha cabanaya taasna in kastoo ay markii hore diideen haddana warar lagu
kalsoonaan karo oo ku dhow dhow gudiga farsamada iyo hogaamiyayaashaas ayaa
tibaaxaya inay iminka ogolaadeen inay saaxiibadood u cad gooyaan.
Gudiga farsamada Igad’na warqad ay Arbacadii soo
saareen waxay ku caddeeyeen inaan ergooyinkii ay horay 362’ka ugu jaan gooyeen
waxba ku dari doonin, haddaba shirka Eldoret oo ay caqabado badani curyaamiyeen
isla markaana uu qarash badani ku socdo ayaa hadda u muuqda mid todobaadka soo
socda horumar samayn doona, warar maanta oo Axad ah la isla dhex marayeyna waxay
sheegayaan in maalinta arbacada ah la guda geli doono shaqadii gudiyada,
ergooyinkana lagu soo koobi doono 362’kii ay horay u gudiga farsamadu u
sheegeen, iyadoo dhamaan dadka intiisa kalena ay u qul quli doonaan meelihii ay
ka yimaadeen. Dhinaca kale waxaa ayaamahan xarunta shirka ka bulaamayey xubno ka
tirsan dawladda ku meel gaadhka ah oo ka soo jeeda Soamliland, waxayna Igad ku
eedaynayaan inay doonayaan inay soomaaliya kala gooyaan, iyagoo ku baaqaya inay
soomaalidu ka gilgilato arintaas oo ay ku tilmaameen mid khatar ah, xubnahan oo
ayaamahan dareenkooda si weyn u muujinaya ayaa shalay faafiyey warqad ay ku
sawireen soomaaliya oo la kala gooyey oo ooyeysa.
Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Kooxihii
Shiray oo Codsaday in 38 Xubnood Lagudaro
Ergooyinka si loo siiyo kooxihii cabanayey.... shirar gooni-gooni ah oo u
socda kooxaha.... Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay
.... iyo saadaal in caqabadan goor dhow laga gudbi doono .. dhammaan ka akhri
Warbixintii
Ibraahim Maxameddeeq 14/11
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|