IS-MAAN-DHAAF KA DHACAY SHIRKII ELDORET
Ibraahim Maxameddeeq
imdeeq@hotmail.com
SomaliTalk.com | Eldoret
November 4, 2002
ka biloow bidix: Xuseen Caydiid, Muuse Suudi, Xasan Abshir iyo Deerow oo
shir ka qayb qaadanaya
|
Gacal Classic Tea: SHAAH HEER SARE AH
...GACAL CLASSIC TEA
|
Middi-middi ku taag iyo is mariwaa laysku maan dhaafay ayaa maanta dhex maray
madaxda kooxaha siyaasadda ee soomaalida oo shir ay isugu yimaadeen looguna
talo galay inay ku soo bandhigaan qorshahooda ku wajahan sida ay u doonayaan in
guddiga loo qaybsado.
gudiga farsamada Igad oo xaadir ku ahaa golihii maanta ayuu Mr. Mwangale oo u
hadlayey soomaalida u sheegay inay doonayaan in maanta loo soo gudbiyo
qorshahaas, si hawsha inta ka hadhsan loo guda galo laakiin markii uu hadalkii
ka baxay ayeey Qanyare iyo Col.
Barre Hiiraale fagaarihii keeneen arin fajaciso
noqotay oo ku saabsan habkii ergooyinkii hore loo qaybiyey oo ay saluugsan
yihiin, waxayna qaybintii hore ku tilmaameen mid caddaalad darro u dhacday, Col.
Barre oo arintaa ka hadlayey ayaa isagoo Mwangale la hadlaya yidhi: "Guddoomiye
caddaalad ma ahayn sida aad 350ka u qaybiseen, sidaa darteed waxaannu doonaynaa in
350ka ergey hadda dib loo qaybiyo".
"Guddoomiye ma waxaad wax ku qaybiseen gobolaysi mise qabiil, afar
hogaamiye oo isku qabiil ah ayaa halkan ila fadhida, aniga keligeeyna hal qabiil
baan ka socdaa, sidaasi caddaalad maaha" sidaa waxaa shirkii maanta ka
yidhi Maxamed Qanyare Afrax oo ah gudoomiyaha ururka USC oo ka mid siyaasiyiinta
soomaaliyeed ee halkan lagu marti qaaday,markay xaaladdu halkaa caga cagaynaysey
ayuu Mwangale ku andacooday inay arintani tahay sababta ay u doonayaan inay
madaxda soomaalidu maanta u wada hadasho, wuxuuna ka codsaday inay si gaara
iyagu u wada hadlaan oo ka heshiiyaan waxa ay isku hayaan.
Gudiga farsamada igad markay baxeen hogaamiyayaasha soomaalidu waxay isku
dayeen inay wada hadalkii sii wataan...wada hadal iyo dood ka sokoow waxaa qaybinta ergooyinka in
lagu noqdao isku raacay Cumar Finish, Barre hiiraale,
Cismaan Caato, Qanyare, TNG, Caasha Xaaji Cilmi, Cabdisalaan SRRC iyo
Cabdirisaaq Biixii iyo kuwa kale.
Waxaana in sida ay Igad wax u qaybisay in la raaco isku raacsanayd: Aadan
Gabyow, Maxamed Seyid, Morgan iyo Cabdillaahi Yuusuf oo sheegay in sida ay Igad
wax u qaybisay ay caddaalad ahayd, waxaana u jawaabay Cismaan caato oo yidhi:
"waa gartaa inaad tiraahdo caddalad baa wax laynoogu qaybiyey maadaama aad
ergadaydii gaalkacyo qaadatay". dooddan oo markii ay madaxda kooxuhu ku
daaleen mar kale loo balamay in fiidkii la isugu soo noqdo ayaa kolkii la isku
soo noqday ka dartay kaddib markii ay gudiga farsamada Igad madaxda soomaalida
soo hor dhigeen warqad ay ku soo qaybiyeen sida loo kala helayo gudiyada lixda
ah iyo ergooyinka shirka oo ay ka dhigeen 400 oo ergey.
Taas oo ay madaxda siyaasadda soomalidu si aan kala hadh lahayn ganafka ugu
dhufteen, kicisayna uugaan iyo bulaan laga dareemay hareeraha Hotel Sirikwa ee
shirka dibu heshiisiinta madasha u ah.
Doodda qaybta ergooyinka ka aloosan oo aan ka hadalkeeda hadda loo fadhiyin
ayaa dhakafaar ku riddey dadka inuu shirku najaxo jecel iyo guddiga farsamada oo
ay hadda u taal hawl weyn oo ku saabsan sida ay murankan u maarayn lahaayeen,
dad badan ayaana qaba soo hadal qaadka iminka ah ee qaybta ergooyinku inuu ku
sifoobayo raad arooryo oo gadaal loo raacay.
Cabdulrasaaq Xaji Xuseen, ra,iisul
wasaare 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
|
Dhinaca kale waxaa galabta garoonka diyaaradaha ee Eldoret international ka
soo degey raysal wasaarihii hore ee soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ay
garoonka ku soo dhoweeyeen duqayti caan ka ah soomaaliya oo ay cabdirisaaq isku
ayni yihiin ayna ka mid yihiin Axmed Raage, Cali Shiddo iyo kuwo kale, Raysal
wasaare Cabdirisaaq oo la dejiyey Hotel Sirikwa waxaa si is daba joog ah u
booqanayey Mwangale, safiirka Jabuuti Mr. Ismaaciil iyo dad kale oo heer sare
ah.
WARAYSI:: SHEEKH AADAN MADOOBE WARAYSI, SOMALITALK/ELDORET
Ibraahim Maxmeddeeq
Somalitalk
Eldoret, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com
Dhismaha
Gudiyadii Shirka Eldoret oo la Guda Galay
waxaa shir ay yeesheen gudiga
farsamada IGAD iyo madaxda kooxaha soomaalida lagusoo bandhigay lix guddi
oomidkiiba ka koobyahay 15 xubnood taas oo...
»» Akhri
warbixintii Ibraahim Maxameddeeq
... ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|