Nidaamka Federalku Makashaqayn Karaa Soomaaliya!
WARAYSIGII C/RISAAQ XAAJI XUSEEN EE
SOMALISTAR
"Culayska dawladaha caalamku saaro
qabqablayaasha kooxaha Soomaaliya ayey ku xiran tahay rajada shirku Eldoret inuu
guulaysto"
Waraysigii SomaliStar | somalistar1@yahoo.com
CabdiRisaaq Xaaji Xuseen
Ra'iisul Wasaare Soomaaliya: 14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
|
Faafin: November 7, 2002
Sida aan la socono waxaa shirka
ka socda Eldoret/Kenya lagu casumay siyaasiin Soomaaliyeed oo ruugcadaaya oo
dibadaha ku nool, iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo iyaguna sidoo kale ku nool
dibadaha. Hadaba dadkaas shirka lagu casumay waxaa ka mid ah ra’iisulwasaarihii
hore ee dawladii rayidka ee Soomaaliya
[14 Jun 1964 - 15 Jul 1967]
mudane C/risaaq Xaaji Xusseen. Intii
uusan shirka u soo amba bixin ayaa wargayska Somalistar usuuro gashay inuu
waraysi la yeesho mudane C/risaaq Xaaji Xusseen. Waraysigiina wuxuu udhacay
sidatan.
Somalistar: Mudane C/risaaq
waakan shirkii qaybtii koowaad la soo gabagabeeyey,adna hadaad usocotaa shirka
Eldoret sow xili dambe maaha,maxaadse hada ka doonaysaa shirka?.
C/risaaq Xaaji: Waa runtaa oo
shirka qaybtiisii hore waa la soo gabagabeeyey guulbaana ilaa hada laga gaaray
oo waa iyada heshiiyo dhowra lagu saxiixay,laakiin shirki qaybihiisii kale hadaa
la gudagalayaa. Haday noqon lahayd dhismihii dawlada iyo hanti isu celin iyo dib
uheshiisiin iyo hawlihii ugu muhiimsanaa ayaa hada iyo wixii ka dambeeya la
gudagalayaa. Mida aad tiri maxaad hada ugu socotaa shirka Eldoret daahida xaga
qolada shirka qababqaabinaysa maaha oo runtii waxaa martiqaadka la ii soo gaarsiiyey markii uu shirku
bilowday marar ku dhowdhow.Waxaase jirta hawlo aniga
ii gaara ayaan ku daahay oo aan sugayey inta ay iiga dhamaanayeen oo safarkayga
ku saabsan .
MADAXWEYNAYAAL
|
Aadan Cabdullah Cusmaan 1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
10 Jun 1967 - 15 Oct 1969
Sheekh Mukhtar Maxammad Xuseen (Kusime) 15 Oct 1967 - 21 Oct 1969
Maxamad Siyaad Barre
21 Oct 1969 - 27 Jan 1991
Shirkii Jabuuti: Cali Mahdi Maxamad
29 Jan 1991 - ( 3 Jan 1997)
............
Cabdiqassim Salaad Xassan
27 Aug 2000 - Hadda
|
|
RA'IISULWASAARAYAAL
|
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
26 Jun 1960 - 12 Jul 1960
Cabdirashiid Cali Sharmaarke
12 Jul 1960 - 14 Jun 1964
Cabdirisaaq Xaji Xuseen
14 Jun 1964 - 15 Jul 1967
Maxamad Xaji Ibrahim Cigaal
15 Jul 1967 - 1 Nov 1969
Maxamad Siyaad Barre
1 Nov 1969 - Mar 1970
Maxamad Cali Samatar
1 Feb 1987 - 3 Sep 1990
Maxamad Xawaadle Madar
3 Sep 1990 - 24 Jan 1991
Cumar Carte Qaalib
24 Jan 1991 - 3 Jan 1997
...............
Cali Khaliif Galaydh
8 Oct 2000 - 28 Oct 2001
Xasan Abshir Faarax
12 Nov , 2001 - Hadda
|
Somalistar: Waxaad sheegtay
inaad casuumaad ka heshay shirka,hadaba yaad ka heshay casuumadaas?.
C/risaaq Xaaji: Aniga
martiqaadka waxaan ka helay ururka midowga Yurub ,oo nin ka wakiila ayaana isoo
gaarsiiyey.
Somalistar: Maadama shirkaanu uu
ka duwan yahay shirarkii hore marka laga fiiriyo tirade kooxihii is-hayey oo
marakan dhamaantood ay ka soo wada qayb galeen,rajo intee le’eg ayaad ka
qabtaa in dawladi halkaas ka dhalato oo lagu heshiiyo?.
C/risaaq Xaaji: Waxay horta ku
xiran tahay sida hadba shirka loo dedejiyo oo laysuguna afgarto,talaabada kaloo
hada la qaadayo waa dhismo gudiyo, gudi walbana arimaha loo xilsaarayaa inay soo
darsaan oo rayi ka keenaan.Talaabadaas labaad markii ay soo dhamaato ayaa loo
gudbayaa horta dhismihii dawlada .Inkastoo marka loo fiirsho shirarkii hore ee
hore udhacay,hadana waxaan isleeyahay hadii shirkani ay si fiican cadaadis
usaaraan dawladaha Yurub oo hada aad udanaynaya arimaha shirka in lagu dhiso
dawlad, dhaqaalaha shirkana haatan iyagu bixinaya inta badan, markawaxaan oran
lahaa rajadaydu waxay ku xiran tahay sida ay ugu qasbaan in wax fiican ka soo
baxaan shirka dawladahaas reer Yurub waana rajeynayaa insha allaah in wax ay ku
farxan dhamaan ummadda Soomaaliyeed ay ka soo baxaan.
Somalistar: Mudane C/risaaq
sida aad la socoto goboladii waqooyi ee Soomaaliya waa kuwa shirka ka maqan ilaa
hada,hadaba ma la oran karaa waxaa suurowda in aqoonsi ay helaan oo koonfurta
uun dawlad loo dhiso sidaasna ay ku baa’bado wadajirkii dalka iyo dadka
Soomaaliyeed?
C/risaaq Xaaji: Anigu
shakhsiyan maqnaanta ay walaalaheen reer waqooyi shirka ka maqan yihiin inay
culays la maqan yihiin,oo soomaalida meesha fadhida uu culays ka maqan
yahay,laakiin hadii laga hadlayo midnimadii iyo qaranimadii Soomaaliya
jiritaankeedii waxa ay tahay ilaa hada dawladaha danaynaya arinamaha Soomaalida
ama dawladaha reer galbeedka waxay weli adkaynayaan midnimadii Soomaalida.
Waxaan
hada maqsuud ka ahay heshiiskii ugu horeeyey
ee hada shirka ka soo baxay in qodobadii hada bilowgaba lagu heshiiyey inuu ku
jiro qodob taabanaya midnimada ummada Soomaaliyeed inay muqadas lama taabtaana
tahay.Waana arin runtii ubaahan in si weyn loogu fiirsado oo si taxadar leh loola socda loogana wada hadlo
walaalaheen reer waqooyi.
Somalistar: Waxaa jirta in
khilaaf shirka ka dheliyey gudi aad adiguba ka mid tahay oo la yiri waxay la
talinayaan hawlwadeenada shirka,ama dawladaha shirka daadihinaya.Hadaba waxaa si
bareer ah arintaa uga horyimid golaha lagu magaaco
SRRC maxaad arintaas kala socotaa ood nooga sheegi kartaa?.
C/risaaq Xaaji: Waa jirtaa
warkaasi oo sida idinkuba aad umaqasheen ayaan ana umaqlay, bilxaqiiqatan
nimankaas SRRC la leeyahay, haba sii kala dardaraadeene, nimankaas qabqablayaasha
ah waxay gudigaas u arkeen niman dhabarkooda fadhiya oo
awoodooda ama sida ay iyagu isu arkayaan wax ka naaqusinaya ama dhimaya
awoodooda. Marka waan maqlay haba kala daraadeene balse kuligood xasaasi bay ka
noqdeen.
Somalistar: Sida la sheegayo
ergooyinka shirka waxaa ka mida ururada bulshada,door intee le'eg ayey ka qaadan
karaan shirka ayey kula tahay ururada bulshadu shirkan?
C/risaaq Xaaji: Horta in
ururada bulshada laga marti galiyo shirarka dhaqan ahaan waxay bilaabatay
shirkii Jabuuti,oo dadka qaar lagu magacaabay ururada bulshada oo nooc walaba
leh. Aqoonyahan, culimaa'udiin, dumar, dhalinyaro. Shirkan waxaa la yiri waxaa la
casumay ergooyin dhan 300 oo ergo.Tiradaas laba boqol iyo saa'id waxaa la siiyey
hogaamiyaasha kooxaha,marka waxa usoo haray ururada bulshada qaybaheeda kala duwan
waa wax uun aad uyar.Shirkaan ilaa hada ma maqal kalin weyn oo ay kaga jiraan
shirka,badanaa waxaa la soo hadalqaadaa qabqablayaasha dagaalka.Waxaan maqlay
shirkan heshiiskii dhawaan la gaaray waxaa la yiri ururada bulshada oo dhan
marka laysku daro heshiiskii hal aqof ayaa usaxiixay,halka qabqablayaasha
dagaalka uu qofwalba uu saxiixay heshiiskaas,taasi waxay ku tusaysaa in ay
daciif tahay roolka ay shirka ku leeyihiin ururada bulshadu.Aniguna waxaanba
qabaa dadkaani inay yihiin kuwa maanta Soomaaliya samatabixin kara maadaa aan
iyagu la oran karin waa xukun doon,markaas ilaa hada ma maqal rool fiican oo ay
shirka ku leeyihiin say ku noqotayna ma aqaan kuse deg degi maayo.
Somalistar:Ma la orankaraa
qaabkii lagu soo xulay ururada bulshada ayaan ahayn qaab markii horeba ahaa
midaan dheeli tirayn oo ay qabqablayaasha dagaalku soo xusheen cidii ayagu
rabeen?
C/risaaq Xaaji: Waa su'aal
fiican ,runtii waxbaa ka jira baa la oran karaa nimankan qabqablayaasha ayaa soo
xushay baad moodaa dadkan ururada bulshada,qabqablayaashuna waxaad moodaa inay
markii horeba soo xusheen dad iyaga
udhaganugul oo aan figradooda ka hor imaanayn,waana taas baa la oran karaa mida
keentay in kaalintooda shirka ay ururada bulshadu ku leeyihiin ay noqoto mid aad
unugul.
Somalistar:Qodobadii shirka
qaybtiisa koowaad lagu heshiiyey waxaa ku jiray qodob oranaya in laga dhiso
Soomaaliya dawlada federaal ah,hadal hayntaan federaalka intii dagaalada sokeeye
ay istaageen meelaha qar aad baa looga hadal hayey.Hadaba maadaama aad tahay
siyaasi Soomaaliyeed dadka qaarkiina ay kugu xantaan inaad aad uga soo herjeedo
figrada federaalka maxaad ka oran lahayd ?.
C/rsiaaq Xaaji:Arintaan la
leeyahay Soomalaya halaga dhigo nidaamka federaalka ah,horta maadaama lasyku
raacay anigu hada waxba kama qabo wax dad isku raacay.Laakiin waxaa su'aashu ka
imanaysaa,imisa gobol baa horta udiyaara ama doonaya
marka horeba. Taasaa horta keeni doonta shido hor leh baan isleeyahay.Nidaamkan
ma naqaan hadaanu nahay Soomaali,waxaanu aragnay dawlada nidamkan haysta oo ku
horumaray waxaa marka suurowda in dadka Soomalaiyeed ay is leeyihiin anana waan
ku dhaqmi karaa. Marka uhoreeya waa inaynu ogaano ummada Soomaalidu waa dad yar
dhulkeedu ha weynaado waxaanse aniga qiyaastayda isleeyahay tirada dadka
Soomalaiyeed waa inta udhaxaysa shanmilyan ilaa lixmalyan weeye.Marka lixmalyan
oo dada wax loo qaybiyo uumi muuqato.Inskasto haatan lagu heshiiyey oo dadku wax
kaleba aysan marakan umuuqan,hada hadaad ufiirsato gobolwalba dad hayb leh baa
degan.maskaxda haatan jirtana waxaa weeye hadaan
anigu ahay qof Soomaali oo ku dhashay gobol kale oo aan rabo inaan dego oo
goblkaas kale oon dagayo dadka degan ama sheeganaya xuquuqda ay leeyihiin oo leh
siyaaso iyo wax kastaba ah inaan helo,ma helayaa bay
kula tahay arintaas hadaad ufiirsato caqliga meesha yaala maanta.Anigu ma qabo
gobolkasta qabiil baa isugu haraya arintii qaabiilaysigana waa sii kobcaysaa
qofkii Soomaali ah oo gobol kale ka yimaadana
wuxuu u'ekaanayaa qof ajnabi ah,waa surowdaa inuu nabadgelyo ku halo ama ganacsi
ka samaysto balse wax kaloo xuquuqa oo quman ma yeelan karo baan umalaynayaa.
Ufiirso dalalka federaalka ku dhaqma sida maraykanka oo kale anoo
degan gobolka Minnesota ayaan degayaa oo uguurayaa goobol kale sida Ohio oo kale
hadaan doonana waan iska soo sharaxyaa,waxay ku xiran tahay sida aan dadka
gobolkaas degan aad uqanciso,tusaale kale ufiirso reer Bushka hada talada haya
oo hada degan Texas waxay asalkoodii deganyeen gobolka Connecticut haatana waa
iyaga gobolkaas ka soo galay.Anaga Soomaalida waxay arintaas keeni kartaa
dhibaato tusaale ninka qabqablaha ka ah gobolkaas haday ufuli waydo siyaaso isaga ugaara inuu
ku hanjabo hadaan sidaas la ii yeelin waa goosanayaa gobolkaygu iyo wax lamida
waxay noqon doontaa qaab haduu rabo uu ku gorgortamo qofkii hadba gobolka markaas
haystaa uu ku gorgortamo. Barnaamijkaan waxaa wada dawlado ajnabi ah oo dano
gaara ka leh siiba dawlada Itoobiya , waxaan qabaa arintaani waa qoqob lagu
samaynayo ummada Soomaaliyeed waana inay ku baraarugaan oo ka fiirsadaan. Waxa
kaliya oo lagu xakamayn karaa waa ayadoo dastuurka lagu qoro in nina uusan
iskiis ugoosan karin gobol oo shuruuda culculus loo sameeyaa si aan dalka loo
kala goyn dawladaha danaha gaarka ah ka lehna aysan dantoodu aysan ugu hirgalin.
Somalistar: Ugu dambayn maxaad
kula dardaarmi lahayd dadka Soomalaiyeed ee ku nool dibada ama gudahaba oo
shirka uhanqantaagaya waxa ka soo bixi doona, qaarkoodna aadba moodo inay rajaba
ka quusteen in shirarka la qabto aysan wax mira dhala ka soo bixin?.
C/risaaq Xaaji: Ugu horayn
waxaan kula dardaarmayaa dadka qurbaha kunool hadaad qurbaha
deganayd mudo ood qaarkiin moodaba inay iyagu dhulkan leeyihiin siday isu
siiyeen.Ugu horayn qof kasta oo Soomaali ah qurbaha meelaad ka
joogtaba waa inaad dareensanaataa in dhulkaagii hooyo ee Soomaaliya meel dunida
kuu badali karta aysan jirin, meel kasta ood dunida ka joogto ogsoonow taas oo
ku baraarug.Marka labaad waxaan leeyahay dalka meesha kaliya ee laga badbaadin karo oo wax laga tari
karo waa qurbaha waayo dadka qurbuhu dhaqaala ahaan wax waad utari kartaan aqoon
ahaana wax baan dalkii utari kartaan waana idinka dadka weliba aan unisbaynayo
inaysan markan xukun doon ahayn oo dalka
maskax fiyow ku badbaadin kara.Hadaba meeshaad beri ku noqon lahayn oo ubadkaaga
dib ugu celin lahayd waa inaad hada wax ka qabataa oo qof waliba dalka uu joogo
uu ku dadaalaa siduumadaxda dalkaas uga dhaadhicin lahaa
sidii wax loogu qaban kari lahaa Soomaaliya.Waa in wax kasta ood uqaban karto
dalkaagii hooyo uqabato,shirkan waa inaad indhaha ku haysaan oo aad niyada khayr
usheegtaan oo wanaag ka rajeysaan in shirkani ka soo baxaan.
Waa inaad culays ku saartaan
dalalaka aad joogtaan in shirkani dawladaha aad la joogtaan inaad dareensiisaan
in shirkani najaxo inay dan utahay ummada Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka.
Dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku noolna waxaan ka rejeynayaa inay iyagu noqdaan
ubucda hirgalisa wixii wanaaga ee shirka ka soo baxa ku dirqiya kooxaha inay
heshiiyaan oo hubka dhigaan soona celiyaan wanaagii iyo walaalnimadii iyo deris
wanaagii dhex ooli jiray dadka Soomaaliyeed meelay joogaanba.
Waraysigan kala xiriir: somalistar1@yahoo.com
-dhammaad-
.. ELDORET:
Taxanaha Wararka
... Soomaaliya
iyo dhacdooyinkii 2001/2000
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|