SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
 KOLKII HORE=KULLIGOODD OO KALIGII KA HORJEEDA: HAATAN=KULLIGOOD OO KULLIGOOD KA HORJEEDA

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

October 21, 2002

I  I  D  H  E  H

WAXAAN akhriste u dig iyo damleeyahay waa shirka ka dhacaya keenya, balse aan yarehe qaadaa dhigo cinwaanka maanta oo ah "kolkii hore soomaalidu waxay ahayd kuligood oo kaligiis ka horjeeda haatanse waa kuligood oo kuligood ka horjeeda".

kacaankii 21 oktober 1969 waxaa uu kadhashay kacdoono ay samaynayeen dadwaynuhu oo kayimid kadib markii xorriyadda laqaatay ayaa dawladihii rayidka ahaa xaalkoodu uun uu noqday kaaga horeeyaye ha iigu imaanin xornimadii dadku u mashxaraday dhalashadeedana waxay uun ku ekaatay maro buluuga xidig shangeesle ahina dhexda kaga sawiranyahay oo lataagay. markaas ayay waxay gocdeen dadkaasi inay helaan sheeko tan kabadalan, ciidamada oo markaas ahaa xoogga kaliya ee siyaasiyan umidaysnaa ayaa ka faa'iidaystay rabitaankaas dadwaynaha halkaasna ku afganbiyay xukuumaddi rayidka taladana kula wareegay.illa 1978 wuxuu kacaankaasu ahaa mid aad loogu kalsoonyahay 1978 kadib ayay soo shaacbaxeen diidmooyin yar yar.illaa 1979 kii sibuuxda loogaga dhawaaqay magaalada addis-beba kooxdii mucaaradka ugu horaysa ee ssf(kulmis)oo markii danbe noqotay SSDF,dagaalkii ugu horeeyay ee lagu sooqaaday kacaankiina ahaa mid koox kamida SSF oo la magacbaxay cutubyadii AWRAYAAL halkaasoo labada dhinacba dhiig badani ku qulqulay.waxaa ku xigtay SNM oo 1982 lagaga dhawaaqay magaalada LONDAN oo iyana ka horjeeda maamulaha kacaanka oo kaliya.waxaa xigay kooxo yar yar oo dibadda iyo gudahaba ka guuxayay oo dhamaan muujinaya diidmada maamulaha kacaanka kalidiis waa madaxweyne maxamed siyaad barree,illaa afka dhulka uu ku hubsaday sanadkii 1991.

kaligii ayaa laga soo horjeeday taasise maxay dhashay? xaal wuxuu isugu biyo shubtay KARROG OO LABASAAR jab iyo naasabeel, dhalinyaradii isku iskuulka ahaa ee aqoonta ay isuleeyihiin ku koobnayd HEBEL KUBADA AYUU XARIIF KU YAHAY ORODKASE ANAA KADHEEREEYA ;HEBLAAYO XISAABTA ANAA KA DHIBCO BADIYA XILIGA IMTIXAANKA ;HEBEL WAA BADAW AAN KAFTANKA REERMAGAALKA AQOON IWM. waxaa taas badalay in layiraa hebel inuu reer hebel yahay maantaan bartay oo meeshii kubad iyo duruus iskugu faan ahayd xabad laabta layskaga dhufto oo muruq isugu faan yimid ,saaxiibkaagii iskuulka ama ciyaal xaafadaadii aad maydkiisa katalaabsatid adigoo waliba garanaya ooba laga yaabo inaad dhimashadiisa ku faantid.waa ayaan darro inteeeda badhi wayne waxaa kaligii taliyihii badalay kuligood oo kali kali u talinaaya.shirka manta kasocda kenya waxaa ka horeeyay kun shir oo gacmaha laysasaaray.

WAA SHIR SIDEE U EG?

waxa uu qorshayntiisu afrika, carabta iyo yurubta galbeed soo dhexmushaaxaba, soo kacaa kufaba, hadba maalmo qabashadiisa lagu daraba, hadba layiraa "MAANTANA FARBAAN MAYRAYAAYE HAYFADHIYO GEELU" bisha oktober 15 keedii ayaa shabakadda wararka ee www.somalitalk.com waxaa bogeeda daaqada ka soo garaacay dhambaalsidaha idaacada codka dheer leh ee IQRA oo ay bogga somalitalk na aad u jeceshahay wariye RIDWAAN XAAJI CABDILAAHI oo cod dheer noogu sheegay in albaabada loo balaqay shirkii ELDOOOOOOOOOORRRAAAAAAAA: maalin uun kadib waxaa isna wuxuu ayda iyo halase dheer sii jibaaxaba socod daalan hayeeshee aan isdhiiblahayn kutagay wiil kamida wiilasha aannaan moogganayn wariye IBRAAHIN MAXAMED DEEQ oo xaqiijiyay warkii Ridwaan warbixin faahfaahsanna naga soo siiyay shirkaasi.

hadaba waa mid sidee u qaabaysan? qacdii horeba waxaa qabanqabiyayaasha beesha IGAD waji gabax ku riday kasoo qaybgal la,aantti madaxwaynaha soomaalidu aadka u jeceshahay ee dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geeelle, kama aysanse roonaanine waxay afka ka xidhay wasiirkii jabuuti ee arimaha dibadda oo aan mar qura makarafoonka looga yeerin, iyo somaliland oo ay IGAD ku faanaysay inay ku guulaysatay keenideeda oo muujisay inaanayba ka warqabin shirkan lasheegaayo: IGAD waxaa ay caro kula dhacday dawlada KMG oo ay u sheegtay inaanay lagabilaabo daqiiqadaas lajoogo dawlad ahayn!"! kaba siidarane calankii shirkaba looqabtay soo noolayntiisa ayay walaalaha shirka ee IGAD diideen in meeshaba lakeeno, dhamaan kasoo qaybgalayaashii shirku arintaas calanka waxaba kama aysan qabin hayeeshee raiisal wasaare mudane XASAN ABSHIR FAARAX ayaa shirkii kooxdiisii dibada ugala baxay illaa indhiisu qabtaan calankaa buluugga ah oo lagu soo dhexdaro calamada meesha ka babanaaaya ee reer afrika, ayaan darose waxay noqotay IGAD ka ogolaatay mudane abshire meeshii calanka loo dooni lahaa maadaamo aysan ethiopia ,iyo keenya oo shirka soo agaasimay qorshaha ugu jirin suridda calanku, hayeeshee nin soomaaliyeed oo iska caddaysimo ah hayeeshee ku caan ah inuu jeebasha calanka waligii isaga wato magaciisana layiraa XIRSI (Calan Side) ayaa jeebkiisa laga helay calankii kolkan ugu danbeeyay lana sudhay madashii shirka.

madaxwayne C/qaasim oo lasaadaalinaayay ayaa kadib markii saaxiibadiisii usii gogol xaarayay u sheegeen in haddii uu yimaado aan loo aqoonsanaanayni madaxwayne nimo isnna candhuuftiisii dib uliqay sheegayna niyad jab awgeed inaanu imanayn.

C/laahi yuusuf Axmad madaxwaynaha Buntland Ayaa isna dibadda uga booday qacdii horeba ,wuxuu saluugay laba arimood A)shirka oo waxbadan kor udhaafay tiradii uu horey u haystay iyo B)ninka xukunka Buntland ku haystay mudane JAAMAC CALI JAAMAC oo garabkiisa kasoo raamsaday isagoo darajo lamid ah tan cabdulaahi IGAD uga soo qaybgalisay shirka inkastoo lamoodayay in cabdulaahi iyo ethiopia iswataan iyo waliba keenya.

maalintii shirka ay ethiopia wax ka soo agaasintay furmay maalin kadib ayay warar soo sheegeen in baydhabo uu soo gaaray hub ka yimid xaggaas iyo ADDIS-ABEBA loona wado shaati guduud hayeeshee sheekh aadan madoobe ayaa shirka qaadacay mase uusan ogayn hubkaase wuxuu uun doonaayay in ethiopia iyo keenya isaga u aqoonsadaan madaxwaynaha baydhabo oo uu kursiga qaabmadaxweynenimo uga dul raamsado.

ugu yaraan sideed kooxood oo kala dhuumanaya midbana aanu midka kale wax u ogayn ayaa ka soo duulay xamar markii ay madasha yimaadeenna midba isagoo kan kale saluugsan shirka gooni uga baxay, cabdulaahi yuusuf ayaa siilaba kacleeyay oo yiri wixii hore ee aan ka caraysnnaa waxaaba sii baro dheeraatay IGAD oo haatan gooni gooni usasabaysa kooxaha xamar .wuxuu yiri anigu inaan kooxo aannan waxbaba u ogayn sasabo umaan imaanin ee hadii aan diyaar loo ahayn danta guud iyo dawlad mustaqbaleh waan laabanayaa BUNTLAND na waa dawlad madax bannaann.

isku soo duub oo warbixintii ugu horaysay ee ay kenya iyo ethiopia ka dhiibaan shirka wuxuu ahaa iyagoo ku tilmaamay mid aaad uga duwan kuwii hore oo ay malaha kawadaan waa mid ay natiijo fiicani kasoobaxayso hayeeshee markaad u kuurgashid qaabka xaal ku suganyahay waa run oo kuwiii hore aad iyo intii la doono ayuu uga duwan yahay waxayse u muuqataa kaduwanaashahaasi inay tahay mid xaabo badan saara colaadii hore baasiinna dusha uga shuba halkaasnna qarax aan dab damis loo haynini kadhoco waayo? illaa haatan waxaa uun uu shirku ku socdaa sasabaad marba koox iyo shaqsiyaad la soo caro celinaayo aan markii hore ee ay shirkayimaadeen caraysnaynba.

balse saadaashu si kale way isubadali kartaaye akhristahaygoow waa inoo markale iyo wixii soo kordha hadba,iyadoo www.somalitalk.com  ubucda shirka ku jirta diyaarnna adiga kuu ah inaanu war kugu seegnnaanin gun iyo baarba.

 

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 

 SomaliTalk.com Germany

 October 21,  2002

LINK: www.somaliatalk.com/eldoret/xagar 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD