TAXANAHA SIYAASADDA

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
July 17, 2003
SIYAASIGA SOOMAALIGA AH AMMAAN MA MUDAN YAHAY.
HORUDHAC:
Mawduucan aan Cinwaanka uga dhigay taxanaha
Siyaasada, ma’ahan qoraal ka waramaya Siyaasada cilmi ahaan, Taariikh ahaan, iyo
Siyaasada Aduunka, ee waxa aan uga sheekeyn rabaa Siyaasiyiinta Soomaalida
anagoo marba dhinac iska weydiin doonno, xaga dhaqankooda, Aqoontooda, dad la
dhaqankooda, Tukashadooda, waxaa Maqaalkan ku xigi doona maqaallo aan ugu
Magacdaray ( Siyaasinta Soomaalida iyo Tukashada Salaada) (Siyaasiyiinta
Soomaalida iyo Wax akhrinta) iyo Cinwaanno kale. Hadaba aan bilowno qormada
Koowaad.
KOOW.
Waxay ku beegnayd, December 27, 2001 Markii aan
akhristayaasha soo weydiiyey su’aal ahayd (SIYAASIGA SOOMAALIGA AH EE AAN RABNO YAA INOO HAYA??!! )
Su’aashaa waxaa ka soo jawaabay qorayaal farabadan oo Soomaali ah, ninba meel
buu gaashaan-ka ku dhuftay, qaar anigay ganafka igu tuureen, qaarna inaan
saxsanahay beyba la’ahaatay, waase jireen kuwa si dhexdhexaad ah isugu dayey
iney bal arintan u qaadaa dhigaan, laakiin dhamaantood waxay ka sin-naayeen
ineysan iiga jawaabin su’aashii aan akhrista-yaasha weydiiyey, malaha saan uga
gaabsaday bey iyaguna uga gaabsadeen? Yaa og!.
Horta mabanaantahay in la Amaano Siyaasi?
Su’aashaa aan weydiino Culimada diin-ta saa iyagaa u cilmi lehee, goortase la
amaanayo Siyaasi ama la maagayo waxay ka dhalataa talaabo Siyaasadeed oo uu
qaado Siyaasigu, taasoo u keenta inuu amaan ama dhaleecayn ku mutaysto, hadaba
Siyaasiyiinta Soomaalida waxtar ma leeyihiin si aan u maanno? Gabood false ma
sameeyeen si aan u dhaleecayno? Waxay ila tahay in akhriste kastaa uu ila ogol
yahay arintaas, laakiin goorta uu i khilaafi doonaa ayaa waxay tahay marka nin
isaga agtiisa ka amaanan aan dhulka dhigo, ama nin isaga agtiisa kaliita aan
Bilo.
Sanad ka hor ayaan ka qayb galay Xaflad Aroos,
nin martidii ka mid ahaa ayaa dadkii weydiiyey Su’aal uu u dhigay sidan ( MA
TAQAANAAN SIYAASIGA SOOMAALIYA UGU XUN?) dad badan baa ka jawaabay weydiintii oo
qofba nin buu yiri Allaylahee waa hebel, Su’aashii waxay wareegtaba anigoo aad u
diidanaa nooca Su’aasha ayuu kal-kaygii soo galay inaan ka jawaabo, ninkii
Su’aasha soo gubdiyey baan ku iri, Anigu waan kuu sheegi karaa Siyaasiga aan
shakhsiyan ugu nebcahay Siyaasiyiinta Soomaalida, laakiin kuuma sheegi karo kan
ugu xun! Sababtu maxay tahay ayuu igu soo celiyey? Waxaan ku iri, xumaanta qofba
sibuu u yaqaan, intii kaaga jawaabtay Su’aasha ninba Siyaasi buu kuu sheegay
inuu yahay kan ugu xun Siyaasiyiinta Soomaalida, kuligoodna waxay ku jawaabeen
sida aad aniga hadda iga diidan tahay inaan kuugu jawaabo, oo nin waliba wuxuu
kuu sheegay kuu ugu necebyahay Siyaasiyiinta Soomaalida ee kuuma sheegin kan ugu
xun! Haddiise aad rabto inaan helno jawaab sax ah, waxaan ku khasban-nahay inaan
samayno baaritaan cilmi ah oo aan ku kala ogaaneyno Siyaasi kasta iyo
Taariikhdiisa si aan u helno dhib iyo dheef wuxuu lahaa.
Sheekadatan waxay isoo xusuusisay aniga oo
maalin taagan Geed Doqon mawaaye loo bixiyey oo ku yaalay Iridda laga galo
Xeradii Qaxootiga ee Utange, nin kamid ah dadkii halkaa ku fadhi dirirayey
ayaa yiri ( MATAQAANAAN SIYAASIGA UGU QURUXDA BADAN SOOMAALIYA?) Akhyaartii
Su’aasha la weydiiyey ninba beel buu u saaray, nin waliba key la’ahayd inuu ugu
qurux badan yahay Siyaasiyiinta Soomaalida ayuu magacaabay! Qaar waxay ka
fiiriyeen quruxda Eebbe u dhaliyey Siyaasiga, Qaar waxay ka eegeen Socodkiisa,
Qaar waxay xooga saareen labiskiisa, qaarna waxay ku doorteen kalgacalada ay u
hayeen Siyaasigaas, Ninba Ceesaantii Ceelka keen, qofba suu qurux u yaqaanay buu
u sheegay isagoo ku dooranayey Siyaasiga uu islahaa malaha isagaa Qurux badan,
si kastaba ha’ahaatee Kolkii aad loo murmay oo hadalkii la isku jiidjiiday,
Iyadoon la isla meel dhigin Siyaasiga ugu qurxan Soomaaliya ayuu wakhtigii
dhacay, haddii goobtii lagu kala dareeray dadbaa waxay weydiiyeen ninkii
Su’aasha keenay maxaad ula jeeday Su’aashaa?, wuxuu ku jawaabay waxaan rabay
inaan ogaado inta uu le’eg yahay GARAADKA QOFKA SOOMAALIGA AH, waana arkay sida
uu yahay GARAADKA SOOMAALIDA.
Aan meel iska dhigno yaa ugu quruxbadan
Siyaasiyiinta Soomaalida? Iyo yaa ugu xun? Laakiin aan usoo laabanno Siyaasiga
Soomaliga ah Amman ma mudan yahay? Dadka wax ka qora arimaha Soomaaliya waxay la
kulmaan dhibaatoonyin aad u tiro badan, waxaa ka mid ah in Qoruhu uusan ku
dhicin ka jawaabida Su’aalaha qaarkood, haddii aan hadda iraahdo Siyaasi hebel
ayaa Ammaan mudan waxaa Saacado kadib Bogga Internet-ka loogu imanayaa qoraallo
lahjad adag ku qoran oo wada leh, wuxuu saas u yiri waxaa ka dhexeeya Siyaasiga
arintaan iyo arintaas ……………, ninba sibuu u Icraabayaa! haddiiba ay taajirto ma
iska daynaa Amaanta Siyaasiyiinta mise waan ku indha adayg-naa, waxaad moodaa
haddii la Amaano Siyaasiyiintii ka soo qayb galay Dowladihii ka horeeyey
Kacaanka inaan dan iyo heello laga galin, malaha jiilkii waagaa waa sii gabagabo!,
laakiin Raggan hada jooga hadaad u qalin qaadato waxaad ku dhacaysaa bad aad ku
dhimaneyso hadaadan dabaasha aqoon.
Qofkase qoraya Taariikhda waxuu ku khasban
yahay inuu si cad uga hadlo dhacdo kasta oo Siyaasadeed isagoo ka run sheegaya
sidii ay Siyaasiyiintii ula fal galeen dhacdadaas, waana arin ay waajib ku tahay
qoroha Taariikhda, waase ka leexleexan karaa qoraha maqaalka, Siyaasiyiinta
Soomaalida laftoodu waa dad aan kala jeclayn waxa laga qoro, arintaas waxaan si
fiican ugu falanqayn doonnaa qoraal soo socda oo aan ugu macag daray (SIYAASIYIINTA SOOMAALIDA IYO WAX AKHRINTA) ee la soco.
Qaybta 2aad... GUJI
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
QORAALADII HORE EE FAHAD YAASIIN
|