SADEX.
Cibaadada Salaada waa tiirka Islaamka, qofka laga waayana Culimada qaar Gaalcad
ayey u yaqaanaan, oo ay xaasku ka furmi oo aan Qubuuraha Muslimka lagu aasayn,
hadda kama sheekeyn doonno Fiqi ahaan Salaada waxa la xiriira, laakiin Su’aashu
waxay tahay Siyaasiyiin-teennu ma tukudaan? Waa dood sax u eg hadaad idhahdo
maxaa kaa galay Salaadooda iyo Salaad la’aantooda? Waxaa iga galay nin xukunkii
dalka raba inuu gacanta ku hayo oo aan Abuurihiisii xiriir lahayn sidee xil ugu
aaminnaa?.
Taariikhda Islaamka laguma hayo madaxdii soo martay nin si cad loo ogyahay
inuusan tukan iskaba daa inuuba ku faano salaad la’aantee, waayadan danbese wey
soo korodhay salaad la’aanta hogaanka sare ee Umadda, waxaa caado u noqotay
ineysanba tukan Salaadda Eebbe, iyagoo u arimiya dad haysta Diinta Islaamka,
qaarkood waxay goobaha Cibaadad yimaadaan Ciidaha, waxaan garanaya nin madax ka
ahaa Hay’ad ka mid xukunkii Soomaaliya oo aan ogaa inuusan Salaada tukan Bisha
Ramadaanna soomin ayuu maalinta ciidda ah la tukan jiray Muslimiintii soo
cibaadeysatay Bishii Ramadaan, SOW INDHA-ADAYGA MA’AHAN?.
Soomaalida dadkii madaxda u noqday waxay noqdeen qaar tukada oo Cibaadada ku
fiican waana tiro aad u yar oo hebel iyo hebel la oran karo, qaarna kolkay la
shirayaan dad tukada ayey iskala tukadaan guud ahaanse Ahlu Salaad ma’ahan, iyo
qaar sidoodaba aan tukan ama kaligood ha’ahaadeen ama Ugaasyo Soomaliyeed ha’u
khudbey-nayaanee, salaad la’aanta waa ka joogto.
Sanadkii 97.kii ayaan xaadiray khudbo uu jeedinayey “Xuseen Caydiid” oo xiligaa
ahaa Madaxweynihii Salballaar, wuxuu u khudbeynayey Jaaliyad Soomaaliyeed oo
wadan Carbeed joogtay, shirkii intuu socday waxaa soo gashay 3.Saladood waa
Casar, Makhrib, iyo Cishe, Xuseen Caydiid sadaxdii Salaadoodba wuu nala tukaday,
Makhribkii ayaan isku dhinac tukanay, haddii Salaadii laga baxay Gacmaha ayuu
kor u taagay ducooyin farabadan oo Afcarabi iyo Afsoomaali isugu jira ayuu
Ilaahay ku baryayey, oo anigu erayada qaar ayaa dhagteyda ku soo dhacaysay,
wafdigii uu Xuseen Caydiid hogaaminayey waxaa kamid ahaa madax sare oo
Siyaasiyiin ah oo ilaa 5.nin dhamaa, ninna kama soo kicin korsigii uu fadhiyey,
waanu soo tukaneynay waana ugu soo laabaneyna iyagoo salaad la’aan wali sii ah.
Waxaa dalka Yaman mar soo booqday xubno gaarayey ilaa dhawr iyo labaatan qof oo
kawada tirsanaa kooxdii Soodare, Hoteelkii ay ku soo dageen waxaa ku hoos yaalay
Masaajid, Salaadda waxaa u soo dagi jiray oo kaliya Jen Maxamed Abshir Muuse oo
5.ta Salaadood ku tukan jiray Jamaacada, waliba inta u dhaxaysa Makhribka iyo
Cishaha waxa uu dhagaysan jiray Cashar ka socday Masaajidka, intooda kale uma
soo dagin Aadaanka, taasna macnaheedu ma’ahan ineysan wada tukan, waxayse ku
tuhun-siineysaa in badankood aysan tukan,
Intii uu socday shirka Soomaalida ee Kenya waliba xiligii loo soo wareejiyey
meel u dhaw Nayrobi, ayaa waxa yaraatay in lagu arko Siyaasiyiintii Soomaalida
goobaha ay Muslimiintu isugu yimaadaan sida Masjidka weyn ee ku yaala bartanka
magaalada Nayroobi, aragaygu waxa uu qabtay Col Jaamac Cali Jaamac oo aan si
joogta ah ugu arko maalinta Jimcaha, sidoo kale waxaa joogto loo arkaa Xasan
Abshir Faarax, oo xili hore soo gala Masaajidka, ma xusuusto qof kale oo aan ku
arkay Masaajidka isaga oo tukanaya weyse jiri karaan.
Maxay tahay sababta diidan in madaxdii Soomaalida lagu arko goobaha Cibaadada,
qaarkood waxaa dhab ah iney baqdin u diideyso hadeyba tukadaan oo dad godob u
haysta ayeysan ka nabad heleyn, kuwooda kalana guryaha ayey ku tukudaan,
mafilayo inaan danbaabay hadaan dhaho inta badan madaxda Soomaalida ma tukadaan,
waxaanba dhihi karaa waa xaqiiqo, tiro badan oo kamid ah ayaan aqaanaa oo
salaada aan tukan, qaarkood inta waraysi loogu tago oo uu hadalku dheeraado ayaa
laga fasax qaata si loo soo tukado kolkaasaa dib loogu soo laabtaa isagoo
miiskiisi fadhiya oo la dhameystiraa waraysigii harsanaa!!
Saaxiib aan ku
kalsoonahay ayaa iigu waramay inuu ka qayb galay shir beeleed la yiri Hogaamiye
hebel baa maanta cidda u yeeray, wuxuu yiri Casarkii dabadii shirkii la bilaabay
oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha beesha Culimo iyo Caamaba ayaa la
gaaray Makhribkii, waxaa la yiri aanba hoolkan isaga tukanno, dadkii oo dhan
salaadii ayey u istaageen laakiin Hogaamiyihii beesha gooni ayuu u fariistay si
uu u sugo shacabkiisa inta ay tukanayaan.
Kolka aad booqato hoolka shirarka Soomaalida ee la gaaro xilli Salaadeed kuu
muuqan maayo dareen ah dadka meeshan ku shirsan waa Muslimiin, Sh. Maxamed Umal
oo kamid ah Culimada magaca iyo qadarinta ku dhex leh Kenya ayaa si sheeko ah
iigu sheegay inu mar booqday Eldoret isagoo la socday Culima kale, wuxuu sheekhu
yiri, xili Salaad ah ayaan arkay iyagoo qofba goonidii u tukanayo Soomaalidii
halkaa joogtay, nin dadkii kamid ahaa ayuu Sheekhu ku yiri, ( MAAD ISLA
JAMAACEYSATAAN OOD HALMAR WADA TUKATAAN) ninkii wuxuu sheekha ugu jawaabay, (
SHEEKHOOW HALKAN WAX KASTA 4.5 AYAA LAGU QAYBSADAA, MARKA MU’ADIN IYO IMAAM SI
LOO KALA QAYBIYO AYAA ADAG) Sheekhii arintaas aad ayuu ugu qaracmay, xaalada
Soomaalida ayaa murugo ku beertay, wuxuu yiri dadkaas Salaadii ilaahay saas
yeelay sidee bey guul ku gaari doonaan?.
Bil Ramadaan ayaan booqday Eldoret waxay isheydu qabaty tiro badan oo ah rag
magac ku dhex leh Siyaasada Soomaalida oo Sigaar cabaya oo aan Xishoodba ka
muuqan, nin kamid ah Waraysi inaan ka qaado ayaa la iiga soo qalqaaliyey, kolkii
uu ii muuqday ee aan arkay inuu Sigaar cabayo ayaan ka cudurdaartay Warysigii oo
iska joojiyey ka qaadista Warysigaas, waxaan maskaxda isaka iri ninka Ilaahay
iyo Adoomihiisa ka xishoon waayey jawaabta uu ku siiyo maxay macna ah oo ay kuu
kordhin, su’aasha muhiimka ahse waxay tahay sidee ninka nuucaas oo kale ah uu u
matalaa beel dhan oo Soomaaliyeed, waliba maalintaa ninka aan soo sheegay aad
ayaa loogu xoonsanaa oo ay beeshiisu ugu qosleysay.
Waxaa dhici karta in akhrista-yaasha qaarkood is dhahaan Siyaasadaa sida ah, oo
qofkii gala isaga iyo Eebbe kala go’e, taas ineysan saas ahayn aan tusaale
idinka siiyo, waliba meel dheer aadi meynee dad aad taqaanaan aan idinku
tusaaleeyo, dalka Kenya Siyaasadeeda dadka haga waxaa kamid ah Siyaasiyiin
Soomaaliyeed oo laga soo doorto Gobolka ay Soomaalidu degto, dhamaantood waa
lagu arkaa goobaha Salaadda, qaarkoodna waxaaba lagu tiriyaa safka Culimada
diinta, waxaa kamid ah Wasiirkii dhintay
Alaha u naxariistee Axmed Khaliif ooba
xubin sare ka aha golaha Muslimiinta Kenya, Salaad Jimce ayaan ku tukaday
Masjidka weyn ee Nayrobi kolkaasaan tiris ugu dhaqaaqay Siyaasiyiinta Soomaalida
Kenay ee maalintaa ku soo tukutay Masaajidka, dhinacaan fiiriyaba waxaa iiga
muuqanayey ragga ay kamid yihiin, 1.Yuusuf Xaaji 2. Faarax Macalin 3. C/Raxmaan
Colow 4. Bilow Kayrow 5. Maxamed Cabdi Afey. Raggaas dhamaantood si joogta ah
ayey ugu xiran yihiin Rabigii Abuurtay, waxayna og yihiin Cibaadadu iney saldhig
u tahay xiriirka qofka Muslimka ah la rabo inuu la yeesho Eebbe weyne, waa rag
ay Salaadda agtooda qiime ugu fadhido, goorta ay adkaato in lagula kulmo
Xafiiskooda waxaa loo fariistaa Misaajidka ugu dhaw xafiiskiisa, aan adiga ku
weydiiyee mataqaanaa Masaajid aad ugu hagaagto madaxda Soomaalida? Jawaabta ii
sii hay!
Waxay ilatahay Siyaasiyiinta Soomaalida intooda tukatana aan Cibaado suuban uga
sii barino ilaahay, kuwooda taarikiinta ahna aan ilaahay uga barinno
hanuun. intii aan qoraalka soo wadnay waan qarinay magacayada matukadayaasha
anagoo ceebsanayna inaan fadeexeyno ee bal iyagu ha is caybsadaan salaad la'aan
ay ilaahay ugu caasinayaan, waxaan sheegnay oo kaliya tukadayaasha intaan
aragnay anagoo leh adinkana salaada ha idinka reebto wax badan oo uu qaarkiin ku
kaco.