| 
 
  
    |  | MOUSE-KA KU
      TAABO LAMBARADA HOOS KUQORAN SI AAD U ARAGTIDA SAWIRADA KALE |  
|          
 |   |  Wiil Dhallinyaro ah oo Gargaar u Baahan
 
TAARIIKHDA MAANTA:      
   
 
DAABACADA: September 19, 2002 
   
 Waa wiil aad u gubtey ee fadlna taabo
lambarada dhanka midig kamuuqada midba mar si aad u aragtid sawirada kale.  
   
 Waa sidan tafaasiishiisha
dhibbanuhu:
 Magac:  Saciid A. Mohamed
 Da'da:  16 jir
 Degaan:  Hargeysa.
  
Dhibbane Saciid waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree
burns) oo luqunta iyo laabta ah, sida aad sawirrada ku aragtaanna, luqunta
iyo laabtu way isku dhegsan yihiin.
 
 Dhibbane Saciid waxa uu ilaa bishii May bilawgeedii sugayey in ay Shriners Hospital (USA), oo ah isbitaal caawiya carruurta da'doodu ka yar tahay 17
jir, soo qaadaan ilaa haddase wax jawaab ah lagama hayo.
 
 Said A Mohamed xaaladiisu way ka sii xumaanaysaa, sidaas awgeed waxaa laga
codsanayaa dhammaan in gargaar loo fidiyo wiilkaas dhallinyatada ah.
 Talo, taageero, mucaawino waxaa loogu hagaajinkaraa
 Nour Farah    nourfarah20@hotmail.com  
   
      
   
DAABACAAD: SOMALITALK.COM | Sept 19, 2002     
   
      |