HTML
 
AF-SOOMAALI CD
& MACLUUMAADKA INTERNETKA ALLAH IS GREAT
|

CD

|
CD
|
CD
|

H T M L    C D

 
CD  AFSOOMAALI AH  

HTML, FrontPage, Netwsorking  & Macluumaadka Internetka oo Kuqoran Af-Soomaali.


Sawirka sare waxa uu muujinayaa CD-ga HTML ee ku qoran Afka Soomaaliga.
Sawirka hoosena waa qoraalka ku qoran CD-ga.
Waxaan ugu bishaareyneynaa dadweynaha Soomaaliyeed in CD-gii HTML ee mudada lasugayey uu mardhow diyaar noqondoono, insha Allah.

Waa CD lagusoo ururiyey macluumaad aad u farabadan oo kusaabsan Internetka, waxa kale oo CD-ga kujira dhammaan casharada HTML oo kuqoran Afka-Soomaaliga.

Waa CD-gii ugu horreeyey oo kusoo baxa Afka Soomaaliga oo si faahfaahsan u sharaxaya dhammaan xeerarka HTML.

Waa CD ay kujiraan macluumaad badan oo kusaabsan ammaanka la xiriira Internetka iyo sidii aad kambyuutarkaaga uga ilaalin lahayd halista kasoo gaarikarta marka aad dhex-mushaaxeysid shabakadda Internetka.

Waa CD ay kujiraan macluumaad farabadan oo la xiriira sidii aad u samaysan lahayd website cusub.

Waa CD aad ku farxidoontid in uu gacantaada soo gaarey [Insha Allah]

Waa CD kuugu kicidoona qiime jaban, marka la barbar dhigo cilmiga CD-gaasi xambaarsanyahay.

Haddaba haddii ayjiraan su'aalo ama macluumaad kusaabsan Internetka oo aad jeclaanlahayd jawaabtooda in aad ku aragtid ama ka heshid CD-gaas, fadlan u dir qoraaga CD-ga oo lagala xiriirikaro cinwaanka hoose:

Eng. Maxamed Cali
Email:  somalitalk@hotmail.com 
Fax/Voice: 1-561-828-5949
Minneapolis, Minnesota 55407 

LIFAAQ: Akhrisataal ayaa iga codsaday in aan CD-ga HTML-ka ku daro FrontPage, waana aqbalay codsigaas, insha Allah CD-gu wuxuu noqon doonaa HTML & FrontPage afsoomaali ah.

MAHADNAQ: Qoraagu waxa uu u mahadcelinayaa dhammaan intii su'aalaha la xiriira Internetka iyo HTML soo weydiisey, wuxuuna uga mahadcelinayaa waqtigooda qaaliga ah.

HTML Afsoomaali & Macluumaadka Internetka waa CD kuqoran Afkaaga hooyo, waa CD laga faa'iidi doono cilmibadan, ee ha u dayma la'an.

 

Marka uu CD HTML diyaar noqdo, halkan ayaad ka arki doonta sida aad u iibsan lahayd. insha Allah.

 Faafin: SomaliTalk.com | Update: June 24, 2004

 

CD CD
 



HTML CD