SomaliTalk HTML CD


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND

Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
Odense, Denmark

Agoosto 11, 2002 

Fiidkii habeen hore ayeey ahayd, mar aan marayay xaafadda ay soomaalida ku badan tahay ee loo yaqaano Vollsmose ee Odense, waqtigaas oo meel aan sidaas iiga fogeyn ku arkay dad badan oo soomaaliyeed oo ku shamuumsanaa goob u dhoweyd meel waddo ah. Annigoo doonaya inaan oggaado waxa goobtaas ka dhacay ayaan u soo dhowaaday meeshii, dabadeedna waxaan arkay gawaari fara badan iyo dad doonaya inay sagootiyaan qaraabadooda iyo asxaabtooda.

SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND
AUGUST 4, 2001

Nin aan aqiinay, oo goobtaas joogay ayaan durbadiiba weydiiyay waxa halkaan soo tuumiyay soomaalidan faraha badan, wuxuuna markiiba si fudud igu yiri “waa ilaa 3 qoys soomaaliyeed oo caawa u safraya dalka England”. Saddex qoys oo hal mar guuraya soow ma badna ayaas si hoos ahaan naftayda ugu iri, hase ahaatee, waxaad mooddaa inuu oggaa waxa ku jiray laabtayda, markaasuu isagoo sii wata hadalka haddana igu yiri “oo miyaadan ogeyn usbuucii dhowaa inay wax ka badan 10 qoysas u guureen dalka England?”. Waxaan ku iri maya, waayo waxaan muddo bil ku dhowaad safar ugu maqnaa Afrika.

Qoysaskan u guuray iyo kuwa kale ee iyagana waddada ugu jira safarka England waa dad intooda badan yimid Denmark laga soo billaabo qiyaastii sannadkii 1993-kii. Inkastoo aan kala sheekeesan qoysaskaas sababaha ku dhaliyay inay markale ugu qaxaan dal hor leh, ayna muddo ku qaadanayso inay la qabsadaan dalkaas cusub, haddana waxaan oggahay inay is yiraahdeen bal inaad Denmark uga guurtaan dal ku dhaama xagga diinta, waxbarashada iyo shaqada, iyadoo ay dhici kartana inay xittaa taasi aan la hubin.

Waa hubaal, inay jahawareer hor leh tahay guuritaanka iyo qaxa dal cusub loogu guuro, gaar ahaan dhibaatooyinka soo waajihi kara ubadkii ku dhashay amaba ku soo barbaaray dalkii ay degganaayeen sannadihii faraha badnaa. Inkastoo la yiraahdo dalka England waa dal ka wanaagsan dalalka Scandinevian-ka marka laga hadayo diinta, tarbiyadda caruurta iyo waxbarashadaba, laakiin dhinaca kale waxaa hubanti ah inuusan dalka England ahayn dal muslim ah, inta badana isaga mid yahay dalalka Scandinavien-ka guud ahaan Xagga Sharciyada.

Leicester council in row over future of Somali families: Leicester council is struggling to support 130 families of Somali origin who are unable to work, or claim benefits, because the government is refusing them national insurance numbers. It claims it cannot establish their identities. The Guardian July 24

Horey uma dhicin inay qoysas fara badan oo soomaaliyeed sidan oo kale ugu qaxaan dalka England, hase ahaatee waxaa jiray qoysas soomaaliyeed oo degganaa dalalka Holland, Norwey iyo Sweden inay horey ugu guureen England.

Soomaalida haysata dhalashada mid ka mid ah dalalka EU-da waxay xaq ugu leeyihiin inay deggaan dal ka mid ah dalalka EU-da, isla markaasna ay ka helaan shaqo iyo waxbarasho iyo kaalmada dowladda, waa haddeysan shaqo haysan markaas. Soomaalida u qaxa ama u guura dalka Engaland, waxay badankooda deggaan gobollada Leicester iyo Bermingham, iyagoo gobolladaas ugu doortaan dhinaca dugsiyadaha islaamiga ah ee caruurta muslimiinta, shaqada iwm.


Socdaalkii Ibraahim Saalax ee Nairobi, Kenya 
Warbixin dheer oo Ibraahim Saalax kasoo diray magaalada Nairobi iyo waxyaabihii uu kala kulmay Booliska Kenya... GUJI.HALKAN  June 27


MOMBASA MAGAALADII QADIIMIGA AHAYD

"Marka aad kabaxdid Nairobi, Qiyaastii 10 isbaaro oo dareewalada basasku ay si bareer ah lacag laaluush ah u siinayaan booliska, kadib ayaad imaneysaa Mombasa  oo ah GUJI..  July 5

Sida uu bishii dhoweyd dhammaadkeeda qoray wargayska The Guardian ee ka soo baxa London, in gobolka Leicester ay cabbasho dhaqaaleed ka haysato qoysas soomaaliyeed oo gaaraya ilaa 130 qoys. Wargayska ayaa sheegay in qoysaskaas aynan shaqaynin, isla markaasna qaadan lacagta cayrta/kaalmada, kadib markuu gobolka uu u diiday inuu siiyo qoysaskaas oggolaanshaha shaqo ama waxa loo yaqaano " national insurance numbers".

Sida uu qoray wargayska, waxay qoysaskaas soomaaliyeed ka yimaadeen dalalka Yurub iyo iyagoo sita dhalashada dalalkaas, waxayna ka kala yimaadeen dalalka sida Holland, Denmark iyo Sweden. Inkastoo sida uu dhigayo sharciga u degsan EU-da inay helayaan oggolaanshahaas, haddana degmada Leicester waxay shaaca ka qaadday inaynan diyaar u ahayn inay soo dhoweeyaan qoysaskaas soomaaliyeed ee haysta dhalashada dalalka Yurub. Wargayska oo sii wata hadalkiisa wuxuu qoray, in dowladda hoose ee degmada Leicester ay diyaar u yihiin inay qoysaskaas soomaaliyeed ka bixiyaan qarashka ku baxa safaradooda, waa haddey u noqonayaan dalalkii ay ka yimaadeen. Hase ahaatee, dalabkaas way ku gacan sayreen qoysaskaas soomaaliyeed oo aan hubo inay la kulmeen waxayan ku talo gelin.

Waa dalka noocaas ah (England), dalka ay u qaxayaan, una guurayaan boqolaalka soomaaliyeed ee ka guuraya dalalka Denmark, Sweden, Norwey iyo Holland-ba.

Jahawareerkan lagu hareereeyay soomaalida meel kasta ay joogaan, waxaa sabab u ah degganaansho la'aanta ka jirta dalkeenii Soomaaliya, iyo iyadoo aynan dalkii ka jirin dowlad wax kabadan 12 sanno. Run ahaantii waa nasiib darro aad u weyn.

Ibraahim Saalax | ibra88@hotmail.com  
Odense, Denmark

SOMALITALK.COM | Agoosto 11, 2002 

Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya oo kuusobaxa


Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA
WARARKII AFGHANISTAN:
O | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7

 

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI.... |
anti@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
CTML CD
MACLUUMAADKA INTERNETKA
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 

. MARKAAN IMID NAIROBI

. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

Hooyo Soomaaliyeed oo Uur leh oo Loo- taxaabay Xabsiga Weyn ee Mombasa
Hooyadaasi waxa ay ku dhexdhashay xabsigii, waxaa kale oo la qafaalay dumar nuujinayey.. GUJI. July 7


 
Dugsi Khaas ah oo ay Leeyihiin Muslimiintu oo Albaabada Looxiray
DENMARK - Dugsiga khaaska ah (private school) ee lagu magacaabo Æraskolen, ayna maamulaan qaar ka mid ah muslimiinta deggan magaallada Odense ee dalka Denmark ayaa..GUJI.HALKAN  June 2 

XASUUQA JENIN WAA MID AYAN TAARIIKHDA ILOOBI DOONIN  Guji... 


SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin: Siminaar socday labo maalmood, si wanaagsana loo soo agaasimay, ayna ka soo qayb galeen waalidiin iyo dhalinyaro soomaaliyeed ... Ka akhri halkan feb 20

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN
AKHRI HALKAN

ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan


QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR UDHASHAY DENMARK GUJI.. 


MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 


Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD