DHIBAATOOYINKA SOO WAAJAHA
UBADKA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED MARKAY YIMAADAAN DALKA DENMARK
Ibraahim Saalax |
ibra88@hotmail.com Odense,
Denmark | Agoosto 30, 2002
Sideedaba qaxa iyo qurbaha
ayaa ah dhibaato inteeda le'eg, iyadoo ay dhibaatadaas sii daran tahay marka uu
qofku u qaxo dal uusan la wadaagin dhaqan, diin, luqad iyo midab-ba.
Haddaba, billooyinkii ugu
danbeeyay waxaa dalka Denmark ka jiray sharci dhigaya in qaxootiga dalka ka
hela degganaanshaha ama magangalyada qaxootinimo uusan xor ugu lahayn inuu
doorto magaallada uu ka deggayo dalka, iyadoo ay sidaas dowladda Denmark uga
dan leeyihiin inay shisheeyaha ugu sahlanaato siday bulshada dheenishka si
fiican ugu dhex geli lahaayeen. Hase ahaatee, waxaa is weydiin mudan taasi ma
faa'iido ayeey u keentay shisheeyaha, mise..?.
Shisheeyahaas lagu fuliyay
sharciga cusub, waxaa ku jiray soomaali fara badan oo lagu kala-firdhiyay
degmooyinka iyo tuulooyinka uu dalka Denmark ka kooban yahay, waxaana ii suurto
gashay inaan qaar ka mid ah soomaalidaas aan ku booqdo tuullo aad u yar oo
aanan weligay is lahayn waxaa la dejin doonaa dad soomaali ah.
gudbjerg_kommune
|
Usbuucii
la soo dhaafay ayay ahayd, markaan ogaaday in dhowr degmo oo ku yaalla
Jasiiradda Fyn la dejiyay qoysas soomaaliyeed oo u badan hooyooyin soomaaliyeed
iyo caruurtooda. Inkastoo ujeeddada safarkayga ugu weynayd booqashada
qoysaskaas soomaaliyeed iyo inaan oggaado xaaladda noloshooda, haddana waxaa
maalmo iga qaadatay sidii aan ku soo heli lahaa tirada go'an ee ay halkaas ku
deggan yihiin iyo degmooyinkaas ay deggan yihiin, nasiib darose iima suurto
gelin inaan helo duruufaha-sharci jira awgeed, sidiina ayaan ugu kicitimay mid
ka mid ah degmooyinkaas oo la yiraahdo "GUDBJERG", kadib markaan ka
warhelay inay deggan yihiin qoys soomaaliyeed.
Tuullada yar ee Gudbjerg waxay
ku taallaa koonfurta Jasiiradda Fyn, waxaana deggan dad gaaraya 3500 qof. Waxaa
deggan hal qoys oo soomaaliyeed. Waa hooyo soomaaliyeed iyo afarteeda caruur.
Iyagoo aanan ku tala gelin booqashadayda ayaan is-dul-istaagay gurigii ay
degganaayeen iridkiisa. Markaan iridkii garaacay, waxaa iga furay wiil yar oo
soomaaliyeed, sidiina ayeey sidii soomaalida lagu yaqaanay si xushmad leh iigu
soo dhoweeyeen guriga.
Kadib markaan u sheegay danta
aan ugu imid, waxay hooyadii soomaaliyeed guda gashay sheekada ku saabsan
imaatinkeeda Denmark iyo dhibaatooyinka ay kala kulantay. "Sidaad arkaysid
tuulladan yar ayaan anniga iyo caruurtaydaba degganahay, waan ku cusubnahay
waddanka, waana ka dhego xiranahay guud ahaan luqadda iyo dhaqanka dalkaan"
ayeey tiri, iyadoo sii raacisayna "nalooma oggola inaan u guurno
magaalooyinka ay ku badan yihiin soomaalida jeer aan halkaan ka degganaano 3
sanno, ma ciriirigaan ayaan ku jiraynaa muddadaas oo dhan" ayeey haddana
si murugo leh isu weydiisay hooyadii soomaaliyeed ee la kulantay dhibaato aan
ka yareyn tii ay dalkeeda uga soo qaxday.
Hooyadaan soomaaliyeed oo iga
codsatay inaan magaceeda ku xusin shabakadda somalitalk.com ayaa ii sheegtay
inay dhibaatooyin fara badan kala kulantay tuulladan cidlada ah, dhibaatadaas
oo u badan mid nafsiyeed.
"siddeed billood oo
keliya ayaan degganahay tuulladan, hase ahaatee waxaan isu haystaa inaan
degganahay 8 sanno, caruurtayda waxay dhigtaan dugsi caruurta dheenishka oo
keliya ay dhigtaan, iyaga keliya ayaa muslimiin ka ah, iyaga keliya ayaa
shisheeye ka ah, ma jiraan soomaali aynu deris nahay, caruurtayda ma dhigtaan
dugsiyo ay ka bartaan qur'aanka, Ilaahay-un- ha i noo maciino" ayeey misna
ku duceysatay, iyadoo ku rajo weyn inay tuullada ay deggan tahay ay soo deggaan
soomaali ama xittaa muslimiin kale oo ay wehel ka dhigtaan. "haddaynu
nahay soomaali, ma aanan u baran nolosha kelinimada, dalka iyo guryaha aynu ka
nimid waxaan uga baranay nolol bulshanimo oo sarreysa. Subax kasta waxaan u
kala-kallahnaa dugsiyo kala duwan, caruurtayda waxay aadaan dugsiga hoose/dhexe,
halka aan annigana aan aado dugsi lagu barto luqadda dheenishka oo ku yaala
tuullo kale oo inoo jirta qiyaastii 40 km, waa nolol harjad ah" ayeey sii
raacisay, waxayna ii sheegtay in lacagta kaalmada ee hadda ay dowladda siiso
laga jarayo haddii aynan dhigan dugsigaas aadka uga fog.
CABSIDA
LAGA QABO MUSTAQBALKA CARUURTA SOMAALIYEED EE KU SOO BUTAACAYA DALALKA GALBEEDKA
GUJI...
April 1, 2001
.
|
Intay hadlaysay hooyadaan
soomaaliyeed, waxaa dhinac fadhiyay afarteeda caruur oo kala ahaa labo wiil iyo
labo gabdhood. Wiilkii ugu weynaa ayaa ii sheegay inuusan ku faraxsanayn
nolosha tuulladan cidlada ah, hase ahaatee wuxuu ku rajo weyn yahay inay wax
iska beddelayaan xaaladda ay ku jiraan hadda. "inshaalah waa laga bixi
doonaa xaaladdaan aan ku jirno hadda, waxaa wax weliba iigu weyn inaan helo
dugsi qur'aan ah si aan u dhammeystirto suuradihii qur'aanka iigaga haray"
ayuu si xammaasad ku jirto u yiri wiilkii 14 jirka ahaa, iyadoo laga yaabo inuu
dhibaato weyn kala kulmo siduu u xaqiijin lahaa yoolkaas wanaagsan, maadaama uu
deggan yahay tuullo cidlo ah oo aan laga aqoon islaam iyo muslimiin-ba.
Intii ay qoyskaas ii
sheekeenayeen dhab ahaantii waxaan dareemayay xanuun, aad ayeey ii saameeyeen
dhibaatada iyo qurbaha ay ku nool yihiin qoyskaan soomaaliyeed ee ay qaxooda
iyo dhibaatadooda sabab u yihiin denbiilayaal dagaaleed oo u oomman siday u
cabbi lahaa dhiigga walaalahood soomaaliyeed. Waxaan siiyay taleefoonada
xarumaha iyo jaaliyadda soomaaliyeed ee deggan Magaallada Odense, iyadoo aana
ka ballan qaaday inaan soo wici doono, kana warqabi doona wixii hadda ka
danbeeya inshaalah.
Ugu danbeyntii, waxaa hubanti
ah in dhibaatadii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya uusan sidiisaba
mararka qaarkood ka yareysan dhibaatooyinka soomaalida ka qabsada qurbaha.
Ibraahim Saalax |
ibra88@hotmail.com Odense,
Denmark
SOMALITALK.COM | Agoosto 30,
2002
|