HAL-XIRAALAHA RAMADAANKA
TIJAABI
AQOONTAADA DIINTA
HORDHAC:::
Su'aalahan oo noqon doona
toddobaadle inta Ramadaanku socdo, Insha Allah, waxaana soo
gudbin doonaa ama daabaci doonaa maalmaha Jumcada.
Toddobaadka xiga ayaan soo qori doonaa jawaabaha iyo inta
qof ee sida saxda ah uga jawaabey dhammaan su'aalaha.
Haddaba waxaad haysataa ilaa Arbacada oo aad kaga jawaabi
kartaan su'aalahaas, waxaa jawaabaha lagu soo hagaajin karaa
suaalo@somalitalk.com
, ugu dambayn maalinta Arbacada.
Su'aalihii oo
uu isku soo dubaridey Ibraahim Saalax Aaden waa kuwan:
Suaalo:
1) Sheeg
saxaabigii ay malaa'igta dhaqday?
2) Sheeg
maalintii Nebi Adam (cs) laga soo saaray Jannada?
3) Waxad
sheegtaa gabadhii ka qaybgashay Baycatul-Caqaba iyo dhammaan
dhacdooyinkii Uxud, Xuneyn, Xuddaybiya, Khaybar iyo
dagaalkii ugu danbeeyay ee lagu dhaawacay Al-Yamaama?
4) Sheeg
Saxaabigii ugu horeeyay ee ansaariga ahaa ee la dilo?
5) Sheeg
Sannadkii ay billaabatay Khilaafadii Abuubakar (rc)?
6) Waxaad
sheegtaa sannadkii uu geeriyooday Imaamu Muslim?
7) Sheeg
sannadkii uu dhacay dagaalkii Khaybar?
8) Sanadkee
ayaa la furtay Makka?
9) Yuu ahaa
Saxaabigii ugu horeeyay ee ku dhasha Xabasha?
10) Yay
ahayd gabadhii ugu horeysay ee durata dhagaha?
11) Yuu
ahaa Saxaabigii ay Malaa'igta ka xishoon jirtay?
12) Sheeg
magaalladii lagu dilay saxaabiga Zubeyr Bin Al-Cawwaam?
13) Yuu
ahaa Saxaabigii ugu horeeyay ee u hijrooda Xabasha?
14) Sheeg
Saxaabigii ugu danbeeyay ee ku geeriyooda Shaam?
15) Waxaad
sheegtaa sayidkii Ansaar??
16) Yuu
ahaa ninkii Rumeeyay Rasuulka (scw) kahor intaan la soo
saarin?
17) Sheeg
Sannadkuu dhashay Imaam Axmad Bin Xanbal, halkeese ayuu ku
dhashay?
18) Wuxuu
dagaalka ku shahiiday isagoon weli tukan, yuu ahaa
saxaabigaas?
19)
Qowmkee/Qabiilkee ayaa loo diray Nabi Yuunus (cs)
20) Sheeg
sannadkii uu dhacay Dagaalkii Mu'ta?
21) Yuu
Rasuulka (scw) u dhiibay furaha kacbada maalintii furashada
Makka?
22) Yaa
hoggaaminayay Xujeeydii Saxaabada dagaalkii Tabuuka kadib?
23) Sheeg
Sannadkii uu geeriyooday Rasuulka (scw)?
24) Sheeg
Maalinta ay qimaayada dhacayso?
25) Imisa
jeer ayaa magaca (Ciisaa) lagu xusay qur'aanka?
26)
Suuradda Al-Macaarij yay ku soo degtay?
27) Yaa
loogu yeeraa Shaykhul-Islaam?
28) Imisa
jeer ayaa quraanka lagu xusay lafdiga ALLAH??
29) Sheeg
saxaabiyaddii ku geeriyootay 100-jir iyadoon ilig iyo goos
midna ka dhicin?
30) Sheeg
saxaabigii ugu danbeeyay ee ku geeriyooday Maddiina?
31) Sheeg
sannadkii la waajibiyay Soonka?
RAMADAAN
KARIIM...
Jawaabaha
fadlan kusoo hagaajiya email:
suaalo@somalitalk.com
ugu dambayn maalinta Arbacada. (Fadlan Jawaab kasta ku qor
tirada ay wadato su'aasheedu).
|