SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA

WAA DHAB IN BBC-DU MASKAXDA SOOMAALIDA AY QUUDISO

Marka hore waxaa aniga ii kala soocan shaqaalaha soomaaliyeed ee BBc-da laanta af-soomaaliga ka shaqeeya iyo BBC-da ujeedada loo aasaasay. Shaqaalaha wax dhaliil ah anigu uma hayo. Mana lihi maxay uga shaqeeyaan BBC-da. Ruux kastaana waa ugaar kartidiisa iyo dadnimadiisa. Taasina kuma xirna u shaqayn BBC iyo la’aanteedba ee waa u dhalsho Rabbaani ah. Ruux kastaana bulshada meesha uu ka galo, Rabbina wuu ogyahay, taariikhduna way qoraysaa.

Haddaan taas intaas kaga hadho. Ma hubo inuu Yusuf Garaad yiri BBC-du maskaxda soomaalida ayay quudisaa, laakiin anigu sidaas ayaan qabaa. Sababtoo ah quudinta maskaxdu waxay noqon kartaa mid xun iyo mid fiicxan, BBC-duna wax fiican iyo wax xunba wayleedahay.

Taas waxaa ka maraga ujeedada BBC-da loo dhisay ooba ahayd in lagu faafiyo fikrad gumaysti oo aad iyo aad u xun. Mana aan filayo shaqaalaha BBC-da laanta af-soomaaliga iyo cid kalaba inay qabaan in BBC-da loo dhisay in lagu kobciyo maskaxda shucuubta ay afafkooda ku hadlaan.

Haddaba waxaa is weeydiin leh haddii ay ciduun qabto in BBC-da laanta af-soomaaliga ay kobciso garaadka iyo maskaxda Soomaalida, maxay tahay danta iyo ujeeddada ay u qabato ummadda soomaaliyeed. Sidee baase BBC-da loogu sheegi karaa Mid dano soomaaliyeed loo abuuray?!, iyadoo aannu ognahay Ingiriisku inuu ahaa kii ummadda soomaaliyeed xariiq uu samaystay kala dhexdhigay.

Ingiriiskuse soowmaahan kii Ogaadenya xabashida gacanta u geliyay? Dhibaatadiisiina ay shacabka Ogadenya iyo kan soomaaliyeedba illaa iyo maanta ka soo kaban la’yihiin. Igiriisku soow maahan kii NFD oo ay shacabkeedu u codeeyeen inay walaalahooda soomaaliyeed raacaan si qasaba u hoos galiyay Kenya. Cid kastaana wey ka dheregsantahay dhibaadada ay Kenyaanku u geeysteen qaxootigii Soomaaliyeed iyo soomaali NDf-ba, waxaadna arrintaas kaga boggan kartaan buugga aan ugu magacdaray "Kenya: Tuugo shrciyaysan".

Maahan soomaalida oo quree xittaa dhibta ingiriiska waxay gaadhay caalamka oo dhan, waana kii abuuray dhibaatada bariga dhexe ee Falastiin iyo Israa’il iyo weliba dhibta ka taagan "Kashmiir" ee Pakistaan iyo Hindiya.

Haddaba haddii uu Ingiriiskii BBC-da lahaa uu kaas yahay sidee baa looga filankaraa inuu danaha iyo wanaagga ummadda soomaaliyeed wado, idaacaddana sidaas ugu furay?!!

Dadka qaar ayaa qab inay BBC-du la midtahay laamaha af-soomaaliga ee Itoobiya iyo Kenya. Laakiin waa arrin aniga ila khaldan. Sababtoo ah Kenya iyo Itoobiya waxay haystaan dad iyo dal soomaaliyeed oo ay ku sheegaan inay iyagu leeyihiin, kana mid yihiin qoowmiyahooda. Sidaas ayayna ugu sameeyeen laan af-soomaaliga ku hadasha. Ingiriiskuse intii ka danbaysay 26kii jun ee sannadkii 1960kii ma dad iyo dal soomaaliyeed oo isaga ku hoos jira ayuu u sameeyay laanta af-soomaaliga ee BBC-da?!!

Maxayse tahay danta uu u sameeyay oo aan ka ahayn sun gumaysi oo lagu dhexfaafiyo ummadda soomaaliyeed ee tabarta daran?!! Ciddii aan is indho tirayn xaqiiqdu way caddahay.

QORAALKII HORE

Mohamed-Deeq Abdi-madar "Haldhaa"

Qoraa iyo Saxafi soomaaliyeed, 

haldhaa35@hotmail.com 

Brlänge, Sweden

July 15, 2002

###

AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan 

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD