SOMALITALK.COM


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

C A A F I M A A K A

Dhakhtar Sheegay in Cudurka Kaadi-Sonkorowgu Ku Badanayo Soomaalida Maraykanka

Tarjumadiii SomaliTalk | May 7, 2002

"Soomaalida soo haajirey ee kasoo cararay wadalkooda dagaalku aafeeyey ee soo degay Minnesota waxay markiiba daahfurayaan (ama ogaanayaan) dhulka ay waxwalba ku badanyihiin - cunto badan, firaaqo badan - uu keenikaro dhibaatooyin caafimaad oo aysan qabijoron (ama dhif-iyo-naadir ku ahaa) jaaliyadda Soomaaliyeed, waa Kaadi-Sonkorowga" sidaas waxaa qoraal ku bilaabay jariidada Pioneer Press oo kasoo baxda magaalada Minneapolis.

Dr. Mehmood Khan, oo katirsan cisbitaalka lagumagcaabo "Mayo Clinic" ayaa sheegay in tira badan oo Soomaali oo weliba kordheysa uu ku dhacay cudurka Sonkorowga (oo afka ingiriiska laguyiraahdo diabetes), taas oo dhakhtarku sheegay in badan cudurkaas lagu arkay shansano guduhood kadib markii ay Maraykanka Yimaadeen, qaarna sidegdega muddo lixbilood gudohood ah.

Dhakhtar Khan waxa uu yiri "waxbaa dhacay, laakiin su'aashu waxa ay tahay waa maxay waxaasi"?.

Majiro ilaa hadda qof si cilmiyaysan baaritaan rasmi ah (ama daraaso) ugu sameeyey arintaan, laakiin Dr. Mehmood Khan waxa uu sheegay in uu jawaabta garanayo: waa jimicsi la'aan iyo kororka xad-dhaafka ah ee qaadashada cuntada nooca looyaqaan caloric, gaar ahaan baruurta (ama xayrtu ku badantahay).

Dr. Mehmood waxa uu yiri "majiraan hab lagu ogaankaro lagulana soconkaro arintan" taas oo ula jeedey kaaadi-sonkorowga ku siyaasayada Soomaalida Mareykanka, laakiin ayuu yiri "waa loo baahanyahay in la helo habkaas - lagu ogaan lahaa".

Kaadi-Sonkorowga nooca loo yaqaan "Nooca labaad II" (ingiriiskana lagu yiraahdo Type II diabetes) waxa uu dhacaa marka jirku uu dhumiyo awoodii uu ku adeegsanlahaa waxa loo yaqaan "insulin" oo dhecaan kasoo baxa ganaca kaas oo kala burburiya sonkorta iyo baruurta ama xayrta si markaas jirku uu u adeegsado". Haddii aan la daaweyn cudurkani wuxuu keenikaraa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah oo kalagedgedisan, oo ay ka mid yihiin cudurada wadnaha, indho la'aan, Kelyaha oo istaaga ama shaqayn waaya, lugaha iyo cagaha oo uu ku dhaco boog keenikarta in lugtiiba go'do.
Soomaalidu marka ay soo gaaraan Maraykanka waxa ay cunaan cunto ay ka buuxdo Xayr, "waa cunto American McDonald's, KFC iyo pizza"
Dr. Mehmood Khan

Dhulkoodii Soomaalidu waa lugayn jireen ama baaskiil (bushkuleeti) ayey qaadanjireen, waxyaabo hawsha-sahla oo badana ma haysan, waxana ay cunijirey cunto ay ku yartahay xayru. Laakiin marka ay soo gaaraan Maraykanka, firficoonidi jirkoodu siweyn ayuu hoos ugu dhacaa, cunatadooduna waxay isu bedeshaa cunto xayrtu (baruurtu) aad ugu badantahay, calorie uu ku badanyahay ee ah cunta American. "Waa McDonald's, KFC iyo pizza" ayuu yir Dr. Khan.

Cilmimaarisyo aya sheegay in dadka Maraykanka ah uu ku badanayo cudurkaasi, laakiin Waxa uu layaabay Dr.Khan in marka miisaanka Soomaalida uu ku kordho 10 ilaa 20 rodol oo keliya uu bilaabmo kaadi-sonkorowgu. Laakiin ayuu yiri Dr. Khan waxaa lagayaabaa in qeexidda dadka cayilan ay ku salaysnay qaabka Ameerikaanka. "Waxaa lagayaabaa in qeexidanadu aysan waafaqsanayn dadkaas (soomaalida)" ayuu yiri.

Dr. Khan waxa uu taxadar ka muujiyey in isaga iyo dhakhaatiirta kale ee cisbitaalka Mayo clinic aysan hayn macluumaad rasmi ah oo kusaabsan arinta la xiriirta kaadi-sonkorowga ee Soomaalida, taas oo aan weli aad loo daraasayn sida uu dhakhatarku shegay. Waxaana uu sheegay in loobaahanyahay in cilmibaaris arintaas ku saabsan la sameeyo, si loo ogaado sababtee iyo maxaa cudurkani sidaas xad-dhaafka ah ugu kordhaayaa (Soomaalida Maraykanka), iyo sidii Soomaalida looga caawin lahaa sidii ay u yarayn lahaayeen khatarta cudurkaas.

"Hadii waxyaabaha suurta galka ka ah daka caddaanka iyo African-American ay suurtagal kayihiin Soomaalida, markaas waxa ay yaraynkaran halista cudurkaas marka ay kordhiyaan jimicsiga jirka iyo in ay miisaankooda yareeyaan" ayuu yiri dr. Khan

Mayor Clinic waxa uu ku yaala magaalada Rochester oo u dhow magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, waana cisbitaal kamida kuwa aadka looga qadariyo dalka maraykanka amaba kamida kuwa ugu horreeya dalka oo dhan.

CALAAMADAHA LAGU GARTO KAADI-SONKOROWGA

  • Harraad xad-dhaaf ah iyo rabitaan cunto oo xad-dhaaf ah

  • Kaadi badan, marmarka qaarkood saacad kasta

  • Miisaanka oo dhinma (ama yaraada)

  • Daal

  • Lallabo iyo (lagayaabee) matag

  • Aragga oo mugdi ama tashwiish gelayo

  • Dumarka oo "infection" soo noqnoqnaya kagadhaco ferjiga iyo iyada oo lagayaabo in ay caadadu ka joogsato.

  • Ragga oo uu kudhaco tabar darro xagga isutaga raga iyo dumarka ah.

  • Ragga iyo dumarkaba oo uu ku dhaco infection-ka loo yaqaan "yeast infection"
GOORMA AYAAD DHAKHTARKAAGA WICI-KARTAA
  • Marka aad dareentid lallabo, tabar-darri iyo harraad xad-dhaaf ah; oo kaadidu noqoto mid soo noqnoqta, xanuun ka dareemeysid dhexda, oo aad neeftuureysid adigoo hawada u qaadana si ka degdegsan habkii caadiga ahaa. Waxaas markaas u baahantahay dhakhtar degdega si loo baaro heerka sonkorta jirkaaga.

  • Hadii aad dareemeysid tabar-darro, wadnaha oo degdeg kuu garaacaya, gariir, dhidid-xad-dhaaf ah, aad dareemeysid in aad si fudud u xanaaqeysid (car-i-taabo), gaajo ama lulmo degdega. Tani waa halis.

SI AAD WAX BADAN UGA OGAATID CUDUKAAN

  • Booqo bogga www.diabetes.org [the American Diabetes Association]

  • Akhbaar ku saabsan Kaadi-Sonkorowga Carruurta waxaa laga helikaraa www.jdrf.org ama (952) 851-0770 [Minnesota].
ISHA: Pioneer Press, Minneapolis | Tarjumadiii SomaliTalk | May 7, 2002

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD