SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK.COM - MINNESOTA

Picture 003.jpg (146121 bytes)SOOMAALIDA MINNESOTA IYO MAALMAHA CIIDA

WQ. C/Raxmaan Ceynte & Maxamed Cali | SomaliTalk.com | Eid 1423 |  05-06/12/02

SALAAMAHA CIIDA: Eidmubarak | EidMubarak.2Eid card

 

Picture 033.jpg (162475 bytes) Abdalla M. Aden, Mamulaha Cedar Caffee oo kugu soo dhoweynaya macmacaan iyo shaah Soomaali

Sidii looga ciidey Minnesota waxaa qaybta dambe ee qoraalka idiinku soo tebinaya C/Raxmaan Ceynte, waxaanse marka hore eegeynaa maanta oo Jimce ah iyo Soomaalida Minnesota. Marka aad usoo baxdid xaafada Cedar ee Soomaalidu ugu badantahay magaalada Minneapolis waxaad arkeysaa Soomaalidii oo wajigooda farxad ka muuqato, oo isugu hambalyaynaya sidii wanaagsananay ee ay shalay u wada ciideen.

Waxaad soo dhex gashid suuq weynaha Alkarama ee aad hoos ugu daadegtid dabaqa hoose waxaa durbadiiba kugu soo baxaya maqaaxida Cedar Caffee oo shaahii macaanaa ee Soomaaliya lagu footamayo... dabcan kelmeda footan halkaan kaftan ayaan ugu daray laakiin xaqiiqo ahaan waxaad halkaas ku arkeysaa Soomaali fiiqda ku haya shaah iyo capuccino iyo macmacaan kale. 

  Hoos Akhri


Xawaalada Hilaac oo ballan qaadeysa adeeg degdega: Ha moogaan HILAAC
 Waxaa ii suurta gashay in aan xafiiskiisa kula kulmo Maamulaha Suuqa Alkarama, Maxamed A. Keynaan, waxana uu uu yiri:
Mohamed A. Keynan Taagan: Maxamed A. Keynaan, Maamulha Suuqa Alkarama, Cedar Square "Somali Mall": Kala xiriir: makeynan@hotmail.com Tel: 612-341-3434 Fax: 612-339-0494

"Maamulaha Alkarama Cedar Square "Somali Mall" iyo ganacsadayaasha Mallka waxay Salaan iyo tahniyadba u dirayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba waxayna leeyihiin Ciid wanaagsan, kuna gaara ciida dambe bash bash iyo kheyr." isagoo hadalkii sii watana waxa uu yiri "Maamulaha oo ka jawaabaya aqbal ay soo gaarsiiyeen macaamiisha sharafta badan ee ka adeegta mallka ayuu wuxuu yiri waxaan ku darnay xiligii Sale ka qiimo jabinta oo ku ekaa Axada ayaan gaarsiinay ilaa iyo Sanadka cusub 5teeda Axad January 05, 2003 waxaanu leenahay ka faa'iidaysta xiligan ku haboon adeegyada. 

Maxamed Keynaan waxa uu hadalkiisii kusoo xiran "Maamulaha Alkarama Cedar Square "Somali Mall" wuxuu ugu bishaaraynayaa dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed ee kala jooga Aduunka dacaladiisa jecelna in ay ka adeegtaan dukaamada Soomaalida kaas oo lagu hayo waxyaabihii aan hidaha iyo dhaqanka aanu u laheyn, in dukaamadan looga adeegan karo tii oo lasoo marao webpage-ka, email, fax ama telephone. Waxaan laguu balan qaadayaa in adeegaaga lagugu soo gaarsiiyo hal usbuuc iyo wax la mid ah. Hadaba ha moogaanina qorshahan cusub oo lagusoo kordhiyay ganacsiga Somali Mall." 

Picture 001.jpg (150128 bytes) Dadweyne ciidaya oo jooga Convention center-ka

Dumar Soomaaliyeed

wiil soomaaliyeed oo dhalinyaro ah

Caruur soomaaliyeed

Halkaas waxaa ka muuqda horumarka ay gaareen Soomaalida Minnesota marka laga hadlayo xagga ganacsiga. Taas oo marka aad soo dhexgashid suuqa Alkarama oo kamida suuqyada waaweyn ee Soomaalida Minnesota aad ka heleysid dhammaan waxyaabaha aad uga baahatid suuq Soomaaliyeed, sida xawaaladaha, makhaayad shaah, dar-tle, dhar-dhaqe, tima-jare, dukaamoo dahab, dukaamo dhar, meelaha cashuur celinta, boosto, iwm. [Sawirada Suuqa ka dhanka hoose ee boggan... GUJI

Wd. Maxamed Cali

<><><> 

Qaabkee looga ciiday Minneapolis ...?

Warbixintii: C/Raxmaan Ceyne

Dec 5. saakay aroortii saacadda Minneapolis markeey aheyd 7:00 subaxnimo ayey kumanaan kun oo soomaali ahi isugu soo bexeen hoolalka waaweyn ee halka loo yaqaan Convention Center oo ku taal bartamaha magaalada Minneapolis.

dadkan oo ku dhawaaqayey takbiirta ciidul fitriga ayaa usoo bareeray ineey soo jiiraan qabowga iyo barafka saaka daadsanaa Minneapolis iyo hareeraheeda. 

Muslimiin isugu jira nooc kasta oo laakin eey soomaali u badan tahay ayaa isuguyimid halkaas, waxeeyna ishaadu qabaneysay reero raxan raxan u guuraya oo ku sii qulqulay halka eey salaadda ciida ka socotay

Imaamka Masjidka weyn ee Dar-Al-farooq ee Minneapolis ayaa daadihinayey salaada ciidul fitriga.

Rag iyo dumar looma kala harin xafladii farxadda laheyd ee saaka, caruurtuna qeyb libaax leh ayeey ka qaateen soo camiridda goobta, lama hayo tirakoob rasmi ah inta saaka igu timid goobtaas, ha yeeshee dhowr kun oo qof weey gaarayeen.

Dhalinyarada soomaaliyeed ayaa la arkayey saakay iyagoo dharkii salaadaha ciida lagu yiqiinay soo xirtay, qamiis, cimaamad, koofi & Tusbax ayaa hareeyey goobta, walow oo uu qabow daran jiray oo aan jaakad laga marmin, haddana qof walbaayi sidii ugu heer sareeysay ee uu usoo labisan karay ayuu u muuqday.

caruur fara badan ayaa iyana dhan walba u ordayey, jawiga guud wuxuu ahaa mid farax farax, reyreyn iyo baashaal uu ka muuqdo, qaar kamid ah warbaahinta soomaalida, gaar ahaan TV-yada af soomaaaliga ku hadla ee gobolkan ayaa ka muuqday goobta

laba nin oo cadaan ah oo muslimiin ah oo aan goobta kula kulmay ayaa ii sheegay ineey tahay markii ugu horeeysay ee eey muslimiinta kala qeyb galan xaflad baaxaddan leh, wexeeyna aad ugu celceliyeen ineey ku faraxsan yihiin ka soo qeyb galkan xad dhaafk ah, wexeey aad iigu amaaneen jaaliyadda soomaalida gobolkan oo eey iigu sheegeen ineey qeyb libaax leh ka qaateen soo islmaamintoodii.

Ammaanka faras magaaalah Minneapolis ayaa saaka aad loo adkeeyey, iyadoo dhowr gaari oo Police-ku leeyihiin ku hor gadaanaayeen iridka weyn ee Convention Center-ka, gawaari xad dhaaf ah ayaa hareeysay dacallada magaalada saakay, ka gadaal markii eey kumannaan muslimiin ahi u hayaameen goobta ciida.

Arrinta sheegidda mudani wexeey tahay in gobolo ka tirsan mareykanka aan saaka laga ciidin, sida eey sheegeen asxaab ku dhaqan goboladaas, oo eey kamid tahay magaalada weyn ee Boston, MA

C/raxman Ceynte

Convention Center

Down Town Minneapolis

ceyntejournalist@attbi.com

SAWIRADA SUUQA ALKARAMA IYO CIIDA 
alkarama suuq alkarama karama alkarama karama al karama suuq soomaali

Waxaa isku soo dubaridey: Maxamed Cali (SomaliTalk Editor-in-chief) waxaana kala qayb qaatay C/Raxmaan Ceynte.

Minneapolis, Minnesota, USA | SomaliTalk | Dec 6, 2002

<><><>

Soomaalida Sweden oo Wadjir u Ciidey
Waxaa markii ugu horeysay damaashaadyo ay si wada jir ah u soo wada abaabuleen labbada Masaajid ee Soomalida iyo GUJI..

Cumar Yare oo Loo Qaadi Doono Australia
Cumar oo ah 3jir xiidmuhu dibada yaalaan ayaa 18ka December la keenidoonaa Melbourne si loogu qalo, laakiin Guji
 

Sida Looga Ciiday Doha
Sida looga ciido dalkaan(Qatar) ayaa gabi ahaan kaduwan ciidaha kugu soo marijirey Africa, gaar ahaan.... GUJI..

CIID MUBAARAK
Bahda SomaliTalk waxay dhammaan Muslimiinta ku dhaqan daafaha dunida ugu hambalyay-nayaan ciida barakaysan ee "Ciidul Fidriga" sannadkan 1423 oo kubeegan December 5 .. GUJI...

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
Xawaalada Kaah somalitalk.com/kaah
Xawaalada Dalsan somalitalk.com/dalsan 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD