Ololaha
Ka Soo Qaybgalka Codaynta
Waxbarasha Caruurta
Soomaaliyeed
Soo Koobid: Akhbartii ugu dambeeysay ee
ay hayso hay'adda gobolka Minnesota u qaabilksan caruurta, qoysaska iyo
waxbarashada ayaa ku sheegtay in ay la eg tahay tirada ardayda ay luqadooda
kowaad Soomaaliga tahay 5,445 waxna ka dhigta dugsiyada dawladda. 43% 00
ardaydaan waxaa ay wax ka bartaan dugsiyada dawladda ee Minneapolis, halka tiro
kale 00 badan ay dhigtaan dugsiyada Rochester, Owatonna, St.Paul, Eden Prairie
iyo Mankato. Barnaamijka la yirahdo Title III 00100 yaqaan " In uu usan
ardayna dib u harin" ayaa surageliya in ardayda luuqadaha ajnabiga ku
hadla in ay bartaan luuq ada Ingriiska. Inkastoo maamulka dugsiyada ay ugu
dadaaleen in ay kor u dhigaan luqaada ardayda cusub, had ana waxaa hortagaan
caqabad maalgelineed 00 la xiriira barnaamijyada luuqadaha maadaama misaaniyada
gobolka Minnesota ay gasha hoos dhac wayn. Sida caadadu ay tahayna
barnaamijyada la dhimo
waxaa ugu horeeya barnaamijka barasha
af-ingriiska ELL. Waxaa la filayaa hoos u dhaca misaaniyada gobolka Minnesota
in u saameeyn lacageed ku yeesho. Qiyaastii ilaa iyo $600 ardaygiiba ama
$32,000,000 in laga jaro miisaaniyada dugsiyada ee Minneapolis sanad
dugsiyadeedka 2003.
Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneysaa
jaaliyadda Soomaalida si looga helo
dawladda dhexe hanti lagu kabo qarashyada la dhimay?
Xaqiiqada guryaha ee beesha
Soomaalida
Soo Koobid: Marka
la isku daro sharuudaha degaanaasha guriga iyo helin la'aanta guryo waaweeyn 00
qaada qoysaska balaaran waxaa gOO baxaya qoysas badan 00 aan haysan meel ay
degaan. In kastoo aan la haynin tiro koob sax ah, haddana qoysaska Soomaaliyeed
waxaa lagu qiyaasay in ay ka kooban yihiin ilaa iyo 6 ama 7 qof. Waxaa khiyaas
ahaan lagu hayaa in 75% in dadka Soomaaliyeed ugu yaraan qot qaraabadooda ah uu
guriga kula nool yahay. Waxaa aad u badan dhibabka ka haysta beesha Soomaalida
guryo la'aanta.
Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneeysaa
jaaliyadda Soomaalida is loo ansixiyo National Housing Trust Fund legislation?
Tababar shaqo iyo mid luqadeed
Soo koobid: Qaran ahaan wax soo
saarkeena waxaa uu ku xiran yahay awoodeena maaliyadeed iyo awoodeena shaqo.
Waxaa dhaqan ah marka ay dad cusub dalkaan ku soo biiraan in ay qabtaan
shaqooyin ay dad kale horay u hayn jireen. Marka aan eegno baritaan ay hay'adda
Wilder ku sameeysay dadka dhawaan dalka yimi waxaa u soo baxay in 66% dadka
Soomaalida ee dalka yimi ay haystaan shaahaado dugsiga sare isla markaana in ka
badan seddex meelood meel in aysan ku kalsooneeyn ku hadalkooda luuqada
Ingriiska. Waxaa ay dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin in kor loogu qaado
xirfadooda luuqadeed iyo mid shaqo.
Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneesaa beesha
Soomaalida si xalloogu helo arrintaan?
Dalka oo si qasab ah la isaga dhoofsho!
Soo koobid: Hay'adda
Socdaalka waxaa ay dhawaan musaafurisay 30 qaf oo Soomaali ah. Waxaa dib loogu
ceshay Soomaaliya oo aysan nabad buuxda ka jirin.
Haddii lagu doorto ma la shaqeeyneeysaa
beesha Soomaalida isla markaana ma amreeysaa in hay'adda socdaalka (INS) ay
joojiso dhoofinta dadka Soomaalida inta Soomaaliya ay ka
yeelaneeyso dawlad damaanad qaadi karta amaankooda?
Dhismaha xiriir saaxibtinimo
Dadka Soomaalida dalkaan waxaa ay u yimaadeen
in ay degaan. Waxaa kugu filan oo kaliya in aad eegto ganacsiga ay ku hayaan
jidadka Lake, Cedar iyo Franklin. Beesha Soomaalida waa beel leh awood
siyaasadeed. Waxaan rabnaa in aan xiriir saxiibtinimo oo qoto dheer la yeelano
qofka loo dorto duqa gobolka Minnesota.
Haddii lagu doorto ma la kulmeeysaa muddo 90
casho gudaheeda beesha Soomaalida si dib loogu eego arrimahaan iyo arrimaha
kale ee beesha Soomaalida quseeysa?
Kulaabo Bogga
warbixinta -GUJI.HALKAN
_________________
SCANNED: Oct 20, 2002
AFEEF: Qoraalkan waxaan kusamaynay
"SCAN" waraaqihii asalka ahaa, sidaas darteed waxaa dhicikarta in
qaybo higaadaha uu "SCAN-ku" fahmi waayo sidaas darteedna uu u bedelo
kelmed kale.
com
|