SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Dec 13, 2002 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

I  I  D  H  E  H

   Warka Madaxdiisii.

  

.Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Nusdariiqa oo dagaal dhexmaray.
.Shir sanadeedkii Jaaliyada  Ogaadeenya ee Gobalka Colorado USA oo qabsoomay.
.Madaxii Jaamacada Adis Ababa oo iscasilay.
.Lix nin oo ka socda Baarlamaanka wadanka Ingiriiska oo booqanaya Itoobiya
.Jabhadda UPPF oo sheegtay in ay dishay 58 ka tirsan ciidamada wayaanaha.

Warkii oo faahfaahsan

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Nusdariiqa oo dagaal dhexmaray.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Nusdariiqa ayaa sheegaya in 03.12.2002 ay ciidamada cadawga Itoobiya isku laayeen saldhigii ay magaalada ka daganaayeen. Dagaalkan ayaa lasheegayaa in uu billowday saqdii dhaxe, isagoo laysu adeegsaday qaybaha kala duwan ee hubka ay ciidamadaasi haystaan, waxaana halkaas kaga dhintay labada dhinac ee is hayay 15 askari, waxayna iskaga dhaawaceen tiro badan oon wali la xaqiijinin.

Dagaalkan ayaa ka billowday koox Ciidamadas ka mid ah oo gadooday, ka dib markay muddo 6 Bilood dhan ayna wax mushahaar ah qaadan, nolashiina ay ku adkatay. Ciidamadani waxay kalo ka cabanayaan maamul xumada saraakiisha goobtaas oo dhamantood ka soo jeeda Qoomiyada Tigreega, ku waas oo ay sheegeen in ay ula dhaqmaan si ka baxsan sharciga Ciidamada.

Dhinaca kale magaalada Galadiid malleeshiyo ay ciidamada cadawga Itoobiya ku uruuriyeen oo ahaa nooca loo yaqaano Dabaqoodhi ayaa 05.12.2002 isga huleelay goobtaas, ka dib markay waayeen wax daryeel ah oo ay ku noolaadaan. Ciidamadan ayaa lasheegayaa in ay u kala yaaceen goobihii mar kii hore laga soo uruuriyay.

Dhinaca kale dagaallada dhexmara Ciidamada Xoraynta Ogadenya iyo kuwa cadowga Itoobiya oo joogto ah, isla markaana dalkoo dhan ka dhaca, waxaa ugu denbeeyay kuwan soo socda:

4/12/02, meesha lagu magacabo Daara Salaam, Ciidamo Gumaysiga Itoobiya oo marayay ayaa waxaa dagaal ku qaaday Ciidamada Geesiyiinta Xoreenta Ogadenya waxayna halkaas kaga dileen 8 Askari iygoo kaga dhaawacay tiro kale oo badan.

Ciidamada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya waxay 3/12/02, magaalada Shaygoosh si gaadmo ah  ugu dileen Askari ka tirsan Ciidamada Cadawga Itoobiya oo ku sugnaa magaalada dhexdeeda, Askarigan ayaa lasheegayaa in uu ahaa mid soo basaasa dadka shacbka ah.

Shir sanadeedkii Jaaliyada  Ogaadeenya ee Gobalka Colorado USA oo qabsoomay.

Jaaliyadda Ogadeeniya ee gobolka Colorado ee wadanka Maraykanka ayaa ku soo beegtay maalintii Ciidul fitriga bisha Ramadaan  shir sanadeedkeedii guud.

Shirkaa oo ahaa mid si aad ah loo soo agaasimay waxaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo ay ugu horayso xaalada iyo halganka uu maanta shacabka Ogaadeeniya ku jiro.

Waxaa si aad ah loogu falanqeeyay kaalinta ay Jaaliyadda Colorado kaga jirto halganka waxaana si buuxda la isugu raacay in ay jaaliyadu kor u sii qaado wax qabadkeeda iyo inay ka qaadato kaalin firfircoon, isla markaana ay taakulayn hiil iyo hooba ah la garab istaakto halganka xaqa ah ee Shacabka Soomaalida Ogaadeeniya uu ugu jiro sidii uu u gaadhi lahaa aayo ka talin buuxda , kaasoo ay majaraha u hayso Jabhadda Wadaniga Xorayta Ogadeeniya.

Shirkaa  waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha Jaaliyadda Ogadeeniya ee ku nool Gobolka Colorado.Waxaa shirka lagu marti qaaday oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Ururka Dhaliyaradda Ogadeeniya Mudane Muxumed Ciise, oo halkaa ka bixiyay warbixin daaha ka rogaysa heerka uu halganka shacabka Ogaadeeniya maanta marayo.

Munaasabada ciida bisha barakaysan ee Ramadaan waxay jaaliyaddu ugu hambalyaysay shacabka Ogaadeeniya guul iyo gobanimo, waxayna isla markaas shacabku ugu baaqday inuu u guntado naf iyo maalbana u huro sidii uu isaga dulqaadi lahaa heeryada gumaysiga.

Sidoo kale waxay jaaliyadu mahad celin u soo jeedisay walaalahooda Soomaliyeed taageerada hiil iyo hooba leh ee ay la garab taagan yihiin  mar walba, waxayna isla markaa Ilaahay uga bariday inuu khilaafka dhexdooda ka saaro oo uu u soo celiyo qaranimadoodii iyo sharaftoodii.

Madaxii Jaamacada Adis Ababa oo iscasilay.

Maidixii Jaamadda Addis Ababa Dr. Eshetu Woncheko iyo labadii ku xigeen oo la kala yidhaahdo, Dr. Tetemke Mehari iyo Dr. Bute Gotu ayaa xilalkoodii iska casilay, ka dib markii ay dawladu ka dayn wayday faragelinta xilalka ay jaamacada u hayeen.

Nimankan madaxda ah ee is-casilay waxay sheegeen in xukuumada uu madaxda ka yahay Melese Zenawi ay six ad-dhaaf ah u fargeliso arrimaha jaamacada, isla markaana ay u suurageli wayday inay si xor ah wax u baraan Ardayda Jaamacada wax ka dhigata, iyadoo xukuumadu ay kantaroosho cashir kasta oo macalimiintu ay ardayda u dhigayaan, si ay u ogaato in lagu soo qaato hadallo dadka mucaaradka ah kayimid.

Ardayda jaamacada Addis Ababa wax ka barata ayaa lagu soo warramaya inay si wayn u taageersanaayeen madaxda hadda xilka jaamacada iska casishay, waxayna ardaydu ku baaqeen inaanay si xor ah wax u baran Karin inta ay talada dalka gacanta ku hayso jabhadda TPLF.

Lix nin oo ka socda Baarlamaanka wadanka Ingiriiska oo booqanaya Itoobiya.

Wafti ka kooban Lix nin oo ka socda Baarlamaanka wadanka Ingiriiska ayaa booqasho ku tagay wadanka Itoobiya. Waftigan oo soo indha-indhayn doona goobaha aabaaruhu ka taagan yihiin ee wadanka Itoobiya, ayaa sheegay in dawladda Ingiriiisku mar hore bixisay deeqdii ay ugu tala gashay Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Horumarinta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee wadanka Ingriiska ayaa dabayaaqada bishii hore tilmaantay in dhibaatada Itoobiya ay tahay musuqmaasuq iyo maamul xumo ee aysan ahayn mid ay abaaro keeneen.

Jabhadda UPPF oo sheegtay in ay dishay 58 ka tirsan ciidamada wayaanaha.

War laga sii daayey Idaacad ka soo baxda wadanka Eritrea oo ku hadasha afka Tigreega ayaa sheegtay in Jabhadda Wadanaiyinta dadka Itoobiya ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano EPPF ay qudha ka jartay 58 ka tirsan ciidamada Itoobiya, isla goobtaasna ay ku dhaawacday in ka badan 33 askari.

Dagaalkaas wuxuu ka dhacay Tsegede iyo Armacheho oo dhamaan ku yaal waqooyiga galbeed ee wadanka Itoobiya.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jabhadda EPPF ay nolol ku qabatey 3 askari iyo saanad badan oo kala duwan.

Dhinaca kale dagaal ayaa ka dhacay xuduudka u dhaxeeya Gobolka ismaamulka Tigreega iyo kan Gobolka Gondor ee Amaxaarada, kaasoo dhex maray qoomiyadda Tigraga iyo tan Amxaarada, waxaana halkaas ku qudh- baxay 11 qof oo shicib ah. Dagaalnka waxa ay Jabhadda EPPF ku eedaysay Ciidamada wayaanaha ee Itoobiya.

<><><>

WARARKII XORIYO ee Dec 10, 2002

Xaflad Ciidda barakaysan lagu maamuusayay oo Denmark ka dhacday
Ciidamada Itoobiya oo dad badan ku xidhxidhay goballo Ogadenya ka mid ah
Ciidamo Itoobiyaan oo xoog ku so galay degmada Guri-ceel

Warkii oo faahfaahsan

Xaflad Ciidda barakaysan lagu maamuusayay oo Denmark ka dhacday

Xaflad, si wayn loo soo agaasimay, oo lagu maamuusayay Ciidda barakaysan ee soonfureed ayaa lagu qabtay magaala madaxda dalka Denmark ee Copenhegan maalintii axadda ahayd ee bishan december ay 8 ahayd.

Xafladdaas waxaa lagu qabtay hool wayn oo ku yaalla badhtamaha magaalada Copenhegan, waxaana soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogadenya ee dalka Denmark, iyadoo loogu talagalay inay farxadda Ciidda meel ku wada-qaybsadaan bulshada Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Copenhegan iyo nawaaxigeeda.

Waxaa xafladdaas ka soo qayb galay intii badanayd qoysaska reer Ogadenya ee Copenhegan iyo nawaaxigeeda ku dhaqnaa, kuwaasoo madasha xafladda la yimid carruurohoodii, waxaana halkaas farxad ku wada-ciiday oo si wanaagsan isugu bartay carruuro badan oo reer Ogadenya ah oo laga yaabo inaanay horay isu aqoonin, balse fursad u helay inay maalintaas oo dhan walaalohooda kale la wadaagaan munaasabadda Ciidda.

Furitaankii xafladdaas, oo aad looga soo qayb galay, hoolkii loogu talagayna uu dadkii qaadi waayay, waxaa hadal gaaban oo wacdi iyo warbixin isgu jira ka soo jeediyay mudane Maxamed Cabdi, oo ka mid ah masuuliyiinta Jaaliyada Ogadenya ee Denmark.

Mudane Maxamed Cabdi wuxuu ka warbixiyay xaaladda uu maanta marayo halganka hubaysan ee dadwaynaha reer Ogadenya ay kula jiraan gumaysiga Itoobiya, iyo guulaha is-daba-joogga ah ee ciidammada JWXO ay ka soo hoyiyaan ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.

Mudane Maxamed Cabdi wuxuu dadwaynihii xafladdaas ka soo qayb galay ku guubaabiyay inay dadaalkooda sii laban-laabaan, isla markaana ay mar kastaba niyadda ku hayaan dalkii ay u dhasheen ee Ogadenya, carruurohoodana ay baraan dalkooda hooyo iyo qadaiyadooda xalaasha ah ee Ogadenya.

Hadalkaas gaaban ka dib waxaa la guda-galay su’aalo tartan ah oo loo soo diyaariyay carruurta yaryar, kuwaasoo intooda badan ku saabsanaa taariikhda, juquraafiga iyo wadciga siyaasadeed ee Ogadenya, waxaana nasiib wanaag ahayd in carruurtii halkaas isugu timid ay muujiyeen xiise dheeraad ah oo ay dalkoodii Ogadenya u hayaan.

Dhinaca kale Masuuliyinta Xaruunta Dhexe ee JWXO ayaa munaasabadda Ciidda awgeed hanbalyo iyo bogaadin heer sare ah hawada u soo marinaysa madaxda JWXO, unugyada, Jaaliyadaha iyo dhammaanba bulshada Ogadenya ee ku dhaqan dalka dibaddiisa, waxayna Masuuliyinta Xaruuntu sheegeen inay salaan kalgacaltooyo uga soo gudbinayso naftood-hurayaasha iyo shacbiga Ogadenya ee dalka gudihiisa ku dhaqan.

Masuuliyinta Xaruunta Dhexe ee JWXO, iyagoo ku hadlaysa magaca naftood-hurayaasha iyo shacbigaba, waxay bulshada Ogadenya ee dibadda ku dhaqan uga mahadcelisay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin walaalohooda ku jira furimaha dagaalka ee cadowga Itoobiya la dagaallamaya, si ay dalkooda iyo dadkoodaba Xornimo buuxda u gaadhsiiyaan.

Ciidamada Itoobiya oo dad badan ku xidhxidhay goballo Ogadenya ka mid ah

Wararka ay noo soo dirayaan wariyayaasha Radio Xoriyo ee ku kala sugan gabollada iyo dagmooyinka kala duwan ee Ogaadeenya ayaa sheegaya in ciidamada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ay dad aad u fara badan xadhig iyo dhac ugu gaysteen magaalooyink kala duwan oo Ogadenya ka mid ah, waxayna dadka dhibaatadu soo gaadhay isugu jiree xoolo-dhaqato iyo dad kala oo shacab ahaa oo magaalooyinka ku noolaa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dadka qaar laga dhacay waxay hanti haysteen, iydoo aan wax sabab ah loo yeelin, qaarna lagu sameeyay wax ay ku sheegeen Ganaax, oo ah hab ay ciidamadu dhaqaale kaga uruursanayaan shacbiga dulman ee Soomaalida Ogaadeenya.

Dadkan ayaa la sheegayaa in ayna intooda badan haysan madax furashada ay ciidamada Itoobiya kaga uruursanayaan dhaqaalaha.Waxaana ka mid ah dadka ilaa iyo hada awooda u waayay madaxfurashada ee Xabsiyada Ciidamada Itoobiya ku jira iyo kuwa ladhacay kuwan:    

21/11/02, Magaalada Garasley, oo ka tirsan gobalka Nogob, waxaa lagu xidhay, laguna ganaaxay min 2000 Bir:

1-    Ahmed Cabdulaahi Daroor.
2-    Weli Shariif Sh. Cabdi.
3-    Aaden sh. Cabdi Xuuble.

Magaalada Iimay isla tariikhdaas waxaa lagu xidhay, ganaaxaasna la saaray:

1-    Cabdulaahi Sh. Cumar.
2-    Busuri Noor Ture.
3-    Ruqiya Xassan Baydiye.
4-    Salaad Mohamed.
5-    Cali Maxamuud Dakharre.
6-    Macallin Rashiid Dahir.

Magaalada Dhagaxbuur,  waxaa lagu xidhay, ganaax madax-furasho ah oo dhan min 2000 Birna  lagu xukumay:

1-    Saafi Cabdi Cadde.
2-    Yaasiin Mohamed Duule.
3-    Xamaraawi Jibriil.
4-    Saxardiid Cumar Gaydh.
5-    Zahra Cali Guuleed.
6-    Sureer Cabdi Halac.
7-    Bashiir Cali Gardaran.

Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ee ku sugan magaalada Dhagaxmadow, waxay 
xabsiga u taxaabeen hantidoodiina ay dhaceen:

1-    Cumar Caag, oo ay ka qasheen  20/Neef oo Adhi ah.
2-    Aaden Xarbi, oo ay isagana ka Qasheen  10/neef oo Adhi. 
3-    Reer Shekh Ahmed, oo ay ka kaxeesteen  10/neef oo Geel ah.
4-    Reer Abukar Isaaq, oo ay ka dhaceen  20/neef oo geel ah.

23/11/02, Magaalada Shay-goosh, waxaa lagu xidhay ganaax madax furasho  ahna lagu soo rogay:

1-    Ibraahim Xujaale.
2-    Ahmed Noor Xujaale.
3-    Bicir Ibraahin Xayle.
4-    Xaliimo Ibraahin Xujaale.
5-    Faadumo Cabdi Qani.
6-    Maxamuud Sulub Hurre.
7-    Xassan Aaden.
8-    Cabdulaahi Cabdi.
9-    Khaliif Mohamed Shakaal.
10-    Ayaanle Cabdi Qaadir.
11-    Xassan Daahir Xareed.
12-    Xassan Cabdi Xussein. iyo
13-    Safiya Cumar Yuusuf.

Magaalada Qabri Daharre, waxaa lagu xidhay, ganaax  madax-furasho ah oo dhan min 2000 oo Birna lagu xukumay:

1-    Kadra Cabdi Mohamed.
2-    Rooda Mohamed Mursal.
3-    Ilka-case Nuur Barre.
4-    Hudle Jaamac Muuse.
5-    Khadar, oon magaceedoo buuxa weli la haynin.

Magaalada Dhanaan waxaa lagu xidhay laguna ganaaxay ruux walba lacag  madaxfurasho ah oo dhan 2000 oo Bir:

1-    Aaden Cumar Budul.
2-    Bashiir Ismaaciil Cabdi-sooraan.
3-    Cabdi Khaliif Haajir.
4-    Cabdi Xussein Cumar
5-    Cumar Yuusuf.
6-    Kaaba Xussein iyo
7-    Cumar Raage Xareed.

Ciidamo Itoobiyaan oo xoog ku so galay degmada Guri-ceel

Wararka ka imanaya degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in habeenimadii Jimcaha ee bisha december ay 06 ahayd ay soo galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo watay saddex gawaadhiga gaashaaman ah, waxayna ciidamadani ka yimaaddeen dhinaca magaalada Cabud-waaq.

Ciidamadan Itoobiyaanka ah waxay rasaas ku fureen dadkii magaalada dagganaa, waxayna halkaas ku dilen 2 ruux, iyagoo tiro kalana ku dhaawacay, dadka deegaanka ayaa la sheegay in ay ayguna dhinacooda raasaaseeyeen ciidamada Itoobiya, balse lama soo xaqiijin waxyeelada dhinaca Itoobiyaanka.

Axmed Ciise Raage ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ah ay ka soo horeyeen Laba sargaal oo Itoobiyaan ah soona galay magaaalda habeenkii khamiista iygoo ay la socdaan qaar ka mid ah dadka gacan saarka la leh Itoobiya.

Dhinaca kale qaar ka mid ah kooxaha ka qayb gelaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda magaalada Eldorat, ayaa Itooobiya ku eedeeynaya inayna marna rabin in dawlad Soomaaliyeed dib u soo noqoto.

Maxamed Qanyare Afrax ayaa  sheegay in Itoobiya aysan marnaba dooneyn inay wax u qabato ummada soomaaliyeed, wuxuuna intaas raaciyay inay ku dadaalayaan sidii ay uga hortegi lahaayeen in Itoobiya ay fashiliso baaq nabadeedkii kooxaha Muqdisho ay isla soo saareen, wuxuuna tilmaamay inay jiraan siyaasiyiin soomaali ah oo Itoobiya siyaasadeeda ku taageeraya, doonayana inay shirka xagal-daaciyaan.

Maxamed Qanyare wuxuu kaloo sheegay inaanuu marnaba aaminsanayn in Itoobiya ay tahay dal deris wanaagnimo kula noolaan kara Soomaliya ,  waxuuna ka codsaday ummada Soomaaliyeed in aysan dheg jalaq u siin damaaciga iyo naas nuujinta ay wado Itoobiya, isla markaana mowqif mideysan oo siyaasadeed ay la yimaadaan, si ay u jabiyaan moqifka  qallafsan ee ay Itoobiya kaga qeyb qaadaneyso dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Mareykanka oo booqanaya Jabuuti:

Wasiirka Gaashaandhiga ee Maraykanka Mr Donald Rumsfeld ayaa booqanaya dalka Jabuuti Maaalinta rabacada ee bishan December 11, 2002. Wasiirku wuxuu wada hadalo la yeelan doonaa Madaxweynaha dalka Jabuuti. Donald Rumsfeld waa madaxii ugu sareeyey ee ka socta wadanka Maraykanka ee booqda dalkaasi Jabuuti.

Booqashada Rumsfeld waxa ay la xiriirtaa digniinaha soo kordhaya ee ka imanaya dawladda Maraykanka kadib markii la qarxiyey Hotel-kii Israel ee ku yaalay Magaalada Mombasa iyo gantaaladi lala gafay diyradii waday dadka u badan Israeiliyiinta,.

Sidoo kale waxaa isla maalmihii la soo dhaafay wadanka Jabuuti booqasho ku tagay ku xigeenka xoghaya Arimaha Afrika ee wadanka Maraykanka Mr Walter Kansteiner, kaas  oo isu soo maray Eritrea iyo Kenya kadibna maalintii Axada uga sii boqoolay wadnak koonfur Afrika.  

Dhinaca kale tan iyo bilowga sanadkan waxaa dalka Jabuuti ku sugan ciidamada Maraykanka ee sida gaarka ah u taba-baran iyo kuwo marines-ka ah oo garaaya qiyaastii 800 oo askari

 .

Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 

KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

 


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD