Warkii oo Faahfaahsan.
Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya oo Ciidamada Cadawga Itoobiya ku
jabiyay Dagaalo ay iskaga horyimaaadeen.
Dagaalada ay iskaga horimanayaan Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya iyo
Ciidamada Guamysiga Itoobiya ayaa ah kuwo joogta ah oo aan kala go, laheeyn.
Dagaaladan ayeey sheegeen Dagaalyahamiinta Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya
inayna marnaba joojinayn ilaa ay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ka baxaan Ciida
Ogaadeenya, Shacbiga Ogaadeenyana uu ka hanto Xoriyadiisa oo Buuxda.
Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka Xoreenta Ogaaadeenay ayaa
sheegaya in ay dagaaaladii ugu danbeeyay ka dhaceen goobahan.
6/11/02, Dagaaal ay ku qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya Ciidamo Gumaysiga
Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Gumar oo ka tirsan Dagmada Qabri
Daharre, ayaa Ciidamada Doolka Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 5 Askari 7 kalana
waa lagaga dhaawacay.
7/11/02, isla Gumar dagaal mar Labaad ka biloowday oo ay iskaga horyimaadeen
Cidamada Nacabka Itooobiya iyo Ciidamada geesiyiinta Xoreenta Ogaaadenya waxaa
Ciidamada Cadawga lagaga dilay 4 Askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dgaaal kale oo ay isku haleeleen Ciidamada Wadaniga Xoreenta iyo Ciidamada
Cadawga Itoobiya meesha la yiraaahdo War-Udan waxaa Ciidamada Cadawga lagaga
dilay 5 Askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Guud ahaan dagaaladan ayaa aad loogu nafeeyay Ciidamada isu keenka ay Hogaamiso
TPLF.
Gaadiid badan oo shacabka Soomaaliyeed oo ay Ciidamada Itoobiya u daabulen
Magaalada Harar
Ciidamada Itoobiya ayaa horaantii bishan ilaa intii ka dambaysay qab qabsasho
aan xad layahayn u geystay Gawaarida ay leeyihiin shacabka ku nool Ogaadeeniya
gawaaridaas oo u kala gooshi jirtay wadanka Soomaaliya iyo Ogaadeeniya. Qaar ka
mid ah Gawaaridaas ayaa Xamuulka ay sidaan ku dajin jiray magaalada Harta
Sheekh, kadibna loo qaybin jiray guud ahaan wadanka Itoobiya.
Hadaba Ciidamada Itoobiya ayaa waxay ka qabqabteen Xuduuda Ogaadenya iyo
Soomaaliya Gawaari lagu Qiyaasay ilaaa iyo 400 oo Gaadhi, kuwaas oo ay
dhamaantoot Ganacsato Soomaaaliyeed lahaayeen. Gawaaridaaas ayaa la sheegayaa in
loo Daabulay magaalada Harar waxaaana lasheegayaa in ay damacsantahay Xukuumada
Kaligii taliye Meles Zenawi in ay halkaas ku Xaraashto Gaadiidkaas, qarshahan
Xaraashka ayaa lasheegayaa in la bilaabay oo mar dhaw lagu dhawaaqi doono.
Wararku waxay intaas ku darayaan, inaysan wax dacwad ah ku soo oogi Karin ama
aysan u doodi Karin dadweynihii lahaa gawaaridaas oo aysan geesan Karin
Maxkamadaha dacwadahooda, sababtoo ah waxay dowlada Melezanawi ay ku
andacoonaysaa inay sideen gawaaridaasi koontarabaan aan loo ogalayn wadanka ama
ay ka dhuumalaysanayeen canshuurta dowlada ee xad dhaafka ah.
Waxaana hubaal ah inay sideen gawaaridaasi badeecooyin kala duwan ku waas oo ay
ka keeneen Dekedaha Soomaaliya, waxayna mulkiilayaasha iska leh gawaaridaasi
aaminsan yihiin inay kor u qaadayeen oo ay horumar u keenayeen dadweynaha ku
nool Ogaadeeniya iyo Guud ahaaan Itoobiya oo Shacabkeedu aad u liito taasoo
aysan raali ka ahayn dowlada uu hogaamiyo kaligii taliye Melezanawi.
Xukuumada Itoobiya oo diidday yabooh ay u fidisay Dawlada Eritereya.
Dawlada Itoobiya ayaa diidday yaboohdii ay Eritereya ugu yaboohday inay
dekadaheeda isticmaasho, si ay gargaarka u gaadhsiiso dadka malaayiinka ah ee
abaaruhu ay wax-yeelleyeen.
Wasiirka warfaafunta ee Itoobiya Netsannet Asfaw ayaa sheegay in dhibaatada
hadda Itoobiya haysata ayna deked la'aan ahayn, balse ay tahay cunto la’aan,
wuxuu kaloo intaas raaciyay inay jiraan dekado badan oo Itoobiya ay isticmaali
karto.
Asfaw wuxuu intaa sii raaciyay in yaboohda Erieterya ayna wax lug ah ku lahayn
mawduuca hadda laga hadlayo.
Itoobiya waxay sidanoo kale u diidday inay dekadaha Eritereya isticmaasho
sanadkii 2000, markii ay abaaraha qallafsan ka dheceen dhulka ay soomaalidu
degto ee Ogadenya, halkaasoo ay kumayaal dad ahi macaluul ugu baaba’ayeen.
Itoobiya waxay hadda wax uga soo degaan dekada Jabuuti, taasoo loo soo mariyo
cuntooyinka gargaarka ah ee loogu deeqo dadka ay abaaruhu naafeeyeen ee Itoobiya
ku dhaqan.
Xukuumada Itoobiya oo Cadaadis Caalami ah kaga yimid Fargalinta ay ku hayso
Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Xubnaha Gudiga IGD kaga jira Dawlada Itoobiya ayaa waxaa soo wajahay Cadaadis
Caalami ah oo lagaga soo horjeedo Faragalinta ay ku hayso Shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida uga socda Magaalada Erdoret ee Wadanka Kenya.
Dawlado ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Faransiika Diblamaasiyiintooda ku sugan
Caasimada wadankaasi Kenya ee Nayroobi ayaa Xubnaha Gudiga IGD kaga jira Wadanka
Itoobiya u sheegay in ay ku ekaadaaan Doorkooda nabadeenta Soomaaliya si xal
waara loogu helo Dagaalka ka aloosan wadanka Soomaaliya. Diblomaasiyiintu waxay
kaloo u sheegeen in ay la mid noqdaan Xubnaha kale ee Gudiga kula jira oo ay
joojiyaa is garab taaga kooxo gaar ah.
Hadaladan Diblamaasiyiinta ayaa waxaa ka danbeeyay Cabashooyin ay Xubno badan oo
ka qaybgalayaasha shirka ay gaga Cabanayaan Faragalinta tooska ah ee ay Xubnaha
Itoobiya ka socda ku hayaan habsami usocodka Shirka iyo ayagoo ku eedeeyay in ay
kooxo Gaar ah wadato Xukuumada Itoobiya.
Gudoomiyihii ha,adda OWS(Ogaden Welfare Society) oo ka baxsaday xabsiga Itoobiya
ee Jigjiga.
War lagu kalsoonyahay oo naga soo Gaadhay magaalada Jigjiga ayaa Sheegaya in uu
Xabsiga Magaalada Jigjiga ka baxsaday Maxamuud Cabdi Dacay oo ahaa Gudoomiyihii
hay,adda samafalka ee OWS.
Ninkan ayeey Xukuumada Itoobiya Xidhay 11 Septemer 2002 waxaana guud ahaan la
baabi,iyay hay,addii uu madadaxda ka ahaa. Xukuumada Itoobiya ayaa la wareegtay
Gaadiidkii iyo hantidii hay,addu lahayd, wax danbi ah oo loo Cuskaday baabi,inta
hay,adan ma aysan jirin. Hay,addan ayaa quudin jirtay dad aad u tira badan oo
danyar ah waxay kaloo Hay,adani qodijirtay Ciilasha ay dadwaynuhu ka cabaan
iyadoo dayac tiri jirtay kuwa baaba,ay, Guud ahaan OWS ayaa adeega Bulshada kaga
jirtay kaalin mihiim ah.
Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk