Warka madaxdiisii
·Maamulka Jigjiga oo dagaal dhexdiisa ah ku jira.
·Dad Dhagaxbuur ku xidhnaa oo Xabsiga Jigjiga loo Gudbiyay.
·Tareenka Jabuuti iyo Itoobiya isku xidha oo Xaalad Nabadgalyo loo hakiyay.
·Deeq loogu yaboohay dadka Itoobiya ku tabaalaysan
·Ciidamada Itoobiya oo si xadgudub ah u Qabsaday Balanbale.
Warkii oo faahfaahsan
Maamulka Jigjiga oo dagaal dhexdiisa ah ku jira.
Maamulkii gobolka ee magaalada Jigjiga ku curyaamay ayaa maalinba maalinka ka
denbeeya ka sii xumaanaya ilaa uu hadda gaadhay heer ay wax ka-qabashadiisu aad
u adagtahay, oo baarlamaan ku sheeggii iyo madaxdii maamulku ay si toos ah isaga
horyimaaddeen, waxa ay ku dagaallamayaan aanuu ahayn wax dan u ah shacbiga
Ogadenya, balse ay yihiin baratanka loogu jira u adeegidda iyo daacad u
noqoshada gumaysiga Itoobiya ee wayaanuhu uu horkacayo.
Xaaladda uu hadda ku sugan yahay maamulka magaalada Jigjiga waxaa weeye, iyadoo
uu halkiisii ka sii socdo khilaafkii u dhexeeyay madaxa maamulka maqaar-saarka
ah ee Jigjiga C/rashiid Duullane iyo afhayeenka baaralamaan ku sheegga C/raxmaan
Bade.
Kooxda uu horkacayo C/rashiid Duullane, oo adeegsanaya awood dheeraad ah oo
dhinaca maamulka ah, waxay ku guulaysteen inay baajiyaan kal-fadhigii baarlamaan
ku sheegga ee C/raxmaan Bade uu ku dhawaaqay, hase yeeshee waxay dhinaca kale
meel-mariyeen Shirkii xisbi ku sheega wayaanuhu dhisay oon wax hakad ahi ku
dhicin.
Wararkii ugu denbeeyayna waxay sheegayaan in kal-fadhi aan caadi ahayn oo
toddobaadkii hore la qabtay xilkii afhayeennimada lagaga qaaday C/raxmaan Bade,
oo muddo afar bilood ah xilkaas hayay.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xaladda oo meel aad u xun gaadhay darteed, waxaa
wali jira kacdoon adag oo si wayn uga dhex muuqda nimanka ku dagaallamaya u kala
dhawaanshaha cadawga Itoobiya, warar xog-ogaal ah ayaana sheegaya in dib loo
dhisi doono maalmul cusub oo baddala kan hadda shaqeeya oo wakhti gaaban uun
jiray.
Waxaa socda qorsho ay ku diyaarinayaan doorashadii dagmooyinka oon dhicin muddo
Toban sano ah, hadaba si uu u qabsoomo waxay rabaan inay adeegsadaan awood
millatari oo siyaado ah, walise ma cadda goorta ay ka dhigi doonaan.
16 bishan aynu ku jirno ee november waxaa magaalada Jig-jiga isku laayay
ciidamada Wayaanaha iyo shacbiga magaalada Jig-jiga oy taageerayaan ciidamada
booliska.
Dagaalkani waa mid hadda ka horna dhacay, uuna sabab u yahay shacbiga oo diiddan
siyaasadaha gumeysiga ee lagula dhaqmo iyo maamul xumada la fac-tirsatay.
Dhinaca kale kooxo Maleeshiyo ah oo lagu uruuriyay magaalada Goday ayaa la soo
sheegayaa inay kacdoon cusub sameeyeen, ka dib markii wax xuquuq ama mushahar ah
la siin waayay, waxaana dhawaan magaalada u kicitimay nin ka mid ah masuuliyiin
ku sheegga maamulka magaalada Jigjiga, si uu dhibaatadan u soo xalliyo, wuuse ku
guul daraystay.
Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad aad u farabadan ku xidh xidhay Gobalo iyo
Dagmooyin ka mid ah Ogaadenya.
Wararka ka imanaya magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in dad farabadan oo hadda
ka hor lagu xidh-xidhay magaalada Dhagaxbuur, 22 ka mid ah loo dhaadhiciyay
magaalada Jig-jiga, waxaana dadkaas ka mid ah, dadkaas ayaa waxaa ka mid ahaa
kuwan.
1- Cabdi-kaafi Sh. Ismaaciil.
2- Ahmed Mohamed Guure.
3- Bashir Sh. Cali.
4- Abshir Cabdi Xayyi.
5- Cabdi-salaan Shukri Cabdulaahi.
6- Cabdi Siyaad.
7- Sheekh Mohamed Raabi.
8- Cabdi-rahman Cali Xaashi.
9- Cabdi-xakiim Mahad Mahad.
10- Cabdi-fattaax Gadhle
11- Aamina Shariif Mohamed.
12- Xaliimo Maxamuud.
13/11/02, Ciidamada wayaanuhu waxay si hamoonyo iyo gaajo ka muuqato, u boobeen
tuulada Garoonka, waxayna dadwaynaha halkaas dagan ka Boobeen Lacag Dhan
50/milyan oo Sh. somali ah.
Hantidaas badankeed waxay ka dheceen hooyo wiil yar nuujinaysay oo lagu
magacaabo Cambaro Jikre, taasoo ay xidheen, si ayna uga daba qaylin. Dadka kale
ee halkaas lagu dhacay waxaa ka
mid ah ninka la yidhahdo Indho Garas.
14/11/02, Waxay ciidamada Gumaysigu magaalada Godey ku xidh-xidheen dadka kala
ah:
1- Aaden Habar-waa.
2- Cabdi Aw Maxamuud.
17/11/02, Ciidamada wayaanuhu waxay si xishood laa'an ah u boobeen magaalada
Qamuuda, waxayna shacbigii Magaalada Daganaa ka urursadeen waxay Hanti haysteen,
taas oo dahneed 25/milyan oo sh. Somali ah.
Magaalada Garasley oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa lagu xidhay:
1- Cabdullaahi Shaqlane.
2- Cabdi Faarah Khaliif.
3- Cabdi-raxmaan Aaden.
4- Ismaaciil Kilaas.
5- Shekh Mohamed Xareed.
6- Yuusuf Ahmed Noor.
7- Khaliif Muxumed Cadde.
8- Weli Dahir Mohamed.
9- Noor Weli.
10- Ruqiya, oon magaceeda buuxa la haynin.
1/11/02, magaalada Dhagaxbuur Waxaa lagu xidhxidhay dadkan kala ah:
1- Aw Cabdi Raage Xussein.
2- Maxamuud Xakiim Rooble.
3- Mohamed Baddel.
4- Cumar Yuusuf Ligane.
5- Cabdi Maxamuud Ahmed.
6- Shekh Ahmed Sayid.
7- Ibrahin Mohamed Qaasin.
8- Cabdulaahi Ibraahin.
9- Xaashi Maxamuud Tuure.
10- Mustaffa Yuusuf Madoobe.
11- Cabdi Mohamed Noor.
12- Cismaan Ibrahim Cumar.
13- Shekh Moxamuud Qaasin
14- Caaqel, oon magic buuxa laga haynin.
17/11/02, degmada Awaare waxaa lagu xidhay dad tiradiisu gaadhayso ilaa 50 ruux
oon magacyadooda dib ka soo sheegi doono, hase yeeshee waxaa ka mid ah:
1- Deeq Ahmed Xaamud.
2- Faadumo Xaji Cismaan.
3- Haybe Ismaaciil Guraar.
Tareenka Jabuuti iyo Itoobiya isku xidha oo Xaalad Nabadgalyo loo hakiyay.
Waxaa toddobaadkii hore hakad galay Tareenka isku xidha Jabuuti iyo Itoobiya,
sidaasna waxaa caddeeyay masuul ka tirsan xukumada Itoobiya, oo qiray in
dhibaato xagga nabadgalyada ahi ay qasabtay in la joojiyo socdaalkii Tareenka
isku xidha Itoobiya iyo Jabuuti.
Madaxa waxaada xiriirka shacabka iyo sharciga Itoobiyo iyo Jabuuti Girma Mekonen
wuxuu sheegay in si ku meelgaadh ah ay u hakiyeen shaqadii tareenka ee u kala
gooshi jiray Itoobiya iyo Jabuuti, ka dib markii ay soo gashay cabsi xaga nabad
galyada ah.
Mar arintaas wax laga sii-weydiiyey wuxuu yidhi; Waxaan u hakinay nabad galyada
oo
xumaatay, hase yeeshee wuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta ay
nabedgelyo xumada keentay.
Deeq loogu yaboohay dadka Itoobiya ku tabaala.
Sida ay warbaahinta adduunku shaacisay waxaa dalka Itoobiya ku tabaalaysan dad
aad u badan oo ay abaaro ku dhifteen.
Dawlada Maraykanku waxay ballanqaadday deeq cunto oo ka badan 250,000 metric
tones, wuxuuna Maraykanku noqday dalkii macaawino ugu badan bixiyay.
Hay'adda USAID ayaa Jimcihii la soo dhaafay sheegtay in dawlada Maraykanku ay
bixinayso deeq cunto oo 234,000 metric tones gaadhaysaa, inta u dhaxaysa bilaha
december iyo jannaayo, waxayna deeqdani ka kooban tahay qamadi, masaggo iyo
saliid.
Dhinaca kale Ciidamada Itoobiya ayaa garaacay dad Shacabka Oromada u badan oo
abaaro uga soo cararaya guryahoodii, kuwaasoo soo galaaya magaalada Adis Ababa.
Dadkan oo intooda badan ka soo qaxay magaalooyinka Harar, Diridhabo iyo Chiro
waxay ciidammada Itoobiya si qasab ah gawaadhidii ay saarayeen ugaga daadiyaan
meesha lagu magacaabo Akaki oo 30 km u jirta magaalada Addis Abab, waxaana loo
diiday inay halkaas dhaafaan si ayna ugu badanin Caasimada Taliska Itoobiya
Tuugsiga iyo Boobku.
Ciidamada Itoobiya oo si xadgudub ah u Qabsaday Balanbale.
Wararka ka imanaya goballada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in magaalada
Balanbale ee gobolka Galguduud ay daba-yaaqadii toddobaadkii hore soo galeen
ciidammo itoobiyaan ah oo wata gawaadhida gaashaaman.
Mudadii ay ciidamadaasi haysteen magaalada Balanbale waxay hubka ka dhigeen
dadkii halkaas degganaa, waxayna ka qaateen 16 qori. Ciidamada Itoobiya wax iska
caabin ah haba yaraatee kalama ayna kulmin werarkii ay magaaladaas ku soo
galeen, waxayna wararkani sheegayaan in ciidammada Itoobiya ay magaaladaas si
dhakhso ah uga baxeen, isla markaana ay la tageen qoryihii ay shacabiga ka
qaateen.
Odyaasha deegaankaas ayaa si wayn uga cadhooday fal-xumada ay Ciidamada
Itoobiya kula kaceen dadwaynaha deegaankaas ku dhaqan, waxayna odayaashu
kayaabeen sababta ay Itoobiya denbiyadaas shacabiga reer Balanbale uga galayso,
iyadoo waliba xubin ka ah Urur goboleedka IGAD, isla markaana hormuud ka ah
shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee Erdoret.
Ismariwaa ka taagan furitaanka wajiga Labaad ee Shirka Dib u heshiisiinta
Soomaalida.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Eldoret ayaa sheegaya in weli la isku mari
laayahay sidii uu u furmi lahaa wejiga Labaad ee shirka.
Waxaa kaloo wararku sheegayaan in gudiga fasamada ee IGAD soo jeediyeen in
shirku furmi doono maanta oo talaada ah, isla markaana ayna cidna sugi doonin.
Dhinaca kale, haweenka Soomaaliyeed ee ku sugan goobta shirka ayaa bulshada
caalamka ee goob jooga ka ah shirka u sheegtay in aysan Soomaliya ku noqonaynin
ilaa la dhiso dawlad Soomaliyeed.
Shir ka dhacay Jaamacadda Carleton, ee Magaalada Ottawa, Kanada
Shir loogaga hadlayey arimaha xuquuqul insaanka iyo xadgudubka ay dawladda
Itoobiya ku hayso qoomiyadaha ay gumeysato, sida Oromada iyo Soomalida
Ogaadeniya ayaa ka dhacay maalintii Sabtida ee bisha November 23, 2002 Jaamacada
Carleton oo ku taala caasimada wadanka kanada ee Ottawa.
Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka Ardeyda Oromada ee Jaamacada Carleton
waxaa ka qayb galay wafti uu hogaaminayo wakiilka JWXO ee wadanka kanada oo ka
kicitimay magaalada Toronto, waxaa kaloo iyaguna halkaas si habsi ah u yimid
Jaaliyada Ogaadeniya ee Magaalada Ottawa oo ay horkacayaan madaxda jaaliyada.
Wakiilka JWXO mudane Faarah Osman Gaab oo ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay
ee ku qoraa jadwalka shirka ayaa waxa uu soo bandhigay qoraal uu kaga hadlayey
baahida ka taagan Itoobiya in aysan ahayn mid dabiici ah, balse tahay mid ay ka
danbeyso dawladada Itoobiya. Faarax wuxuu aad ugu nuux-nuuxsadey tusaalooyina ka
bixiyey Sababta wadamada deriska la ah Itoobiya ay abaarta ama gaajadu u
saameyn laadahay; tusaale wuxuu us oo qaatey Soomaliya oo mudo dhan 12 sano
dawlad la'aan ah.
Waxaa isna dhinaca Ogaadeeniya ka hadlay Dr. Cabdi Aden, oo ahaan jiray Wasiir
ku xigeenka wasaarada Caafimaadka ee Dawladda Itoobiya, haatana degen wadanka
kanada. Dr. Cabdi Aden, wuxuu si aad ah uga hadlay aqoonta gaarka ah ee uu u
leeyahay maamulka TPLF. Wuxuu ka soo qayb galayaashii u ifbixiyey sawirka dhabta
ah ee Melez iyo maamulkiisa.
Shirkan oo ahaa mid aad ah loo soo agaasimay waxaa iyaguna ka hadlay aqoonyaniin
u dhashay qoomiyada Oromada oo isagu jira qaar laga soo daayey xabsiyada
Itoobiya iyo kuwo in mudo ah ku noolaa wadamada qurbaha. Waxaa isna halkaas goob
joog ka ahaa, nin u dhashay qoomiyada Oromada oo ka mid ahaan jiray
Baarlamaanka Itoobiya mudo dhawna ka soo baxsadey wadankaasi..
Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk