Warka Madaxdiisii.
- ·Dagaalo ay isku haleeleen Ciidamada Xoreenta ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga
Itoobiya.
- ·Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya oo hub iibsasho u aaday wadanka Shiinaha.
- ·Sadex Urur oo Itoobiyaan ah oo ka dayriyay xaalada Itoobiya ee Maanta.
- ·Ciidamada Itooboya oo qafaashay 32 qof oo Soomaali ah.
- ·Wareegii 2aad ee shirka dib u heshiisiinta oo dib u furmay.
Warkii oo Faah faahsan
Dagaalo ay isku haleeleen Ciidamada Xoreenta ogaadeenya iyo Ciidamada Cadawga
Itoobiya.
Dagaalo ay iskaga hor yimaadeen Ciidamada Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya
iyo Ciidamada Cadawga Itoobiya, ayaa Jab Culus loogu gaystay Ciidamada Cadawga
EPRDF.
Dagaaladan ayaa ka dhacay goobo kala gadisan oo ay iskaga hor yimaadeen
Ciidamada Geesiyiinta Jabhada Wdaniga Xoreenta Ogaadenya iyo Ciidamada Doolka ku
jooga Cooda Ogaadeenya ee Gumasiga Itoobiya.
14/11/02, Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada Geesiyiinta Xoreenta Ogaadenya
Ciidamada Cadwga Itoobiya oo marayay meesha la yiraahdo Xaaxi Dhooq, oo ka
tirsan Degmada Dannood, waxaa Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ay Hogaamiso EPRDF
lagaga dilay 10/ askari, 12 kalan waa lagaga dhaawacay.
17/11/02 Dagaal ay Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya iyo Ciidamada Nacabka Itoobiya
ay iskaga hor yimaadeen mesha lagu magacaabo Hog Dugaag, oo ka tirsan Degmada
War-dheer, waxaa Ciidamada Cadowga laga dilay 7/askari, 9/na waa lagaga
dhaawacay.
19/11/02 dagaal Gaadmo ah oo ay ku qaadeen Ciidamada Wadaniga Xoreenta
OGAADEENYA Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo ku sugnaa Meesha lagu
magacaabo Dareemo, ama Gaadhiga Jaban, oo ka tirsan degmada Dannood, waxaa
Ciidamada Cadawga lagaga dilay 13/askari, waxaana lagaga dhaawacay,
16/askari.
Guud ahaan Dagaaladan ayaa Cadawga aad loogu Nafeeyay.
Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya oo hub iibsasho u aaday wadanka Shiinaha
Wararka naga soo gaadhaya magalaada Bakiin ee cariga shiinaha ayaa sheegaya in
wafti uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee wadanka Itoobiya Abadula Gemeda
uu booqasho ku tagay wadanka Shiinaha. Socdaalka waftigan ayaa lagu tilmaamey
mid ay dawladda Itoobiya doonayso in ay hub kaga soo iibsato wadanka shiinaha.
Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhiga ee wadanka Shiinaha Chi Haotian ayaa sheegay
in ay diyaar u yihiin dalabkaas wadanka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee waxaa is qaban la' in Itoobiya ku dhawaaqdo in abaaro
ba’an ku habsadeen, dhimashana qarka u saaranyhiin in ka badan 15 milyan oo
qof, dhinaca kalana ay malaayiin doolar ku qarash garaynayso Hubaka ay Ciidamadu
Adeegsadaan, kaas oo inta badan lagu dhibaateeyo Shacbiga ku hoosnool Xukuumada
Itoobiya.
Sadex Urur oo Itoobiyaan ah oo ka dayriyay xaalada Itoobiya ee Maanta.
War aan kasoo xiganay Raadiyaha afka Axmaariga ku baxa ee mucaaradka Oromdu
leeyihiin ayaa waxa uu sheegay in sadex urur oo mucaarad ku ah xukuumada EPRDF
ee ay majaraha u hayaan Tigreegu oo kala ah ONC (Oromo National Congress), AADU
(All Amara Democratic Union) iyo EPD (Ethiopian Democratic Party) kulan wadajir
ah oo ay yeesheen 20 kii Navembar 2002 ku soo saareen bayaan ay ku wada
sixiixan yihin hogaamiyayaasha sadexdan xisbi,waxayna ka dayriyeen guud ahaan
xaalada Itoobiya ay maanta ku sugan tahay, ayagoo bayaankaas ku xuseen
arimahan.
·Xaaladda siyaasadeed ee Itoobiya oo murugsan.
·Nabad-galyda oo ay ciidamada EPRDF faraha ka bixiyeen oo daafaha wadanka
gumaad fool xun ka gaysanayaan iyadoo hawl galadan cusub ee ciidamadu uu qayb
kayahay wareegto uu Malase ku amray taliyayaasha ciidamada inay qadaan
istaraatijiyad xasilooni darri iyo argagixinta shacabka ah.
·Waxaa faraha ka baxay oo fiday ayay yidhaahdeen cudurkii dilaaga ahaa
HIV/AIDS ka.
·In tirada dadka Itoobiya oo 60,000,000 ah rubuc kamid ahi ay gaajo la ildaran
yihiin wax ay xaaladoodu ku sugan tahayna cid ogi ayna jirin.
Si kastba ha ahaatee bayaankan ayay ururadani kaga digeeg hadii bulhda Calamku
ayna si toos ah uso fara-galinin xaalada EPRDF ay wado, in wadanku qarka usaaran
yahay dagaalo sokeeyo oo ku salaysan diin iyo isir, waxana adkaan doonta ayay
yidhahdeen sida loo xakameeyo ee loo daba qabto dagaalada sokeeye ee fooda kusoo
haya dalka.
Mida kale bayaankan nuqul kamid aha oo ay u direen guud ahaan EPRDF gaar ahaan
xafiiska Malase Zanawi ayaa waxay ururadaasi kula taliyeen in sida kaliya ee xal
waara lagu gaadhi karaayi ay tahay Malse iyo EPRDF oo xilka iska wareejiya
maadaama oo ay 11 kii sano ee ay u talinayeen dalka aanay jirin wax horumar ah
dibudhac mooyee, gumaadka joogtada ah ee loo gaysanayo shacabkuna yahay waxa sii
murginaya xaalada.
Ciidamada Itooboya oo qafaashay 32 qof oo Soomaali ah.
Wararka naga soo garaaya Deeganada Guri Ceel iyo Balanbale ayaa waxay
sheegayaan in Ciidamada Itooboya qafaasheen 32 qof oo safar ahaa, dadkaas oo ay
kala degeneen baabuur ay saraayeen oo marayeg meel u dhaxaysa Tuulada Gelegir
iyo Matabaan.
Dadkan oo lagu tilmaamay dad gacansato u badan oo badeecooyin watay, ilaa hadad
lama garanayo sababta Ciidamada Itooboa u qafaasheen Iyo meel ay geeyeen midna.
Sidoo kale isla todobaakan waxay Ciidamada Itoobiya Magalaada Balanbal ka
qafaasheen laba nin oo mid yahay Odoyasha agaas. Isla maalintaas waxay dad
weynaha aagaas ciidmada Itoobiya ka soo rideen wiil Geel jira ah oo ay
qafaasheen kadib markii dadka ku dhaqan agaas ay hareeraha ka istaageen Baabuur
ay ku wadeen Wiilkaas Ciidamada Itoobiya.
Wareegii 2aad ee shirka dib u heshiisiinta oo dib u furmay.
Wareegii 2aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaliada ayaa dib ugu furmay
xarunta shirka ee Eldoret. Wajiga labaad ee shirka ayaa ku furmay si
cagajiidnimo ah maadaama ay beelaha qaarkood weli saluugsanyihiin qabaka wax loo
qabsanayo.
Dhinaca kale, maalintii Arbacada ayaa waxaa shirka soo wajahay caqabad kale taas
oo ka timid maamulka hoteelka shirka lagu qabanayo oo joojiyey dhamaan adeegii
uu hayey dadka shirku halkaasi uga socdo. Taas oo ay maamulka hoteelku ku
eedyeen dawladda Kenya oo aan bixin qarashashka ku baxay ergada. Balse ergayga
gaarka ee dawladda Kenya Elijah Mwngale ayaa u sheegya Idaacada BBC in ay hadda
dhameeyeen khilaafkaas.
Furitaanka wajiga Labaad ee shirka waxaa ka soo qaybgalay Ururka Isutaga Yurub,
Mareykanka, Midowga Afrika, Islaamka iyo dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka
IGAD, waxaa kaloo ka qayb gali doona Madaxweynaha dalka Kenya Daniel Arab Moi oo
lagu wado in halkaas ka soo jeediyo dardaarankii ugu dambeeyey ee uu siiyo
hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed si ay u dhistaan Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan
yahay.
Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk