Warka madaxdiisii
-
·Ciidamada cadawga Itoobiya oo wali sii wada Xayiraadii Xuduuda Soomaaliya iyo
Boobkii hantida Dadwaynaha.
-
·Xubin ka tirsan Baar lamaanka Maraykanka oo Baadhitaan Dhinaca Xuuquuqul
Insaanka u tagtay Itoobiya.
-
·Ciidamada Dawlada Itoobiya oo dilay 38 dumar u dhashay qoomiyadda Canfarta.
-
·Xubno laga saaray Golaha Dhexe ee Xisbiga SEPDF ee Qoomiyada Siidaamaha.
-
·Barnaamuj Balaadhan oo loogu magac daray Habeenkii Deeqda Halganka Soomaalida
Ogaadeenya ayaa ka dhacay gobalka Minnnesota USA.
Warkii oo faahfaahsan
Ciidamada cadawga Itoobiya oo wali sii wada Xayiraadii Xuduuda Soomaaliya iyo
Boobkii hantida Dadwaynaha.
Ma aha markii ugu horeeysay ee ay isku dayaan Ciidamada Nacabka Itoobiya in ay
xayiraan Ganacsiga u dhaxeeya Shacabka Ogaadenya iyo Soomaaliya.
Laga bilaabo 10 Oktober waxay Ciidamada Gumaysigu bilaabeen in ay xayiraan
wadooyinka isku xidha Soomaaliya iyo Ogaadenya, Koonfur ila Waqooyi.
Xidhitaanka wadooyinkan ayaa ujeedada ka danbaysa ay tahay in lagu xayiro
Ganacsiga u dhaxeeya Shacabka Ogaadenya iyo midka Soomaaliya, intii uu socday
Ololahan Xuduuda lagu xanibayo waxay Ciidamada Cadawgu Gacanta ku dhigeen 96
Baabuur oo Badeeco u kala waday Labada dhinac. Hawlgalkaas waxay Ciidamada
Cadawgu ku dileen 20 Ruux oo Ganacsatadii Gaadiidkaas wadatay ah 40 kalana way
ku dhaawaceen.
Dhacaas iyo dilkaas loo gaystay Ganacsatada waxay keneen in qaar ka mid ah
Ganacsatada ay iska difacan boobka Ciidamada cadawga Itoobiya.
Iska hor,imaadyadii ugu waayeeynaana waxay ka dhaceen Harta-Sheekh iyo wajaale.
Waxaana Ciidamada Cadawga lagaga dilay Ololaahs bahlanimada ah ee ay kula kaceen
ganacsatada 4 Askari 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
Dhacdadani waxay si aad ah u saamaysay Gobalad Shiniile iyo Jigjiga, waxayna
shacbigii daganaa deeganadaas ku abuurtay dareen siyaado ah iyo necbaansho
Gumaysiga Itoobiya.
Dhinaca kale Sidii caadada u ahayd gumeysiga wuxuu sii xoojiyay falalkiisii
naxariis darada ahaa ee dil, dhac, xadhig iyo boob hantida Shacbiga Ogadeenya
ee aan waxba galabsan:
5/10/02, Degmada Galalshe oo ka tirsan Gobolka Nogbeed, wuxay Ciidamada cadowgu
ku dileen:
Ahmed Shekh Mohamed Cabdille.
29/10/02, Garbo wuxey Ciidamada cadawga Itoobiya ku dileen:
Samiira Cabdi Malow.
31/10/02, waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya Boobeen Xoolo Nool oo badan oo isugu
jira Geel, Lo iyo Adhi.
Toban Qoos oo daganaa degaanka fiiq ayeey Ciidamada Itoobiya ka moora duugeen
waxay Xoolo haysteen waxaana ka mid ahaa Xoolaha ay ka dhaceen 100 Neef oo
Geela, 400 oo Lo ah iyo 1000 Neef oo Adhi ah.
Ilaa iyo hada ma cado Sababta ay Ciidamadasi falkaas. u gaysteen balse dadku
waxay ku sheegayaan fasax loo siiyay Ciidamada Cadawga in ay shacabka ku boobaan
si loo nugleeyo..
Qoysaskaa laga moora duugay waxay hanti haysteen ayaa lagu soo warabayaa in
xaladooda Nololeed ay aad khatar ugu jirto, Gaar ahaan Caruurta iyo Dadka
waayeelka ah ee tabarta daran
Sida oo kale waxay Ciidamada cadawgu ka boobeen hanti ay ku sheegeen Ganaax aan
ilaa hada lagaran ujeedadiisa dadkan.
1-Cali Ismacil Shiil, 4 Riti.
2-Mohamed Cali Sh. Cabdi, 3/Rati
3-Ahmed Yuusuf Cali, 2000/ oo Bir.
4-Cumar Lacag, oo ah nin aad caan ugu ah D/Buur, waxaa laga dhacay, 50/neef
oo Lo ah.
5-Aaden Xarbi waxaa laga dhacay 20/ neef oo Lo,ah
6-Mohamed Ismacil Shil, 5/ Riti.
Ciidamada nacabka Gumaysiga Itoobiya waxay Gobalka Baali ku Xidh xidheen dadkan
shabaka ah ee aan waxba galabsan, kuwaas oo u badnaa ganacsato Muruq maal ah.
1-Macallin aw Maxamuud Xussein.
2-Ibrahim Cabdullahi Muraad.
3-Cabdullaahi Dahir Macallin Mukhtaar.
4-Ahmed Mohamed Cabdi
5-Mohamed Cabdulaahi Cumar-gurey.
6-Sonkor Jeele Weyrax.
7-Yuusuf (oon magic buuxa laga haynin).
Dadkaas waxaa loo qaaday magaala madaxda Gobolka Baali ee Gooba.
28/10/02,waxay Ciidamada cadawgu magaalada Qabri-dahare waxay ku xidh xidheen.
Mohamed Carte Cadhays.
1-Khadra Faysal.iyo
2-Ruqiya Muxumed Dahir.
26/10/02, Degmada Dhanaan oo ay Horay ugu Xidheen Ciidamada cadawga Itoobiya dad
gaadhaya 50 Ruux, isla markaasna ay Bandaw ku soo rogeen ayeey dadkii horay ugu
xidhnaa, ku dareen.
1-Shekh Faarax Sh. Xabiib.
2-Cabdulaahi Ibraahim.
21/10/02, D/Buur, waxaa lagu xidhay:
1-Ardo Alaaki, oo marar horena la xidhay iyada oo lagu tumi in ay taageere u
tahay jwxo iyo
2-Malko Aaden Carab.
Xubin ka tirsan Baar lamaanka Maraykanka oo Baadhitaan Dhinaca Xuuquuqul
Insaanka u tagtay Itoobiya.
Haweeyneeyda la yiraahdo Sintiya Makinay oo ka tirsan guddiga xuquuqal aadanaha
ee barlamaanka dalka mareykanka ayaa todobaadkii hore socdaal ku tagtay dalka
Itoobiya. Socdaalka haweeyneydaas ayaa ku wajehnaa baadhitaan ay ku samaynayso
dhinaca xuquuqal insaanka shacabka Itoobiya.
Sida wararka sheegayaan, Xildhibaan Sintiya ayaa la kulanta Melez Zenaawi iyada
oo ku xoojisay in mareykanka u ka xumaaday xasuuqii ka dhacay magaalada Awaasa
iyo xadgudubyo kale ay dowladdu ku hayso shacbiga rayidka ah, gaar ahaan xasuuqa
lagu hayo shacbiga oromada, soomaalida Ogadenya iyo sidaamaha
Ciidamada Dawlada Itoobiya oo dilay 38 dumar u dhashay qoomiyadda Canfarta.
Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Canfarata ayaa sheegaya in maalintii Talaadada
ee bisha Oktober 31, 20002 ay Ciidamada Dawlada Itooobiya ee Tigreegu horseedka
u yhiin dileen 38 dumar ah oo dhashay qoomiyadda Canfarata.
Dilkaas oo ka dhacay Tuulada SEMU oo u dhaw magaalada SHEWAROBIT oo 280 KM ka
xigta dhinaca Waqooyi magaalada Addis Aaba.
Dumarkan oo ka soo noqdey hawl maalmeed ay u tageen suuq ku yaala Tuulada SEMU
ayaa 32 ka mid ah Ciidamada Wayaanuhu ku toogteen isku meel, 6 kale oo dumakaas
ka mid ah ayaa iyana isla aagaas meel aan ka fogeyn ay ku toogteen Ciidamada
hamuumyeysan ee Taliska Addis Ababa.
Dadka siyaasadda Meles ku xeel dheer ayaa arintan ku tilmaamey mid uu ku doonayo
in uu iskaga hor keeno qoomiyadda Canfarta iyo kuwa Amxaarada oo aaga dilkaasi
ka dhacay xuduud wadaag ka ah.
Warar kale ayaa iyaguna waxa ay tibaaxayaan in dilka Dumarkan aan waxaba
galabsan uu yahay aargoosi ay Ciidamada Wayaanuhu kaga aargoosanayaan dagaaladii
dhawaan ay Jabahadda Xoreynta Canfartu ku soo cusbooneysiisay Ciidamada
Cagajiidka ah ee Melez Zenawi ka amar qaata.
Xubno laga saaray Golaha Dhexe ee Xisbiga SEPDF ee Qoomiyada Siidaamaha.
Dowladda Itoobiya ayaa 29kii bisha Oktoobar ku dhawaaqday in 44 Xubnood oo ka
tirsanaa Golaha Dhexe SEPDF in laga qaaday xubinimadoodii. Tilaabadan ayaa timid
wax yar ka dib markii xubno gaaraya ilaa 41 todobaadyadii la soo dhaafay iyagana
laga saaray Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Guud ahaan waxaa ilaa hada Golaha Dhexe Xisbiga SEPDF oo ah xisbiga ay TPLFdu
u sameeysay qowmiyadda Sidaamaha laga saaray ilaa 85 xubnood.
Wararku waxay intaas ku darayaan in sarakiil tigree ah oo ka socdo wasaarada
federaaliga Itoobiya ay haatan ku sugan yihiin magaalada Awassa, saraakiishan
ayaa lasheegayaa in ay Dib uhabeen balaadhan ku sameeynayaan kilil ku sheega
qowmiyada Sidaamaha..
Dib u habeeyntan ka socoto xisbiga SEPDF ayaa timid ka dib markii lagu tuhmay in
xubno aad u badan oo ka tirsan xisbigaas ay si hoose ula shaqeeyaan Jabhadda
Xoreynta Sidaamaha.
wararku waxay intaasi ku darayaan in xubno ka tiresan Golaha dhexe ee SEPDF oo
aan ilaa iyo hada laxaqiijin karin tiradoda ay ka mid yihiin Jabhadda Xoreynta
Sidaamaha SLF.
Barnaamuj Balaadhan oo loogu magac daray Habeenkii Deeqda Halganka Soomaalida
Ogaadeenya ayaa ka dhacay gobalka Minnnesota USA.
Barnaamij aad loo soo abaabulay oo isugu jira Riwaayad ay dhigeen Qaar ka mida
Hobolada Waaberi, warbixino ay soo jeediyeen Caruur reer Ogaadeenya ah oo ku
nool Minnesota, iyo dad aqoon yahano Maraykan ah ayaa ka dhacay Magaalada
Minneapolis Tiyaatarka wayn ee Sabathani community Center 2dii bishan Noveember
oo ahayd habeenki Sabtida ahayd. Waxaa ka soo qayb galay Barnaamijkan iyo
Riwaayadaba dad gaadhaya 1,500 oo ruux iyadoo dad boqolaal gaadhaya ay
guryahoodu dib ugu noqdeen markii Tiyaaturku uu buux dhaafay.
Caruurta halkaas warbixinaha ka soo jeediyey oo labisnaa Labis gaara oo ay
Halkudhagyo ku qoraayeen Calanka Ogaadeenya ku Sawiraa ayaa dhaqaajiyay
dareenkii dadwaynahii Barnamijkaaa kasoo qaybgalay.
1. Hodan Cabdullaahi oo ah gabadh 14 jir ah ayaa warbixin guud oo Taariikhda
Ogaadeenya iyo dhibaatada Guumaysiga Xabashidu ku ahayso Shacbiga Ogaadeenya ka
soo jeedisay dadwaynaha Hortiisa. Warbixin dheer oo ay Hodan kaga hadashay ku
tumashada Xuquuqda shacbiga Soomaaliyeed ee Ogaadeenya iyo Marxaladda adag ee ay
Ogaadeenya ku sugun tahay ayaa dadki goobta joogay ay aad ugu riyaaqeen
2. Xirsi Axmed iyo Xirsi Maxamed oo ah Laba wiil oo 10 jira ah oo reer
Ogaadeenya ah ayaa iyana si talan taala ah midba mar u qabsanayey hadalka, iyaga
oo ka hadlay dhibaatada uu Guumaysiga Itoobiya ku hayo dadka iyo dhulka
Ogaadeenya, gaar ahaan waxay xuseen dhibaatada ay ku sugantahay Caruurta
Ogaadeenya. Waxay ka hadleen Kharyraadka isugu jira Xoolo, Beero, iyo Batrool ee
Eebbe ku manaystay Dhulka Ogaadeenya iyo sida ay Caruurtii Ogaadeenya ugu
suguntahay, Gaajo, Waxbarasho la'aan, Cudur, iyo Nabadgaliyo la'aan intaba.
Dadki Tiyaatarka fadhiyey ayaa Ilmo ay indhahooda buuxisay waxayna isku dareen
Sacab iyo Istaag kadib hadalki Qiirada lahaa ee ay Wiilashu soo jeediyeen.
3. Sidoo kale Nimco Cabdi Cali iyo Idil Cabdullaahi Ducaalle oo ah laba gabdhood
15 jiro ayaa u kala hadlay Gabdhaha Ogaadeenya iyo Hooyooyinka Ogaadeenya. Waxay
ka hadleen dhibaatada uu ku hayo Guumaysiga Itoobiya Gabdhaha iyo Hooyooyinka
Ogaadeenya. Waxay ka warbixyeen Xaalladda dhabta ah ee ka jirta Ogaadeenya ee
isugu jirta Kufsiga, Dilka, Dhaca, Xadhiga, iyo Argagax galita ay Ciidamada
Itoobiya ku hayaan, taas oo ay Nimco iyo Idil ku sheegeen mid maalin walba uu
Shacbigu ku waabariisto.
Waxaa sidoo kale ka hadlay Qadiyada Ogaadeenya Deeq Dhaqaalena ku deeqay Saddex
nin oo Qareena Maraykan ah.
Ugu dambaynti Waxay ahayd Habeen Taarikhda Halganka Ogaadeenya Baal Dahabi ah ka
Galay oon marnaba la iloobi karin, dadwaynihii Halkaas yimidna uu ku diirsaday.
Radio Xoriyo
Maxamed Cabaas
Minneapolis, Minnesota United States
Hibaaq samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@aol.com radioxoriyo@ogaden.com
Xusuus: Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Dhegeyso
warkan oo Cod ah
KAYDKA WARARKA
RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk