SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Apr 25, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamijka Radio Xoriyo wuxuu caawa ka kooban yahay qodobadan soo socda

  • Ø Dagaalo xoogan oo dhex maray Ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.
  • Ø Duuliye Sare oo ka mid ah Cidamada Cirka ee Itooboya oo iska dhiibey wadanka Maraykanka.
  • Ø Taliyaha Ciidamada Itoobiya oo wada isku shaandheen.
  • Ø Waraysi lala yeeshay madaxwaynaha Eritrea Isaye Afwarki. 
  • Ø Dawlada ku meelgadhka ee Soomaaliya iyo kooxaha ku midiibay G8 oo kuloma leh.
  • Ø Riwaayad waddani ah oo ay soo diyaarisay abwaanada wayn ee Roda Afjanno iyo waxyaabo kale oo muhiim ah

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

xayaysiis

Dagaalo xoogan oo dhex maray Ciidamada Xoreeynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Gumaysiga Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya jiida hore ee Ciidanka Xoreeynta Ogaadeenya ayaa sheegaya dagaalo kulul oo dhex maray, Ciidamada Xaq u dirirka Xoreenta ogaadeenya iyo Ciidamada dulmiga ku dhisan ee gumaysiga Itoobiya.

09.04.2003 dagaal ay iskaga horyimaadeen Ciidamada Xoreeynta Ogaadenya iyo Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacabo Qodka oo ka tirsan Dagmada Dhagax-Madaw, ayaa waxaa Ciidamada dacdareeysan ee Gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 7 Askari, waxaana lagaga dhawacay 13 Askari oo kale.

Sidoo kale Dagaal ay ku qaadeen Ciidamada geesiyiinta Xoreenta Ogadeenya, Qayb ka mid ah Ciidamada Gumasiga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacabo Xero Safar, oo ku taala duleedka Magaalada dhagax-Madaw, ayaa waxaa Ciidamada Doolka ku jooga Ogaadeenya ee gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 8 Askari waxaana lagaga dhaawacay 15 Askari oo kale.

14.04.2003 dagaal gaadomo ah oo ay ku qaadeen dagaalyahamiinta Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya, qaar ka tirsan Ciidamada isu keenka Gumaysiga Itoobiya, oo marayay duleedka Magaalada Dhagax-Buur, ayaa waxay kaga dileen 7 Askari waxayna kaga dhaawaceen 12 Askari oo kale.

Isla wakhtigaas weerar ay Ciidamada Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen, Ciidamada Dulmiga ku Caanbaxay ee ka amar qaata Taliska Nololdiidka ee EPRDF, oo marayay Garaska oo ka tirsan Gobolka dhagax-Buur ayaa waxaa Ciidamada taageera Taliska Adis Ababa lagaga dilay 12 Askari waxaana lagaga dhaawacay 19 Askari oo kale.

Duuliye Sare oo ka mid ah Cidamada Cirka ee Itooboya oo iska dhiibey wadanka Maraykanka.

Duuliye sare oo u dhashey qoomiyada Tigrea oo lagu magacaabo Kabtan Haile Kidanemariam laguna naaneeyso (Dabo) ayaa magangalyo siyaasadeed waydiistay dawladda Maraykanka.Ninkan oo ahaa mid ka caan ah Itooboya ayaa waxuu hastay Bilad-geesida ugu saraysa ee wadanka Itoobiya, waxuuna ka mid ahaa raga ugu caansan Ururka TPLF. Ninkan oo duulinjiray diyaaradaha SU-27 iyo mig 21 ayaa waxuu wadanka Maraykanka u tagay tababar dhawr Bilood ah oo ay u dirtay xukuumada Adis Ababa. Wararku waxay intaasi ku darayaan in Mr Haile u adkaysan waayay siyaasada guracan ee uu kula dhaqmayo Zenaawi Shucuubta ku hoos nool Xukuumada Itoobiya iyo burburka uu ku sameeyay dhaqaalaha wadanka. Si kastaba ha ahaatee waxaa beryahan danbe batey baxsiga saraakiisha iyo Ciidamada Cirka ee Itoobiya, baxsigan ugu danbeeyey waxa uu tirada goosatey mudo ka yar ka dhigayaa 16 Duuliye.

Ø Taliyaha Ciidamada Itoobiya oo wada isku shaandheen.

Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Jeneraal Samora Yunus ayaa wada isku shaandheen uu ku kala badalayo, Saraakiisha qaybaha Ciidamada Itoobiya. Isku shaandheentan ayaa waxay ka danbeeysay shaki laga qabo in ay Saraakiishu sameeyaan inqilaab ay ku Afgabinayaan kaligii taliye Malis Zenaawi.

Dhawr Jeneraal oo ka mid ah Ciidamada ayaa waxaa looga shaki qabaa in ay ka horyimaadaan Xukuumada Zenawi, waxuuna hada Samora ku mashquulsanyahay sidii uu u kala badali lahaa saraakiishaas gadoodsan, ee uu mid walba u gayn lahaa qayb cusub oo uusan aqoon u laheen Askarata iyo saraakiisha hoosaba.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in jeneraalada Tigreega ah laga foogeeyay caasimada intooda badan, si ayna saameeyn ugu yeelan siyaasada uu ku dhaqmayo kaligii taliye Zenawi. Sidoo kale Korneela badan ayaa la sheegayaa in qeybahooda laga wareejiyay oo qeybo kale lagu qoray.

Guud ahaan sarakiisha sar sare gaar ahaan kuwa u dhashay qowmiyada Tigreega, ayaa waayahan dambe kacsan, iyaga oo u arka go'aanka lagu cadeeyay in ay Badme Eritrea leedahay mid xaqiijinaya in ay Eritrea dagaalkii dhex maray Labada dal ku guuleeysatay, isla markaasina uu Zenaawi sabab u yahay jabka ku dhacay Itoobiya guud ahaan iyo khilaafka kala jabiyay xisbiga TPLF gaar ahaan.

Ø Waraysi lala yeeshay madaxwaynaha Eritrea Isaye Afwarki.

Idaacadda Eritereya, qaybta ku hadasha Afka tigreega ayaa dhawaan waraysi la yeelatay madaxwaynaha Eritereya Isyas Afwarki, waxaana ka mid ahaa su,aalihii la waydiiyay in madaxda EPRDF ay isku aragti ka yihiin go,aanka ka soo baxay guddiga cabbirka soohdinta u dhaxaysa dalalka Eritereya iyo Itoobiya.

Isyas Afwarki wuxuu sheegay in madaxda EPRDF ay aragtiyo kala duwan qabaan, arrintaasoo ka turjumaysa dhibaatada siyaasadeed iyo niyad-jabka ba,an ee Itoobiya ka jira. Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah madaxda wayaanaha ah ee EPRDF ay qabaan in dagaalku uu yahay xalka kaliya ee lagaga gudbi karo dhibaatada xuduuda, sababtoo ah waxay wayaanuhu qabaan in haddii la aqbalo go,aanka guddiga soohdinta ee Qaramada Midoobey ay ka dhigan tahay is-biimayn.

Wuxuu kaloo Afwarki carrabka ku dhiftay in madaxda wayaanuhu ay qabaan in Asmara xoog lagu qabsado oo la dhiso dawlad ay Itoobiya xakamaha u hayso, arrintaasoo suuragal ka dhigaysa in maab cusub dib loo jeexo, taasoo ah sida kaliya ee lagaga bixin karo dhibaatada Itoobiya ka jirta.

Waxayna arrintan u cuskanayaan buu yidhi dagaalka uu Maraykanku ku qaaday waddanka Ciraaq, waxayna qabaan in dagaalkaasi uu abuuray jawi suuragelinaya in Itoobiya ay arrimo nabadgelyo awgood u weerari karto dalka Eritereya.

Afwaerki wuxuu kaloo waraysigan ku sheegay in maamulka wayaanaha ee Itoobiya ka taliya uu Sanad walba bixin jiray kharash gaadhaya 6 milyan oo doollar intii uu kiiska xuduudu socday, wuxuuna lacagtaas ku bixin jiray qorshayaal uu ku doonayay inuu ku beddalo mawqifka qareenada iyo garyaaqanada kiiska gacanta ku hayay, hase yeeshee way ku guul darraystay in go,aanka xuduuda doonistiisa lagu saleeyo.

Ø Dawlada ku meelgadhka ee Soomaaliya iyo kooxaha ku midiibay G8 oo kuloma leh.

DKMG ee Soomaaliya iyo kooxaha ku midoobay G8 ayaa yeelanaya kulamo ay rabaan in ay ku soo af jaraan dhibaatada nabad galyo la, aan ee ka taagan Magaalada Muqdisho. Tan iyo Labadii bilood ee la soo dhaafay ayaa waxaa socday dadaal ay masuuliyiinta Labada dhinac ku wadaan sidii laysugu soo dhawaan lahaa, si loo helo xal nabad galyo oo si rasmi ah uga dhasha Magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba Soomaliya. Madaxwaynaha Dawladda ku meel gaadhka ee Soomaliya Dr. C/qaasin Salad Xasan ayaa Dayniile oo ah Xarunta Qanyare Afrax dhawaan kula kulmay masuuliyiin ka tirsan Gaup 8 oo ay ka mid yihiin Caato iyo Qanyare, masuuliyiinta ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo furi lahaa ilaha dhaqaalaha ee Magaalada Muqdisho oo ay ka mid yihiin Garoonka iyo Dekadda. Isku soo dhawaanshaka Dawlada ku meelgadhka iyo kooxaha muqdisho ayay dadbadani u arkaan mid lagu gaadhayo xal nadagalyo oo ka dhasha Magaalada Muqdisho.

25. April 2003

Dhiidhi Nuur


Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2003 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD