SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Feb 18, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

 

 Caawa waxyaabaha aan idiinku hayno Radiyo Xoriyo waxaa ka mid ah qodobadan.

  • Ø Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Daalbadan Gobolada Ogaadeenya Qaara ku laaya qaarna ku Xidh xidhay.
  • Ø Xaflad ciidda lagu maamuusayay oo lagu qabtay dalka Danmark.
  • Ø Laba Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Baxsaday.
  • Ø Maxakamada Itoobiya oo siidaysay Masuuliyiin uu Xidhay Malis Zenawi.
  • Ø Wafti ka socda Baarlamaanka Faransiiska oo Booqday Wadanka Eritrea.
  • Ø Waraysi aanu la yeelanay Gabadh ka mid ah Ciidanka Xoreenta Ogaadeenya
  • Ø Suugaan kala duwan oo aad ka heli doontaan iyo Qodobo kale oo badan.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo Daalbadan Gobolada Ogaadeenya Qaara ku laaya qaarna ku Xidh xidhay.

Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha Gobolada iyo Dagmooyinka Ogaadeenya ayaa sheegaya Dil iyo Xadhig ay u geeysteen Ciidamada Itoobiya ee Xaqdarada iyo Cadaadiska Shacbiga Ogaadeenya ku Caanbaxay Dad badan oo Shacabka Ogaadeenya ka mid ah.

Ciidamada ka amar qaata nadaamka guracan ee taliska Adis Ababa ayaa ula dhaqma Dadwaynaha Ogaadeenya si ka baxsan Bini,aadanimada iyagoo u gaysta shacabka aan waxba galabsan ee ay Xooga ku haystaan Dil, Dhac, Xadhig, Farxumayn iyo Argagaxgalin Joogta ah oo ay ku nugleeynayaan. Dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee falxumada Ciidamada Itoobiya waxay ka dheceen goobahan.

04.02.2003 waxay Ciidamada Itoobiya ee Caadaystay Daadinta Dhiiga Shacbiga Ogaadeenya een waxba galabsan ku Dileen Magaalada Nusdariiqa 6 Ruux oo Shacab ah. Waxayna kala yihiin.



1- Noor Cabdi Cismaan.
2- Cabdi-xakiim Sh. Maxamed Xabiib.
3- Rashiid Ismaaciil Maxamed
4- Maxamed Dahir Madoobe.
5- Cabdi-deed Ahmed-noor.
6- iyo Ninka Lixaad oo aanaa hada magaciisa haynin.

Dadkan ayaan lagaranaynin Sababta ay Ciidamada Itoobiya u dileen, balse waxaa la rumaysan yahay in ay ka mid tahay Gumaadka iyo xasuuqa ay Ciidamada Itoobiya ee ka amar qaata dhiigyacabka Malis Zenawi u gaystan Shacbiga Ogaadeenya.

5/02/03 Isla Magaalada Nus-Dariiqa, waxay Ciidamada u hamuunqaba Daadinta Dhiiga Shacbiga iyo Boobka hantidooda ku Xidh xidheen Dadkan kala ah.


1- Deeq Arsil Cabdulaahi.
2- Ahmed Ibraahin Cabdulaahi.
3- Cabdi-mahad Jamac Ismacil.
4- Zahra Jamac Ismacil.
5- Ahmed Cabdi Gurey.
6- Wacdi aw Ahmed Bashiir.
7- Maxamuud aw Ahmed Bashiir.
8- Maxamuud Dhegacadde Daahir.
9- Mukhtaar Xassan Salaan.
10- Ibraahin-gurey Cabdi Qaadir.


12/02/03 Ciidamada Itoobiya ee caadeestay cabudhinta iyo Cadaadinta Dadwaynaha waxay Dagmada Danood ku xidh xidheen dad Xooladhaqato ah oo ay ka soo qabqabteen Baliga Banbaase oon sidaas uga fogeeyn Dagmada Danood. Dadkan ayaa waxay kala yihiin


1- Caydiid Cabdi Xassan.
2- Mukhtaar Sh. Faarah.
3- Xaji Ahmed Bashiir.
4- Sh. Ahme Deeq.


waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ee aan xishoonin ku xidh xidheen Degmada Dhanaan, Dadwayna aan waxba Galabsan oo ku noolaa Dagmadaasi, waxaana ka mid ah kuwan hoos ku qoran.


1- Cabdulaahi Ceelaabe Muuse.
2- Gambeyse Ceelaabe Muuse.
3- Maxamed Qorane Ceelaabe.
4- Maxamuud Qorane Ceelaabe.

sidoo kale waxay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ku Xidh Xidheen Magaalada Barmiilka oo ka tirsan Gobolka Nogbeed dad aad u badan oo shacab ah Dadkan ayaa waxaa ka mid ahaa Hooyooyin lala xidh xidhay Caruurtoodii kadib markay diideen in ay ka tagaan Ilmahooda, waxaana ka mid ah ku wan.

1- Cabdi Sh. Ahmed
2- Noor Ismacil Kilaas.
3- Ahmed Bashiir Macalin-yolac.
4- Abshir Sh. Mursal Aaden.
5- Xaliimo Cabdulaahi Aaden.
6- Xamdi Saxane Xassan.
7- Rooble Rabaax.
8- Safiya-qalax Noox Muuse.
9- Zaynabo Sh. Ahmed.
10- Zaynabo Macallin Bashiir.
11- Aamina Ahmed Siyaad.
12- Bashiir Carab Guuleed.
13- Maqdashi Diiriye.
14- Sh. Xassan Ismacil Kilaas.
Dumarka ku jira dadkan la xidh xidhay ayaa midiiba waxay wadatay Laba ilaa Sadex Caruur ah oo ay dhashay, ku waas oo ay xabsiga la dhigeen Qawleeysatada Ciidamada Itoobiya.


Magaalada Galadiid oo ka tirsan Gobolka Qoraxay waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidh xidheen dadkan Shabka ah oo an waxba galabsan, waxayna kala yihiin.


1- Shamso Xassan Khaliif.
2- Nimco Xassan Khaliif.
3- Xussein Xassan Khaliif.
4- Ahmed Shukri Gama’diid.
5- Weli Yuusuf Ibraahin.
6- Qorane Yusuf Ibraahin.
7- Maxamed Carab Khuuriye.
8- Maxamed qadiid Cabdulaahi.
9- Ahmed Dhimbil.
10- Muxumed Aaden Kaaciye.
11- Cumar Barkhadle.
12- Bishaaro Muxumed Taraar.
13- Cumar Biixi khaliif.

Guud ahaan dadkaas ay Ciidamada Itoobiya Xabsiyada u taxaabeen ayaan galin wax Danbi ah oo ay ku muteesteen Ciqaabtaas ay Ciidamadu u gaysanayaan. Wadanka Ogaadeenya ayaa waxaan ka jirin wax Maxakamad ah oo u taagan Cadaalada iyo Garsoorka Dadka ku dhaqan Goboladaas, balse waxaa ka jira maxakamad Sharcigeedu yahay Dil oo Tooga, Dhac oo kufso iyo Xidh oo khalkhal gali, taas oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Itoobiya ee ka amar qaata taliska Adis Ababa ee xaqdarada iyo xasuuqa Shucuubta Caadeestay.

Xaflad ciidda lagu maamuusayay oo lagu qabtay dalka Danmark.

Maalintii sabtida ahayd ee Bisha febraayo ay 15 ahayd waxaa badhtamaha magaalada Copenhagen, xaruunta Danmark lagu qabtay xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayay Ciidda Carrafo, isla markaana lagu taageerayay halganka ay dadwaynaha reer Ogadenya ugu jiraa aaya-ka-tashigooda.

Xafladda waxaa soo qabanqaabisay Jaaliyada Ogadenya ee Danmark, waxaana lagu martiqaaday dhammaanba dadwaynaha soomaaliyeed ee Ogadenya ka yimid ee ku dhaqan magaalada Copenhagen iyo nawaaxigeeda.

Waxaana si gaar ah loogu talagalay dumarka iyo carruurta oo had iyo gooraba saldhig u ah jiritaanka dhaqanka iyo adkaynta dareenka wadaninimo oo shidaal u ah halganka uu shacbiga Ogadenya kula jiro gumaysiga Itoobiya.

Xafladdan waxaa ka soo qayb galay dada aad u fara badan, waxaana lagu soo bandhigay barnaamijoy kala duwan oo isugu jira wacyi-gelin, aqoon korodhsi iyo madadaalo. Waxaa khudbado qiimo leh ka soo jeediyay masuuliyiinta Jaaliyada Ogadenya ee Danmark iyo masuuliyiinta Ururka Haweenka Ogadenya.

Waxaa xafladda agaasinkeeda hooggaanka u hayay gabdho xidhan dhar lagu xardhay calaamada Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, kuwaasoo dadkii xafladda ka soo qayb galay u soo bandhigay su,aalo ku saabsan dalka Ogadenya iyo su,aalo guud oo aqoon kordhsi ah.

Waxaa kaloo halkaas laga tiriyay gabayo iyo heeso guubaabo ah oo si fiican u kiciyay dareenkii dadkii xafladdaas ka soo qayb galay, heestii calanka ayaan iyada lafteedu xafladdaas ka maqnayn.

Xafladdan oo la billaabay tobankii subaxnimo waxaa la soo gabagabeeyay cawysin denbe, iyadoo dadkii ka soo qayb galay oo dhan ay si wayn raalli uga noqdeen barnaamijyadii lagu soo bandhigay iyo qaabkii loo soo agaasimay intaba.

Laba Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Cirka Itoobiya oo Baxsaday.

Laba Sargaal oo ah Duliyayaal ka tirsan Ciidamada Cirka ee Itoobiya ayaa la baxsaday Dayuuradahoodii. Labadaas Duuliye oo lagu kala maga caabi jiray Teshome Tenkosa iyo Samuel Hailemariam ayaa Laba Diyaradood oo noocoodu ahaa L 39 ula baxsaday Wadanka Eritrea oo ay waydiistee Magangalyo siyaasadeed. Saraakiishan oo uu Saldhigoodu ahaa magalada Mekele ayaa mid ka mid ah uu madax ka ahaa Saldhiga Ciidamada Cirka ee Magaalada Mekele, Sargaalkaas oo lagu magacaabijiray Teshome Tenkosa ayaa sheegay in uu u adkaysan waayay Maamul xumada Xukuumada Adis Ababa ee uu madaxda ka yahay Malis Zenawi. Ciidamada Itoobiya ee ilaa hada isu dhiibay wadanka Eritrea ayaa waxay gaadhayaan 3000 oo Askari, iyadoo Ciidamo aan tiradaas ka yareena ay isu dhiibeen wadamada kale ee Dariska la ah Itoobiya. Guud ahaan waxaa muuqda Burbur ku soo food yeeshay Ciidamada Itoobiya kadib markay la kulmeen Maamul xumo iyo Dhaqaalo Daro soo wajahday.

Maxakamada Itoobiya oo siidaysay Masuuliyiin uu Xidhay Malis Zenawi.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in 16.02.2003 Xabsiaga laga sii daayay Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Kililka isu taga Qoomiyadaha Koonfureed Abate Kisho iyo Xubin Sare oo ka tirsan Golaha dhexe ee Ururka TPLF oo lagu maga caabo Bitew Belai.

Labadaasi nin ayaa Sanadkii hore lagu xidhay Amar ka soo baxay xafiiska Melis Zenawi iyadoo lagu eedeeyay in ay u hogaansami waayeen amar uu soo saaray Melis Zenawi iyo musuq maasuq. Maxakamada sare ee Adis Ababa ayaa nimankaas sii daysay kadib markay ku wayday wax danbi ah oo ay galeen. Warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxay Xafiiska Ra,isal wasaaraha ayaa sheegaya in uu Go,aankaas ka soo horjeedo Kaligii taliye Malis Zenawi. Go,aankan ayuu ku tilmaamay mid aan u cuntami karin maamulka Xukuumadiisa. Balse waxaa Go,aankooda ku adkaystay Garsoorayaashii oo si cadaalad ah u qaaday Dacwadii nimankaas lagu soo oogay. In kasta oo aan la ogeeyn waxay xaladu ku danbeen doonto, balse waa markii ugu horaysay ee ay Maxakamada Itoobiya diido Amarada ka imanaya Zenaawi ee aan waafaqsaneen Sharciga Dalka u yaala.

Wafti ka socda Baarlamaanka Faransiiska oo Booqday Wadanka Eritrea.

Gudoomiyaha guddiga Arrimaha Dibbeda ee Baarlamaanka Dalka faransiiska xildhibaan Andre Gullet iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa Totobaadkii hore Booqasho ku tagay Magaalo Madaxda Wadanka Eritrea ee Asmara. Waftigan oo ka koobnaa Xildhibaano iyo Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Wadanka Faransiiska ayaa waxay la kulmeen Wasiirka Arimaha Dibada Mudane Ali Sayid Abdalah iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arimaha Dibada ee Eritrea. Gudoomiyaha Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Faransiiska Xildhibaan Andre Gullet ayaa sheegay in ay Dawlada faransiisku sii kordhin doonto Mucaawinada ay u fidiso Dawlada Eritrea. Masuuliyiinta Labada dhinac ayaa waxay kaloo ka wada hadleen xidhiidh Ganacsi oo dhex mara Labada wadan ee Faransiiska iyo Eritrea. Guud ahaan Labada dhinac ayaa isku Afgartay Arimihii ay isku soo qaadeen iyagoo muujiyay niyo samaan iyo kalsooni Saaxibtinimo.

Hibaaaq Samatar
Radio Xoriyo
radioxoriyo@ogaden.com
radioxorio@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD