SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 14, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamujka Caawa Radio Xoriya ka baxaya Waxuu ka kooban yahay

  • ˇ Waraysi aanu la yeelanay Wakiilka Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ee Wadanka Isweden Mudane Abdi-Wali Hussen Gas.
  • ˇ Suugaan gala gadisan iyo warkii oo ka kooban qodobadan hoose.
  • ˇ Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad Shacab ah xidh xidhay.
  • ˇ Shir Qarsoodi ah oo ay Jigjiga ku yeesheen Ciidamada Itoobiya oo Burburay.
  • ˇ Dawlada Itoobiya oo soo iibsatay Dayuuradaha Ciidamada.
  • ˇ Ciidamada Itoobiya oo Dad ka qafaashay Tuulada Ceel Habreed ee Gobalka Galguduud.
  • ˇ Dayuurad sida Hub oo ku soo dagtay Boosaaso.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Ciidamada Cadawga Itoobiya oo dad Shacab ah xidh xidhay.

Wararka ay noo soo tabinayaan wariyayaasha Radio Xoriyo ee Gobolada Dhagax-Buur iyo Qabri-dahare ayaa sheegaya in ay Ciidamada Itoobiya ee ku Caanbaxay Cadaadiska iyo Cabudhinta dadwaynaha Ogaadeenya Xabsiyada u taxaabeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Dadkaas ayaa lasheegayaa in aan lagaraneyn waxay Ciidamada Itoobiya xabsiyada u galiyeen, waxayse dad ku dhadhaw Sarakiisha Ciidamada Itoobiya ee Goboladaas sheegayaan in dadkaas loo xidhay si ay Lacag madax furasho ah oo Ciidamada lasiiyo looga helo. Horaantii Sanadkii inaga dhamaaday ayeey Ciidamada ka hawl gala Ogaadeenya ku soo rogeen dadka Lacag madax furasho ah oo ay ku sheegaaan Ganaax taas oo loo qaybiyo Ciidamada Xaqdarada iyo cadaadiska ku Caanbaxay ee Maamulka Adis Ababa ku soo uruuriyay Ogadenya.

Waxay Ciidamada Bahalka Itoobiya ku xidh xidheen Magaalada Dhagaxbuur dadkan shacabka ah ee kala ah.


1- Ruqiya Mahdi Muxumed.
2- Canab Aw Muxumed.
3- Zahra Ibraahin Cabdi
4- Minco, oon weli magic buuxa laga haynin.
5- Layla, oon weli magic buuxa laga haynin.

Sidoo kale waxay Magaalada Qabridahare ku Xidh Xuidheen dadkan kala ah.

1- Rashiid Aw Yaasiin iyo
2- Xussein Cali Noor.

Dadkan oo aan wax danbi ah laheeyn ayay Ciidamada Itoobiya u xidheen si ay Lacag uga qaataan una argagax galiyaan.

Shir Qarsoodi ah oo ay Jigjiga ku yeesheen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo Burburay.

Waxaa Totobaadkii hore Badhatamihiisii ka dhacay Magaalada Jigjiga Shir qarsoodi ah oo ay lahaayeen Saraakiisha Ciidamada ka hawl gala Ogaadenya.

Shirkan oo ay Saraakiishu kaga wada hadlayeeyn sidii loolo dhaqmi lahaa Shacbiga Xornimo doonka Ogaadenya ee ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya ayaa Burburay, kadib markay qaar ka mid ah Saraakishaas oo u dhashay Qoomiyada Oromada ku gacan saydheen in ayna sii kordhin karin Cadaadiska iyo Xasuuqa lagu hayo Shacbiga Ogaaadeenya. Dhanka kale waxay Qaar kamid ah Saraaakiishaas Cadeeyeen in ay ku dhinteen Dagaaalada ka socda Ogaadenya Sarakiishii ugu badneed ee Itoobiyaan ah, kuwaas oo ay dileen Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya. Kulankan Saraakiisha oo lagu dajinayay Khad Cusub oo lagula dhaqmo Shacbiga Ogaadeenya ee Xornimo doonka ah, ayay guud ahaan isku Af garan waayeen kooxdii shiraysay ee Ciidamada Itoobiya, kadib markay qaar ka mid ah Xaqiiqsadeen in aan doonista Shacabka wax hor istaagi karaa jirin.

Dawlada Itoobiya oo soo iibsatay Dayuuradaha Ciidamada.

Wararka naga soo gaadhaya Wasaarada Gaashaandhiga Itoobiya ayaa sheegaya in Xukuumada Itoobiya Soo iibsatay 12 Diyaaradaha loo yaqaano SU-27, 35 Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaano Helekoptaro, 8 Diyuuradaha loogu talagalay in ay Banbooyinka Culis ridaan ee loo yaqaano Bombers iyo 4 Raadaal oo Nooca Cusub ee hawada lagu ilaaliyo ah oo midkiiba laga bixiyay 10$ Milyan oo Doolar.

Wararkan ayaa sheegaya in Hubkaas ay Itoobiya ka soo iibsatay dalka Ukraine iyada oo la filayo in Hub kalena ay soo iibsan doonto dhowaan.

Sida la wada ogsoonyahay Shacbiga ku hoos nool Xukuumada Itoobiya waxaa ku habsatay Abaaro Ba,an oo ay ku dhamaadeen dad iyo Duunyo farabadan. Dadkaas ayaan wax gargaar ah ka helin Xukuumada Itoobiya, in kasta oo ay Caalamka u sheegtay in ayna haynin dhaqaale ay Raashin ugu soo gado dadkaas tabaalaysan, ayna ka codsadeen dunida deeqda bixisa in ay gargaaar u fidiyaan. .

Waxaa hubaal ah in Caalamku aad uga cadhoonayo naxariis darada ka muuqata Xukuumada uu hor jiigaha u yahay Dhiigyacabka Malis Zenawi oo aan dan ka laheeyn Shacabkiisa ku darxumoonaya hoostiisa.

Dhanka kale Qoomiyadaha ay Gumaysato Xukuumada Itoobiya iyo kuwa ay cadaadisaba waxay aaminsan yihiin in Hubkaas loo soo gatay sidii loogu Cidhib tiri lahaa. Mamulka Adis Ababa ayaa Ogaaadeenya geeya Hub iyo Ciidamo uu ku Amro Dila oo dhaca, meesha Caalamkuna Deeq lagu hormariyo Caafimaadka, waxbarashada iyo Adega Bulshada uu ugu soo dhiibo Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya oo Dad ka qafaashay Tuulada Ceel Habreed ee Gobalka Galguduud.

Wararka Naga soo gaadhaya Deegaanka Galguduud ayaa sheegaya in ay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo duulay deegaaanka Feef Feer ka Qafaasheen Tuulada Ceel Habrood oo ka tirsan Dagmada Matamaan dad Shacab ah oo dhan 13 Ruux.

Dadkaas ayaa lasheegayaa in ay isugu jireen Caruur Haween iyo wayeel. Wax sabab ah oo ay Ciidamadaasi ka bixiyeen weerarkaas ma jiro meel ay dadkaas geeyeena lama garanayo.

Dadka u kuur gala siyaasada Itoobiya ee ku wajahan weerarada is daba jooga ah ee ay ku hayso Shacbiga Soomaaliyeed, ayaa sheegaya in ay Xukuumada Itoobiya marwalba ku tijaabinayso Cududeeda Soomaaliya, si ay u sii jilciso una baabi,iso isla waynidii Soomalida lagu yaqaaanay.

Dayuurad sida Hub oo ku soo dagtay Boosaaso.

wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee waqooyi bari soomaliya ayaa sheegaya in dabayaaqadii Todobaadkii hore ay ka soo dagtay Boosaaso Dayuurad laga leeyahay wadanka Itoobiya oo sida Hub kala duwan oo ay u siday kooxaha Gacansaarka la leh ee ku sugan Boosaaso.

Ma,aha markii ugu horeeysay ee Itoobiyo Jabbiso cunaqabateenta dhanka Hubka ah ay Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ku soo rogtay Soomaaliya. Waxaana Caado u noqotay Taliska Adis Ababa in uu Hubka isugu dhiibo kooxaha isku haya Awood sheegashada Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa Todobaadyadii lasoo dhaafay Banaanbax Balaadhan oo ay kaga soo Horjeedaan Faragalinta ay Itoobiya ku hayso Soomaaliya sameeyay Ururka Haweenka Soomaliyeed ee Muqdisho. Haweenka banaanbaxayay ayaa tilmaamay in ay ka daaleen Dagaaalka Sokeeye ee ka oogan dalkooda,ayna nabad donayaan iygoo Caalamkana ugu Baaqay in laga Qabto Hubka ay Itoobiya ku soo daldalayso dalkooda iyo faragalinta tooska ah ay ku hayso.

Hibaaq Samatar.

Radio Xoriyo

I  I  D  H  E  H

raadioxoriyo@yahoo.com 

radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD