SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 17, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

Barnaamujka Caawa aaaan Idaacada idiinku hayno waxaa ka mid ah.
ˇ Qaybtii Labaaad ee Waraysigii aanu la yeelanay Wakiilka Jabhada Wadaniga Xoreenta Ogaadenya ee wadnka Sweden Mudane C/wali Xuseeb Gaas.

ˇ Suugaan Cusub oo aad ka heli doontaan. 
Iyo warkii oo ka kooban qodobadan hoos ku qoran.

ˇ Dagaalo lagu naafeeyay Ciidamada Cadawga Itoobiya.
ˇ Taliska Adis Ababa oo Qorsheeynaya Afganbi uu ku sameeyo Maamulka Jigjiga.

ˇ Shirkii Soomaalida uga socday Eldarot oo laga dayrinayo.

ˇ Jaamacada Carabta oo ku dhawaaqday wax ka qabashada Soomaaaaliya.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Baˇ        Dagaalo lagu naafeeyay Ciidamada Cadawga Itoobiya.

 Ciidamada wadaniga Xoreenta ogaadeenya ayaa weeraro sidaba joog ah ku qaaday fadhiisimo ka mid ah kuwa ay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku lahaayeen goobo ka mid ah Ogaadeenya.

Weeraradan ayaa la sheegayaa in jug culus loogu gaystay ciidamada Xaqdarada iyo dulmiga ku caanbaxay ee Gumaysiga Itoobiya. dagaaladan ayaa ka dhacay goobahan. 

Dagaal ay Ciidamada Wadaniga Xoreenta Ogaadeenya ku qaadeen dhamaadkii Bishii hore ee Dec. Ciidamada Cadawga Itoobiya oo  ku sugnaa Dhagax madoow ayay kaga dileen 8 Askari waxayna kaga dhaawaceen 14 kale.

 06.01.03 Dagaal gaadmo ah oo ay ku qaadeen Ciidamada Xoreenta Ogaadenya Ciidamada Doolka ku jooga Ogaadenya ee Gumaysiga Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Duudka Gabiga oo ka tirsan Goday ayay kaga dileen 4 Askari waxayna kaga dhaawaceen 7 kale. 

07.01.03 Dagaal ay si wada jira ugu qaadeen Ciidanka Jabhada wadaniga Xoreenta Ogadeenya iyo Ciidanka Jabhada Xoreenta Oromiya, Ciidamada Cadawga Itoobiya oo ku sugnaa meesh la yiraahdo Leediley oo ka tirsan Gobalka Dhagax-Buur waxay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya gaga dileen 3 Askari waxayna kaga dhaawaceen 4 Askari oo kale.

Dagaaladan ay ku hayaan isbahaysiga Xoogaga Gobanimadoonka ee ka soo horjeeda Gumaysiga Itoobiya ee ku dhisan Dilka, Dhaca, Kufsiga iyo Argagax galinta Shucuubta, ayaa waxuu kalifay in ay u adkaysan waayaan Ciidabada ku Caanbaxay daadinta Dhiiga Shacabka Masaakiinta ah. Waxayna ka baqdeen dagmooyinkii iyo tuulooyinkii Ogaadeenya ee ay isku balaadhiyeen, iyagoo isku uruursaday Xarumaha ay ku leeyihiin Magaalo madaxyada Gobolada Ogaadeenya.
 

Wararku waxay intaas ku darayaan in goobihii ay Ciidamada Nacabka Gumaysiga Itoobiya ka baqdeen ay Bililiqeeysteen Shacabkii Daganaa.

 ˇ        Taliska Adis Ababa oo Qorsheeynaya Afganbi uu ku sameeyo Maamulka Jigjiga.

 

Warar lagu kalsoonyahay oo ay nooga soo tabiyeen qaar ku dhadhaw Masuuliyiinta EPRDF, ayaa sheegaya in maamulka Adis Ababa uu qorshaynayo sidii uu u Afgabiyi lahaa Maamulka Dabadhifka u ah ee ka taliya Magaalada Jigjiga. Qorshahan Afganbiga ayaa la sheegayaa in ay wataan Saraakiisha Ciidamada oo doonaya in ay ayagu talada wadanka Ogaadeenya la wareegaan, si ay u sii badiyaaan Dilkii, Dhicii, Cadaadiskii iyo Boobkii hantida dadweynaha  Ogaadenya.

Qorshahan ay maleegayso Xukuumada uu horjoogaha u yahay ninka ku caanbaxay xaqdarada ee Malis Zanaawi ayaa u jeedadiisu ay tahay sidii loo baabi,in lahaa Maamulka ay ku magacawdeen kililka ee jijiga kataliya iyo sidii  awooda gacanta loogu galin lahaa Ciidamada ku Caanbaxay ku xadgudubka Xuquuqda aadamaha ee ka taliya Ogaadenya. 

ˇ        Shirkii Soomaalida uga socday Eldarot oo laga dayrinayo. 

Shirkii dib u heshiisanta Soomaaalida uga socday Magalada Eldoret ayaa waxaa ka dayrinaya qaar ka mid ah ka qaybgalayaashii Shirka. Shirkan oo wajigiisii Labaaad uu biloowday Badhtamihii Bishii Oktober ee Sanadkii 2002 ayaan ilaa iyo hada wax natiijo ah kasoo bixin, si loogu gudbo wajiga sadexaad oo la filayay in Dawlad lagu soo dhiso. Qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya oo joogay goobta shirka ayaa dib uga soo laabtay ayagoo muujiyay in uusan natiijo fiican  ka soo bixi doonin shirka.

Qaar ka mid ah hogaamiya kooxeedyada kasoo tagay shirka ayaa ku eedenaya in Dawlada Itoobiya lug wayn ku leedahay hormar la,aanta shirka iyo  fashilintiisa, kadib markay kooxaha gacan saarka la leh u sad burisay halka qaar kalana ay ka gaabsaden waxay dareensan yihiin.

In kasta oo dadbadani sida hogaamiya koooxeedyadaas aaminsan yihiin in uusan midho fiican kasoo bixi doonin Shirkan, hadana Gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD Elije Mwangale oo biloowgii Todobaaadkan Shir jaraa,iid ku qabtay Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Wadanka Kenya, ayaa muujiyay in uu rajo wayn ka qabo midho dhalka Shirka uga socda kooxaha Soomaaliyeed Magaalada Erdoret ee Wadanka Kenya, waxuuna xusay in Bisha Feb. uu si rasmi ah u furmi doono Qaybta Sadexaaad ee Shirka. 

ˇ        Jaamacada Carabta oo ku dhawaaqday wax ka qabashada Soomaaaaliya. 

Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Caamir muuse ayaa Shir Jaraa, iid oo uu ku qabtay Magaalada Khartuub ee wadanka Suudaan ku sheegay in Jaamacada Carabtu u soo jeedsatay wax ka qabashada Dagaalka Sokeeye ee ka socda Soomaaliya iyo Suudan.

Xoghayaha ayaa sheegay in ay dadaal u gali doonaan sidii wax looga qaban lahaa Arimaha Soomaaliya isagoo ugu baaqay kooxaha ku hardamaya Awooda Soomaaliya in ay joojiyaan Dagaaladan aafeeyay Naf iyo maalba  Shacbiga Soomaliya.

Mudane Caaamir ayaa u soo jeediyay in ay Soomaalidu ka faa, iidaystaan Shirka dib u heshiisiinta ee uga socda Wadanka Kenya. Waxuu kaloo Carbka ku dhuftay in ayna cidna siin doonin dhaqaale dib loogu dhiso Soomaaliya inta ay nabadi ka dhalanayso.

Hibaaq Samatar.

Radio Xoriyo

I  I  D  H  E  H

raadioxoriyo@yahoo.com 

radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD