SomaliTalk DALSAN

.Home | FreeWebsite | FreeEmail | TellFriends | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

WARARKA RADIO XORIYO
TAARIIKHDA MAANTA:  | DAABACADA WARKA: Jan 21, 2003 

 DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo 

· Barnaamujka Caawa aanu idiin hayno waxaa ka mid ah

  • · Qudbad dheer oo uu jeediyay Madaxwaynaha Dawlada ku meelgaadhka ee Soomaaaliya Qaybo ka mid ah.
  • · Suugaan kala duwan
  • · Iyo warkii oo ka kooban qodobadan hoose.
  • · Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo gubay Tuulada Araweelo oo ka tirsan Gobolka Doolo.
  • · Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Booqasho ku tagay Wadanka Mareykanka.
  • · Gudoomiyihii Shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda ELDORET oo la Badalay 19.01.2003
  • · Itoobiya oo shirka Eldoret soo hordhigtay dastuur ay Soomaaliya u soo samaysay.

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

Warar ay noo soo tabiyeen wariyayaasha Radio Xoriyo ee ku sugan Gobalada Wardher, Qabridahare iyo Diridhaba, ayaa sheegaya dad badan oo dil dhac iyo Boob ay u gaysteen Ciidamada Cadawga Itoobiya ee ka amar qaata siyaasada Guracan ee taliska Adis Ababa ee ku Caanbaxay Xaqdarada iyo Cadaadiska Shucuubaha.

Ciidamada Xukuumada Itoobiya ee loo tababaray Cadaadiska iyo Ciqaabta dawaynaha Ogaadenya ayaa dab qabadsiiyay 08.01.2003 Tuulada Araweelo oo ka tirsan Gobolka wardheer, Dabkan ayaa lasheegayaa in uu baabi,iyay Hanti badan oo dhan 22 kun oo lacagta Itoobiya ee loo yaqaano Birta ah.

Gubitaanka tuuladan ayeey dadku ku tilmaameen mid xanbaarsan Cadawtinimo ka baxsan Bi, aadanimada oo ay ku kaceen Ciidamada Dulmiga xanbaarsan ee Itoobiya.

Wararku waxay intaasb ku darayaan in dadkii Tuuladaas daganaa ee Hantidoodu ku gubatay ay soo wajahday darxumo iyo Baahi dhaqaale oo cid ka caawisaaa aysan jirin.

Ma aha markii ugu horeeysay ee ay Ciidamada Itoobiya Gubaan Tuulooyin iyo dagmooyin ka mid ah Ogaadeenya iyaga oo ku baabi,inaya Hantida iyo Guryaha Dadwaynaha.

10.01.2003 waxay Ciidamada Itoobiya ee ma xishoodayaashu ku dileen Tuulada Dibiile nin Shacab ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Aw Cabdi Ahmed ninkan ayay Ciidamada Itoobiya ku dileen magaalada iyadoo la xaqiiqsan yahay in uusan wax danbi ah laheeyn.

9/01/03 waxay Ciidamada Cadawga Itoobiya ku xidheen Magaalada Q/Daharre.
1-Xussein Dhicis Siyaad.
2-Cabdi Xussein Dhicis. iyo
3-Cabdulaahi Bedel Maxamed.


13/1/03 Degmada Galadiid oo ka tirsan, Q/Dahare, waxay Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ku Xidhxidheen.


1-Deeq Cabdi Qani.
2-Xassan Cabdi Xayd.
3-Ahmed Xussein Muxumed.
4-Cali-nuur Mohamed.
5-Ahmed Shukri
6-Xadiis Cabdi Daahir.
7-Faadumo Fayte iyo 3/dex Caruur ah oy dhashay.
8-Cabdulaahi Ducaale.
9-Dakharre Digaale.
10-Cumar Biixi.
11-Xussein Mohamed.
12-Maxamed Xareed.
13-Cali Dhogor.
14-Gaani Cabdi Weli.
15-Muxumed Siraas.
16-Weli Maxamed Yuusuf.

Dhinaca kale, Dadkii laga soo badbaadiyay, Doontii Bishii Dicember ee sanadkii 2002 ku degtay
Badda Cadmeed ee u dhashay Ogaadeenya dibna loogu celiyay Itoobiya ayaa Xabsiga loo taxaabay oo ku jira jeelalka Itoobiya ee ku yaala Diri Daba. Dadkan oo intii mudo ah la la,aa kadib markii Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Xuduuda Jabuuti la leedahay Itoobiya loo dhiibay, ayaa lasheegayaa in qaar ka mid ah ay soo arkeen Eheladoodii kadib markii ay Lacag laaluush ah bixiyeen.

Qofkasta oo aad doonayso in aad soo booqato ayaa lagaa qaadayaa 1000 Bir oo Lacagta Itoobiya ah.

Dadka Xabsiyadaas ku jira ee Ilaa iyo hada la arkay waxaa ka mid ah.


1-Tamaan Ahmed Gama’diid.
2-Ardo Maxamed Xaji Farah. iyo
3-Cabdi waaxid.

Xadhiga loo gaysto Shacabga Ogaadeenya ayaa noqday mid ay Ciidamad Itoobiya Lacag kaga uruursadaan Maxaaabiista Eheladooda.

Madaxweynaha Jamuuriyada Jabuuti Mudane Ismaciil Cumar Geelle ayaa Booqasho ku tagay Wadanka Mareykanka

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa 18.01.03 u ambabaxay Dalka Mareykanka, kaddib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxweynaha Mareykanka George Bush. Inta uu joogo Mudane Geelle Mareykanka wuxuu kulan la yeelan doonaa Madaxweynaha dalkaasi Maraykanka waxayna isla soo qaadi doonaan arimo ku saabsan Argagixisada Caalamiga ah ee laga yaabo in ay ku soo dhuuntaan Wadamada Geeska Afrika sidii looga hortagi lahaa.

Waxaa kalooy isla soo qaadi doonaan sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha Wadanka Jabuuti ee kaalmo wax ku ool ah loo siin lahaa iyo arimo ku saabsan Ciidamada Maraykanka ee ku sugan wadanka Jabuuti.

Madaxweyne Ismaciil Cumar ayaa la filayaa in uu ku dadaalo in uu mareykanka ka dhadhiciyo in ay doorkooda ka qaataan sida nabad looga dhalan lahayd dalka Soomaliya oo ay jabuuti walaalo yihiin.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka baaqday kulan horey uu ugu yeeray Madaxweynaha wadanka Maraykanka Madaxwaynayaasha Wadamada Geeska Afrika qaar ka mid ah. Mudane Geele ayaa kulankaas uga baaqday Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo u soo gashay awgeed.

Dalka Jabuuti waxaa ku sugan 1200-oo Askari oo Mareykan ah, kuwaas oo u jooga in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa ka jira Geeska Afrika.

Madaxweyne Ismaciil Cumar ayaa la filayaa in uu ku dadaalo in uu mareykanka ka dhadhiciyo in ay doorkooda ka qaataan sida nabad looga dhalin lahaa dalka Soomaliya oo uu aa feeyay Dagaalka Sokeeye.

Gudoomiyihii SHirka Dib u heshiisiinta Soomaalida uga socda ELDORET oo la Badalay 19.01.2003.



Wararka naga soo Gaadhaya Magaalda Eldoret ee uu ka socdo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa sheegaya in Labadalay Gudoomiyihii Hore ee gudiga IGD Mr. Elijah Mwangale oo dawladii hore ee Kenya u soo magacawday Hagida Shirka kooxaha Soomaalida uga socda Eldoret.

Badalida Mwangale ayaa waxay ka danbeeysay Cabashooyin iyo eedaymo ku saabsan musuqmaamuq oo ay kooxaha Shirku uga socdo Eldoret u gudbiyeen Dawlada Kenya. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay Wasaarada Arimaha dibada ee Wadanka Kenya u soo dirtay madasha Shirka Wafti ka kooban Sadex Xubnood oo soo baadha Cabashooyinka ka imanaya ka qaybgalayaasha Shirka iyo waxa kalifay Habacsanaanta ka muuqata Shirka.

Xog uruurintaas kadib ayay Dawlada Cusub ee Kenya u magacawday nin Cusub oo lagu maga caabo Mr.Kablijat.

Ninkan oo ah siyaasi Ruugcadaa ah ayaa lafilayaa in uu dardar cusub galiyo sidii uu shiku u midho dhali lahaa.

Ka qeyb galayaasha shirka ayaa si aad ah u soo dhaweeyay ergeygan cusub waxayna ugu baaqeen inuu wax ka bedelo qaabka shirku ku socdo oo haatan aad u jaha wareeresan.

Itoobiya oo shirka Eldoret soo hordhigtay dastuur ay Soomaaliya u soo samaysay.

Radio Xoryio ayaa muddo haatan dhawr bilood laga joogo ka warbixiyay qorshe qarsoodi ah oo dawlada Itoobiya ay ugu talagashay inay lagu saleeyo maxsuulka shirka dib u-heshiisiinta ee soomaalida uga socda magaalada Eldoret ee dalka Kenya.

Qorshahaas qarsoodiga ahaa waxay hadda Itoobiya soo bandhigtay qaybihiisii ugu horreeyay, oo ka dhigan dastuur dastuur ay ugu talagashay inay ku socoto dawlada Soomaaliya lo samayn doono.

Sida uu Radio Xoriyo hada ka hor sheegay waxaa dastuurkaas diyaarintiisa in mudo ahba laga waday magaalada Sodere, waxaana ka mid ah qodobada ugu waawayn ee dastuurkaasi uu dhigayo:

1- In Soomaliya ay aqoonsato inay xad rasmi ah la leedahay dalka Itoobiya.

2- In Soomaliya lagu maamulo qaab maamul goboleed ah, isla markaana ay maamul goboleedyada xaqloo siiyo inay xidhiidh la yeeshaan dowladaha shisheeyaha ah.

3- In maamul goboleed walba u xaq u leeyahay waxay ay ku tilmameen "aya ka tashi buuxa", kaas oo qorshaha ka denbeeya uu yahay in qaranka Soomaliyeed la kala googooyo.

4- In jagada madaweynanimadu ay noqoto mid kaltan ah oo dadwaynuhu aanay si rasmi ah u dooranin madaxweynaha.

Arrintaasoo Itoobiya u fududaynaysa inay marba maamul goboleedka xaqa u leh madaxweynanimada ay culays saarto, si ay uu u soo bandhigo qof ay Itoobiya raalli ka tahay ama ay wadato, taasoo ka dhigan in Soomaliya ayna weligeed ka hirgelin hannaanka demoqraadiyadu.

Dastuur ku sheeggan ayaa hadda loo gudbiyay guddiga qaabilsan arrimaha sharciga iyo dastuurka ee shirka dib u-heshiisiinta soomaalida ee magaalada Eldoret ka socda, waxaana lagu soo warramayaa in Itoobiya ay xubnaha guddiga culays weyn saartay, si ay u oggoladaan dastuurkan ay soo bandhigtay.

Hibaaq Samatar.

Radio Xoriyo

I  I  D  H  E  H

raadioxoriyo@yahoo.com 

radioxoriyo@ogaden.com 

Xusuus:  Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay  15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada  Bari
Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  


AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Usheeg Asxaabtaada | Talo Bixin


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | BilicdaSom | Kids-Safety


HTML CD